Sign in to follow this  
malistar2012

Somali Post office open for business

Recommended Posts

Soo dhoweynta madaxweynaha ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka waxana uu wasiirku guddoonsiiyay madaxweynaha warqad soo martay boostada oo loo soo diray.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

IMG_7452.jpg

 

Dalka Soomaaliya ayaysan ka jirin 22kii sano ee la soo dhaafay boosto toos ah oo ay dowladu maamusho hase ahaatee waxaa ay dowlada federalka haatan qorsheynaysaa in ay dib u bilowdo boostadii caadiga ahayd ee dadku warqadaha isugu diri jireen inkastoo haatan aalada Internetka ah adduunka uu fududeeyay sida warqadaha la isugu diro.1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayadoo ay iminka si rasmi ah u shaqeyneyso Boostada dalkeenna islamarkaana dhowaan uu ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in lasoo celiyo adeegga Boostada Soomaaliya mudo 24sano kadib ayaa maanta Boostadii ugu horeysay ee lasoo diro kadib dib u howlgelinta Boostada waxaa maanta lagu wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Waraaqadihii Boostada ahaa ee iyagu noqday kuwii ugu horeeyey ee lagusoo diro Boostada Dalkeenna tan iyo intii dib loo howlgeliyey ayadoo warqadahaasina ay gaarayeen ilaa Seddax warqadood.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay markii uu warqadahaasi ka gudoomay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu Wasiirka ku ammaanay dadaalkii faraha badnaa ee keenay in lagu guuleysto islamarkaana dib loo howlgeliyey Boostada Dalkeenna mudo 24sano kadib waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku booriyey Wasiirka Warfaafinta inuu sii wado dadaalladiisa hagar la’aaneed ee uu ugu jiro dib usoo celinta adeegyadii kala duwanaa ee uu dalku lahaa burburkii ka hor.

 

“waa guul usoo hooyatay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in mudo 24sano kadib dib ay u shaqeeyso Boostadii Dalkeenna oo aan aaminsanahay in baahi weyn loo qabay waxaana runtii jeclahay inaan aad ugu mahad celiyo dadkii dadaalka faraha badan ku bixiyey guushaas taariikhiga ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta waxaanna leeyahay Wasiirka sii wad dadaalkaaga,Allena hakuugu guuleeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa isaguna sheegay in guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed wixii hada ka dambeeya ay si rasmi ah u isticmaali karaan Boostada islamarkaana ay u furantahay waxaana uu Wasiirku uga mahad celiyey dhammaanba mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda sida ay dadaalkaasi gacan ugu geysteen.

 

Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaa guul weyn u arka talaabadii dhowaan uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge ugu guuleystay inuu dib u howlgeliyo Boostadii Dalkeenna oo aanay iyadu shaqeyn mudadii uu dalku burburka ka jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

No need for post office. There are a number of courier services at minimal cost to the public, this does not mean the absence of bii oo bokis!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this