General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo saaka si weyn looga ciidey

     

    Salaaddii ciidda ayaa saaka laga oogey dhammaan Soomaaliya iyo dhulka ay Soomaalidu degto ee geeska Afrika, iyadoo meelaha munasabadaha waaweyni ay ka dhaceen ay kamid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

     

    Dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa salaaddii Ciidda saaka ku tukadey garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso, iyadoo tagbiirta laga maqlayey masjidyada waaweyn.

     

    Dadweyne aad u fara badan lebisanna dhar qurux badan kuna faraxsan munaasabadda Ciidal Adxa, ayaa camiray waddooyinka waaweyn iyo baararka laga qaxweeyo ee magaalada Boosaaso kuwaas oo isku salaamayey 'Ciid Wanaagsan'.

     

    Qaar kamid ah mas'uuliyiinta Dawladda Puntland iyo culumaa'udiinka ayaa salaaddii Ciidda saaka kala qayb qalay dadweynaha magaalada Boosaaso iyadoo ay khudbado wax ku ool ah ay dadka u jeediyeen.

     

    Maxamuud Faarax Bile

     

    farahbile@hotmail.com


  2. Dowladda KMG ah oo xabsiga dhigtay Afhayeenkii siyaasadda Golaha B/******.

    Muqdisho, Axad, 16 December - 2007 [Radio Simba]

     

    Afhayeenka siyaasadda ee Golaha midnimada Beelaha ******, C/llahi Dheere ayaa maanta ay xireen ciidamada dowladda Federaalka KMG ah, xilli uu wali xiran yahay Axmed Diiriye Cali.

     

    Gudoomiyaha golaha B/******, Max'ed Xasan Xaad, aya Idaacadda Simba u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ay ka qabteen mas'uulkani agagaarka Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho.

     

    Xaad ayaa intaa kusii daray in dowladda KMG ah ay ku raad joogtay xubnaha ku jira golaha uu gudoomiyaha ka yahay, isla markaana ay maanta gacanta ku dhigeen afhayeenkoodii.

     

    Lama oga sababta iyo halka ay ula dhaqaaqeen xubintani ka tirsan golaha B/****** oo ciidamada dowladda KMG ah ay maanta gacanta ku dhigeen.

     

    Hore ayaa dowladda KMG ah waxay xabsiga ugu taxaawday Axmed Diiriye Cali, oo ah afhayeenkii golaha dhaqanka midnimada Beelaha ******.


  3. 5_.jpg

    Safiirka Maraykanka ee Kenya Ranneberger oo Ka Hadlay Arimaha Dalka Somalia.

    Last Updated::2007-12-16 18:29:09

     

    Nairobi (HRNet):- Danjiraha Dowladda Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa sheegay in Kooxaha dagaalladda ka wada magaaladda Muqdishu ahayn kuwo ka soo horjeeda Ciiddamadda Ethiopianka balse ay yihiin

    kuwo ka soo horjeeda inay Somalia ka hanaqaado Dowlad shaqeyn karta oo soo celisa Nabadii iyo Kala Dambayntii Dalka Somalia.

     

    Danjire Micheal Renniberger ayaa sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo ay wadaan kooxda Al-Shabaab iyo Kooxo kale oo Xag jir Ah, Ambassador Michael Ranneberger, waxa uu sheegay inay Dowladda Federalka tahay Dowlad ay Caalamka aqoonsan yihiin, isla markaana ay tahay Dowlad ay ka qeyb geli karaan dhamaan dadka Soomaalida, si Nabadda iyo Ammaanka loo soo celiyo.

     

    “Marnaba, lama oran karo in sababta ay dadkaasi u dagaalamayaan inay sabab u tahay Ciiddamadda Ethiopianka, Taasi marnaba ma noqon karto cuddur-daar. Dadka dagaalamayo, ama kuwa aan doonaynin inay arkaan Dowlad ka shaqeysa Somalia waa iska caddaan. Ciiddamadda Ethiopianka waa sii joogi doonaan halkaasi, ilaa ay Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka ‘AMISOM” kala wareegayaan Ammaanka, Ciiddamadda Ethiopianka waxay doonayaan inay baxaan, laakiin ma bixi karaan ilaa laga soo dhamaystiro Ciiddamadda AMISOM” ayuu yiri Danjire Ranneberger.

