MoonLight1

Nomads
  • Content Count

    2,492
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by MoonLight1


  1. Yusuf Indhacdde oo Ururka Al Shabaab ka codsaday in ay amaankiisa Illaaliyaan marba hadii ay la wareegen wixii uu hub lahaa iyo Al shabaab oo balan qaday in ay Waardiye qaas ah usameyn donan.

     

    (11-05-2009)

     

    Habeen kii xalay aya awaxaa shir isugu yimid Yusuf Indhacadde iyo saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab iyadoo looga wada hadlayey waxa laga yeelayo xaalada Indhacadde oo hada u muuqda Shaqsi ka mid ah Shacabka Muqdishu kadib markii lagala wareegey wixii uu hubhayestey.

     

    Yusuf Indhacadde ayaa wararku sheegayaan in uu codsaday in xoogaga Al shabaab ay usameeyan Istaaf qaar ah oo isaga waardiyeeye marba hadii uusan wax hub ah haysan arinkaasi ayaa wararkus heegayaan in xoogaga Al Shabaab ay ka aqbaleen Indhacdde una shegen in laga arinsan doono xaaladiisana loo gudbin doono qeybaha ku shaqada leh sida ay hadalka u dhigeen.

     

    warar aan goor dhoweyd helnay ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab aya go'aan sadeen in ay dabaanad qaadan Amaanka Indhacdde llaa inta xaaladu si uun isu bedeleyso iyagoona sharuud uga dhigay in uusan Gurigiisa ka bixi karin.

     

    Indhacdde ayaa hada ku sugan xaalad aan caadi aheyn isagoo isu arka in uu maanta ku jiro mid la mid ah tii ay ku jireen kooxihii Argagixiso ladirirka xiligii laga kala ceyriyey magalada Muqdishu waxaana wararku intaasi ku derayaan in wixii ka danbeeyey hubka dhigistiisii aan xaaladiisu caadi aheyn oo uu gudaha guri giisa gaaf wareegayo.

     

     

    www.warkadalka.com


  2. Mugadishu Talaado, 12May 2009 SMC

     

    Somaliweyn.com

     

    Meydka haweeney shaah ku iibisa inta u dhaxeysa Maalin Taajir iyo Baar Ubax oo inta la kufsaday kaddibna la dilay

     

    Aroornimadii hore ee saakay waxaa inta u dhaxeysa daarta Maalin Taajir iyo Isgoyska Baar Ubax lagu arkay meydka haweeney halkaasi lagu dilay taasi oo kastuumadeediina wejiga laga saaray, arrintaas oo aad ay ula yaabeen dadkii arkay saakay waaberigii.

     

    Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka shaaha ku iibiya daarta maalin taajir iyo Baar Ubax inta u dhaxeysa, ayaa sida muuqata la kufsaday kaddibna la dilay iyadoona dhacdadaasi ay aad ula yaabeen, iyadoona dadka qaarkood ay sheegeen in haweeneydaasi ay kufsadeen maleeshiyaadka mucaaradka ee fadhiya Baar Ubax, bacdamaa ay iyagu maamulaan halkaasi.

     

    Dadweyne is xilqaamay ayaa meesha ka qaaday meydka haweeneydaasi, iyagoona geeyay gurigii ay ka soo shaqo tagtay, hase yeeshee maamulka kooxo Islaamiyiin ah oo aagaasi ka taliya ayaa sheegay inay baadi goobayaan cida geysatay falkaaso foosha xun, iyagoona sheegay inay ku fulin doonaan shareecada Islaamka waxa ay ka qabto.

     

    Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi ka baxeen magaalada Muqdisho oo fal noocaan ah uu ka dhaco Baar Ubax iyo agagaaraheeda, tiiyoo weli lala yaaban yahay in meelo ay ka taliyaan kooxaha Islaamiyiinta ahi lagu waxyeeleeyo Haweeney.

     

     

    Somaliweyn Media Center “SMC


  3. Waddooyin Cusub iyo Isgoysyo Muhiim ah oo ay Xoogagga Alshabaab isku soo fidiyeen iyo Dagaalka Muqdisho oo ku soo koobmay Bartilmaameedsiga Xarunta Madaxtooyada

     

    Muqdisho,12,May,2009 ,Talaado,(Hillaac.ne t) Xoogagga Alshabaab ayaa saakay soo degay Waddooyinkii iyo Isgoysyadii ugu dambeeyay ee ku haray Gaanta Dowladda, Waddada Wadnaha oo ahayd mid ka mid ah Waddooyinkii ugu dambeeyay ee Dowladda Muhiimadda gaarka ah u lahaa ee laga Waardiyeynayey Xarunta Villa Soomaaliya,Isgoyska Florensa, Howl-Wadaag iyo Bakaaraha, ayey soo dageen Xoogagga Alshabab oo aad u hubeysan Iyagoo Ujeeddadooda lagu sheegay in ay isku sii fidinayaan Xarunta Madaxtooyada oo ah bartilmaameedkooda ugu weyn ee Maalmaha soo socda Maadaama Hubka ugu Cusuls ee magaalada loo qeybinayo uu halkaas ka soo dhacayo.

