Haatu

Nomad
  • Content Count

    6,963
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    7

Posts posted by Haatu


  1. 4 hours ago, galbeedi said:

    Somaliland waxay heshay koox kale oo waan go'aynaa leh.

    Hore ayaan u sheegay qaarna ma joogaan kuwa joogaanaa way maqan yihiin.

    WE have to call Mr. Gaandhi to clarify few things. 

    Why would he wanted to name Jubbaland Azania? It was just a random name or there were some sinister idea to create his own country.

    Maybe the aim all along was to re-establish the pre-colonial state of Wamo? Who knows...


  2. 19 hours ago, Old_Observer said:

    Generally is good idea to have peace and friendship with everyone possible, but the Somali is not an insider in Ethiopia. No matter the size of the population or location, the Somali is not best positioned to mix it up between Amxara and Oromo.

    Agjar is also acting against Illey and Illey shadow, but in doing so weakening and destroying things that Illey did that were good for the Somali.

    As galbeedi mentioned even the broadcast is now getting diluted with programming that has nothing to do and no benefit to the Somali.

     

    Very good points. Somalis were and will always be outsiders when it comes to Ethiopian centres of power. So we should therefore focus on how we can leave as soon as possible. This is where Abtigiis failed. Geed uusan dhakadiisa gaari karin ayuu isku dayay in uu fuula. Wuu is dulleeyay.


  3. On 7/18/2019 at 8:25 PM, Old_Observer said:

    Both Farmaajo and Abiy are following Afwerki way. Be tough arrest or kill if you have to. No Federalism.

    They forget that Afwerki is dictator, no opposiion, more than 300 prisons..etc

    PM Abiy trying to say if there is violence, I was not there. Very weak.

    Sinically one can say Abiy is trying to co-ordinate with Afwerki to pressure Tigray. This will definitely undo Ethiopia. The Oromo separatists field day. They get what they want and they are ready.

     

    I am afraid Kililka is at its weakest. The President may have education, but is no substitute for leadership and gutsy decisions.

    I think their aim is to declare independence. Everything they've done so far points towards that.


  4. 8 hours ago, Apophis said:

    Horta what does he mean when he says “inta afsomaliga ku hadasho”?

     

    He hates to say 'Soomaali' due to the connotations that word holds. He thinks secession means giving up soomaalinimo. What a lost fool. 


  5. 12 hours ago, Che -Guevara said:

    Your existence? You  mean your clan since you are  Sijiu😋.

    What happened to your Kenya flag avatar😁

    I don't believe in colonial borders ;)

    That avatar was bothering me for a long time. I hope the admin had a nice laugh when he chose that one.

    Galbeedi,

    Those "stories" are verifiable Somali history. The wardey we were talking about are the historical wardey who owned the land before us. They were gaalo oromo ah oo markii dambe dhulka laga kiciyay oo la addoonsaday. Kama hadlayn kuwa hadda walaalaheen ah ee Islaamay, Soomaalina iska noqday. Hadda waa dad fiifiican oo inaga mid ah. Ijaar bayba ii yihiin kuwa wardey ah oo xoolahayga ayay ii raacaan (me personally speaking that is).

    As for who is majority, that was never the topic of our conversation. We all know where O live and where the other clans live. My only argument is, intayda la ii aqoonsan yahay ha la ii daayo oo sheegashada ha la iga daayo. Dad baa maanta Badhaadhe igu haastaa wax kaleeto iskaba daayee. Laakiinse nin kale dhulkiisa ma sheeganin, anaa majoritu ahna ma dhihin.

    As a side note, the O of the area historically did not treat the NFD and Jubbaland as separate areas, to them it was one area known as Waamo. Haraha Waamo in Jubbadda Hoose all thr way till Dhasheeg Waamo on the Jubba river was dry season grazing. Come the rains, the O would move to Wajeer and the Tana river basin. So the land and the people are one and the same which is why the colonial border is so illogical. That might explain why the population was low during the 60s (tbf the whole of Waamo has a low population density due to the fact that it is a relatively newly conquered land). Things are different today due to viligisation. Nin walba dhulkiisa degmad ayuu maanta ka samaystay.

    Another side note, Waamo is really the western banks of the Jubba and beyond, not the Eastern banks facing shabeellaha and koonfur galbeed. That area has a totally different demographic. Don't confuse Waamo with Jubbaland.

