wacdaraha_aduunka

Nomads
  • Content Count

    681
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by wacdaraha_aduunka


  1. “Waryaa Caanaha cab haddii kale Al Shabaab ayaan kuugu yeerayaa”!!! (Dhacdo la yaab iyo qosol leh)

     

    Mogadishu Friday 24 July 2009 SMC

     

    Waxay aheyd qiso la yaab iyo afkala heys igu noqotay markii nin aan walaalo nahay oo degan magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya, aan ka maqlay erayo la yaab leh kuwaasoo marna iga qosliyay marna iga yaabiyay.

     

    Wiilkan walaalkey ah oo sababo ammaan dartiis aanan dooneyn inaan magaciisa u shaaciyo degana xaafad ka tirsan Nairobi ayaa xilli habeen ah oo aanu gurigiisa wada joognay, u yeertay Xaaskiisa, taasoo u sheegtay inuu diiday wiil yar oo ay dhaleen Caanihii, isla markaana uu bal u indho-gaduudiyo si uu u cabo Caanaha.

     

    Aabihii isma waaline wiilkii yaraa oo da’iidu aheyd 4 sano jir ayuu inta u tegay ku yiri “Waryaa Caanaha cab haddii kale Al Shabaab ayaan kuugu yeerayaa”!!!. :D:D

     

    Wiilkii yaraa ayaa si deg deg ah u qabsaday Koobkii Caanaha lagu siinayay isagoo durba qurquriyay, markii uu labo Cantuugo ku dhiftay kadib ayuu yiri “Aabo ha ii sheegin waan cabayaaye, waan ku baryaa aabo ha ii sheegin waan abayaaye”!!!. :D:D

     

    Arrintan ayaa igu noqotay la yaab iyo qaadan waa, waxaanse su’aal ku celiyay wiilkii aan walaalaha aheyn ee dhalay cunuga yar, isagoo ii sheegay in Al Shabaab halkan (Nairobi) ay caan ka yihiin, isla markaana looga bartay falalka Gacan, goynta, Qoor-goynta, dilka, weerarada, iyo soo bandhigida waxyaalaha la xiriira dagaalada.

     

    Sidoo kale, arrin kale oo caqabad xoogan igu noqotay ayaa aheyd markii caruurtaasi yar yar ee aan adeerka u ahay ay diideen inay I salaamaan aniga iyo koox dhalinyaro ah oo markaasi ka yimid Xamar, iyagoo noo sheegay in Xamar dadka ka yimaada oo dhan ay yihiin Al Shabaab isla markaana ay ka cabsadaan, taasoo caqabad iyo sasabid badan kadib aan ka dhaadhiciyay inaan aheyn Al Shabaab.

     

    Dhacdooyinka ayaa ka mid ah dhacdooyinka la socda isbedelka xilli xumaadka lagu jiro, maadaama dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalalka Dibeddaha amaba ku dhasha dalalka Qurbaha ay ka fakir iyo wacyi duwan yihiin kuwa ku dhaqan Somalia oo iyagu ay ka dhamaatay wax ay la yaabaan marka loo koco dhanka Waxyaalaha Xunxun, oo dadka reer Muqdisho waxaaba la yiraahdaa, uma harsana wax la yaab lagu sheego oo adduunka ka jira, maadaama ay 20 sano ku soo dhex jireen xaaladba xaaladda ka sii xun.

     

    Maxamed Xuseen Ugaas

     

    ugaasyare@gmail.com

     

    Somaliweyn Media Center “SMC”


  2. If they wanted to exercise their version of Sharia then those guys would have been dead just like the many somalis they killed but the truth is Al-Shabaab is broke and the difference between a somali and an ajnabi is that the foreigner's origin country will be prepared to pay a huge sum to get them released.


  3. Mosque's subxanalaah ilaahey haka qabto nimankaan Soomaaliya.

     

    Kooxaha Khawaarijta la baxay Al-Shabaab ayaa burburin ku bilaabay Masaajidada Alle,Magaaladda Marko ee gobolka Shabeeladda Hoose.

     

    Muuqaalka sawirka aad arkeeysaa,waa Masjidka ugu weyn Magaaladda Marko ee Masjidka Aw Cismaanka,wuxuuna ka mid noqday Masaajidadii ugu horeeyay ee baldoosarka ay geliyeen.

     

     

    Somalia Latest News English

    Khawaarijta oo burburinaya Masaajidada Marko+Sawiro

     

     

    Marko 28 June 2009 Waagacusub Media.