     

    Sidoo kale Dhinaca Tareebuunka ayaa Dagaal Goordhaw ka Qarxay, Waxana uu Dagaalku ku dhex marayaa Xoogagga Dowladda taabacsan iyo kuwa Xisbul-Islaam Iyadoo Qaxii ugu Ballaarnaa uu Magalada Muqdisho ka socdo haatan, Waxana la arkayaa Dadweyne Dumar iyo Carruur u badan oo Alaabo Culus Dhabarka ku wata oo u kala cararaya Labada Waddo ee Afgooye iyo Balcad.

     

    Madaafiicda sida Indhola'aanta ah loogu garaacayo Magaalada Muqdisho oo ay Xarunta Madaxtooyada iyo Goobaha kale ee ay ku sugan yihiin ka soo ridayaan Ciidamada AMISOM ayaa keentay in Dadweynihii ku dhaqnaa Magaalada Muqdisho ay Gebi'ahaanba faarujiyaan, lamana oga Qaabka Madaafiicdaas ay ku istaagi karto Maadaama Awoodda kaliya ee Ciidan ee u hartay Dhanka AMISOM iyo Dowladda ay tahay Madaafiicdaas Kaaraha ka dhacda ee ay AMISOM Shacabka ku garaacayaan.

    hillaac on May 12 2009


  4. No wonder you say "no way", If where your located in Holland as your profile says, then peace in far away cities like mogadishu is not valueble to you, you must live in a nice house, with Khameti money coming to your pocket, and your fridge must be full with Dutch cheese, yummy. So the old woman who was under trees in ceelasha biyaha for more than 2 years, and then when she cameback to her home your buddies sent her back to the ceelasha biyaha does not share an atom of your armchair jihad enthusiasm.


  5. The alternative is peace, when there is peace no one loses, don't look at these names you mentioned, but look at the bigger picture. Ethios are out, shariica is in, so put down the gun and pick up the pen, enough is enough.


  6. Ciidamada Al-Shabaab oo afar jiho ka soo weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo dagaalka oo sii xoogeysanaya

     

     

    Mogadishu Monday, 11 May 2009 SMC

     

    Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleyno goobaha ay dagaalada ka socdaan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaafado aad ugu dhow xarunta madaxtooyada ay ka socdaan dagaallo, kaddib markii ciidamo ururka Al-Shabaab kja tirsan ay soo weerareen xaafadahaasi.

     

    Goobaha ay ka dagaalamayaan xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay kala yihiin Suuqa Cowska iyo Balka ee Fagax, xaafado ka tirsan Deg. Yaaqshiid, Suuqa Degmada Wardhiigley iyo degaanno kale.

     

    Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah dhammaanba goobahaasi ayaa la sheegayaa inay haatan ka socdaan dagaaladii ugu xoogga badnaa, waxaana ururka Al-Shabaab oo u muuqda inuu ku gacan sareeyo dagaaladaasi ayaa hadana dhinaca kale ciidamada Dowladda KMG ah waxay wadaan dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn.

     

    Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi ka socda degaano ka tirsan magaalada Muqdisho, bacdamaa ay dhacayaan iska hor imaadyo fool ka fool ah, waxaana dhinaca kale xaafadaha Muqdisho si xowli leh ugu socota rasaas wiifto ah, taasi oo qasaaraha ay geysatay ay isa soo tarayaan.

     

    Dhinaca kale dagaaladaasi wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa, haddii Alle idmo qormooyinkeena dambe iyo wixii ka soo kordha waxyeelada ay geysanayaan dagaaladaasi maalintii shanaad ka socda magaalada Muqdisho.

     

    Somaliweyn Media Center “SMC”


  7. war ninyahow marka geel loo heesayo gorayo ha u heesin, aniga kama hadlayo dadka dagaalka ku jira iyo politicianska, kuwaas ha is dilaan waxba nagama galin, lakiin I am talking about ordinary cali and cambaro who are paying the price, are you saying it does not matter?


  8. War ninyahow aniga kama hadlayo qabasho, I am talking about the death and distruction these guys are causing.

     

    Sharafta kaa qaadi maayaan sidii dagaal oogayaashu samayn jireen

    Sharf darro ka xun miyaa jirto marka qofka xaq darro lagu dilo.

    Answer me this question.

    Is what is happening now Islamic?


  9. Nimankaani waa niman diin lehe isu dhiiba

    War illeen Jahligu waa wax baas, war diintee baa qoraysa in maati masaakiin ah madaafiic guryahooda lagu asqeeyo, ma islaambaa, ma buudhistaa, ma hinduubaa, waa diintee, inalilahi wa inaa ileyhi raajicuun. I know you'll play the "it wasn't me blame the Amnisom" card, but there is a day of judgment where everyone will be accountable for what they did infron of Allah.


  10. JB is more of their supervisor, :D he is more of a diplomat,but these two always hunt as a pack like wolves looking for koonfurian blood, but I always suspected if Mintid is OODWEYNE with new identity and easier language to understand.lol :D


  11. With the latest news coming so fast, its almost over for the shariif and co.

    This makes the Shariif gov the shortest living government ever in somalia, they killed it before it was born. R.I.P

     

    Crazy mistakes.

     

    1) The refusal by his high ranking ministers to merge the army and make it one effective force.

     

    2) The dodgy deal with Kenya border drawing.

     

    3) The vacuum he created by not saying anything concrete for long time.

     

    4) The waste of time by traveling to useless countries such as Rwanda, Turkey. etc

     

    5) Bad advisors.