    I am done with educating you guys on Waamo history. I see rag badan baa iska daa in ay dhulkayga ii oggolaadaan ee diidanba taariikhdayda. Illeen wixii aan maqli jiray beense moodi jiray baa run ah oo dad badan baa O arki karin.


  6. 59 minutes ago, Tillamook said:

    This thread has turned into the usual Somali nonsense of who came where and when...I believe in the great scheme of things, it’s all irrelevant.

    Ultimately, Jubaland like the rest of Somalia, belongs to Somalis, and no matter how much one tries to claim sole ownership of the place over it vis-à-vis other Somalis, the fact will remain that NO single clan, family or individual will ever dominate Jubaland and for that matter the rest of Somalia.

     

    You're right, Somalia belongs to all Somalis. Can we extend that notion to Puntland as well? Or is it just for Jubbaland?

    PS: Before others get other ideas, let me reiterate that I support and have always supported Soomaaliweyn and a strong centralized Somali state. I don't believe in federalism nor do I believe in any other foreign, imported notions of governance. That said, I refuse to stand by whilst others deny my existence and rights.


  7. 55 minutes ago, Samafal said:

    Kkkkk Bal inoo sheeg tixraaca sheekadaada (reference). In sheekadaada wax ka khaldanyihiin waxaad ku garanaysaa maanta qabiil Warday ladhaho baa wali dagan Jubada hose iyo Dhexe. Marka inaadan warkaagu sheeko xariir iska yahay taas baa cadayn u ah.

    Tankale, qabiilka aad leedahay 90kii buu yimid waa qoloma? Reer Gedo?

    Waxaaga waa un muran indhala'. Soo maan ku dhihin Wardeydii Talyaaniga ku hoos noola ma ogi goor la xoreeyay? Marka haddaad leedahay weli Jubbooyinka niman Wardey la dhahaa ku nool, dee waa uun kuwii la xoreeyay goor ay ahaydba. As for tixraaca sheekada, dad taariikhdooda haaya baanu nahay oo odayaasha gobolka ayaa weyddiin kartaa. Haddaadan taas ku kalsoonayna, buuggan akhri 'Herder Warfare in East Africa: A Social and Spatial History, by Gufu Oba'. Taariikhda waa la wada haayaa, ninna been kama sheegi karo.

    Reer Gedo beelihii xulufada ahaa ee dhulka xoreeyay ayay ka tirsan yihiin. Dadkaan u jeedo way isgaranaayiin, haddaad adiga garanayninna, xogogaal maba tihid ee hawlahan faraha kala bax.

    Ilaahow nimaan wax ogayn ha na cadaabin. Dad wada Samafal oo kale ah oo taariikhda Waamo aan xaraf ka garanaynin baa raba in ay maanta faalloodaan. Weger.


  8. 1 hour ago, Samafal said:

    sxb isdaji cid wax kugu haysata ma leh. Tankale, ma ogtahay oromadi qaarkood inay ku hareen oo heshiis lagalen Somalidii ee markii dambe gaaladee ay dhaheen wax oroma ah kuma harin Jubba Valley "they were completely assimilated". Dadkaas oromada aha inay wali joogan wali qarkoodna Warday sheegto qaarna qabiil kale kudarsamen so ma ogid, qaar gooni utaganyihiin? Marka meeshu waa qabiilo badan lee ku iri. Tankale qabiilo geel lay ah oo kayimid dhinaca Baladwayn oo dagalada ku jirin baa dagan iyagu xataa xaq bay uleeyihiin inay sheegtaan.

    Niyow ninna ma xanaaqsana. Taariikhda dhulkayga uun baan ku barayaayee si deggan cashirka u dhuux. Nimankii Wardeyda ahaa waa la addoonsaday oo beelihii xulufada ahaa baa kala qaybsaday oo Wardey Soomaali baa loo bixiyay. Af Soomaali ayaa la baray, magacyo Soomaaliyeedna waa la siiyay. Addoon walboo wardey Soomaali ahna wuxuu sheegan jiray qabiilka ninka lahaa.

