oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by oba hiloowlow


  1. xiinfaniin;900731 wrote:
    ^^I pose the question because only specific websites seem to be itching for a war in Kismayo , and they all happen to be from your neck of the woods
    :D
    , the exception is Xaji Xunjuf who occasionally joins oo aamiinta u jiibiya
    :D

     

    Kismayo is in the hands of its rightful owners , the people who have the biggest stake in its stability political or otherwise are the ones leading it now. There is little misudnerstanding from Hasan's part , and that will insha allaah be sorted out ...

     

     

     

    Marka is gaabi waryaa

    LOOL wixii H-block oo dhan anigu ma igu blame gareene the only unuka site against jubbaland is Shaaciye. dont worry if kismaayo is controlled by its rightful owner we'll see xaq always win xiinow.


  2. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalo maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, kaasoo dhex maray dhinacyada gacanta ku haya magaalada, iyadoo xiisad xoog leh ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah magaalada.

     

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhimashada ilaa shan ruux iyo dhaawaca tiro kale oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamay.

     

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeyay qeybo ka tirsan ciidamada dowladda oo gadood sameeyay, kuwaasoo isbaarooyin dhigtay, waxaana weeraray maleeshiyaad taabacsan garabka Raaskambooni oo ka mid ah maamulayaasha Kismaayo.

     

    C/naasir Seeraar oo ka mid ah Saraakiisha Raaskambooni ayaa beeniyay in magaalada uu ka dhacay iska hor imaad, isagoo xusay inay jiraan kooxo jidgooyo dhigtay, kuwaasoo uu tilmaamay in laga kaxeeyay.

    "Niman dhalinyaro oo lix nin ah ayaa ciidanka nabadgelyada ka kaxeeyeen jidgooyooyin wax dhib ah iyo wax qasaare ah ma jiro, warkaas waa barobagaan dhinaca warbaahinta, magaalada Kismaayo waa fiican tahay"ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la hadlay BBC-da.

     

    Mar la weydiiyay xabadaha magaalada laga maqlayay waxa ay ahaayeen ayuu sheegay in rasaas ay mar walba ay dhacaan, isla markaana ay ridaan ciidamada, hase ahaatee aanay wax dagaal keenay aanay aheyn xabadaha sida uu yiri.

     

    "Dhibaatada ugu badan waa warbaahinta ilaa maalintaa imaanay waxay dhahayeen dagaal ayaa jira waxaas waa waxba kama jiraan, niman meel kontarool istaagay ayaa meesha laga kaxeeyay, anaga waxaa nahay hal ciidan hal cadaw ayaana leenahay"ayuu yiri C/naasir Seeraar.

     

    Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda Jubooyinka oo la hadlay idaacadaha maxaliga ah ee Kismaayo in wax laga xumaado tahay in magaalada uu dagaal ka dhaco, isla markaana magaalada lagu dagaalamo markii Al-Shabaab laga saaray, waxaana uu ku baaqay in xiisada la qaboojiyo.

     

    Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in rasaas mararka qaar laga maqlayo wadada aada garoonka diyaaradaha, Xaafada Calanley iyo halka lagu magacaabo Dalcada, waxaana jira ciidamo meelaha qaar soo buuxiyay.

     

    Magaalada Kismaayo ayaa caan ku aheyd sanadihii u dambeeyay dagaalada dhex mara dhinacyada magaalada wada dega, kuwaas oo isku qabta maamulka magaalada iyo dhaqaalaha ka soo xarooda magaalada.


  3. Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeeya dhinacyada ku wada sugan magaalada ay ka taagan tahay, iyadoo xiisadan ay salka ku heyso isbaarooyin la soo dhigtay gudaha magaalada, kaasoo uu ka dhashay iska hor imaad.

     

    Sida wararku sheegayaan iska hor imaadka ayaa waxaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xaalada magaalada ka dhigtay mid kacan.

     

    Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah maleeshiyo deegaanka ka soo jeeda ay Isbaaro soo dhigatay halka lagu magacaabo Dalcada, iyadoo ay weerareen ciidamo kale oo la sheegay inay taabacsanaayeen Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

     

    Xiriiro aanu la sameynay magaalada ayaa naloo xaqiijiyay in ilaa afar askari ay ku dhaawacmeen, iyadoo labadii dhinac ee iska hor imaadka dhex maray ay isu hub uruursanayaan.

     

    Sidoo kale waxaa la sheegayaa in isbaaro kale la soo dhigtay xaafadaha magaalada, kaasoo maleeshiyaad kale oo deegaanka ay iyana dhigteen, inkastoo aan iyaga weerar lagu qaadin.

     

    Kismaayo oo ah magaalo istiraatiiji ah ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay digniino ku aadan dagaal beeleedyo dhex mara dhinacyada magaalada qabtay oo midba midka kale uu doonayo inuu awooda maamulka lahaado.

     

    La soco wixii ku soo kordha


  4.  

     

    Sanakhuudo macaarikana macahum

    Wa sanam dhiji mocan narudhacuhum

    waanu ceedal xaqal mugtasaba

    waabi kulil quwatti nadafucuhum

     

    We will venture to battle with them

    And we will march in congregations toward their bases

    And we shall return the stolen rights

    And with full strength shall topple them

    With the relentless weapon of truth

    We shall liberate the land of the free

     

    Bisalahil xaqill batari

    sanu haririu ardha soomaali

    waanu ceedal tuhrar ilal Gaarisa

    Min bacidh waa dul caarii