MAHUBSATO

Nomads
  • Content Count

    12
  • Joined

  • Last visited

  1. Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo JACEYLKU WAA CUDUR dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo Qays Cilmi Hodan Juuliya romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore) ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner.
  2. Allamagan.........Mahubee iga hubi bal ????
  3. MR Paragon...Tahliil ma u baahnid insha oo aan kuu jabiyaa kugu filan ---looooooooooooooool MHD
  4. Mr Paragon... intaas hadaad aqrisid inaa jeceelka koolkoolisid aan rabaa camal ee markaad aqrineeysid ugu yaraan 5bakeeri Shaah ah iyo xaarin daango inaa usoo dhigataa rabay.. oo intaas hal maalin ka dhigtid ...Cawasho aaba keentay bee wah ~ Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka!!! ~~~~~~Waan kugu hanweeynahay ~~~~~~~~
  5. Originally posted by Abwaan: lol...dheel u badi! [/quote Dheel beeel...... Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga... Abwaan adiga aabahaa ayaa naag kugu darey ayaan u maleynaa? cuz Jaceyl maadan soo marin ... Sideey ila tahay :dd...
  6. Ereyga ”gaal” macnihiisu waa ”geel”, waxaana jira qabiil Afrikaan ah oo ay malaha soomaalida diriri jireen muddooyin hore, kuwaas oo laga yaabo in ay geel badan lahaayeen, isla markaasna aan muslimiin ahayn. Magaca qabiilkaas waxaa la yiraahdaa ”Gaalle”, oo la mid ah ”Geelle”, waxaana markii danbe magacii lala wadaajiyey qof kasta oo aan muslim ahayn. Carabiga waxaa macnaha ”gaal” malaha u dhigma ”kaafir”, oo uu asalkiisii ahaa qofkii beer abuura oo inta uu godad miro ku guro ku aasa, waxaa uuna macnuhu noqonayaa ”xabaale” ama ”aase” ama ”duuge”, taas oo looga jeedo in uu qofka kaafirka ahi xabaalayo jiritaanka Rabbi iyo in uu qur’aanku run yahay, oo uusan ahayn hal-abuur ay dad curiyeen. ”Kufaar” macneheedu waa ”beeraley”, waxaana xoogaa inagu adag in aynu ”kaafir” ku fasirno ”abuure”, waayo waxaa laga yaabaa in ay isku khaldamaan dadka beeraha abuura iyo Rabbi oo aynu aamminsan nahay in uu wax kasta abuuray. Sidaas darteed baan magacaas si sax ah loo turjumin ee waxaa lala beegsaday qabiilkaas ay colaaddu ina soo dhexmartay oo ay malaha xaruntoodu ahaan jirtey caasimadda gobolka Mudug ee Gaalokacyo, halkaas oo mindhaa qarniyo ka hor laga kiciyey qoladaas aynu isxumaansannay. Dadka soomaalida ahi in ay Afrikaan yihiin wax muran ahi kama ay taagna, isla markaas in ay wasiirtoodii hore geeska Afrika ku beernaan jirteen waa wax cad, hase ahaato ee cid caddayn kartaa ma ay jirto diin ahaan intii aysan islaamin waxyaalihii ay rumaysnaayeen, waxayse u dhowdahay in ay diimihii hore haysteen. Kolley kiristan iyo yuhuud midna ma ay ahayn, maxaa yeelay dadkeenna kuma aynu sheegi karno in ay ahaan jireen yuhuud ama nasaaro, oo waa magacyo foola xun oo aynu neceb nahay. Waxaa laga yaabaa in ay rumaysnaan jireen diin kale oo ka khayr badnayd midda yuhuudda iyo midda nasaarada, dabadeedna looga wareegey diinta islaamka maaddaama ay tahay diinta ugu fiican dhammaan diimihii badnaa ee uu Rabbi iska soo ****diray. Rabbi baa ku mahadsan in ay soomaalidu dhammaantood gumaysigii ka hor muslimiin ahaan jireen, laakiin waxaa la sheegaa in aysan soomaalida ku badnaan jirin dadka fuliya waajibaadka diinta sida salaadda iyo soonka. Xajka soomaalidu waxaa ay barteen dhawaan oo lama hayo qof soomaali ah oo uu awowgiisii saddexaad xaaji ahaa, waxaa kale oo jira gabay caan ah oo uu nin geeljire ahi ku diidey in uu fuliyo waajibaadka islaamka, gabaygaas oo aysan ka muuqan in uu ninkaasi ogaa in uu xaj jiro, waxaana gabaygaas ka mid ahaa: ”Salaad iyo maxaa iiga dan ah, suxullo mayrmayrid Sako iyo maxaa iiga dan ah, xoolo sayrsayrid Soon iyo maxaa iiga dan ah, caano subax diidid Soddon beri intaan qadi lahaa, naari ha i solato”! Waxaa kale oo jirey nin geeljire ahaa oo aan weligiis arag qof tukanaya, dabadeedna waxaa loo sheegay in ay jiraan janno iyo naar, oo weliba jannada lagu galo salaadda oo ah rakcado ka kooban foorarsasho iyo in labo jeer wajiga dhulka la dhigo, soonka oo ah in in hunguriga iyo shahwada maalintii la iska daayo iyo sakada oo ah in hanti la dhiibo, naartana uu galo qofkii aan waajibaadkaas la imaani. Markii uu intaas maqlay buu ka dhaartay in uu wax cibaado ah sameeyo, waxaa uuna sabab ka dhigtay in ay jannadu tahay meel uusan tolkiis joogin, maaddaama aan tolka lagu arag nin sooma ama salaada. Sidaas awgeed waxaa uu caddeeyey in tol la’aan ay tahay jannadu. Waayadii hore qofkii tukada waxaa magaciisa la oran jirey ”wadaad”, aad buuna u yaraa qof soomaali ah oo tukan jirey. Wadaaddada tukadaa waxaa ay marmar diidi jireen dhaca xoolaha oo ahaa shaqada keli ah ee ay ragga soomaalidu ku faani jireen welina ay qaar ku faanaan, waana meesha ay ka abuurantay fakraddii ahayd in ay ragga tukadaa naago yihiin, oo mar nin oday ah la weydiiyey dumarka iyo ragga midka tiro baa badan, waxaa uu ku jawaabey: ”Dumarka ayaa badan, maaddaama ay wadaaddadu dumar yihiin!”. Gabaygii Darbadaaley ee uu tiriyey wadaadkii la oran jirey Aw Muuse Ismaaciil Samatar waxaa uu ahaa gabay ka duwan gabayadii hore ee soomaalida, maxaa yeelay waxaa ku jira dhawr arrimood oo ka geddisan habka ay soomaalidu fakaraan. Marka kowaad waxaa u gaar ahaa in uu rumaysnaa in madaxda ay dadka shacabka ahi canaan u soo jeedin karaan, oo ay hadalka ku kululayn karaan. Si aan gabbasho lahayn ayuu madaxdii soomaalida oo xilligaas jirtey u canaantay, waxaa uuna ku gubey hadallo adag oo muujinayey in aysan xilkooda sidii habboonayd u gudan. Arrinta labaad waa in uu qofka dhallinta yari dhinac kasta kaga fiican yahay midka gaboobey, oo xagga hal-abuurka iyo hawlahaba uu qofka yari kaga wanaagsan yahay, kagana habboon yahay qofka weyn. In badan oo tixdiisa ka mid ah buu ku celceliyey in ay dhallinyaradu yihiin dadkii wax kasta qaban lahaa, kalka ay soomaalida kale ku gabyaan in uu qofku wax qaban karo markii uu gaboobo, taas oo ah fakrad curyaamisey maskaxdii dadka, maxaa yeelay adduunka nolosha fahmey qofka weyn waxaa laga dhigaa hawlgab oo waxba looma diro, wax badanna lama weydiiyo. Arrinta saddexaad ee uu gabayga Aw Muuse kaga duwan yahay gabayada kale waa in ay dumarku yihiin qayb muhiiim ah oo talada iyo wacyigelinta bulshada ula siman ragga, waxaa uuna darbad dhan oo gabaygiisa ka mid ah u gaaryeelay haweenka. Asaga oo sidaas dumarka u maamuusay buu haddana waxaa uu carrabka ku dhuftay in aysan ragga diinta dhigtaa niman ahayn, waxaa uuna yiri: ”Haddaan diin la dhigan ama ninnimo, daabka la adkaysan Dullaa lagu socdaa wacad allee, labada daaroode” Daabka uu sheegayaa waa daabka waranka ama toorreyda, oo haddii uu ninku diin dhigto uu kaga mashquuli jirey in uu walanbaysto. Sababta uu diinta u hormariyey waa in uu qudhiisu ehelu diin ahaa oo uu xirfaddiisa ducada ah ka sarraysiinayey xirfadaha kale oo xoogga iyo xeesha ku salaysan. Asaga oo laftiisu wadaad ahaa buu qarin waayey aragtidii guud oo ay shacabku ka qabeen wadaaddada, taas oo ahayd in aysan rag caadi ah ahayn. Waxaa meesha ka muuqata in ay soomaalida caadiga ahi weligood isku barbar wadeen labo aragtiyood oo lid isku ah. Midda kowaad waa in ay diintu fiican tahay oo wadaaddada laga ducaysto, isla markaas sida badan dumarka iyo raggu markii ay isguursanayaan ay wadaad isula tagaan. Aragtida labaad waa in ay diintu xun tahay oo uu qofkii bartaa yahay qof daciif ah oo aan la jaanqaadi karin tartanka iyo tookha nolosha. Yasitaanka diimaha la xaqiraa ma uu ahayn wax soomaalida keli ah u gaar ahaa ama u gooni ah ee dadyowga oo dhan baa diimaha waxaa ay isugu daraan dugsasho iyo dareensi. Arrintaas gadaal ayeynu malaha ka faallayn doonnaa, hase ahaato ee waxaynu ku