     

    Kooxaha Khawaarijta la baxay Al-Shabaab ayaa burburin ku bilaabay Masaajidada Alle,Magaaladda Marko ee gobolka Shabeeladda Hoose.

    Muuqaalka sawirka aad arkeeysaa,waa Masjidka ugu weyn Magaaladda Marko ee Masjidka Aw Cismaanka,wuxuuna ka mid noqday Masaajidadii ugu horeeyay ee baldoosarka ay geliyeen.

     

    Nin wejiga u duuban yahay oo Magaalada la dhexmarayay qalabka Warbaahiya ee gaadiidka lagu xiro ayaa sheegayay in dadweynaha gacan ka geeystaan hoowlgalka lagu burburinaa Masaajida ku sheega Marko,waa sida uu hadalka u adeegsadee.

     

     

    Ninka hadlayay oo la sheegay inuu yahay ninka ugu gabood falka badan Marko,wuxuu dadweynaha ku qancinayay inay dhisi doonaan Masaajido lagu dukado Salaada,kuwaas oo dadkuna ku sheegeen xaruumaha Tagfiirka.

     

     

    Burburinta ay ku kaceen Khawaarijta ee Masaajidada Marko ayaa noqoneysa tilaabadii ugu xumeed ee taariikhda ka dhacda Somalia.

     

     

    Inkastoo ujeedkoodu burburinta ay tahay inay dadka Islaamka ka hor istaagaan cibaadadooda hadana waxaa la yaaba waxa ay shacabka Soomaaliyeed sugayaan,maadama ay Khawaarijta la mareeyso inay dumiyaan Masaajidada faca weyn,baaxada weyn ee lagu cibaadeeysanayay mudo qiyaas ahaan ka badan nus qarni.

     

     

    Marko kuma noola qof madaxa kor u qaadi karaa,waxaa habeen walba gabdhahii ku barbaaray loo qalaa rag ajnabiyiina oo ka mida kooxda Khawaarijta Al-Qaeda waxayna xaajadu maree in qofkii lala soo xiriiro ee magaca Shabaab lagu soo hadal qaado uu telefoonka tuuro.

     

    Masjid%20Aw%20Cismaan1.JPG

     

    Masjid%20Aw%20Cismaan2.JPGMasjid%20Aw%20Cismaan3.JPGMasjid%20Aw%20Cismaan5.JPGMasjid%20Aw%20Cismaanka6.JPG


  4. Wasiirka Ciyaaraha ee Somaliland oo lagu haysto kirada Guriga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa

     

    Hargeysa Wednesday 01 July 2009 SMC

     

    Islaan la yidhaahdo Shamis ayaa maanta ku eedaysay wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md Maxamuud Siciid in ay ku leedahay kirada guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa mudo dhowr bilood ah.

     

    islaantan oo saxaafada ugu warantay xarunta kaamboolka wasaarada ciyaaraha ee somaliland waqtigaasi oo ay sheegtay in ay sugaysay wasiirka ayaa sheegtay in wasiirku balamo badan oo uu u qaaday aanu oofin isla markaana u diiday in uu siiyo lacagteeda.

     

    Shamis waxa ay intaasi ku dartay in wasiirku markasta oo uu balan u qaado aanu k asoo bixin, aakhirkiina ay garatay in wasaarada ugu timaado si ay lacagteeda u weydiisato.

    waxa ay sheegtay Shamis in aanu wasiirku lacag la` ayn balse uu rabo in aanu lacag siinin waxa ay sheegtay in lacagteeda ay ku biiliso caruur,

     

    dad kale ayaa sheegay in islaantaasi lacagta ku leh wasiirka ciyaaruhu uu ereyo xun ku yidhi markii uu soo shaqo tegay oo ay fadhiday xafiiskiisa hortiisa.

     

    waa markii ugu horaysay oo fadeexad tan oo kale ahi ay ka dhacdo hargeysa iyada oo wasiir lagu haysto kiro guri uu ku jiro.

     

    C/raxmaan Dheere

    Somaliweyn Media Center

    Hargeysa

     

    Somaliweyn Media Center “SMC”


  5. M.J brought bck many memories from my childhood in nyc in the 80's. Back then the somali consulate used to have a party for the somali's in the city and as i was a die hard fan of the guy i did a little dance performance lool. Lets say i was the main attraction for 3 years running damn those were the days. R.I.P bruh as your music will stay with us and the coming generations for a long time


  6. Jaanjumow sxb nobody can accuse people as a whole for actions done by one of their kinsmen sxb.. Besides how can you become a foreigner as a somali sxb?