General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Muqdisho: Xisbi ay ku mideysan yihiin kooxaha mowqifkooda fog yahay oo lagu dhawaaqay 4. Februar 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Kooxaha mucaaradka ee mowqifkooda fog yahay ayaa ku dhawaaqay Xisbi ay ku mideysan yihiin, kaasoo noqon doona mid kulmiya isla markaana leh Hoggaamiye, Kuxigeen iyo Afhayeen, waxaana Xisbigan loogu magac daray Xisbul Islaam. Xisbigan oo ay ku mideysan yihiin Ururada kala ah Raaskambooni oo uu Guddoomiye ka ahaa Sheekh Xasan Turki, Midowga Maxkamaddaha garabka uu hoggaamiye Cumar Iimaan Abuubakar, Jabhaddul Islaamiyah iyo Dugsiga Caanoole, waxaana Guddoomiye looga dhigay Xisbigan Cumar Iimaan Abuubakar, halka ku xigeenkiisa uu yahay Sheekh Xasan Turki. Ururkan ayaa waxaa Afhayeen u ah Sheekh Xasan Mahdi wuxuuna ka hadlay ujeedada loo aasaasay Xisbigan, wuxuuna sheegay in ay ugu horeyso ujeedada koowaad sidii ay dalka ugu saari lahaayeen wax uu ku sheegay Caddowga Islaamka, isla markaana ay Ururadan isu tegay ay ka mideysan yihiin dhinac walba. “Shirkan lagaga dhawaaqay xisbigan Maxkamadaha waxaa u joogay Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, Dugsiga Raas-Kambooni waxaa u joogay Shiikh Xasan Turki, Jabhul Islaamiyah-na waxaa madalayey C/qaadir Kumaandoos, Dugsiga Caanole-na Maxamed Mire”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xisbigan ujeedada loo aas aasay ay qeyb ka tahay sidii Dowladda cusub ee Sheekh Shariif Madaxda ka yahay u mucaaradi lahaa isla markaana dagaalo iyo weeraro kaga hortegi doonaan Dowladda cusub ee sal dhigan doonta Muqdisho. Nasru-diin Xaaji Cali AllPuntland.
  2. Allah ha u naxariisto. why would you invite someone to a meeting and then kill them?
  3. Indeed, we have to see what he achieves, talk is cheap. Thus far he has made all the right moves, a competent cabinet, new faces and revamping the armed forces. But we shall see insha Allah.
  4. ^^^You know adeer, man up and stop acting like you are something you are not.
  5. ^^^Xiin your point is well taken, we know each other that’s all, Che adeer my advice is stop the pretences.
  6. lool. The mole story has been a round for a while. Birth certificate with at least four elders testifying to his claims, all elders must also provide sufficient documentation. Xiin adeer I know enough, you are not from the Speaker of Puntland’s group, you are indeed from the other sub group of ours that lives in the city and environs. And to be specific one would have to go back to a name similar to Abraham for us to meet. Don’t take Duke lightly lads.
  7. ^^^Che, should be able to handle himself my friend. He needs to drop the constant fake lies and snide attacks on Puntland and its people. Then Mohamed Abdi Yusuf [who also suffers from the same problem] will be relegated. Anyhow why should he be ashamed of what he is?
  8. Nuune, Puntland’s size, and strength can not be overlooked; President Sharif is the one who needs the state and not the other way round. Thus he need to put something on the table that will not only wet the appetite of the state and its leaders but ensure we give support. Also if the Parliament is to be housed in the state as rumor has the UNDP and “international” community must guarantee their financial well being.
  9. ^^^President Sharif needs to make his point clear and present a good offer to the leader of Puntland.
  10. ^^^Adeer stop the pretences we know you aint from the regions you claim. Just come out of the bore hole and stop prancing around. Then we can all take you seriously.
  11. Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Airporka, Dekkada & Maxjarka Bosaso (sawiro) Wednesday, February 4th, 2009 at 12:39 pm Horseed Media Bosaso, Puntland Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Bosaaso ayaa maanta booqday Xarumaha waaweyn ee magaalada ku yaal. Madaxweynaha ayaa kormeerkiisii ugu horeeyey ku tagay Airporka Bander Qasim International Airport asagoo soo booqday Terminalka iyo Runwayga hada dhismaha ku socdo. Madaxweyne Faroole iyo xubnihii kormeerkiisa ku wehliyey ayaa kadib u gudbay Dekkada Weyn ee Bosaaso, halkaasi oo uu soo indho indheeyey hawlaha ganacsiga iyo shaqada halkaa ka socota. Madaxweynaha ayaa ku hakaday Xarumaha Wasaaradaha Maaliyada, Dekkadaha iyo Kaluumeysiga ee ku yaal dekkada.