     

    Dhinaca kale, Danjire Ambassador Michael Ranneberger, waxaa wax laga weydiiyey inay Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaarihiisa, Dr. Nuur Cadde isku khilaafi karaan qaabka loola xaajoonayo Kooxaha Mucaaradka, waxa uu sheegay inay Labadaa Mas’uul isku mowqif ka taagan yihiin in lala xaajoodo Kooxaha Mucaardka.

     

    Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya oo la had layey warbaahinta ayaa sheegay isagoo ku sugan Nairobi “Fursaddii ugu dambeysay ayey dadka Soomaaliyeed haystaan, waana inay ka faa’ideystaan, isla markaana la shaqeeyaan Ra’isul-wasaaraha cusub ee Somalia, si ay doorasho xor ah u dhacdo sannadka 2009-ka” ayuu yiri Danjire Michael Ranneberger.

     

     

    Ahmed Muuse

    Horseednet Nairobi Kenya


  4. Muqdisho: Afhayeenkii labaad ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** oo gacanta lagu dhigay

     

    16. December 2007

     

    Muqdisho(AllPuntland)- Afhayeenka dhinaca Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Dheere ayaa maanta ciidamo ka socda Nabadsugida ay ka kaxeysteen Hotel Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho kaasoo loo dhaadhiciyay xabsi.

     

    Xariga Cabdullaahi Dheere oo sheegta inuu yahay afhayeenka siyaasadda ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada ayaa waxaa xarigiisa Warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Golahaasi Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay maanta si xoog u kaxeysteen Afhayeenkii labaad ee Golahaasi.

     

    “Markii aan maqalnay xariga Afhayeenka waxaan diray teleefankiisa, waxaana iga qabtay sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida oo ii sheegay in ninkii telefaanka lahaa uu xiran yahay” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo isaga naftiisa uu ku jiro dhuumaaleysi iyo guri habeen seexasho sida uu sheegay.

     

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in lagu raad joogo xubnaha Golaha Midnimada iyo Dhaqanka beelaha ****** kuwaasoo maamulku uu ku tilmaamay in ay yihiin qeyb ka mid ah garabyada dagaalada ka wada Muqdisho iyadoo Maxamed Dheerana uu sheegay in aysan jirin cid ay madalaan. Waana Afhayeenkii labaad ee Golahaasi oo xabsiga loo taxaabo, iyadoo horay loo xeray Axmed Diiriye oo aan la ogeyn halka lagu haayo.

     

    Cali Muxiyaddiin Cali

    AllPuntland, Muqdisho


  5. ^^^Adeer you talk way too much, old Siyad must have seen something in him to give his daughter to the man. His in laws seem to have forgotten how he even took food to them while they were housed in no man's land starving and being eaten by insects.

     

    He is a bigger man than Hiiraale in rank and in stature. For even when Siyad ws running things he was a top man while Huuraale was a guard in Bali doogle.


  6. Burundi, Ghana iyo Nigeria oo Soomaaliya Ciidamo u soo diraya dhawaan

    Sabti, December 15, 2007(HOL): Ciidamo ka socda Dowladda Burundi oo gaaraya hal battalion ayaa la filayaa in ay dhawaan soo gaaraan Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo uu ciidamadaas u soo dhamaaday diyaarowgii ay ku jireen.

     

    Mr. Nicolas Bwakira oo ah Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Dalka Soomalaiya oo booqasho gaaban ku tegay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay qeybtooda ugu horeyso dhawaan imaaneyso Magaalada Muqdisho.

     

    Ergayga oo kadib booqashadiisa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in cutubkii ugu horeeyay ee Burundi ka socda ay si dhaqsi ah ku imaanayaan Muqdisho, isagoo weliba caddeeyay in uu Soomaaliya booqasho ku tegi doono Wasiirka Gaashaandhigga Burundi, kaasi oo eegi doona xaaladda Magaalada Muqdisho.