hormaraynaa in ay wadaaddada adduunka ka jira ama ka jiri jirey gaalo ka mid ahaan jirtey ama ay gaalo ka mid tahay, taas oo aynu haddii uu Rabbi idmo xaqiijin doonno. Dadku sidoodaba aragti kasta oo ay rumaysan yihiin labo ayey u qaybsan yihiin, waana dad dhifdhif ah oo aamminsan in ay dadku yihiin nooc xoolo ama hanti ah oo ayaga loogu deeqay. Dadka iyo hantidoodaba ayaga ayaa haga, waxayna u arkaan aragti kasta oo adduunka taal in uu hindisey ama uu fahmey qof kooxdooda ah oo dadka hantiyey. Dadka intooda kale oo badani waxay ku faraxsan yihiin in ay isu galmoodaan oo ay tarmaan iyo in ay wax loo sheegay iskula dhexwareegaan. Waxyaalaha ay kooxuhu kala rumaysan yihiin buu mid kastaa waxaa uu ku jiraa khaanad ka mid oo uu kuwa kale u arko in ay lunsan yihiin, waana calaamadda ugu weyn oo muujinaysa in uu yahay hanti la leeyahay ee uusan asagu lahayn hanti. Markii uu nebigu CSW naftiisii qaaliga ahayd waayey oo xoogaa la joogey baa waxaa carriga carbeed ka soo baxay kooxo ama shakhsiyaad wadaaddo ahaa oo gaalo ama kufaar ahaa. Dadka muslimiinta ahaa markaas boqollaal kun bay ahaayeen, waxaa ayna wadaaddadaasi rumaysnaayeen in uu nabigu CSW ahaa nin dad badan maskaxda ka qabsaday oo ka mid ah dadka aadamiga hantiya. Aragtidaas ayaga oo qaba oo ka duulaya ayey isku hawleen sidii ay muslihiinta ayaguna uga dhexsamaysan lahaayeen dad ay maskaxda ka qabsadaan, oo ay geliyaan aragtiyo ka leexsan kuwii nebiga CSW, laakiin aan beeninayn kuwii hore ee lagu dhexqarinayo. In sidaas la yeelo waxaa uga horreeyey nin xilligii nebiga noolaa oo sheegtay in uu nebi kale yahay, oo magaciisa la oran jirey Musaylama, kaas oo dadka u soo bandhigay hadallo carabi ahaa oo quraanka sidiisa oo kale marmar isku ereyo ku hoorsamayey, marmarna aan isku wax ku hoorsamayn. Tusaale ahaan waxaa ay ahaayeen sidaan oo kale ”Kursi dheer ninkii, kor u qaada koofiyadna madaxa, ku qaada cagtiisana kab fool xun, ku qaada kiishad weyn dhexdiisa, ku qaada kaalsooyin lugaha, ku qaada Midigtana karbuuno , ku qaada Kaaki shaar ah laabta, ku qaada Kilkishana kitaabka, ku qaada dabadeedna inta uu kadalloobsado kaadsha” Qofkii soomaali ah oo waxaas kor ku qorani in ay maanso yihiin la weydiiyaa si sahlan ugama uu jawaabi karo, maxaa yeelay in maansada isku erey sida ”qaada” oo kale lagu dhammeeyaa kuma ay jirto sharciga maansda soomaalida, isla markaas miisaanka maansada oo sidaas ahi mid aad loo yaqaan ma aha oo ka mid ma uu aha waxyaalihii la maqli jirey, waxaana intaas oo dhan ka daran in sadarka ugu danbeeyaa uusan la socon kuwii ka horreeyey xagga miisaanka iyo hoorsamidda. In sidaas loola yaabo macneheedu ma aha in uu Rabbi soo dejiyey oo uu ka sarreeyo maansada soomaalida ama uu mucjiso yahay ee waa hadal ka xikmad liita maansooyin badan oo awal jirey. Maansada miisaannadeedu awalba waxaa ay ahaayeen sargooyooyin dad khiyaali leh laga maqlay, oo laxanka iyo habdhaca hadalku ma aha wax dhammaada ee maalin kasta mid hor leh baa iman kara, isla markaas macaanka hadalku maanso iyo miisaan kuma uu xirna oo hadal dadka soo jiita oo aan maanso ahayn baa aad u badan. Musaylama hadalladaas uu sheegtay in uu Rabbi u soo dhiibey oo uu dadka ku soo jiidanayey qaabdhismeedkooda waxaa uu ka qishay labo meelood. Meesha koowaad waa waxyaalo ay dadka curraafeeyaa allifan jireen, oo aan manso ahayn, hadal caadi ahna aan ahayn oo loogu talogalay in dadku aysan qofka sheegaya u malayn in uu gabyaa yahay, ee ay moodaan qof waxyaalo ka qarsoon og oo ayaga ka duwan. Tusaale ahaan af soomaaliga haddii lagu yiraahdo ”Waxaa loo baahan yahay caqli midaysan, cudud midaysan, cood midaysan, cilmi midaysan KW” maanso ma aha haddana hadal caadi ah ma aha. Waxyaalo sidaas oo kale ah baa weligood carabta ka dhexjirey oo dadka karaamooyinka iyo kuhaanada ku shaqaysta oo bulshada ka caqli badani ay cawaanta ku harawsan jireen maaddaama aysan ilbaxnimo kale jirin. Musaylama dadkaas oo qura kuma uu dayan ee nebiga CSW qudhiisa ayuu kaga dayday sida uu quraanka kariimka ahi u dhisan yahay, oo xeelaha sida xalladda ah u dhisan sida suuradda ”Caaddiyaad” buu waxaa uu dhinac dhigay casharro ka mid ahaa waxyaalihii uu ardadiisa ku shubay, waayo waxaa uu u arkey qaab casri ah oo dadka wax loogu sheego, kaas oo lagaga badbaadayo in qofka wata gabyaa loo maleeyo, isla markaas aan kuhaano iyo curraafaysi ahayn ee la sheegan karo in uu Rabbi soo dhiibey. Waxaa kale oo uu qur’aanka kaga dayday in aan mawduuc gaar ah inta laga hadlo si dhammaystiran loo tifaftirin ee hadba arrin aan hadalkii socdey u dhaweyn loo boodo, hadhowna isla mawdhuucii meel kale lagaga hadlo. Sida caadiga ah oo ay dadku u hadlaan waa in xubinba mar hadalka la dhammeeyo oo aan xubintii laga soo hadlay lagu noqon. Abaabulka iyo dacwada Musaylama waxaa ay soo xoogaysateen markii uu nebigu CSW allaystay, waxayna muslimiintu ku naynaasi jireen ”Musaylama been babadane”, waana magac ay dadka qoorkood sheegeen in markii ugu horraysey laga maqlay nebi Maxamed CSW. Diintii uu Musaylama fidinayey oodda ayey jabsatay oo tobannaan kun oo carab ah baa rumeeyey, waxaa uuna noqday nin culus oo tartan kula jirey muslimiinta oo markaas dhulalka carabaha ku sii baahayey. Waxaa la sheegaa in uu musaylama ahaa nin balaaqo badnaa, oo marka uu hadlayo daacad iska dhigi jirey si in uu xaq ku taagan yahay loogu maleeyo, dabeecaddaasina waa mid ay ka midaysan yihiin dadka abaabulka iyo kicinta ku habbooni. Xeerarkii ay diintiisu ka koobnayd lama qorin oo maanta aad looma ogaan karo, maxaa yeelay Mulaylama markii uu xoogaystey baa waxaa ku duuley tobannaan kun oo muslimiin ahaa oo u arkayey in aysan jirin diin kale oo aan islaamka ahayni. Dadka asaga taageersanaa oo dagaalkaas lagu xasuuqay waxaa lagaga dayriyaa labo iyo toban kun oo qof, laakiin sida la qiyaasayo aad bay uga badnaayeen maaddaama uu ahaa nin ay carabtu aad u rumeeyeen oo aad u dadaaley, hase ahaato ee uu dadaalkiisii meeshaas ku basbeelay oo laga adkaaday, maxaa yeelay waxaa ku duuley oo cagta mariyey niman sida sida ciidamada hubdhigista Soomaaliya askar ahaa oo aan in ay jahaadaan ma aha ee aragti kale lahayn. Meeshaas waxaa ku afjarantay aragtidii ahayd in uu nin carab ah oo danbe yiraahdo ”Rabbi baa i soo diray”, maxaa yeelay Musaylama ayuu qof kastaa ku quusqaatay oo suuqaasi waxaa uu noqday mid xirmay, hase ahaato ee in aragti la keeno lagama quusan, oo waxaa la adeegsadey qaabab kale oo dadka caadiga ah maskaxda lagaga dooriyo. Miman wadaaddo ahaa oo markii ay muslimiintu xoogaysteen, oo inta dhulal badan iyo xoolo badan la qabsaday la degey soo baxay ayaa waxay bilaabeen hindisooyin aan sida aragtidii Musaylama toos Rabbi loogu nisbaynayn, laakiin la abuurayo wax ka weecsan dhaxalkii uu nabegu CSW ka tegey. Muddada ay aragtiyahaani soo bilawdeen diinta aad looma faallayn oo qoraallo islaami ahi ma ay jirin. Muslimiintu waxaa ay diinta isugu sheegi jireey si kutirikuteen ah marka laga reebo quraanka oo ay qoreen rag aad nebiga CSW u dhuuldalooley, kuwaas oo markii uu nebegu CSW geeriyoodey kala shaandheeyey si looga saaro waxii ay dadku isku khilaafi karayeen, loona kala habeeyo. Nimanka wadaaddada ahi waxaa ay fureen doodo islaamka dhexdiisa ah si loo helo firqooyin kala aragtiyo ah oo la kala hago, maxaa yeelay lama keeni karayn aragti hor leh oo waatii uu Mulaylama ku halaagsamey in uu nebi toos ah sheegtay. Sida badan aragtiyaha diimaha iyo karaamooyinka la xariiraa waxaa ay ka bilowdaan rumayn si qofka marka hore maskaxdiisa loo hantiyo, dabadeedna wax kasta oo la rabo loogu sheego. Markii uu qofku wax aammino ka dib wax kasta ayaa lagu shubi karaa, waxaa ayna wadaaddadu doodohooda ku wajaheen xagga caqiidada, waayo