@maakhiri1
 
	Waxaad isku khaldaysa dagaaladda qabaliga ah, ee laba beelood oo jaar/daris ah isku dhacaan iyo Organisation SNM.
 
	Waa kala laba. Dagaalka qabaliga ah SNM ka hor waa jiray, SNM ka dib waa jira, SNM kolkay jirtay waa socday. Waliba 1980kii Siyad Barre siyaasaddihii uu kula dagaalamaayay SNM ayay ka mid ahayd dagaaladda qabaliga ah. Reer walba reerka dariska la ah ayuu ku xudho-xudheeyay. 
 
	Way jirtay in marmar dagaalo Qabiil boqolaal la iska dili jiray, waxa ka mid ah dagaaladdi Haye-Haye (Haye Bari iyo Haye Galbeed), waxa ka mid dagaaladdi ka dhici jiray Ceerigaabo. Waxa ka mid ah dagaaladdi Buuhoodle. Waxa ka mid ah dagaaladdi Kilka shanaad ee jahbadda ONLF/WSLF iyo beelo degaanka ah ku dagaalami jireen. 
 
	Waxa ka mid ahaa dagalaadi Gabiley iyo waqooyiga Awdal/Lughaya oo ciidan beeleedyo si wayn looo hubeeyay dad badan ku laayeen.
 
	Inta badan dadkiii SNM taageerijiray difaac ayay ku jireen oo kolka rugtaada iyo reerkaaga lagugu soo doonto, waad iska celinaysa.
 
	 
 
	This is Abwaan Qaasim oo gabay ka tiriyay sidii Dawladdi Afwayne u hubaysay beelaha.
 
	 
 
	Ma-Geydada Isaaq nimanka dhacay mahadin maayaane 
	Marreexaan Gedood iyo Absame nama miskeedaane 
	Dadkan mawdku noo soo hor kacay waannu maax duminne 
	 
	Midgihiyo Sabtana waan u talin Maagga Samarroone 
	Maarraha Ugaaslabe la baxay waa masala dhaafe 
	Akishaha masiibadu waddaa waa milga habow'e 
	 
	Ma-Hadhada Bartire nagula kacay waaba loo marag'e 
	Abasguulka Malaggiisu galay mudh isa soo siiye 
	Inuu Gerina noo soo mir tegey meel fog laga sheegye 
	 
	Maqalloo Gahayluhuna waa noo min tiriyaaye 
	Mindiyaha Jidwaaq iyo warmuu miridhi dooneeye 
	Sheekhaashti midabbayn jirtaa noogu maag badane 
	 
	Isna Muxumud reerii ka guur magansigoodiiye 
	Malluugahays beddelay waa waqtigu maad u leeyahaye 
	Madax-gaabtu riiq maleh dagaal laysu maan baxaye 
	 
	In Maxaysatada lagu dhugtami wayska maan garanne 
	Maajeenta Qarafbaa belbelin midhan ku tuuraaye 
	Guul lama maroorsado haddaan looga dhalan meele 
	 
	Maayaddii Tumaalkiyo hadday murugtay heestiiye 
	Mawdii Durbaankiyo la waa mooya-tumihiiye 
	Illayn waxay mashxaraddii ahayd maalmo nabadeede 
	 
	Ways muujin sheekadu sidii maamka loo dhigo'e 
	Halkaan Calanka ugu soo muday magansan doontaaye 
	Muddaduna sidaan filayo waa maalmo dabadeede 
	 
	Gobannimada kii maal baxshee cadaw mahiibsiiyey 
	Iyo magaca ka u dhiidhiyee miiratada laayey 
	Nin kastaba abaal waxa la marin ka u mutaystaaye 
	 
	Saddex-Magac-Alle inaan dib loo murugsanaanayne 
	Markhaataan ka dhigayaa tixaha marag ha loo yeelo 
	Muranbaaba laysugu dhintee maanso iga reeba
 
	 
 
	@gooni
 
	inaad intan dhaantid ayaan u haystay. Laakin iska celi beestayn ayaa tahay.