  12. ^^^Che is just a hater who does not know where he is from. Maybe he should ask Mohamed Abdi Yusuf their area before claiming other peoples towns..Just friendly advice.
  13. Security tight in Hargeisa as UDUB holds rival conferences 3 Feb 3, 2009 - 3:43:14 PM HARGEISA, Somalia Feb 3 (Garowe Online) - The ruling party in Somalia's breakaway republic of Somaliland split into two camps Tuesday, holding rival conferences to nominate the UDUB party's official presidential candidate, Radio Garowe reports. The larger UDUB convention was held at Hotel Mansoor and attended by upwards of 1,000 people, including government officials, civic leaders and Diaspora supporters. Somaliland President Dahir Riyale Somaliland President Dahir Riyale gave a long speech at the opening day, describing the region's past and future ambitions and sending a clear warning to "people who endanger the security and survival of Somaliland." Independent sources reported that security forces banned journalists and certain politicians from entering Hotel Mansoor, including a government official who recently resigned and announced his candidacy for the UDUB party nomination. Adan Rush, who resigned Feb 1 as state minister for public works, is a long-time UDUB loyalist but was targeted by security forces because his candidacy is a challenge to President Riyale, the sources added. A rival conference led by UDUB presidential candidates opened up at Hotel Deeq Alla, described as a relatively unknown locale for political conferences. Somaliland authorities had reportedly pressured the owners of major hotels in Hargeisa against renting to UDUB dissidents, led by ex-Somaliland health minister Abdullahi Darawal. The second conference was welcome to reporters, but tensions grew after Somaliland security forces began patrolling nearby streets. Mr. Darawal, and other dissident leaders like Mohamed Jowhari, gave fiery speeches and did not seem to be bothered by the soldiers and armed trucks around the hotel. "We do no have guns, but we have democracy. We oppose the party [uDUB] that belonged to everyone being controlled by a few people," Darawal said. Another UDUB presidential candidate, Mr. Jowhari, said the conference is open as promised and announced a seven-member committee that would steer the conference agenda in the coming days. President Riyale, who is up for re-election on March 29, has been increasingly challenged from within the ruling UDUB party in recent months. Some party loyalists want UDUB to present a new candidate for president, while Riyale and his supporters want the Somaliland leader to return and compete against opposition party candidates Ahmed Silanyo and Faisal Ali Warabe. Somaliland, located in northwestern Somalia, declared independence 18 years ago and has established its own government, currency and flag. The separatist republic is not recognized internationally but has been relatively stable over the past decade. The upcoming election is a major test for Somaliland's democratic progress, which was tarnished last year when President Riyale unconstitutionally extended his term by another year.
  14. Somaliland.org) - Laba Shir oo xisbiga UDUB ayaa maanta lagu kala qabtay Hoteelada Maansoor iyo Deeq ALLA ee magaalada Hargaysa, kadib markii xisbiga UDUB ku kala qaybsamay qaabka loo qabanayo shirka. Hoteelka Maansoor waxa maanta lagu qabtay shirwaynaha xisbiga UDUB oo ay soo qabanqaabiyeen guddi uu magacaabay Madaxwayne Daahir Riyaale, ahna guddoomiyaha xisbiga UDUB, oo uu hogaaminayo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, halka hoteelka kale oo la yidhaahdo Deeq ALLA-na lagu qabtay shir ay ku baaqeen xubnihii hore u sheegay in ay u sharaxan yihiin jagada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB dhexdiisa. UDUB-ta dowliga ah: Shirwaynaha xisbiga UDUB ee ay soo qabanqaabiyeen guddida uu magacaabay Madaxwayne Riyeele ee lagu qabtay Hoteel Maansoor, ayaa waxa ka qayb galay dad ka badan kun qof oo laga soo xulay dhamaan gobolada dalka iyo jaaliyadaha dibadda. Waxaana shirkaas laga hor joogsaday in ay ka qayb galaan