     

    Mr. Nicolas Bwakira oo bedelay ergaygii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foam ayaa sheegay in socdaalka uu Muqdisho ku tegay uu a xiriiro sidii uu wax uga ogaan lahaa xaaladda Muqdisho iyo howlaha ay ka wadaan Ciidamada Midowga Afrrika, wuxuuna caddeeyay in uu aad ula dhacsan yahay sida ay u socdaan howlaha ay Ciidamada Midowga Afrika Muqdisho ka wadaan, kuwaasi oo uu sheegay in aysan kaliya gudan howshii waajibkooda ahaa, balse ay qeyb ka qaateen gurmadka Bani’aadannimo ee loo fidinayo Dadka Muqdisho.

     

    Ugu dambeyntiina, Ergaygan ka socday Midowga Afrika oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay sidoo kalena Dalka Soomaaliya imaanayaan Ciidamo ka socda Dalalka Ghana iyo Nigeria, kuwaasi oo uu sheegay in ay iyana qaban qaabo ku jiraan, bilaha soo socdana ay Soomaaliya gaari doonaan.

     

    Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

    sxiis@hiiraan.com

    Mogadishu, Somalia


  7. R/wasaare Nuur Cadde oo maanta lagu wado inuu xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyo safaradii uu ku soo maray dalal dowr ah

     

    Muqdisho Sabti , December 15 2007 SMC

     

    Waxaa maanta lagu wadaa in Ra’iisul weasaare Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] uu Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyo safardii uu dhawaan ku tagay dalal dhowr ah.

     

    Nuur Cadde oo isagu tagay dalalka Kenya, Itoobiya, Bortaqiiska iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa inuu u soo bandhigo Baarlamaanka waxyaabihii uu kala soo kulmay dalalkaas iyo shirkii weynaa ee ay yeesheen Midowga Yurub iyo dalalka Afrika.

     

    R/wasaaraha ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo shalay gelinkii dambe, wuxuuna islamarkiiba kulan gaar ah uu la yeeshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur [sh. Aadan Madoobe].

     

    Dhinaca kale kulanka lagu wado inuu R/wasaaraha la yeesho manta Baarlamaanka ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaarado xooggan lagala hor yimid xukuumada cusub ee uu dhawaan soo magacaaay, islamarkaasna ay xubno ka tirsan xukumadiisa cusub iska casishay xilalka uu u magacaabay.

     

    Nuur Cadde ayaan la ogeyn inay xukuumadiisu kalsooni ka heleso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo in kale, inkastoo aarlamaanka tiro ka mid ah ay mucaaradsan yihiin qaabka uu R/wasaaraha uu wax u soo dhisay.


  8. ^^^Loool. Who was talking about Somaliland?

    You secessionist have gone mad. Gen Morgan met with the King of Kuwait, why should that bring fear int your hearts? and what forced three secessionist in a row to start making snide comments?

     

    As for your comments, tell me a single embessay that your fake country has?

     

    The TFG, has an embessay in Egypt, Kenya, Yemen, Ethiopia, China, the EU, and many other countries. The UK, US and many others will follow.

     

    Ethiopia, Kenya, Yemen have working Embassies in Mogadishu and our Presidnet has receieved their diplomats.

     

    Secessionists, have no country, no embessay no passport other than Somalia, the TFG and its passport. :D


  9. Wafdi sare oo u hogaaminaayay General

    Morgan oo Boqosho ku tagy Dalka KUWAIT

     

    kuweyd.jpg

     

    Amiirka Dowlada Kuwait:Sh.Sabaax Axmed Al-Jaabir Al-Sabaax, wuxuu ku qaabilay xafiiskiisa ku yaala (Qasri Bayaan) ,wafdi uu hogaaminayo lataliyaha madaxweynaha arimaha amniga Mudane Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo uu weheliyo Mudane Axmed Cumar Azhari, Madaxa waaxda Arimaha Carabta.