    Hase yeeshee waxaa dhacday in addoomo badan ay falaagoobeen, qaarne ay dileen nimankii lahaa. Markay in mudda ah socotay, beelihii xulufada ahaa way shireen, Afmadow in lagu shiray ayaan jeclahay, sifa looga arrinsado dhibka soo kordhay. Waxaa la isku raacay in addoomaha la wanaajiyo, gabdhaha wardeyda ahna uusan nin Soomali ah guursan iyo arrimo kale oo la doonayay in lagu sasabo.

    Waxaa go'aankaas diiddey duqeyda Reer Gedo oo ku adkaystay in saan uusan xaalka ku socon karin. Waxay yiraahdeen intey Wardeyda addooma yihiin aan nabad la heli doonin. Waxay soo jeediyeen in Wardeyda la xoreeyo, markaasna ay sheegtaan qabiilka xoreeyay. Laakiinse beelaha kale way diideen oo addoonsiga ayay ku adkaysteen. Taas waxay sababtay in Wardeyda Reer Gedo la degganaa ay MX wada noqotay (aqoonyahannada qaarkood waxay qabaan in 70% reer Gedo ay Wardey yihiin dhalasha ahaan, Allahu aclam). Kuwii kalana ama way baxsadeen, ama waxaa la xoreeyay 60kii markay Kenya xornimo heshay (kuwii dhanka Talyaaniga ma ogi markii la xoreeyay). Waxaa xusid mudan in Wardeydii Gedo degganayd uusan hal nin ah ka imaanin oo by that time ay Soomaalida ku wada milmeen, meesha beelihii kale dad badan ay ka soo baxeen. Kuwa badan markii la xoreeyay webiga Ganaane ayay ka tillaabeen oo maanta walaalahood Ormada ayay la degan yihiin aagga Bangal oo Gaarisa u dhow (waad u tegi kartaa oo wareysan kartaa haddaad beentay moodeyso). Marka nimankaas mar horaa dhulka laga qaadayee, maanta taaka ma sheegan karaan.

    Kuwa kale ee wadanka 90meeyadii daaqa ku yimid waa walaalaheen, xuquuqna way leeyihiin, laakiin ma aha in ay dhulka oo dhan sheegtaan, maantana ajnabi Kenya ka imid igu tilmaamaan. Taas waaye midda aan diiddanahay ee ma ila fahantay? 


  9. 12 hours ago, Samafal said:

    Haatu, waxba haku dhex wareerin Waamo iyo qabiiladeeda. Hadii qabiil laga hadlayo Kismayo waxaa. xaq u leh Baajjuni inta kale kooyo bay kutimid. Magaalada Kismayu waan ku koray lakin kuma dhalan. Hadii lilaah loohadlyo reerka Ahmed Madoobe iyo Reerka Gedo dadka uguyar bay ahaayeen. Baadiyaha udhoow niman giirgiir la dhaho oo kabacdi Hblock iyo Dblock kala sheegtay baa ubadnaa. OGsku dhinac Xuduuda ayey ubadnaayeen. Marka meeshaan in lakala sheegto maba ahan. Taariikhda Jubba waa documented soo akhriya Somali oo qabiila kala duwan ah baa Oromo iyo Boni ka kacsaday. Hadana waa in la wada dagaa.

    War niyow doodda intay kaa martay. Meelna kuma dhihin beel fulaan baa magaalada Kismaayo ugu badan. Waxaan uun sheegay in qabaa'illada Waamo la garanaayo, meelaha ay degaanna la garanaayo. Waxa la isku haasto waxaa waaye niman wadanka 90meeyadii soo galay oo dad kale dhulkoodii rabaan. Waana ogahay in nimankii Reer Bariga ahaa ay Kismaayo ku badnaayeen, meesha qolooyinka Axmed Madoobe iyo Farmaajana ay baadiyaha u badnaayeen. Taasna waxaa ugu wacnayd markii wadanka lala wareegay, Wardeyda intay ka tagtay oo idil waa la kala qaybsaday, dhul, xoola, iyo addoomaba. Nimankii Reer Bariga ahaa magaalada Kismaayo ayay iska degeen, meesha kuwii kale ay baadiyaha Waamo kala qaybsadeen. Kismaayo iyo Waamana waxaa leh beelihii xulufada ahaa ee Wardeyda ka kiciyay. Nin kaloo maanta sheegan karo ma jiro.

    But I digress. I don't know why some people ay u xajiimoobaan markay Reer Waamo xaqooda sheegtaan.