musharaxiinta caddeeyay in ay kula tartamayaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga UDUB gudihiisa. Sidoo kale waxa laga reebay ergooyinka ka qayb galaya shirka ilaa toban xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UDUB oo badidooda laga soo doortay gobolka Togdheer, saxaafadda madaxa banana ayaa inteeda badan iyana laga horjoogsaday. Amaanka ayaa aad loo adkeeyay madasha shirka lagu qabanayay iyada oo la xidhay dhamaan jidadka soo gala Hoteelka. Waxa kale oo ciidamada amaanku xidheen jidka dheer ee hor mara xarunta Madaxtooyada Somaliland ee badhtamaha magaalada Hargaysa iyo jidka hor mara Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Xubnaha ergooyinka shirka ayaa gebi ahaan waxay ahaayeen dad si gaara loo soo xulay oo u badan shaqaalaha dawladda iyo dad ay kaadhadhka ka qayb galka shirka u geeyeen Wasiiradda Xukuumadda Riyaale, oo sida la sheegay la dhaariyay. Wasiirudawlihii hore ee Wasaaradda hawlaha guud Aadan Maxamed Diiriye (Ruush) oo dhawaan iska casilay xilkii, kuna dhawaaqay in uu u sharaxanyahay jagada musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UDUB oo isagu haystay kaadhka ayaa banaanka looga soo saaray shirka. Aadan Ruush oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in laga hor joogsaday in uu galo hoolka shirku ka dhacayo, isla markaana lagu war-geliyay inaan madasha loo ogolayn musharax aan ahayn Madaxwayne Riyaale. Shirka maanta ayaa waxa ka qayb galay oo hadalo ka jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo ah guddoomiyaha xisbiga UDUB iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin. Madasha oo ku bilaabantay kuna dhamaatay durbaan, sacab, mushxarad iyo muusig, ayaa Madaxwayne Riyaale waxa uu ka akhriyay khudbad dheer oo 35 bog ah, taasoo isugu jirtay hanjabaad, faan iyo digniin uu u jeediyay wax uu ugu yeedhay dad khalkhal gelinaya amaanka iyo jiritaanka Somaliland. Waxaanu shirkaasi ku dhamaaday maanta dhagaysiga khudbada Riyaale iyo waraaqo loo qaybiyay ergooyinka oo lagu sheegay barnaamijka xisbiga, waxaana lagu wadaa in uu berri soo gabagaboobo shirkaasi oo la filayo in uu doorto hogaanka xisbiga iyo xubnaha golaha dhexe. Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha shirkaasi waxay sheegeen in aan loo ogolayn wax hadal iyo dood ah balse sacab, mushxarad iyo taageero qudha ay u joogaan halkaasi. UDUB-ta Dimuqraadiga ah: Dhinaca kale musharaxiintii hore u sheegay in ay u sharaxan yihiin jagooyinka Madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka xisbiga UDUB dhexdiisa iyo masuuliyiin farabadan oo ka tirsan xildhibaanada golaha Wakiillada ee xisbiga UDUB, golaha dhexe iyo guddida fulinta ee xisbiga UDUB ayaa maanta iyaguna shirk u qabtay Hoteelka Deeq ALLA ee magaalada Hargaysa. Shirkan labaad ee xisbiga UDUB oo ay hogaaminayeen xubnaha musharaxiinta ah oo ay ka qayb galeen ergooyin tiro badan ayaa waxa hadal ka jeediyay Cabdillaahi Xuseen Iimaan Darawal iyo Axmed Maxamed Jawhari, waxaanay sheegeen in shirku u furanyahay, waxaana lagu doortay 7 xubnood oo ah shirguddoonka hagaya shirka, iyada oo barrina halkaasi laga sii amba qaadi doono, laguna dooran doono musharaxiinta xisbiga UDUB uga qayb galaysa tartanka doorashada Madaxtooyada oo loo qoondeeyay in ay qabsoonto 29-ka March ee sannadkan 2009. Dildilaaca ballaadhan iyo kala qaybsanaanta ku timid xisbiga UDUB ayaa ku soo beegmay wakhti ay doorashadii madaxtooyada ka hadhay in ka yar konton maalmood oo kaliya. Labada qaybood ee xisbiga UDUB ee maanta labada shir ku kala qabsaday magaalada Hargaysa ayaa la filayaa in ay qoloba dhankeeda ku soo doorato musharaxa madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UDUB uga qayb gali doonta tartanka doorashada madaxtooyada dalka. Su’aasha lays waydiinayo ayaa ah labada shirwayne ee xisbiga UDUB midka sharci noqon doona iyo saamaynta ay arrintaasi mustaqbalka ku yeelan doonto xisbiga UDUB. Labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID ayaa qabsaday shirwaynayaashoodii, soona xulay musharaxiintoodii oo ku diyaara miidaanka ciyaarta. Axmed Maxamed Sulaymaan (Ilka-case), Somaliland.org, Hargeysa.
