AsadSL

Nomads
  • Content Count

    449
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by AsadSL

  1. Hargaysa (SDWO 19/07/2012) - Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta soo bandhigay musharax ay u soo xuleen in uu noqdo xubinta xisgoodu ugu talo galay in uu noqdo maayarka caasimada Somaliland ee Hargaysa. Kaasi oo ka dhextartami doona xildhibaanada golaha deegaanka.xaflad balaadhan oo loo sameeyay shaacinta musharaxaasi xisbiga KULMIYE golaha deegaanka Hargaysa uga tartami doona oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xibsiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Dr. Cali Yuusuf Axmed, xubno ka mid ah guddida fulinta heer gobol iyo masuuliyiin akle oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.Waxa kale oo xafladaasi ka soo qayb galay boqolaal dadwayne ah oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo taageerayaal la socday musharaxa cusub, salaadiin, culimawdiin, cuqaal, aqoon yahano, haween aad u badan, dhalin yaro iyo dadwayne kale oo aad u fara badan oo munaasibadasi ka soo qayb galay.Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu sood ahwaynayo musharaxan cusub ee u tartami doona golaha deegaanka caasimada, isaga oo xusay in musharaxani uu taageerayaal badan u soo kordhiyay xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “aad iyo aad ayaan u soo dahwaynayaa musharaxa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, oo ka mid noqon doona musharixiinta golaha deegaanka ee Hargaysa xisbiga KULMIYE uga tartami doona, xisbiga KULMIYE aad iyo aad ayuu u soo dahwaynayaa oo uu ugu mahad naqayaa taageerada xooga leh iyo cududa aad ku soo kordhisay xisbiga KULMIYE, dadwaynihiina intaa tiro leegi waxaad xisbiga kulmiye ku amarteen in uu musharax ka dhigo Eng. Yuusuf Warsame Siciid, xisbiga Kulmiyena wuu qaatay amarkiinaasi Eng. Yuusuf-na waa musharax golaha deegaanka ee Hargaysa ah laga bilaabo maanta. xisbiga kulmiye oo aad hore taladiisa u aaminteen dawladiisa sare oo aad tihiin dadkii soo saaray madaxwaynaha maanta dalka hogaaminaya iyo xukuumadiisaba, maantana waxaad diyaar u tihiin in aad soo saartaan maayarkii Hargaysa oo ka mid noqon doona musharixiinta KULMIYE”.Md Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE balan qaadyadii uu sameeyay wakhtigii uu tartanka doorashada ku jiray in ay waxyaabo badan ka hirgaleen, “balan qaadkii uu xisbiga KULMIYE ku galay tartanka doorashada madaxtooayda dad badan ayaa dhaliila oo yidhaahda weli waxba lagama qaban, xisbiga KULMIYE wuxuu idiin cadaynayaa balantii uu dinla galay ee aynu lahayn ee aad ku doorateen wakhtiga aynu joogno intii la qaban lahaa in ka badan in uu qabtay ayaanu idiin cadaynaynaa oo aan ahayn mid uu cod idinkaga doonayo ee xaqiiqo ah haddii aad tihiin dadwaynaha Somaliland gaar ahaana reer Hargaysa”. Ayuu yidhi Md Muuse Biixi.Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “mar walba waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu idiin soo saarno dad xul ah, oo deegaanka Hargaysa wax ku soo kordhisa, oo uu ka mid yahay musharaxaa Yuusuf ee aad maanta doorateen iyo qaar kale oo aad hore u soo doorateen, waxa inoo balan ah musharixiinta KULMIYE in aynu soo saarno iyo codka u badan ee Hargaysa oo KULMIYE la siiyo. dadwaynaha KULMIYE taageersan waxaanu u balan qaadaynaa wixii aad na farteen in aanu fulino iyada oo sideedii ah, wixii dhaliil ah ee aad nagu aragtaana waanu u dhego nugul nahay oo waanu qaadanaynaa ee dadka niyada wanaagsani noo soo jeediyaan, dhaamntiin waanu idiin mahad naqaynaa, aad iyo aad ayaanad u mahad san tihiin”.Musharaxan oo ah Eng. Yuusuf Warsame Siciid ayaa ah nin aqoon yahan ah aqoon aad u dheer iyo khibradba u leh arrimaha horumarinta iyo hagaajinta bilicda magaalooyinka, isaga oo muddo dheerna ka soo shaqeeyay hawlahasi isla markaana waxyaabaha uu bartay ay ka mid tahay qurxinta iyo naqshadaynta magaalooyinka. Eng. Yuusuf Warsame Siciid, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn waxa uu cadeeyay in uu yahay musharax u taagan in uu u tartamo doorashada golaha deegaanak caasimada, kana dhex tartamo xisgiga KULMIYE, waxaanu yidhi “waxaan halkan u soo istaagay in aan cadeeyo, in aan xisbigayga KULMIYE u cadeeyo, oo aan shacbigayga reer Hargaysa u cadeeyo in aan ahay musharax u sharaxan in uu ka mid noqdo golaha deegaanka caasimada Hargaysa ee soo socda”. waxa kale oo uu ka waramay Eng. Yuusuf Warsame Siciid taariikhdii Hargaysa markii u horaysay u jeedadii laga lahaa in magaalo laga dhig, “Haddii aan idiinka waramo magaaladan Hargaysa taariikhdeeda, oo aan ka sheekeeyo magaalaynteedii waxay ahayd muraadka u wayn ee ay dadkii xiligaa ku