  10. 1 hour ago, gooni said:

    Dhulka waa la wada leeyahay lama kala leh walaal

    1988 dii, kismaayo yaa lahaa? Anigu shakhsiyan ma aqaan cid iska lahayd waxaan u aqaanay dhul soomaaliyeed

    Reer waamo, reer mudug, reer gabiley, dhul makala laha somali waa somaali.

    Xaq ma'ahan inaad kenya iyo Ethiopia ka ogalaato inaad noqoto darajada labaad walaalahaana isugu sheegto darajada koowaad iyo inaad dhulka kala leedihtiin.

    Axmed madoobe hadii mar kale la doorto wuxaa sii cakirmaya arimaha jubaland iyo dawladda dhexe.

    Waxaa la doonayaa muwaadin dhago fudud oo shaqada si daacada ugasoo baxa haduu doono wiilkuu dhalay ha noqdo.

    Walaal, dhulka waa la wada leeyahay, waana la kala leeyahay. Shakhsiga meel kasto in uu aado, ku noolaado, shakhsiyanna sheegto xor buu u leeyahay.Wixii oo ay saas tahayna, dhulka waa la kala leeyahay oo beel walba dhul ay ku tilmaaman tahay bay leedahay. Waa haddii xaqiiqada taagan aan la iska indhatiraynin. 

    Kismaayo, iyo magaalooyinka kale waa magaalooyin soomaaliyeed, laakiin dhulka ay ku fadhiyaan qabaa'illo ayaa ab ka ab lahaa. Laakiin in qabiil loo nisbeeyo ma fiicna. Kaba soo qaad magaaladii yathrib ama madiinatu rasuul oo beelaha Aws iyo Khasraj ku tilmaannayd ka hor cahdigii rasuulka salalaahu calayhi wa sallam. Ama gobolkii Najd oo uu degaan ahaan lahaa Banuu Tamiim ayagana loo nisbayn jiray sida ku cad axaadiis farabadan.

    Marka haddaan maanta dhaha Gobolka Gedo waxaa degaa Beesha Farmaajo oo iyagaa degaan ahaan leh, been ma sheegin, ninna ma durin, balse xaqiiqada taagan uun baan ka hadlay.

    F.G.: Kismaayo tan iyo waagii la xoreeyay waxaa isla degnaa beelihii xulufada ahaa, haba loo kala badnaadee. Wixii ka dambaysayna waxay ahayd magaalo loo soo hirto oo beelal badan ay wada degnaayeen oo weligeed cosmopolitan bay ahayd. Laakiinse tuulooyinka kale ee Waamo way ka duwanaayeen, oo haddana hal beel ama laba uun baa tuulo walba degganayd.


  11. 1 hour ago, Apophis said:

    Like ants, they only come out when it rains and only on 0G lands.

    But let me tell you this, you will never hear this kinds of nonsense in NFD.

    Our cousins in Jubbaland and 0gadenia are weak.

    Dhulka waa la wada leeyahay waana la kala leeyahay. Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo dhulka Soomaaliyeed ka tirsan wuu degi karaa, ganacsina wuu ka furan karaa. Waana arrin maanta dhacda. Laakiin qabiil dhan in uu sheegto dhul uu qabiil kale dego waa xaqdarro. Qabaa'illada Waamo degta waa la wada ogyahay, goobaha ay kala degan yihiinna nin kastoo Reer Waamo ah ama qof kastoo dhulka maray wuu kala og yahay. Kuwa ummadda fidno ku kicinayaan waa niman 90meeyadii gobollada dhexe ka imaaday oo raba in ay qaataan dhul aysan leheen. Dad qaar oo Waamo 90meeyadii soo gaaray baa maanta aamminsan in Kismaayo aan maanta qayb ku leheen, oo mooda in aan xoog shisheeye ku joogo. Tolow miyay mooggan yihiin in awoowgay 60kii Kismaayo lagu aasay, asaga awoowyaashiisana ay ahaayeen kuwii Kismaayo xoreeyeen? Rag kalana waxay u maleeyaan in ay leeyihiin dhul uu geelooda jil ku daaqay. Runtii waa arrin cajiib ah.

    Reer Waamo waxay caan ku yihiin martisoorka oo ninkii dhulkooda soo gaara, waa la soo dhoweeyaa, xoolana waa loo aduudaa, gabarna waa loo dhisaa. Tolow ma wanaajinta martida ayay jileec moodeen?