dhaqanka iyo aadaabuhu mihiim ma aha markii kooxo la abuurayo, ee waxaa culus aragtida aasaasiga ah. Waxa ugu daran oo ay dooduhu khalkhal gelinayeen sidii uu Rabbi wax u abuuray iyo sida uu wax u qaddaro. Xagga abuuritaanka waxaa jira magac ka mid ah magacyadiisa oo ah Khaaliq oo ah in uu asagu wax kasta abuuray. Haddaba waxaa ay dooddu ahayd magacaas ma weligiis buu Rabbi lahaa mase waxaa uu la baxay markii uu waxii ugu horreeyey abuuray. Haddii uu magaca Khaaliq watey asaga oo aan waxba abuurin waxaa uu watey magac been ah, taasina Rabbi uma ay habboona, haddiise uu markii uu makhluuqa abuuriddiisa bilaabay la baxay magaciisu ma uu aha magac weligiis jirey oo Rabbi magacyadiisa iyo sifaadkiisu waa kuwa dadka oo kale oo waa waxyaalo cusub. Haddii aragtidaas danbe la qaato magac kasta oo uu Rabbi leeyahay waa wax mar danbe uu la baxay oo ma uu lahaanayo magacyo uu weligiis lahaan jirey, taasina waxaa ay ka dhigaysaa in uusan laftiisu weligiis jirin, mana habboona in la citiqaado in uu Rabbi laftiisu mar danbe yimid ama uu jirey asaga oo aan magac lahayn. Haddaba waxaa doodda soo gashay in la rumeeyo in uu Rabbi weligiis jirey, isla markaas uu weligiis khaaliq ahaa, isla markaas uusan wadan magac been ah iyo sifo been ah. Intaas sidee buu isugu helay? Waxaa uu isugu heli karaa in ay jireen waxyaalo sidiisa oo kale weligood jirey, kuwaas oo sidiisa oo kale aan lahayn xilli ay bilowdeen, laakiin uu asagu abuuray si loogu caddeeyo in uu weligiis khaaliq ahaa. Waxaa aragtidaas buriyey in uusan jiri karin wax la abuuray oo haddana weligiis jirey! Halkaas ayey dadkii labo firqo ku kala noqdeen, oo midi waxaa ay rumaysay in ay biyuhu weligood jireen oo ay sida Rabbi yihiin qaddiim. Firqo kalena waxaa ay rumeeyeen in uu Rabbi laftiisa ama hadalkiisu uu makhluuq yahay, oo markii uu asagu is abuurayba uu halkaas kula baxay magaca Khaaliq. Aragtidaan danbe waxaa ay Rabbi ku tilmaamaysaa in uu isku yahay Khaaliq iyo makhluuq! Xagga qaddarka waxaa ay wadaaddada kufaarta ahi faaqideen in ay diinka ku jiraan waxyaalo qaddarka la xariira oo aan la fahmi karin. Tusaale ahaan qof kastaa waxaa ay diinta islaamku qabtaa in loo qaddarey meesha uu ku danbayn doono iyo wax kasta oo uu mudam doono, isla markaas waxaa loo diray waajibaad, waxaana loo diidey waxyaalo uu jecel yahay. Haddaba in qof la go’aamiyo in uusan mushaar helayn, haddana shaqo loo diraa ma aha wax la fahmi karo, qofkii in uu fahmey ismoodaana waxba ma uu fahmin ee naftiisa ayuu khiyaamay. Adiga oo aan dhalan haddii uu Rabbi gaarey go’aan ah in aad naar gelaysid wuxuu go’aanka u gaarey adiga oo aan wax denbi ah gelin? Ma caddaalad baa in qof aan dhalan la go’aamiyo in uu naar ku waarayo oo haddana loo diro ama loo diido waxyaalo? Si magaca Caaddil oo ka mid ah sifaadka ama tilmaamaha Rabbi loo dhawro waa in qaddarka macne kale loo yeelaa, waayo qaddar iyo camal midkood waa in naar ama janno lagu galaa, qofkuna waxa uu rumaynayo waa in uu marka hore fahmaa, ee uusan naftiisa sirin. Adigu markii aad dhalatay haddii ka hor mustaqbalkaaga la go’aamiyey maxaad macne ah oo leedahay? Haddii ka dib camal laguu diro sow uma ay ekaanayso in lagugu cayaarao? Rabbi miyuu cayaaraa? Maya oo diintu waxaa ay sheegtay in uu daacad u hadlo oo uusan kaftamin. Haddaba go’aankii uu gaarey ka dib sidee buu shaqo naagu diray? Su’aalahaas iyo kuwo kale oo qaddarka ku aaddan ayey wadaaddadu dadka ku dhexfureen, waxaana lagu kala noqday firqooyin uu qaarkood aamminey in uusan qaddar jirin ee uu camal jiro, halka ay qaar kalena aammineen in uu qaddarku sax yahay oo ay in diinta lagu dhaqmaaba tahay iska huuhaa! Firqo saddexaad baa waxaa ay soo istaageen in aan loo baahnayn in la fakaro ee loo baahan yahay in la iska rumeeyo in uu qaddar wax kasta hago, isla markaas uu qofkii aan camal falani naar gelayo. Su’aasha meesha imaanaysaa waa haddii uu qof naar loo qaddarey camal fiican la yimaado ma qaddarka ayaa shaqaynaya mase camalka? Kooxdaani waxaa ay kaga jawaabeen in qofkii naar loo qaddarey uusan camalka asiibayn oo uu jaad iyo dhillaysi u dhaqaaqayo. Markii ay kooxdaani in la fakaro diideen oo ay ku adkaysteen in uu qof hoggaansamo, ee uusan caqli adeegsan ayaa waxaa lagala horyimid labo xujo. Midda kowaad waa in uu quraanku dadka ku ammaano in ay fakaraan, oo ay meelo badan kaga taal in la fakaro. Midda labaad waa in uusan qofka aan fakarini muslim noqon karin oo uu fakarku yahay waxii dadka baray in ay wax rumeeyaan iyo in aay wax beeniyaan, sidaas awgeedna uu fakarku ka horreeyo diinta. Hoggaansanka iyo fakarka midkee baa fiican maaddaama ay labaduba diinta ka mid yihiin? Caqliga dadku muxuu yahay? Su’aashaas ayey wadaaddadu si xun isugu maandhaafeen. Waxaa jirta aragti diinta ku qoran, oo uu caqligu si toos ah u diidayo, waana in ay wax kastaa diinta islaamka ku qoran yihiin! Dad maangaab ah ayaa waxaa ay ku hadaaqaan in cilmiga maaddiga ah ay dad gaalo ahi ka qisheen diinta islaamka! Xilligee baa horta diinta loogu badiyey oo ay dadkii noolaa ugu aqoon badnaayeen diinta? Waxaa hubaal ah in aynu ku jawaabi lahayn xilligii ay diintu cusbayd. Haddaba xilligaas haddii diinta oo dhan la fahamsanaa maxaa maaddiga ay gaaladu ka xadeen looga dheefsan waayey? Mase gaaladii ingiriiska oo labo qarni ka hor noolaa baa diinta ka badiyey carabtii noolayd qarnigii toddobaad? Hadalkaasi waa su’aal imminka inoo taagan, laakiin wadaaddadii hore waxaa caddaan ahayd in ay u qiildoonayeen in ay sameeyaan kooxo kala aragti ah si ay u helaan mowjado iyo xiisado ay ayagu fureen oo aan hoggaansan indhola’ ku qotomin ama ku qotoma. Labo waddo ayaa ugu waaweynaa jidadkii ay u kala mareen in ay ayaga oo diinta asalkeeda ka faa’iidaysanaya haddana ku darsadaan aragtiyo ay shacabka ku hantiyaan, waxaa ayna kala ahaayeen in diinta lafteeda aad loo faalleeyo oo hadallo badan oo aan asalkeedii ahayn shareecada lagu farraqo ama xiisado caqiidada lagu xawligelinayo lagu murmo iyo in la keeno aragtiyo hor leh oo uu qaarkood si toos ah Rabbi ula xariiro. Nin kasta oo diinta ka jeexda kannaal uu asagu hormuud u ahaa waxaa uu helaa magac, waxaana marmarka qaarkood ninkii magacaas ku guulaysta ku qabsada nin kale oo aan aragti lahayn. Tusaale ahaan waxaa jirey wadaad muslim ahaa oo la oran jirey Ibnu Tiimiya oo aad u kiciyey xiisado uu asagu allifey oo waaweyn. Markii uu muddo mootanaa bay niman kale waxaa ay aragtidiisii oo sideedii ah u xanbaariyeen nin aan wax aragti ah lahayn oo la oran jirey Maxamed Cabdiwahaab, kaas oo aan sheegin hal erey uusan ka qishin ninkaas hore oo hal-abuureha ahaa. Haddii buug uu Maxamed Cabdiwahaab qoray magaca hore laga tiro waxaa uu qof kasta oo qoraallada Ibnu Tiimiya yaqaani u qaadan lahaa in uu asagu qoray, waayo waa hadal uu nin aan xishoonayni sidii uu ahaa uga xaday ninkii lahaa, oo uu weliba soo koobkoobay maaddaama uusan lahayn codkarnomo u dhiganta midii curiyihii aragtidaas. In kasta oo uu Inbnu Yiimiya diinta xuubsiibey oo uu togag uu asagu leeyahay xulay haddana fakarkiisa waxaa ku badan hooggaansan oo gaal ma uu ahayn, ee waxaa uu ahaa nin muslim ah oo diinta dibuhabayn ku sameeyey. Dad badan oo lagu tilmaamo in ay diinta fasireen baa waxaa ay ahaayeen dad diinta kordhiyey ee aan fasir qur ah ku ekaan. Aayad kasta waxaa uu qofku kaga hadlayaa boqol bog oo ah sida uu asagu jecel yahay ama si lid ku noqon karta firqooyin ay iska soo horjeedaan. Maqaalku waxaa uu ku saabsan yahay gabar soomaali ah oo la sheegay in ay kufriday, hase ahaato ee arrin aan mawduucaan khusayn oo kale ayeynu ugu nasanaynaa inta aynaan dulucda qoraalka dhexgelin. Waxaa la sheegay in guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya mudane