noolaa ka lahaayeen waxay ahayd in loo soo biyo doonto xiliga ay xooluhu biyaha u baahdaan, iyo in yar oo baayac mushtari ah oo u shaqaysa, iyo shacabka oo ingiriisku deganaa iyo halka loo yaqaano Hindiya laynka oo ay Hidnidu deganaayeen oo u dhaxaysay, wakhtigaa tirada dadka ku noolaa waxaan u malaynayaa in aanay ka badnayn sodon kun oo qof”. Ayuu yidhi Eng. Yuusuf. Sidoo kale Eng. Yuusuf Warsame waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay kala duwanaan shaha sidii ay ahayd magaalada Hargaysa boqol sano ka hor iyo sida ay hada tahay, waxaanu sheegay in ay hada ku nool yihiin dad ay tiradoodu kor u dhaafayso hal milyan oo qof, sidaa darted tirada dadka ee sii korodhayna ay keenayso in mushkilado badan ay caasimadu yeelato, isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “ imikana waxaynu ka hadlaynaa magaalo camiran, magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin, markaa waad garan kartaa magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin mashaakilka ay leedahay ee ay la imanayso, waxaa ka mid ah gaadiidkii, wadooyinkii, sidii qashinkeedii loo nidaamin lahaa, waxaa ka mid ah dhalinyartu halkay ku ciyaari lahayd sidii loo heli lahaa, markaa way badan tahay mashaakilka ay magaaladu leedahay”. Eng. Yuusuf Warsame Siciid, waxa uu sheegay in sida keliya ee lagu horumarin karo caasimada dalku in ay tahay qorshe cilmiyaysan oo casri ah, isaga oo xusay in uu muddo badan wax u soo baranayay sida ugu haboon ee loo horumarin karo caasimada si u noqoto mid la jaan qaada caasiamdaha caalamka, “laakiin xalka keliya ee aan anigu arkaa waxa uu yahay in lagaga bixi karayo qorshayn cilmiyaysan oo weliba cilmi casri ah lagu qorsheeyo sida ay magaaladaasi ku noolaanayso, waxaa la yaab leh magaalooyinka dhakhso u koraya ayay ka mid tahay, waayo inta aynu miyigii ka nimid ayaynu magaaladii si aad ah u soo degnay, mushkiladeheediina way sii badanayaan runtii. anigu dhawr iyo toban sanadood ayaan magaaladan wax u soo baranayay haddii aanay ka badnaynba, waxaan diyaar u ahay in aan intaa aan u soo halgamayay ee aan u soo fikirayay in aan hagaajiyo magaaladan Hargaysa isla markaana soo arkay magaalooyin waawayn oo caalamka ah intaana aan eeganayay wixii aan ka faa’iidaysan karayay ee aan gayn lahaa hoygii aan ku dhashay oo ah Hargaysa in aan idiin adeego oo aan idiin shaqeeyo ayaan diyaar u ahay”. Ayuu yidhi Eng. Yuusuf Warsame. Waxa kale oo uu Eng. Yuusuf kula dardaarmay dadwaynihii madashaa fadhiyay in ay iyagu yihiin kuwa dooran kara cida ugu haboon ee wax ku soo kordhin karta caasimada dalka maadaama oo ay tahay muraayadii wadanka, isaga arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “sida keliya ee lagu hagaajin karayaana waxa weeyi inaga oo isku duuban mashaakilkaa badan ee Hargaysa in aanu gacanta is qabsano oo aynu wada galno in aynu wada samayno, waayo waxaynu doonaynaa in ay noqoto muraayadeenii oo ay hagaagto, oo aynu ku faraxno. waxaan jecelahay codkiina ayaa wax taraya oo Hargaysa idinkaa cid wanaagsan u dooran kara ee in aad doorataan nin u shaqeeya ee aan u soo shaqo tegin”. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiialda Somaliland Md Cali Yuusuf oo isn xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Eng. Yuusuf uu yahay nin aqoon u leh in uu horumariyo caasiamda dalka, isla markaana uu yahay aqoon yahan wax badan ku soo kordhin kara caasimada. Marwo Anda Aadan Ismaaciil oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay waxyaabaha uu Eng, Yuusuf ku soo kordhin karo caasiamda dalka haddii loo doorto in uu noqdo maayarka caasimada Hargaysa, isla markaana uu yahay qof lagu aamini karo hawshaasi karti, aqoon iyo waaya aragnimana u leh. waxaanay sheegtay in caasimadu ay muddan tahay in bilicdeeda laga shaqeeyo, in haddii aan laga shaqaynin horumarinta caasimadana wax aan jirin uu noqonayo dalku. Waxa kale oo xafladaasi hadal ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo isna si aad ah uga waramay aqoonta iyo waaya aragnimada uu Eng. Yuusuf u leeyahay arrimaha horumarinta caasimadaha iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo masuul aqoontiisa oo kale leh oo maayar ka noqda caasimada Somaliland ee Hargaysa.
  2. http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=sbrLxWSt9G0" frameborder="0" allowfullscreen>
  3. Its it only because amnesty inter' pressured Siilaanyo?
  4. :D http://http://hiiraan.com/news/2012/July/wararka_maanta15-18622.htm
  5. Its a beautiful town in Sanaag few miles From Lasqorey.Words don't do justice. I hope to upload a video soon. And if you're wondering yes it inhabit-ens hail from Beesha Galbeedka Burco:cool:
  6. AsadSL

