Gabbal

Nomads
  • Content Count

    6,624
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Gabbal


  1. Xulka Kubada Cagta Degmada Balamballe oo galabta 1-0 ugu awood sheegtay xulka kubada cagta Degmada Caabudwaaq oo ahaa xulka ugu awooda badan gobolka Gal-gaduud

     

    Caabudwaaq, Somalia - Galabta waxaa garoonka weyn ee degmada Caabudwaaq ka dhacay ciyaar aad u xiisa badan oo u dhaxeeysay labada degmo ee Caabudwaaq iyo Balamballe, ciyaar taasoo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo kala taageerayay labada Kooxood.

     

    Ciyaartii galabta waxaa ay ku bilaabatay jawi dagan labada kooxoodna waxaa ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan. Sidoo kale, dadweeynihii daawanayay waxaa ayagana la maqlayay qaylo dhaan ay ku taageerayaan kooxda ay taageersan yihiin ayagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku dhiiri galinayaan ciyartoy-dooda.

     

    Qaybtii Labaad ee ciyaarta markii la iskugu soo laabtay ayaa Weerar yahaynka Xulka kubada cagta Degmada Balambale ayaa waxaa uu kubadda uu isku qalday difaaca Caabudwaaq uu daba marshay Boortiyeeriga, halkaana waxaa uu ciyaartooygaas uu kooxdiisa u xaqiijiyay Goolkii guusha, ciyaartuna waxaa ay ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay 1—0 ay ku badiyeen dhalinyarada ku ciyaaraysay xulka kubada Balamballe.

     

    Ciyaartii ugu danbeysay ee ay labada xul ee degmooyinka Caabudwaaq iyo Balamballe ay wada ciyaareen waxaa ay ku kala badiyeen 1—0 ay ku badiyeen xulka Caabudwaaq ayag oo ku ciyaaray isla garoonkaan Caabudwaaq.

     

    Ciyaartii Galabta ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Cabudwaaq (SYO) Maxamed Maxamud Naasir, sidoo kale waxaa ciyaarta Goob-jooge ka ahaa Gudoomiyaha Cusub ee Sportiga dhawaan loo doortay Liibaan Daahir Juun. Waxaa kaloo maanta ciyaartan xiisaha badan kasoo qeyb galay madax ka soctay caafimaadka, ganacsatada iyo ururka haweenka.

     

     

    Cabudwaq2.JPG


  2. Xafladii furitaanka Dugsiga Hoose/Dhexe ee Ibraahim Cigaal Giir oo Galabta ka dhacday

    Degmada Caabudwaaq, Somalia

     

    Caabudwaaq, Somalia - Dugsiga Hoose/dhexe ee Ibraahim Cigaal Giir ayaa waxaa galabta lagu dhigay Xafladiisii Furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2007/2008. Xafladaas oo ahayd mid si weeyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadweeyne aad u fara badan & Ardadii Dugsiga Ibraahim Cigaal Giir. Sidoo kale, xafladaan lagu maamuusay Furistaanka Hoose/Dhexe Ibraahim Cigaal Giir waxaa ka soo qayb Galay Qaybaha kala gadisan ee Arimaha Bulshada, sida Uruka Dhalinyarada, Ururka Haweenka, Aqoonyahanada, iyo kan Maamulka Degmada.

     

    Ugu horeeyntii waxaa Furay Xaflada Furitaanka Dugsiga Maamulaha Dugsigaas Enj- Cukur oo ka hadlay baahida waxbarashada & sida loogu baahan yahay in la tayeeyo waxbarashada deegaanka. Sidoo kale En -Cukur waxaa uu sheegay in dhawaan la furi doono Dugsi sare kaasoo ay is ka kashanayaan Ururka HIRDA & Urur ka dhasin wadanka Maraykanka oo layiraahdo SDF.

     

    Sidoo kale, xafladii Maanta waxaa si weeyn uga hadlay Ururka Dhalinyarada Caabudwaaq ee SYO waxaana Qudbadbad aad u dheer oo dhinacyo badan ka tabanaysa waxbarashada ka jeediyay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Max’ed Max’ud Naasir, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii maanta in ay tahay lagama maarmaan in lahelo Dugsi sare oo tayo leh, sidoo kale mudane Maxamed waxaa uu ku dheeraaday baahida waxbarashada isagaoo halkaana kasoo jeediyay fikrado muhiim u ah sidii lagu taaba galin lahaa waxbarashada deegaankaan Caabudwaaq.

     

    Ugu danbeeyntii waxaa halkaas lagu siiyay abaal marino ardadii ku guulaysatay sanad Dugsiyeedii lasoo dhaafay ee 2006/2007 Kaalimaha 1-aad, 2-aad & 3-aad kuwaasoo isugu jiray jiray lacag & Shoopino kale.