shariif Xassan uu qaatay 700, 000 (toddoba boqol oo kun) oo doollarka maraykanka ah si uu u diido aragtiyaha qaarkood. In uu qof shariif sheeganayaa lacag qaataa ma aha arrin soomaalida ku cusub oo magaca ”shariif” ayaaba ah wax in lacag lagu helo loo samaystay. Sidaas awgeed shariifka yaan la xaman! Shariifnimadu wax aan in lacag lagu kasbado ahayn miyay tartaa? Dadka suufiyada ah oo dariiqooyinka sheegta iyo kuwa asalraaca isku sheegaa waxaa ay samaysteen diimo kale oo laga farciyey diimihii hore, maxaa yeelay shiikhyadu uma ay bareeri karaan in ay nebiyaal sheegtaan oo dhiirranaantaas ma ay laha, isla markaas waxaa diinta islaamka ku taal in uu Rabbi joojiyey in uu qof danbe soo diro. Sidaas awgeed bay ayaga oo diintii hore ku dhex jira waxaa ay heleen fursado aan rasuulnimo ahayn oo dadka iyo Rabbi loogu kala turjumi karo. Diimaha oo dhan baa markii ay muddo joogaan waxaa ay yeeshaan madaahib iyo dariiqooyin aan heshiin karin oo mid kasta si gaar ah Rabbi loogu dhawaado, looguna shaqaysto maddaama ay dadka diimuhu u baahan yihiin dhaqaale ay wax ku kala wadaan ama ay ku noolaadaan. Sababaha keena in diimaha la casriyeeyaa waa in aysan dadku jeclayn in ay sida dhagxantii meel oollaadaan muddo aad u dheer oo ay rabaan in ay hadba noloshooda qaab kii hore ka fiican u raadiyaan iyo in aysan dadka fakarka hal-abuur oo fiican lehi khiyaaligooda cunaqabatayn ee ay waxyaalihii jirey wax ka duwan abaabulaan. ”Haddii labo qof ama saddex xilli gaar ah noolaa ay inta nolosha ama diinta si ay ayaga la tahay u cabbiraan ay markaas geeriyoodaan oo ay dadka guri ku qufulan furihii qabri kala galaan waxaa uu xalku noqonayaa in qufulkii la jebiyo si ay dadku bannaanka ugu soo baxaan oo aysan uga harin halganka nolosha iyo fakarka gelinba heer maraya oo ay dadka intii ka hartaa dulloobayaan”. Sidaas ayey u eg tahay aragtida ku saabsan in mad-habo iyo dariiqooyin la sameeyo ama dadka aan aragtida dheer lahayn loo hiilliyo si ay u xuubsiibtaan. Haddii aynu tusaale yar soo qaadanno diimaha oo dhan markii ay cusbaayeen waa la bawsan jirey. ”Bawsi” waxaa ay soomaalidu yiraahdaan in aan waxii la baranayo qofka baranaya loogu qorin sabuuradda qur’aanka lagu barto oo looxa loo yaqaan. Haddii waxyaalaha markaas la baranayaa ay yihiin wax la xafidayo waa ”bawsi”, laakiin haddii ay yihiin waxyaalo la fahmayo waa ”cilmidhegood”. Raggii diimaha dadka u keenay qaarkood ayaga ayaanba wax qori karayn ama aan wax akhrin aqoon oo waa lagu khasbanaa in lagaga barto bawsi iyo cilmidhegood, isla markaas xilligii la noolaayeen waxaa ay dadku wax isugu gudbin jireen hab kutirikuteen ah, oo looxda iyo waraaquhu aad uma ay soo caanbaxin. Bawsiga iyo cilmidhegoodka dhibaatadoodu waa in waxyaalihii la bartay ay khasab tahay in uu qaar lumay ama uu qofkii bawsadey si aan ulakac ahayn wax ugu daro, waayo soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa ”Qalbi dad waa miskiin”. Waxaa kale oo la wada og yahay qof wax uu maqmaqlay keli ah yaqaan oo aan buug badan akhrini in uu jaahil yahay. Tusaale ahaan haddii jaamacad maansooyinka iyo xalladda kale lagu barto la furo oo aysan dadku buug iyo qalmaan haysan, isla markaas uusan macallimku sabuurad haysan ee uu ardada xaggooda inta uu u soo jeesto cashar u mariyo waxaa khasab ah in uu khalad badani meeshaas ka dhacayo. Waxaa kale oo meesha ku jirta in markii wax la baranayo dadka la kala sooco oo intii isku heer ahba fasal u gooni ah la geeyo ama sida ay wadaaddada soomaalidu qur’aanka u dhigaan arday kasta casharkiisa sabuurad u gaar ah loogu dhigo, laakiin haddii dadka oo dhan isku mar cashar la siiyo waxaa laga yaabaa in mid damiin ah ama ay maskaxda wax uga dhimman yihiin uu hadalku labashub ugu dhaco. Kutubihii qaddiimka ahaa oo diimaha lagaga hadli jirey af kasta oo ay yihiin waxaa aad ku arkaysaa ”Wa fii riwaayatin” ama ”Wa fii qiraa’atin” oo ah ”Dad kalena waxaa ay sheegeen”, taasina waxaa ay muujinaysaa in uusan hadalku hubanti ahayn ee ay dad kala duwani ku soo dacfalaadeen, dhibaatadana waxaa keenay in markii hore habkii loo bartay uu balaqsi iyo qalabqalab ahaa. In qaabkaas wax loo barto ama wax la isugu gudbiyaa in ay khalad ama dibudhac ahayd waxaa isla qirsan dadka oo dhan midab kasta iyo diin walba oo ay leeyihiin. Maanta qofkii ay aqoontiisu ku dhisan tahay bawsi iyo cilmidhegood looma arko in uu cilmi leeyahay, isla markaas dadka aan wax u baran habka ama hannaanka ay iskoollada iyo jaamacaduhu u heeraraysan yihiin oo ay u qaysan yihiin looma arko in uu aqoon leeyahay. Sababta arrintaas keentay waa in la xaqirsan yahay qaabkii aynu hore u soo sheegnay oo ahaa in qof aan wax akhriyin oo wax qorini uu dad asaga la mid ah u sheekeeyo, dabadeedna waxaas cilmi lagu tilmaamo. Qaabka cusub oo xilligaan wax loo barto muddooyinkii hore oo ay dhaqamada iyo diimaha waaweyni samaysmeen lama aqoon oo dadku horumar fiican ma ay haysan, isla markaas aqoon macne leh oo la sheegaa ma ay jirin. Kolley habka waxbarashada oo maanta jira innaga waxaa inoo soo gudbiyey ummado aan inala diin iyo inala af ahayn, hase ahaato ee aynu ku khasban nahay in aynu ku hiranno maaddaama ay inaga tillaabo horreeyeen xagga fakarka iyo aqoonta. Markii ugu horreysey oo ay soomaalidu aqoon maqleen waxaa ay u haysteen in ay tahay gaalnimo maaddaama dadka aqoonta u keenay aysan carab ahayn, waxaase markii danbe la garawsaday in ay jiraan waxyaalo loo baahan yahay sida in caafimaad ama sida wax loo dhiso la barto, hase ahaato ee weli laamo badan oo aqoonta ka mid ah bay soomaalidu u qabaan gaalnimo iyo wax aan nuxur lahayn. Qofka soomaaliga ah oo caadiga ah haddii la tuso liis dheer oo ay ku qoran yihiin boqol iyo dheeraad kulliyadood oo maaddooyin kala duwan ah waxaa uu in ay cilmi yihiin u qirayaa tobaneeye maaddo, inta kalena waxaa uu ku dhaleecaynayaa in ay yihiin wax ay gaalo dadka ku wareerinayaan, laakiin boqol sannadood ka hor qofka soomaaliga ahi xataa hal maaddo ma uu qireen in ay aqoon tahay, oo jaamacadda oo dhan baa agtiisa gaalnimo ka ahayd. Waxaa hubaal ah in dadka boqollaalka kulliyadood oo kala jaadka ah u qirsan in ay cilmi ku dhisan yihiin iyo dadka in yar keli ah u qirsan in ay aqoon yihiin aysan nolosha isku soo gaarayn haddii aysan isku si u citiraafin waxyaalaha loo baahan yahay in la barto si loo noolaado. Si kastaba ha ahaato ee waxaa dadkeenna si dadban uga muuqata in uu cilmiga casriyadaan socdaa sharaf leeyahay, oo uu qofkii qaababkii hore wax u bartaa yahay qof laga fiican yahay. Tusaale ahaan labo wadaad oo isku in diinta ka yaqaan haddii midkood uu jaamacad ka soo baxay waxaa loo qabaa in uu ka aqoon fiican yahay midka kale oo kutubaha ku soo indhomadoobaadey. Sababtu waa in waddamada horumaray hannaanka ah wax u bartaan la isla qirsan yahay in uu ka fiican yahay sidii wax loo baran jirey kun iyo dhawr boqol oo sannadood ka hor. Labada wadaad oo aynu tusaalaha u soo qaadannay iyo bulshaduba waxaa ay isku raacsan yihiin in qofkii habka ingiriiska iyo faransiiska wax looga barto diinta u soo bartay uu ka sharaf badan yahay midkii u barta sidii ay carabtii hore u baran jireen, maxaa yeelay waxaa hortaal xaqiiqo ah in ay dadku ka soo baxeen jahli iyo in si liidata wax loo baran jirey oo ay ummaduhu ku hiranayaan ummado horumaray. Qofkii nafta ku maaweeliya in ay dhaqamadii hore ka miisaan culus yihiin aqoonta qarniyadaan ay dadku ka haqab beeleen waxaa uu haddana asaga oo aan si ogayn u hamranayaa oo qirayaa in ay sharafta iyo aqoontu ku jiraan in la raaco caalamka cusub, waxaana tusaale u ah sida ay wadaaddada xarakooyinku bulshada isugu tusaan in ay yihiin rag sharaf leh oo aan diinta keli ah aqoon ee wax kalena yaqaan. Magaaladaan