     

    Waxayna u gudbiyeen Amiirka Kuwait dhanbaal qoraal ah oo ay ka sideen walaalkiis Madaxweynaha Jamhuuriyda Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed, kana hadleysay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.Amiirkuna uu si farxad iyo qalbi furnaan leh u gudoomay dhanbaalka una dhageystay warbixinada la xiriirtay xaaladaha Soomaliya kajira xag Siyaasadeed iyo xag nabadgalyo iyo xag dhaqaalaba.

     

    Kulankaas oo ay goob jog ka ahaayeen dhanka dowladda Kuwait masuuliyiin sar sare oo uu kamid yahay wasiirka Diiwaanka Amiiriga Sh. Naasir Al-Sabaax ,dhanka Soomaalidana uu goobjoog ka ahaa Danjiraha Somalia u fadhiya Kuwait Mudane C/qaadir Amiin Sheikh Abuubakar. Wafdiga waxaa uu kulan aqalka safiirka ku la qaatay aqoonyahanno ka tirsan jaaliyadda Somalia ee Kuwait.

     

    Sida la ogyahay wafdiga uu hogaaminayo Jeneraal Morgan waxay yimaadeen dalka Kuwait maalintii jimcaha ee ku beegneed 7da bisha 12naad iyadoo ay garoonka kusoo dhaweeyeen saraakiil ka socota Wasaaradda Arimaha Dibada iyo Diiwaan Amiiriga dalka Kuwait , iyo Safiirka iyo dhamaan diblomaasiyiinta Safaardda Soomaalida ee Kuwait.

     

    Maalintii sabtida 8dii bisha 12naad , waxaa xaflad qado sharaf ah u sameeyay wafdiga Safiirka Soomaalida Kuwait u fadhiya Mudane C/qaadir Amiin Sh.Abuubakar , xafladaas waxaa lagu dhigay guriga Safiirka, waxaana ka soo qeybgaleen wafdiga ka sokow xubnaha safaarada, xubno ka tirsan odayaasha iyo wax garadka jaaliyada.

     

    Halkaas oo madaxa wafdigu warbixin kasiiyay jaaliyadda iyo safaaradaba xaaladaha ka jirta dalka Soomaaliya iyo dadaalada ay dawladdu ugu jirto dajinta nabadgalyada dib udhiska dalka i. w.m.

     

    Sidoo kale wafdiga waxaa Casho sharafeed gurigiisa ugu sameeyay mdane Cabdulqaadir Sufi Maxamed (muriidigolf) oo ah lataliyaha Arr. Siyaasadda ( political Counselor ) ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait .

     

    Maalintii isniinta oo ku beegneed 10kii bisha 12naad waxay wafdiga kormeer ku yimaadeen xarunta safaarada soomaaliyeed ee Kuwait, halkaasoo ay kula kulmeen dhamaan shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta ka howlgala safaarada.

     

    Wuxuuna ku amaanay sida hagar la aanta ah ee ay ugu soo adeegayeen jaaliyadooda soomaaliyeed mudo 17 sano ah,iyadoo aanay ka danbeynin dowlad iyo maamul ku daba taagan tabar iyo taakuleen.Wuxuuna ku booriyay inay sii wadaan dadaalkaas iyadoo mudo dhaw lagaari doono isku filnaasho lagaga baxo dhibaatooyin badan oo hada ka jira Safaaradaha guud ahaan.


  10. Ciidamada nabad Ilaalinta Brundi oo diyaar u ah in ay Soomaaliya yimaadaan,Ruwanda oo ay ciidamadeedu kusoo xigi doonaan.

     

    Dowladda Brundi ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu si weyn ugu diyaargaroobeen howlo nabad ilaalineed in ay u yimaadaan dalka Soomaaliya,laakin waxa keliya ee haatan ay sugayaan ay tahay lacagtii ay kusoo dhaqaaqi lahaayen oo dowlada Ingiriisku ay horay u balan qaaday.