  15. Riyaale is making big threats against candidates who want to run against him. He has already set himself up for another landslide win with his recent SSC "registration" stunt. All those areas will "magically" vote for Riyaale and the "family" gang including Siilaanyo are pissing on their pants (another 5 more years of Riyaale). They are planning to stop him even it means an open warfare. God help the people. This is not a good news. The old NSS goon is not going to disappear without a nasty fight. Latest developments: - Riyaale bars UDUB presidential candidates from participating in the UDUB party convention. - The Candidates got pissed and started to look for a hotel to do their own convention - Riyaale sends personal threats to Hotel owners not to let Jowhari and others rent any hotel in Hargeisa for their own convention - Candidates abandon their hotel plan and do their convention in the street inviting all citizens and journalists
  16. Madaxweynaha PL oo gaaray Bosaso 3 Feb 3, 2009 - 5:12:42 PM Waxaa maanta [Feb. 3] si diiran looga soo dhaweeyay Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo ay ka mid yihiin Madaxweyne xigeenka Gen. C/samad Cali Shire, Wasiirka A/Gudaha Gen. C/llahi Axmad Jamac iyo Dr. Farax Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Puntland. Madaxweyne Farole ayaa inta uusan tagin Magaalada Bosaaso ka tegay waaberigii saakay Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar oo maalintii shalay galinkeedii horay gaaray waxuuna intii uu joogay Magaalada Qardho kulama la qaatay waxgaradka Gobolka, Maamulka Gobalka kan degmada iyo Saraakiisha amaanka waxuuna kala arrinsaday sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka Gobalada Puntland. Madaxweynaha ayaa sii maray degmada Carmo ee Gobolka Bari. Dr. C/raxmaan Farole ayaa markii uu gaaray Magaalada Bosaaso durbaba kulama la qaatay Waxgaradka Gobalka Saraakiisha amaanka qaybaha kala duwan ee bulshada waxuuna uga warbixiyay waxa uu la xariiro socdaalka uu ku soo gaaray Magaalada Bosaaso oo ah rugta ganacsiga ugu wayn ee Maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland. "Aniga iyo kuxigaynkayga C/samad Cali Shire waxaanu bedalnay labadii naga horaysay waxaana doonaynay, waxa ay ahaayen isbedal lugu sameeyo Gobolka uma aan bedalin in aan gudan wayeno wixii noola doortay" sidaa waxaa yiri Dr. Farole oo ah xili uu ka hadlay kulan maanta uu la qaatay Waxgaradka Gobolka Bari ayna goob joogna ka ahaayeen Maamulka Gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in uu sii wadi doono kulamada uu la qaadanayo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso waxaana sidoo kale la filayaa in uu u kuur galo ilaha dhaqaalaha madaama Magaalada Bosaaso ay tahay rugta ganacsiga Puntland, ahna meesha ugu badan ee dhaqaaluhu ka soo xeroodo si uu dib u habayn ugu sameeyo kala daadsanaanta ka jirta dhanka maaliyadda iyo maamulka dhaqaalaha. Safarkaan Madaxweynaha waa safarkii ugu horayay ee uu ku tago Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari tan iyo xiligii loo soo doortay xilka Madaxtinimada Puntland, waxaana soo dhaweyay soo garida Magalada Bosaaso Shacabka ku dhaqan iyadoo saakay aroortii hore heegan u galeen Shacabku sidii ay u soo dhawayn lahayen wefdiga Madaxwaynaha waxaana wadooyinka waa wayn gaar ahaan wadada laamiga ah lugu arkayay boqolaal dad ah oo wata caleema qoyan iyo borar ay ku qornaayeen soo dhawoow Mudane Madaxweyne, waxaa sidoo kale kaalin ka qaatay Ururka Haweenka Gobolka Bari oo eraya sugaaneed ku soo dhawaynayeen.
  17. Again Che, has to try and dig it in. Galkacyu adeer is a major city now [relative to Somali cities], and it has peace between its two main communities. On the Puntland side its groiwng fast and is the second largest after Bossaso. Its so safe we have Universities being built and fast growth, it can do with a bit of organizing and the new Turks are taking care of that.