Gothenburg waxaa sanadkiiba mar ka dhaca kulan ay dadka isugu yeeraan wadaaddo soomaaliyeed oo sida ay sheeganayaan ku dadaalaya in ay soomaalida ku waaniyaan in ay diinta islaamka haysashadeeda ku sii talaxtagaan, hase ahaato ee waxaa ay dadka baraan in ay reer galbeedka iyo qolyo kale ka horumarsan yihiin ummadaha kale! Waxaa la yaab leh in qof sheeganaya in uu gaalada lid ku yahay oo uu ummadda uga digayo ay haddana run ahaantii muxaadaradiisu iskugu biyoshubato in uu xayeesiiyo gumaysigii Yurub iyo dalka USA! Waxaa ay ka dhiidhinayaan in loo maleeyo in ay yihiin wadaaddo jaahiliin ah oo diinta keli ah yaqaan, maxaa yeelay dadka dareenkooda ayaa waxaa si dadban uga buuxda in ay sharaftu ku jirto in aan diinta keli ah la aqoon ee wax loo soo bartay sidii ay ummadaha kale qorsheeyeen. Markaas si dadka hortooda aan loogu ceeboobin oo aan diinta keli ah loogu sheegin waa in xal la helaa! Haddaba maxaa xal ah? Waxaa xal ah in ay wadaaddadu xoogga saaraan in ay af qalaad ku hadlaan iyo in buugaagta qaarkood laga soo qorto qoraayo reer galbeed ah magacyadood ama taariikhdii giriigga iyo rumaaniyiinta oo ay Yurubtu ku faanaan si loogu maleeyo in ay ayagu weligood mudnaanta kowaad lahaan jireen. Run ahaantii maanta ayaga ayaa mudnaanta kowaad leh xagga aqoonta iyo ilbaxnimada dadka, laakiin yurubiyaanku waxaa ay rabaan in ay xadaaradihii hore xataa nuxurkooda ku soo uruuriyaan giriiggii hore iyo awooddii rummaanka si ay dadka u marin-habaabiyaan. Nimanka soomaalida ah oo sheeganaya in ay dadka ku xirayaan rasuulkii Maka iyo Madiina ku noolaan jirey SCW run ahaantii waxaa ay yasayaan diinta islaamka iyo dhaqan iyo afka soomaalida, maxaa yeelay ma ay awoodaan in ay soomaalida kula hadlaan af soomaali saafi ah, isla markaas marka ay soo qaadanayaan qoraa faransiis ah ama askari jarmal ah waxaa ay dareemayaan in ay dadka hor fadhiya ka heli doonaan citiraaf ah in aysan wadaaddadu jaahiliin ahayn. Waxaa ay si dadban daliil ugu raadinayaan in ay yihiin dad astaahila in la dhegaysto oo aan ahayn xertii hore oo qur’aanka jeclaa, waxaa ayna daliisha kala imaanayaan in ay sheegsheegaan dad reer galbeed ah magacyadood. Markii ay sheegayaan nin waagii ay dadka Yurub sideenna cawaanta ahaayeen la mid ahaa qabqableyaasha Marka iyo Xamar dadka ku laaya waxaa ay u qabaan in ay yihiin dad fiican oo aan diinta keli ah ku koobnayn. Qaarkood casharro taariikh ama siyaasad ah bay inta ay buugaag maktabadda yaal ka soo qorqoraan waxaa ay ayaga oo uu hadalkoodu carabi u badan yahay ku dul akhriyaan soomaali uusan badankoodu la qabsan karin waxaa ay sheegayaan, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in buuggii ama majalladii ay ka soo akhriyeen loogu talogalay dad gaar ah oo maaddo ay u bisil yihiin ka baranaya. Waxaa heerka iyo luqadda ku habboon munaasibadda ay joogaan ka weecinaya in ay iska beri yeelaan ceebta ah in ay diinta keli ah xoogaa ka soo barteen. Markaas ayaad arkaysaa nin garweyn oo cimaamad huwan oo dumar iyo carruur uga sheekaynaya in uu jiri jirey qoraa ruush ahaa oo magaciisa la oran jirey Dostojevskij iyo mid ay isku xilli ahaayeen oo la oran jirey Nikolaj oo isaguna isla dalalkaas ka soo jeedey! Dhibaatadaasi wadaaddada soomaalida keli ah ma ay haysato ee kuwa carabtu xataa waxaa ay diinta sharaf uga raadiyaan gaalada tacabka iyo taagta leh oo ay qalbiga ka dareemayaan in ay ka sarreeyaan, laakiin wadaaddada carabtu waxaa ay kuweenna ku dhamaan in ay bulshadooda kula hadlaan afkooda oo khaalis ah, waayo waxaa ay og yihiin in ay luqadda carabigu ka mid tahay afafkii ummadaha aan u dhalan lagu soo addoonsaday, oo welina laga yaabo in khalkhaliso dadyow aan wacyi sare lahayn oo ayaga ka sii hooseeya sida soomaalida iyo oromada. Dhibatooyinka soomaalida haysta waxaa ugu weyn in aysan ogaan karin meel looga yimid iyo meel loo wado. Taariikh ahaan waa ummad aysan cidina caddayn karin dhawaan ka hor wax ay ahaayeen. Lama hayo wax fog oo soomaalida ku saabsan, laakiin dhulku kolley weligiis waa uu jirey. Dhammaantood waxaa ay ku abtirsadaan dhawr oday oo midkiiba laga tirsado 20 oday meelahaas. Haddii uu abtirsiinyahaasi sax yahay jiritaanka soomaalidu kama uu badnaan karo kun sannadood, waayo labaatan oday muddo yar bay muujinayaan. Dhawrka oday mid keli ah oo meel uu ka soo jeedo la caddayn karaa kuma uu jiro, laakiin maaddaama carabta la jeclaa ayuu qabiil kastaa carabta ku rakibaa odayga uu abtiriskiisu ku dhammaado, waayo waxaa uu cabsi weyn iyo cuqdad ka qabaa in uu qaraabaysto afrikaanka la deriska oo u eg. Dhawrkaan oday oo ugu badnaan kunka sannadood laga joogo ka hor yaa dhulka joogey? Haddii ay carab ahaayeen maxay sida carabtii woqooyiga Afrika ku habsadey u dhiig furnaan waayeen, waxaase u ekaysiiyey dadka la deriska ah? Wax taariikh ah oo aan ahayn abtirsiinyahaas kutirikuteenka ah lama hayo, isla markaas wax faraha lagu hayo oo aan qabyaalad iyo diin ahayn ma ay jiraan! Qabyaaladda iyo diintu wax ay isku mid ka yihiin in uusan qofku dulqaadan karin markii wax laga sheego, oo ay fudud dahay in uu waran iyo ul asaga oo xamaasaysan la rooro. Haddii qof la weydiiyo “Waa maxay qabyaalad?” jawaab fiican oo la fahmi karo oo ay dadka oo dhammi ku qanci karaan ma uu heli karo, laakiin haddii la weydiiyo ”Waa maxay shamiito/sibir?” ama ”Waa maxay shukaansi?” waxaa u muuqanaysa jawaab fiican, maxaa yeelay waa wax uu fahamsan yahay, lagamana yaabo in ay dad badani murmaan ama ay isku laayaan oo uu dhiig dad ku daato. Wax kasta oo la fahmi karo waxaa yar in caaddifad lagu wado, maxaa yeelay haddii la wada fahmi karo maskaxda ayey geli lahaayeen oo dadka oo dhammi uma ay baahdeen in ay xamaasoodaan ama ay isnecbaadaan, waayo lama hayo dad isku laayey khilaaf ku saabsan in ay qorraxdu caddahay iyo in ay madow dahay. Wax kasta oo qiiro, khushuuc iyo xamaasad kiciyaa ma aha wax la fahmey, maxaa yeelay lama arag qof inta uu shacar xisaab ah fahmey xamaasooday oo dad laayey. Mar kasta oo wax la fahmo waxaa yaraada dhiigga daata iyo nacaybka dad magacood iyo jiritaankood laga ciilqabo ama wax uu qof aamminey lagu necbaado haddii uusan asagu gacankahadal bilaabin. Waxaa kale oo in la isxasuusiyo mudan dadyowga aqoonta heerka sare ka gaara in aan si fudud loo gelin karin wax xamaasad keli ah kicinaya oo aan la fahmayn, maxaa yeelay awal bay naftooda bareen in ay wax fahmaan oo aan sida xoolihii maalin keli ah la iska xeraysan. Waxyaalaha caddaynaya in ay dadka afrikaanka ahi masaakiin yihiin waxaa ka mid ah markii diimaha kiristanka iyo islaamka loo keenay ma ay ogayn oo wax ismaandhaaf ahi ayaga iyo dadkii u keenay ma ay dhexmarin, halka dadyowga kale dagaal iyo xasuuq lagu geliyey diimaha. Qofka soomaaliga ahi ma uu garanayo goor uu qaatay mabda’a qabyaaladda oo uu u dhimanayo, isla markaas lagama yaabo in uu inta fakaro isyiraahdo ”Horta adigu maxaad tahay? Dadyowga kale maxay yihiin? Yaad neceb tahay? Maxaad u neceb tahay? Qofkii ugu horreeyey oo nacaybkaan abuuray muxuu ahaa? Muxuu ku falayey in ay dadku islaayaan ama aysan nabad ku wada noolaan? In uu saxnaa maxaa u daliil ah? Ma in uu asagu sheegtay in uu fiican yahay baa daliil u ah in uu fiicnaa mase cid kale ayaa si qeexan dadka u qancisay? Ma wax asaga laga maqlay baa kugu khasbaya in aad asaga jeclaatid dadka kalena necbaatid? Adiga maskaxdaada iyo wadnahaaga ma qof baa kula wadaaga? iwm”. Dadku in ay wax cusub arkaan waa ay jecel yihiin, oo xataa haddii aysan raalli ka ahayn si dadban bay ugu farxayaan. Soomaalida oo ah dad ay kala duwanaantu aad ugu yar tahay oo wax kasta isku si u arka, laakiin xamaasadda qabiilka ku kala duwan ayaa xilli dhow waxaa u gaalowdey gabar magaceeda lagu sheegay Ayaan Xirsi