     

    “Dowladda Brundi waxaa ay diyaarisay laba guuto oo ciidamo ah oo aad ugu tababaran nabad dhalinta,laakin wax yaabo lagama maar maan ah ayaa hada u dhiman oo ay sugayaan ,waxaana rajeyneynaa in bishan gudeheeda ay gaaraan magaalada Muqdisho”ayuu yri afhayeenka wasaarada gaashaan dhiga dalka Brundi oo ah khabiir xaga howlaha nabad ilaalinta oo lagu magacabo Lieutenan t -Colonel Adolphe Manirakiza,

     

    Waxaa sidoo kale uu sarkaalkani sheegay in ciidamo ka socda dalka Rwanda oo tiradooduna dhan tahay 1,800 oo askari ay diyaar yihiin oo ayna u soodhaqaaqi dooaan dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan,waxa haatan la sugayana ay tahay lacagtii mushaaradka ciidamadan looga dhigi lahaa sadexda bilood ee ugusoo horeysa.

     

    Lieutenant-Colonel Manirakiza,waxaa uu ka dhawaajiyay in diyaargarowga ciidamada labada guuto ah oo ay Soomaaliya usoo dirayaan mar hore lasoo dhameystiray oo ayna qaateen tababar ay bixiyeen saraakiil mareykan iyo Faransiis ah.

     

    “Dowladda faransiiska ayaa masuul ka noqon doonta soo daad gureynta ciidamada Brundi ee la geynayo dalka Soomaaliya”ayuu yiri afhayeenku.

     

    Ciidamada Brudni iyo kuwa Rwanda oo ay soo xigi doonaan kuwo ka socda dalka Nigeria ayaa qeyb ka noqonaya howlgalka nabad Ilaalinta Afrikaanka ee dalka Soomaaliya loogunaa magac daray AMISOM.

     

    Xafiiska warqabadka shabakada wararka camrooyin.com ee Muqdisho.

     

    Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com


  11. Ciidamo howlgalo ka wada Muqdisho

     

    15 Dec 15, 2007 - 12:32:15 AM

     

    Muqdisho oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ay ka dhacayeen dagaalo faraha looga gubtay kuwaas oou dhaxeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa u muuqata saakey mid sidii hore ka xasilon.

     

    Goobaha ay ka dhaceen iska horimadyada sida Ex-Kontorol Balcad, Carafaat, Heliwaa, Qabuuraha Barakat ayaa saakay ahaa meelo degan oo ay soo buux dhafiyeen ciidamo Soomaali ah oo tababar dhowaan u soo dhamaadey iyo ciidamada Ethiopia oo wata dabaabadka dagaalka kuwaasoo baaritaano ka sameynaya xaafadaha Gubta, Dayniile, Dugsi Shanaad iyo Oodweyne halkaasoo ay sheegeen in ay aheyd goobo ay gacanta ku hayeen kooxaha ka horjeeda dowladda.

     

    Dhinaca kale waxaa saakay iska horimaad yar uu ka dhacay Isgoyska Howl-wadaag oo ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska oo doonayey in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha balse lagala hor tegay qaraxyo iyo iska caabin loo adeegsaday bastoolado, iyadoo iska hor imaadkaasina uu ku dhintay hal qof iyo dhaawaca mid kale oo rayid ah, iyada oo xaaladdu caadi ku soo noqotay mudo yar kadib.

     

    Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska oo lagu magacabo Cabdullaahi Ibraahim Cumar "Shac Shac" ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka guuleysteen waxa uu ku tilmaamay kooxaha Al-Shabaab iyo kuwa nabad diidka ah, isagoo xusay in lagala wareegay gaadiidka dagaalka iyo hub uu sheegay in ay wateen kooxahaasi.

     

    Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxaha diidan dowladda iyo faragelinta Ethiopia kuwaasoo iyagu go'aansaday sida muuqata iney wadaan kacdoonka ka dhanka ah ciidamada isbaheystay ee Soomaalida iyo Ethiopia.

     

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan maanta wafti ka socda IGAD kuwaas oo booqasho ku tagey gobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Uganda.

     

    Garowe Online,Muqdisho