  12. The Amhara have been very arrogant lately. They actually believe ethnic federalism can be replaced with a derg like system. Their time is over and over for good. They need to get used to it. Ethiopia will be balkanized soon anyway.


  13. 1 hour ago, The Zack said:

    Haatu, 

    Adoo siyaasi ah baan ku ogaa waagaan Azania dhiseynay ee bahashii makaa guurtay go'naheen.  Abtigiiisa Awrkiraale ma aha! 

    The Zack,

    Salaan sare sxb. Sheekadu hadday tahay "Aabahaa nin dilay af sama leh u lahow, caloolxumana u lahow" waan u garaabi abtigiis. Waana run siyaasadda kililka aad u lama socdi waayahan, laakiinse waxyaabo dhowr ah oo aan ku arkay baan ka diday. Marka haddaad i leedahay saas ma aha, waa laga dhursugi bal wixii ka soo naasacaddaada.

    Laakiinse markii doorashada la gaaro, ani iyo constituencyga aan ka soo jeedo nimanka aan dhisi doonno waa la wada ogyahay marka abtigiis labadan sano ha iska macaansado.


  14. War ninka ifka laguma ciilinee, ma uurka hooyadiis baa lagu ciilay?!? What is wrong with this guy? This is kaboqaad and gunnimo to a new level. But what else do we expect from a puppet who was placed on the throne? 

    The Zack, tell Abtigiis that come the next elections wallee waa laguu xiiri doonaa. Waxaa tahay waa la arkay. Haddaa adiga Itoobiyaan tahay, boorsadaada intaa buuxsato, orod Gondar tag.


  15. Cajiib. Why do we need foreign troops? Maad isla yaabtiina? Are you actually suggesting replacing one foreign army for another? Soomaaliya Ilaahay ha u naxariisto hadduu xaalka halkaa maraya.


  16. 1 hour ago, Che -Guevara said:

    Haatu 

    I thought you were better than that. Have you talked to every member of the clans you mentioned?

    Of course I'm not talking about the poor masaakiin who are desparate for peace. I'm talking about the siyaasiin and odayaal of those two clans. If they really wanted peace, Somalia would be a functioning state today. But we all know they have the least interest in that, and Xamar is a clear example of that.

    PS: the other clans are just spectators in the grand scheme of things.


  17. Everything is for sale in Kenya. There is no ownership or waddaniyad to speak off. The only thing keeping it together is the shared interest in looting the state.


  18. 8 hours ago, maakhiri1 said:

    It is sad to see Somali talking like this after 60 years of being hostage, Haatu, you forgot who you are.

    Classical case of Stockholm syndrome 

    Soomaalida waxay ku maahmaahdaa "Cadowgaada ama waa la iska sugaa, ama waa la iska sasabaa". Dagaal waxaan lixdankii ku waaynay, maanta ku heli maayno. Therefore, danta waxay na badday in aan Kenya iska aaminsanno, xaqaaynana si Allaale si kasta aan ku soo dhacsan karnana in aan ku soo dhacsanno. Maantana, waa Ilaahay mahaddii oo, degaankaayna idil ahaantiis waa ammaan min Boodaay ilaa Mandheera, in kastoo nimankii afka duubnaa ay marmar dhib keenaan. Kaladambayn iyo dawladnimana waa haaysannaa. Inta naga maqanna Ilaahay baan ka baryaynaa.

    So why should we burn our houses and ruin our efforts of the last few decades all for waddaniyad beenbeen ah oo afka baarkiis ku siman? Hadday dhab idin ka tahay mar hore ayaad heshiin leheedeen. But we all know in M.J iyo H.wye aysan weligood nabad rabin, dawladdii la arkana iyagaa carqaladeeyaa oo aakhirkii dumiyaa. Marka ma rag caynkaas ah ayaan dartood dumarkaayna iyo caruurtaayna u barakicinnaa oo sidaasna ku khaatuma-seegnaa? Wallee waddaniyadda beenta ah ninkii idin ka dhagaystaa idin ka waalan. Nimanka Ii.ddrka waxaan ku jeclaaday waxooda waa bareer. Idinkuse wixiina waa munaafiqnimo iyo danaysi indhala'.

    • Like 1