oo sheegtay in ay ku xanaaqdey nebiga CSW oo ay u aragto in uu dumarka noloshooda ku khammaaray. Soomaalida oo labaatankii sannadood oo la soo dhaafay iska laayey dad aan ka yarayn malyan ayey gabadhaasi waxaa ay ku dhexfurtay buuq, waxaana ka hadashay saxaafadda soomaalida oo ujeeddooyin kala duwan wax uga qoray. Qaarkood dagaalladii qabyaalada oo soomaalida ka dhex socdey bay ugu gabbadeen oo ayaga oo qabiilka ay ka soo jeeddo dartiis u necen bay munaasibadda ka faa’iidaysteen. Xataa kuwo aad iyo aad u sinaysta oo aan anigu aqaan baa waxaa ay iska dhigeen in ay nebiga CSW dartiis u caayayaan Ayaan Xirsi. Kuwa ayada ku maagaya in ay nebiga addeeci weydey maxaa ayaga u diidey in ay farjigooda xaaraanta ka dhawraan?! Labo denbi oo kala ah dhaca xoolaha iyo dhiigga dadka oo la daadiyo soomaalida kuma ay cusba oo waxaa dhintay malyan dad ah, waxaana Xamar oo ah magaaladii dalka ugu weynaan jirtey yaalla boqol isbaaro, waxaase jira denbi ku cusub soomaalida oo ah in uu qofku nebiga CSW ka aamminbaxo, oo uusan u hoggaansamin. Denbigaas ummadda soomaaliyeed ku cusub waxaa ka dhashay doodo lagaga nastay qabyaaladdii oo lagu fadhikudiriray, waxaana la sheegay in ay Ayaan godkeedii biyo ugu galeen oo la diley nin kaafir ahaa oo filim la jilay, isla markaas lafteeda mindi lagu cayrsadey oo ay dhuumatay sidii Usaama bib Laaddin. Adduunka waxaa ku soo badanaya dad mindiyo lala dabajoogo, oo hadallo ay yiraahdeen ama aragtiyo ay qabaan aan lagala doodin ee gacanka loogu jawaabayo. Nin Iswiidhish ah baa ayaamahaan shidnaa, oo asaguna waxaa uu ku hadlay in uu nebigu guursadey gabar jirta 9 sannadood, taas oo ka caraysiisay dad soomaali u badan oo muslimiin ah. Qur’aanka kariinka ah kuma ay qorna in ay 9 sagaal jirtey, sidaas awgeed waxaa laga yaabaa in ay 19 jirtey, waase xadgudub in qof banii’aadam ah xaaskiisa iyo gogoshiisa lagu dheeraado ama la faragashado, taasina waa isku mid in uu qofku dhintay iyo in uu nool yahay. Arrimaha noocaan ah oo hadba qof iska hadlay mindi lagula ordayo dadkayaga wadaaddada diinta ahi raalli kama aannu ahin, maxaa yeelay waa debin dadka muslimiinta ah loo dhigayo oo adduunka loo tusayo in ay yihiin dad aan doodin ee qofkii aragti tooda ka duwan qaba mindi ku cayrsado. Ayaan Xirsi lafteedu khalad aad u weyn bay gashay maxaa yeelay diimuhu ma aha waxyaalaha laga doodo, oo sidii la doono loo naqdin karo, maxaa yeelay dadyowga sidayada oo kale diimaha haystaa uma ay bisla in ay qof kasta aragtidiisa ku ixtiraamaan, ee waxaa ay rabaan in tooda loo raaco, maxaa yeelay qofku waxaa uu u qabaa in ay diintiisa keli ah xaq tahay asaga oo aan aragtiyaha kale xushmaynayn. Dadkii dariiqooyinka iyo diimaha adduunka ka jira asaasay rag ayey u badnaayeen maaddaama ay dhaqamada kala duwan badankoodu ragga ka sarmarin jireen ama ay weli ka sarmariyaan dumarka, taas oo ay keentay in haweenka laga xoog badan yahay oo ay waxyaalaha nooli xoogga ku kala danbeeyaan. Nin kasta oo firqo ama diin dhan asaasay waxaa uu leeyahay taageerayaal aan jeclayn in ninkii ay rumaysnaayeen la dhalliilo, maxaa yeelay waxaa ay taasi ula mid tahay in ayaga oo dhan lagu tilmaamay dad u heellan oo u jilbaysan wax dhalanteed ah. Maddaama gambalaaliga ka dhalanaya in dariiqo ama diin la dhaleeceeyaa uu ka shar badan yahay in mabda’ kale ka dhalliilo waxaa habboon in uu qof kastaa si digtooni ah uga hadlo waxyaalaha la rumaysan tahay oo khayrka iyo sharka lagu rajeeyo ama lagaga baqo. Ummaduhu waa ay isku dhaamaan xorriyadda ku saabsan in uu qof kastaa sidii ay la tahay uga doodo aragtiyaha ay dadyowgu kala qabaan oo ay qolo kastaa midda ay la tahay u qabaan xaq aan laga ****hadli karin, waxaana laga yaabaa in aynu ka mid nahay kuwa ugu liita in ay oggolaadaan in wax kasta ay doodi ka furmi karto si xal caqligal ah loo gaaro. Sidaas oo ay tahay soomaalidu waa ay ku farxeen in ay gabari u gaalowdey, waayo waxaa ay xiisaynayaan in ay ka doodaan waxyaalo cusub oo aan hore looga doodin sida in taariikh ahaan loo xalliyo in Caasha Abuukar, Alle ha u naxariisto, ee markii uu nebigu CSW guursadey ay 9 jirtey iyo in ay 19 jirtey.
  7. madaxweeyne sheekh shariif iyo xildhibaan prof Ali mahamed geeddi SHARIIF -WAA IS XIGNAAHE HEEYXUMEEYN ANAA XERADA XUKUMEE GEEDDI -MARKEEY XERADU II XIREED ADBA I XABADEEYSAYAA SHRIIF -ANXAASIDKAAGA MIIHIYEE XABASHIDAAN ISKUXUMEEYN GEEDDI -HAADAN HAASIKEEY EHEEYN XABBAD IGUMA XUUBISEEN SHARIIF -ADAA XUMEEYAYXAAJADEE SHABASHI MAALA XIGSADAA GEEDDI -MARKAAD XUKUNKI XIGSATEEN XABASHI LA XABIIBTAYAA SHARIIF -XABASHIDA NINKAAN XUSHMEEYN XAMAR CADDEEY MAXUKUMAA? GEEDDI -XASANAA IGA KAAXIGOO (XASAN DAAHIR AWEYS) WAALAXIRAA XISBUL ISLAAM SHARIIF -XASAN HAKU DARAN XISAAB ANOOW HOR II XAKAARIYEE GEEDDI -XASAN NINSOO XALUUSHAYOON XIGTA RABINKA XAALQURXOON SHARIIF -XOOGAA INTAAN KA XIRXIRTOON XASHINTA BUUXSHO HEEY- XUMEEYN GEEDDI -XOOLAHA SHACABKAAD XADEEN (HANTIDAQARANKA) IMANASOOXASUUSATIIN SHARIIF -WAXAAD XADAY XAGAAY DHOWAAY XAAJI AMAADKU XASILEE GEEDDI -XEER MAQABAYO XILDHIBAAN WAANA KU XIRFADEEY AQAAN XARAARE -XARAFAANTAAN ISKU XIIQDAYEEY AMAAN IDINXALIKARAA SHARIIF -WAANA KALA XUGMIKARTAA ADOONNALA XISAABTAMEEYN GEEDDI -XALYEELIMAAYO XUKUNDOON XISAABNA LEEYGU XADIMAA XARAARE. -XOOGAADA NINBA WAA XIRTEE AMAADKALA XISHOOKARTIIN AMAAD IYUUSKU XIRANTIIN XAASIDKIIN LA XARBIKARTIIN MINAAD ISKU XIRANTIHIIN XASAN IDINMA XINRIBEEN MINAAD ISKU XIRANTIHIIN XAMARBA MANAQDEEN XABAAL DAD ISXIGOON KALA XISHOON XAQOODA U MA XARBIYAAN XAGLEEYS DAYAAYA MAAHINEE XAMARDAYEBA MAXIRMEEN http://www.hiiraannet.com/Warar2009/Dec./Shirib-17-12-2009.html
  8. Xujo Xujo... 1:) Wax Dhasho DHecaan leheen.? 2:) Geedka aduunka ugu dheer intuu ku yaalala.? 3:) Qof kula dhasoo aan walalkaa aheyn.? 4:) Wax aan is bedelin.? 5:) Wax markii la dhuuqo sii yaraanaya.? 6:) Xawaayaan caado ka imaato sidii haweenka.? 7:) Xayawaanka ugu xaarka wayn.? 8:) Wax aad qaadi kartid wuxuu qaadona aadan adiga qaadi karin.? Yaaka jawaabi kara..? lool ^^Thx^^
  9. Aan soo miineeyo, ama aan soo diyaariyo waa isla meeshii..... Laakiin waxaa muhiim ah intaad aqrisid oo aad ra'igaaga ka dhiibato!!! ^^Mahadsanid^^
  10. Hadaba maalmo kamida maal-maha sanadka ayaa waxaad u soo joogtay ama aad la soo kulantay iyadoo la siiyay tilmaan gooni ah oo loogu yeero sida iyadoo la oranayo maanta waa maalintii Haweenka, Maalintii Shaqaalaha, Maalintii Macalinka, Maalintii Saxaafadda, Maalinta xor-nimadda.. maalintii..maalintii.. iyo maalmo kaloo aad u badan oo loo asteeyay munaasabaddo kala duwan. Hadaba Maanta (14th, February) 14-ka bisha labaad ee sanad walba waxaa la xusaa maalin loogu magac daray Maalinta jaceylka Aduunka (VALENTINE'S DAY) waxaanse rabaa in aan wax yar ka iftiimiyo Jaceyl-ka iyo munaasabadda dadka qaar maskaxdooda gashay ee maalintaan loo sheego taasoo la oran karo waa wax u gaar ah ama munaasabad u gooni ah dadka aan Muslim-ka ahayn gaar ahaan Christianka. Hadaba ma rabo in aan wax badan ka iraahdo taariikhda ama qisadda maalintaan iyada ah, mana u malaynayo in uu jiro qof isku mashquulinayo ama u dabaal dagayo sida ay yeelaan dadka xushmeeya maalintaas oo iyagu lagu yaqaano in ay hadiyaddo qaali ah is guddoonsiiyaan, ubaxyo qur qurxoon oo u badan kuwa leh Kalarka gaduudan la isa siiyo, mac macaan la isku raaciyo iyo waliba iyadoo lagu maamuuso xaflado si wadajir ah ay mucaashaqiinta maalin qura uga wada qeyb qaataan waxaana kaliya ku soo koobayaa qof walba waxa uu iska dhigo ayuu yahay. Jaceyl-ka waa wax jira mana noqon karo maalin qura, waxa uuna soo bilaaw-daa maalinta uu illaah abuuro ama uu dhasho aadanaha kaasoo ugu horeyn uu dareemayo Jaceylka waalidka gaar ahaan kan Hooyadda waxaana taas tusaale u ah sida Hooyadda u kool-kooliso ubadkeeda iyo sida naxariista leh oo ay u ilaaliso taasoo la oran karo Jacey-ka dhabta ah ee ugu horeeyo ee uu helo aadmigu. Sida nabageena N.N.K.H uu inoogu sheegayba waxaa muhiimadda koowaad, labaad iyo sedexaabda leh Hooyadda, iyadoo Rasuul-keenii suubanaa uu u yimid nin isagoo weydiiyay qofka xaqa ugu badan leh ee jaceyl-kiisa waxana uu nabigu yiri , Hooyadda, waxa uu ninkii ku celiyay qofka xiga, waxaana loo sheegay Hooyadda, hadana waxa uu yiri kadibna waxaana loo sheegay Hooyadda mar sedexaad waxaana Rasuul-ka S.C.w uu markii afaraad yiri Aabaha. جاء رجل الى الرسول الكريم محمد صلى الله عليه وسلم وقال له :يارسول الله من احق الناس بصحبتي ؟ فقال الرسول :امك، قال ثم من ؟ فقال الرسول :أمك، قال :ثم من؟ فقال الرسول :أمك، قال ثم من ؟! فقال الرسول عليه افضل الصلاة والتسليم :ابو Waxaan halkaas ka ogaanaynaa in jaceyl-ka hooyadda uu yahay kan ugu horeeyo iyadoon halkaan lagu soo koobi karin, waxaana muhiim ah in qofka qiimeeyo jaceyl-ka waalidkiis gaar ahaan hooyadda iyo isagoo qadarinaya qeybaha kala duwan ee qaraabadda iyo bulshadaba, waxaana loo baahan yahay in sidoo kale aad ku jeclaato macalinkaada tarbiyeyntiisa, culimadda ama shiiquna aad ku jelaato cilmigiisa, dariskaadana aad ku jeclaato wanaagooda saaxiib-kaagana aad ku jeclaato sida uu yahay ama uu u yahay mid wanaagsan. Jaceyl-ka dhex mara laba qofood Lab iyo Dhedig:- Waxaa badan tilmaanta laga bixiyo Jaceyl-ka in ay ku soo aruurto jaceylka dhex mara Laba qofood gaar ahaan Lab-ka iyo Dhediga waa haddii si kale loo yiraahdo Wiilka iyo gabadha iyadoo dadka qarakiiba ay u fahansan yihiin Jaceyl oo dhan in kaa loola jeedo oo hadaad tiraahdo qofkaas waan jeclahay ay qofka jileecayaan in uu yahay qof dumar ah mar hadaad adiga rag tahay, dhanka kalana haddii aad tahay dumar la eegayo in rag uu yahay. Waa sax waana mid-ka ugu muhiimsan marka laga soo tago jaceyl-ka waalidka ee ah kan ugu weyn waana mid loo baahan yahay oo wax badan laga hadlay Waxaana loo duceeyay dadka illaah dartiis isku jecel, waa wax meesha ku jiro in qofka aad ku raacdo tilmaamo qaar iyo waliba sida uu kuula muuqdo waana wax la amaanay in aad doorataa qofka kuu noqonaya wehel-ka iyadoo diini-yan la sheegay in ay haboon tahay in lagu doorto dumar-ka Diinta, aqlaaq-da, qurux-da, aqoonta iyo lacagta oo aanan ahayn muhiim, sidoo ay wanaagsan tahay in dumarka ama hablaha loo dooro nin diini-yan wanaagsan oo aqlaaq suuban iyana ay xaq u leedahay in ay doorato. Dooqo qofka waa mid uu u madax banaan yahay Jaceyl-kuna maaha mana noqon karo wax la jilo ama la iska doon doono, Qofka cagligiisu dhan yahay waxaa uu kala garan karaa qofka jecel oo ay dhab ka tahay isagoo eegaya hadba qofka sida uu ula dhaqmayo dhanka hadal-ka sida uu u xushmeynayo iyo guud ahaan sida uu danaynayo ama ugu heelan yahay taasoo aan marnaba been been ku socon karin ilaa Jaceyl rasmi ah uu jiro mooyee. Xigmad ayaa Oranaysa ''Don't marry someone you can live with, Only marry the person who you cannot live without" Ha guursan qof aad la noolaan kartid, balse guurso qof aadan la'aantiis noolaan karin (joogi karin) macnaha xigmadaan ayaa isugu soo aruureysa in qofka aad guursanayso aad ku doorato Jaceyl, qof aad si caadi ah ula noolaan karto ha guursan oo marka uu kula joogo ama kaa maqan yahay ay isugu kaa mid tahay waxaana loo baahan yahay in qofku noqdo mid mar walba maskaxdaada ku jira oo aanan si naba uga bixin, kusugi kari waaya marka aad maqan tahay, kaa wel wela oo kaa fakira sidoo kale kugu faraxsan mar walboo aad la joogto maaha qofkaas qod aad si caadi ah ula noolaan karto ee waa qof aad jaceyl kula noolaan karto. Jaceyl-ku maaha maalin qura ee la xuso ma ogi haddii lagu xasuusanayo maalin gaar ahaaneed sida maalintii aad isbarateen, maalintii aad isguursateen ama maalinmo kaloo xasuus gooni ah idiin leh, taana macnaheedu maaha in xaflad la dhigo ama xus ahaan la weyneeyo ee waa in aad mar walbood soo xasuusataa wanaaga qofka aad jeceshahay aad illaah ku xamdisaa taasoo noqonaysa in aad noloshaada u heshay qof wanaagsan si illaah raali ka yahayna u maareysaa jaceyl-kaada oo aad xaqdhowrtaa misana ilaashataa. Waa in jaceyl-ka dhex maraya labada qof uu lahaadaa xad ilaa loo gudbo in ay isku xalaal noqdaan oo XAAS ay noqdaan, waana in ay si deg deg ah ugu gudbaan waxaana loo baahan yahay in aan lagu taxal tagin xiliga xod xodashadda (is shukaan-siga) waxaadna arkeysaa iyadoo la leeyahay waxaan qofkaan wada soconaa oo aan is jecel-nahay mudo dhan intaas oo sano taasoo u muuqanaysa mid karaahiyo ah mar hadii awood aad u leedahayna ay wanaagsan tahay in aad guursato qofka aad jeceshahay inta sheydaanku uu mar walba idin dhex taagnaan lahaa idinkoo kala ajnabi ah, waana wax aan la is moogeysiin karin in halkaa ay ka imaanayso isla joogid waqti badan, is dhunkasho iyo is taataabasho aanan sharci ahaan banaaneen.. tiiyoo aad heli karto in iyadoo illaah uu raali idinka yahay aad si sharci ah iskula qaadataan waqtigiina. Waxaad jira dhibaatooyin badan iyo isfaham la'aan lagala kulmo Jaceyl-ka waxaana badan lamaanaha isfaham la'aanta soo kala dhex gasha taasoo ay u wacan tahay hadba xaaladaha kala duwanaansho ee bini'aadamka taasoo ay u sii dheer tahay kala aragti duwanaanshaha xiriirkooda iyo in qof kamida labadooda uu ka waayo qofka kale arimo uu si gaar ah u danaynayay ama uu ku arko waxyaabo uusan jeclaysan oo qofka kalena la ah wax iska caadi ah taasoo sababta in mar walba ay badato eeda ay isku soo jiidinayaan waxaana halkaas ka muuqata in jaceyl jiro mar hadaad aragto in labada qof ay murmayaan sida ay qubaradda ku xeel dheer sheegeen. Labada qof ee is jecel waxaa yar kuwa isla bilaaba oo isla dhameeya muran, masuug iyo maseyr la'aan waana wax aadmigu ka samaysan yahay oo ku beeran taana waxaad ku ogaan kartaa marka aad aragto laba qof oo shalay murmayay ama kala aamusnaa oo maanta iskula jooga farxad maaha in jaceylkoodu soo gaba gaboobayo hadii ay wax soo kala dhex galaan ee waxaa jira dareen labada qof ay wadaagaan oo ka dhaxeeya oo isku soo jiidaya sidoo kalana ilowsiinaya wixii dhacay taasoo qof walba uu ku qasban yahay isagoo eegaya jaceyl-kiisa iyo sida uusan u joogi karin qofka kale la'aantiis waana tilmaamaha Jaceyl-ka. Waxaase ugu nasiib badan Jaceyl-ka labada qof ee isu samra ee kala qaata amarka isana adeeca waxaana inta badan loo baahan yahay in ay ka imaato dhanka marwadda oo iyadu ay marwalba ahaataa mid dulqaad badan oo hagta hab nololeedka qoys-keeda maadaama uu nabigu N.N.K.H yiri haddii qof bini'aam ah haloo sajuudo la oran lahaa waxaan dhihi lahaa Ninka naagtiisa ha u sujuudo taasoo ay kuu muuqanayso in kaalinta ugu badan looga baahan yahay iyadda. Hadaba Diinteena Macaan waa wada Jaceyl miiran, mana lahan Jaceyl-ku maalin gooni ah waana wax aadmigu ku beeran, Mar haddii shalay aad ku dhalatay Jaceyl gaar ahaan kan Hooyadda bari-na aad dhimanayso adigoo allahii ku abuurtay uu ku oofsan doono ma jirto sabab aad wax u necbaato ama aad uga murugooto mustaqbal-kaada waana in aad ku kalsoonaataa rabbi S.w ugu horeyn mida xigtana aad meel iska dhigtaa dadka muujiya saadaasha xun aan iraahdo cadowga Jaceyl-ka waana in aad si dhab ah u abaartaa ujeedadaada adigoo illaah ka baryaya in uu towfiiqda ku waafajiyo. Tashadaa ma guursado" Soomaalida ayaa ku maah maahda waana arin muhiim ah oo meesha ku jirta in aadan taladda badsan ee aad adiga ogaataa waxa kuu fiican iyo waxa kuu xun walibana kala doorashadda iyo dooqa wax kula wadaagi kara malahan. midse ku haay maanka iyo maskaxdaada in uu jiro calaf la mid ah maaliba waxa uu qaadirkaa kuu qoro ee aad quud ahaan u cunto waana in aad ku qanacsanaataa qadarta rabbi xili kasta.