    Random

    I'm doing some reading for my world issue's class and in the chapter i need to read for a test tomorrow it mentions Somaliland Remittances. What are the odds lol;)
  7. lol ok. Xamar is a usc mafia ball game and Somaliland was added to the mix it would turn even worse for reer puntland lol.
  8. It doesnt have to be news for it to be true. If Hargisea and Xamar connect Empty desert Puntland will become irreverent. I thought everyone already knew?:confused:
  9. Mudane Abdiraxman Abdulahi Ciro welcomed in Ceerigaabo to attend the grand meeting in Daalo.
  10. mahad yare;849005 wrote: you only say that because you believe he will recognize siilaanyoland. tough luck. You don't know me therefore have no clue on my beliefs. I actually say this because of the improvements in stability in Somalia under his leadership. Stop hating man its not a good look.
  11. Somalia;847829 wrote: We will let AsadSL decide. Decide what?
  12. There is no money involved here..Can i help you?
  13. Somalia, Farole is wondering the same thing:D and dyeing to know.
  14. It's irreverent. The point is that this meeting was a big deal and Farole was busy down playing it during this interview. As for what was on paper i mean this is only the first meeting there will be more now there is open dialog. Even when Sharif's term is done the talks will continue with whom ever is placed. Even though i believe he will get another term;)