Muuse

Nomads
  • Content Count

    4
  • Joined

  • Last visited

  1. Muuse

    Uur hooyo

    Deeqaay wanaageey dawo caafimaadeey hantidii dalkaygaay dhaxalkii dadkaygaay dhaxantiyo darooraha dadab lagaa galaayeey doqontaa nasiib lihi marka ay ku dooxdee midii kaala daashee kugu celisa daabkee diga rogashadadana dagdag laygu keenayo aniguba daraadaa waan soo dabaashe alhayow nin daacada alahayow nin daalina deeqdaada haw simin
  2. Muuse

    Uur hooyo

    Uur Hooyo dhabarkii adowgay kii laga abuurow naas iyo abaydinimo kii ila wadaagow sideen kuu ilawaa ma ahaan karayse indhahaygu nuurkay ku ildoogsadeenow adna haysku kay ladhine uur hooyo hayow waayaha aduunkaa ina kala fogeeyo ana kale ahantaa u atkaysan maaye umal baan la tiica isma dhhno madige indhahaygu nuurkay ku ildoogsadeenow adna haysku kay ladhine uur hooyahayow naftu waa amaane aaskayga geerida aday guud dhigaayo iigu gacan dambeeye dhaxalkayga aadmiga kii ugu lahaayow indhahaygu nuurkay ku ildoogsadeenow adna haysku kay ladhine uur hooyahaygow :cool:
  3. Siraad Midabkii Leey Cilmi Boodhari :cool: Kolba aniga oo sahashaday oo saafi ka ahaaday Ayuun baa siraad midabkii leey lay sawirayaaye Sidrigay ku daabacan tahee uma saqraameene Sidii saacaddii bay qalbiga iiga socotaaye Habeenkii markaan seexdo way ila safaaddaaye Salaadda horey iga tagtaa oy siigo noqotaaye Maryama Xaashi iyo tuu gahayr madar ka sheegaayey Iyo marantiduu Cigaal meel fog kaga booday Muran ma laha Ducaalow inay muunad dheer tahaye Maankaba ka jaray naago kale muhindiskoodiiye Haddii qaaddi ii meheriyo oo midigta lay saaro Ka maqsuuday dunidu waa maalintaa qurahe! --------------------------------------------------------------------------------
  4. waan idin salaamay salaan qiimo iyo qaaya badan leeh dhamaan dadka soomaaliyeed Baydka Koobaad Baydka Koobaad waxbaa daris ila noqdee dugaagaan weheshadaa dul meerayaa kaymahoo halkaad iga daydaydiyo halkan heedhe heedhe halkaan dagay kala durkee ilaahbaa deeq baxshee dulmiga caashaqa ka daa digashada caashaqa ka daa Baydka Labbaad anoon dooda iyo deeqda dagaal layga badinahayn dareenkayga waad ogtoo jacylbaan la doodayaa bal sheeg danbigaa wax qabba dib u raac sheekada dadkoo halkaad iga daydaydiyo halkan haye haye halkaan dagay kala durkee ilaahbaa deeq baxshee dulmiga caashaqa kadaa digasahada caashaqa ka daa