  11. Run ahaan jaceyl waa wax jira oo la kowsaday bilowgii Aadanaha Jirina doona inta uu ruux bini’aadam ah ku dul noolyahay dunida dusheeda, Ma jirto luqad caalamka looga hadlo aan laheyn weedha Jaceyl, Jaceylku wuxuu wada saameeyay dhamaan bulsha weynta caalaamka cadaan iyo madowba, haba kala duwanaato habaka saameynta, Jaceylku ma yaqaano Midib kala sooc sida Madow iyo Cadaan Taajir iyo faqiir, madax iyo miskiin, tani waxay daliil u tahay in uusan jaceylku aheyn wax ku gaar ah qeyb ka mid ah bulshada. Dhab weeye caashaqu Dhayal wuu ka weynyahoo Dhaayahaa ilmeeyoo Dhuuxiyo wadnahiyo Dhamaan oogaduuu Dhax jibaaxaa Inkastoo xiliyadii hore aan lagu dhiiran Karin ka hadlida Jaceyl iyo amuuraha ku lifaaqaan hadana waxaa maantay guul lagu faani karo ah in jaceylka laga sameeyay qooraalo farabadan oo dhaxalgal ah. Waa huubaal in uu jaceylkuyahay wax Aadane soo mara kan ugu qiimaha badan waayoo waa dareen si dhab ah u taabanayo nolashaada, waqtiyadan dambe waxaa jaceylka laga yiri hadalo farabadan, ruux kastana waxuu u qeexayay sidii uu u soomaray, Ka qoraa saxafi ahaan waxaan waxaan dhihi lahaa. Cudur weeye caashaqu Caalamku ogyahay Calana usaaray Ciribtirna u waayay Calaamadiisu waa catoow Ceebtiisu waa xishood Caadadiisu waa cabsi Abwaanada oo ah afhayeenada bulshada waxa ay jaceylka ka yiraahdeen hadala farabadan, qaarbaa ku tulmaamay inuu yahay cudur aan daawo laheyn, waxaanse anigu aad ula dhacay Abwaankii yiri “ Waa macaan ama waa qaraar kolba waa siduu kuu soo maree” Jaceylku waa seef laba afle ah oo aan lagaraneyn dhanka ku soo abaari doono, Waxaa jirto in ilaa amintan aan maqaalkan qorayo la la’yahay macne ama fasiraad waafi ah oo la isla aqoonsanyahay oo lagu til maami karo jaceyl, waayoo shaqsi kasta wuxuu jaceylka ka aaminsanyahay figrad gaar ah, tusaaale ahaan ruux hantay qofkii uu jeclaa, nolal raaxa lehna la wadaagay , Rabina uu kala siiyay owlaad xalaal ah, wuxuu jaceylka ku tilmaamaa macaan aan noociisaba dunidan lagu arag, dhanka kale ruux Axdi looga baxay daleed maranna lagu dhaafay indhihiisa oo shanta ahna laga raacay midkale wuxuu jaceylka u yaqaanaa qaraar, cudur aan dawo laheyn iyo dhibaato aan ka soo waaqsi laheyn. Hadii aan isku dayo inaan qeexo jaceyl, waxaan oran lahaa waa dareen xoogan oo uu Rabi (S.W.C.) ku beeray gudaha qulSubta Aadanaha, kaas oo kuugu qasbaya rabitaanka ruux gayaankaaga ah, dabcan waxaad ku jeclaan kartaa Dabeecad wanaagsan oo uu qofkaa leeyahay, qurux uu Eebbe ruxaa si gooni ah ugu deeqay, abaal uu kuu galay oo kuugu reebay jaceyl , aqoon uu leeyahay, magac iyo maal uu dadka kale dheeryahay ……. wax yar ka dib ayay kalkaalisadii soo agmartay , muniiro ayaa u yeertay una sheegtay arrintii , wey ka ogolaatay kalkaalisadii sidaa ayayna ula socodsiiyeen reerka wixii jira , hooyo seynab roodo oo ay deris ahaayeen isla markaana gurigooda uu axmed juqraafi kala soo xiriiri jiray fani ayaa hooyo seynab ka ogolaatay in ay carruurta la joogto waxayna si aad ah uga damqatay dhibta gaartay fani oo ahayd gabar ay dadku wada jeclaayeen . dhanka kale hooyo cibaado oo muniiro hooyadeed ahayd ayaa iyadana arrinta fani daahir qabsatay si aad ah uga murugootay iyadoo ogeyd in fani tahay gabadheeda saaxiibteed , markii ay labadoodii waa hooyo seynab iyo muniiro ay soo dhameysteen dantooda ayay goobtoodii ku soo laabteen . waxaa isagana yaabanaa axmed juqraafi oo sidii ay gacalisadiisa ballantii ay dhigteen ugu imaanweysay ay xaaladiisu cakirneyd , subaxnimadii axmed juqraafi wuxuu ku kallahay talefoonkii uu ka wici jiray fani ee guriga deriskood ku jiray , durbadiiba wuu dhacay waxaana ka qabaty roodo , axmed juqraafi xitaa gabadhii uu sida deggan u salaami jiray maanta wuxuu hadal uga bilaabay fani ma joogtaa abaayo iigu soo yeer si degdeg ah fadlan . roodo ma aysa aqoon axmed juqraafi laakiin wey ogeyd in uu yahay wiil fani ka soo waca magaalada nairobi , iyadoo ka yaabban degdegta ka muuqata ayay u sheegtay waxa ku dhacay fani iyo weliba in ay shil gashay oo ay isbitaalka ku jirto . axmed juqraafi markii ay hadaladaasi dhegahiisu ku dhibceen wuu naxay oo is madax maray inta uu mobile_kii dhegta ku dhejiyay ayuu ku yiri yaaaaaaaaaaaaah ! ha igu ciyaarin abaayo runta ii sheeg iigu soo wac iyadaan rabaaye . roodo inta xanaaqday ayay ku tiri..war adiga war kuma galo miyaa been miyaad iigu baratay aniga sow mar kasta kuuguma aanan soo wici jirin , aboowe gabadhu isbitaal ayay ku jirtaa gaari ayaana shalay madaxa ka jiiray marka hadda xaaladeeda ma ogi welina uma tegin . axmed wuu xaqiiqsaday arrintaasi inta uu talefoonkii damiyay ayuu qolkiisa si halhaleel ah u galay isagoo aad moodo in wadnuhu dhulka soo dhici rabo Allahayow xanuun badanaa naf uu caashaq sahansaday , sanbabada dhexdoodiyo uu ku saaqay feeraha . axmed wuxuu muujinayay deganaasho laakiin waxaa ku adkeyd in uu arintaasi xaqiiqsado, inkasta oo uu mar mar isku fiirinayay waxa isku soo beegay in gacalisadiisa sida aadka ah u jecel ay ka baaqsato balantii ay wada lahaayeen iyo in loo sheego in gacalisadiisa ay shil gashay , wuxuu axmed juqraafi fakaraba wuxuu markaan go, aan ku gaaray in uu waco walaashiis muniiro oo uu u arkay in ay tahay qofka keliya ee u xaqiijin kara arrintan murugada ku beertay, inta uu hadana mobilekii soo qabtay ayuu wacay muniiro oo xilligaas ku sugneyd isbitaalka , markiiba muniiro markii ay ogaatay in uu axmed yahay waxay ula baxday meel gees ah, muniiro wey naxsaneyd waxayna is weydiineysay sida ay ugu sheegi doonto amarka dhacay hadana waxay is tiri..run iyo ilkaba waa la cadeeyaa ee waxa jira u sheeg .............. Kalsoonida waxaa lagu muujin karaa habaab kala duwan oo isugu jiro ficil iyo dareensiin labada, waxaa ka mid ah ilaalinta balanta idiin dhaxeysa jaceylkaaga, waxaa kaloo kalsoonida lagu abuuri karaa adiga oo jaceylkaaga la qeysada farxaa iyo murugada labadaba, is weydaarsiga hadiyadaha waxay kobciyaan oo kor u qaadaan Kalsoonida, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Gacmo is dhaafaa Gacalo ku jirtaa, waxaa aad u wanaagsan inaad wax uun u hadiyeyso Jaceylkaaga Ubaxba alaah ka dhigee gaar ahaan xiliyada farxada sida maalmaha ciida, Kalsoonida waxaa kobciya booqashada waqtiyada dhibaatada sida marka uu xanuunsanyahay ruuxa aad jaceyl wadaaga tihiin ama laga xanuunsanyahay. Dejinta iyo u nasteexaynta jaceylkaaga marka uu isku buuqsanyahay waxay keeni kartaa in uu aad kuugu kalsoonaado oo uu kuu kashifo sirtiisa hoose ahaaneed, kaftanka aan xad dhaafka aheyn wuxuu abuuri karaa kalsooni farabadan, inaad barto asxaabtaada qofka uu jaceylka kaala dhexeeyo waxay gacan weyn ka geysan kartaa unkida Jaceyl dhab, dabacsanaanta isku dheeli tiran ee labada dhinac iyo waa tashiga joogtaada ah waxay gundhig iyo aas aasba u noqonkaraan kalsooni iyo gacaltooyo aan marna gureyn. Waxaa aad u sahlan inay si sahlan ku bur burto Kalsoonida aan hada ka soo sheekeynay, iyada oo eersaneysa waxyaabo basiid ah, waxyaaba burburinkara kalsoonida waxaa ka mid ah la socoshada qof kale iyada oo uu kuu lug xiranyahay kii hore, ugu dambeyn marka uu kuugu ogaado waxaa dhacda in uu si fudud kaaga qanaaso go'aan adagna kaa qaato, waxaad maqleysaa hebel iyo heblo oo mudo wada socday ayaa safaaradaha kala qaatay, markii aad si qoto dheer u eegto waxaa kuu soo baxaya in uu mikood ahaa qiyaanoole doonayay inuu isku dul furo xiriiro farabadan, wax yaabha burburinkara kalsoonida waxaa ka mid ah sheegida hadaladii uu kuugula haasaaway jaceylkaaga, sidaa daraadeed waxaa haboon in aad xafido sirta uu kuu sheegtay saxiibkaaga, ogaatana in sababta laguugu aaminayna aytahay jaceyl iyo kalsooni laguugu qabo, gambiska iyo balan baxyada joogtada ah waa hooyada burburka kalsoonida dhamaad dhamaad dhamaad
  12. Geeljire-gaboobay... Maansha allaah sheekadaada waa i qancisay Laakiin magacaada ma iga jaahil bixin kartaa.? Qoraal dardiiis maa u gawoowdey mase cimrigaa ku dhaafey??-?..looooooool..... Thx.