     

    xaflad%20scg4.JPG

    xaflad%20scg3.JPG

    xaflad%20scg.JPG


  3. Kulan Looga hadlayay ka hortaga Cudurka Dilaaga ah ee HIV/ADS oo Maanta ka dhacay Xarunta Empoleyment Center ee Magaalada Caabudwaaq

     

    Caabudwaaq, Somalia - Kulankaan Maanta ka dhacay Xarunta Empoleyment Center ee Degmada Caabdudwaaq ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka dhalinyarada Caabudwaaq SYO. Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay dhibaatada uu Cudarkaan u geyari Dhalinyarada iyo Siyaabaha lagu kala qaado sida Sakiimaha, Irbadaha, Galmada aan Sharciga ahayn IWM.

     

    Kulakaan Maanta looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa Cudurkaan aafeeyay dhalinyaro badan oo ku kala nool dunida dacaladeeda oo idil ayaa waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro fara baan oo ku nool magaaladan Caabudwaaq, ku waasoo ka Faa’iidaystay Casharo ay halkaas kasoo jeediyeen Ururka Dhalinyarada oo soo qaban Qaabiyay Kulankaan Maanta lagu qabtay Xarunta Empoleyment Center.

     

    Kulankaan oo uu shir Gudoominayay Maxa’ed Max’ud Naasir oo ah Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ayaa waxaa uu halkaas ka jeediyay Qudbad dheer oo uu uga hadlayay dhibaatada Cudurkaan uu ku hayo dunida & in ay wanaagsan tahay in aan ka dhawrsano waxyaabaha lagu kala qaado sida Galmada aan sharciga ahayn & in loo baahan yahay in la iska hubiyo Caafimaadka lamaanaha aan lawadaagayno nolosha.

     

    Sidoo kale, Kulankaan Maanta waxaa ka hadlay Faadumo Cabdi oo ah xubin ka mid ah Ururka Dhalinyarada waxaana ay halkaa ka sheegtay in degaankaan Caabudwaaq uu daris layahay dawlada Itoobiyaha oo ka mid ah wadamada uu Cudurkaan sida weyn u waxyeeleeyay marka waxaa ay Faadumo halkaas ka cadeeydsay baahida loo qabo in la sameeyo dhawrsanaan siyaado ah Maadaama aan daris la nahay dad aad u qaba Cudurkaan, xili walbana ay Gawarida ay u kala gooshaan Deegaankaan & dhulka Itoobiya.

     

    Ugu danbeeyntiina waxaa soo gaba gaboobay kulankii maanta oo ay dhalinyaro badan ay ka faa’iideeysteen siyaabaha lagu kala qaado Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo aysan hure u aqoon midaasoo la dhihi karo kulankan ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada Caabudwaq SYO waxaa uu ku dhamaday Guul.

     

    maxamed%20maxamud%20naasir.JPG

    empoleyment.JPG


  4. Hayada MSF ee Holand oo maanta Kismayo ka duushey sheegteyna in ay dib ugu soo laabaneyso magaalada Kismayo si ay uga howlgasho cisbitaalka degmada Kismayo

     

    Kismayo, Somalia - Garoonka magaalada Kismayo manta waxaa ka dhoofey xubnihii ka socdey Hayada MSF Holand waxeyna sheegeen in ay tagayaan magaalada Nayrobi si ay wada tashiyo ula yeeshaan madaxda sare ee Hayadaani oo fariisiin u ah caasimada dalka Kenya.

     

    Madaxa gudiga Somalia ee hayada MSF ee Holand Adam Jilis oo magaalada Kismayo intii aysan ka anba bixin aan kula kulmey Hotel Mariidiyaan ee ay ka daganaayeen ayaa waxaan ka wareystay socdaalkooda iyo waxa uga qorsheysan cisbitaalka magaalada Kismyo.

     

    Wuxuu ii sheegey in saddex todobaad kaddib ay ku soo laabanayaan magaalada Kismayo islamarkaana ay keenayaan dhaqaatiirta qalniinka ee cisbitaalka ka howlgaleyso iyo waliba qalabka ay doonayaan in ay isbitaalka uga howlgalaan.

     

    Hase yeeshee intii ay joogeen xubnahani magaalada Kismyo waxa ay la kulmeen masuuliyiinta Kismayo, maamulka cisbitaalka iyo odayaasha dhaqanka, waxeyna kala hadleen adkeynta amaanka magaalada Kismayo oo haatan ay ka howlgalaan ciidamo amni iyo in lala shaqeeyo Hay'adda MSF Holand oo dooneyso in cisbitaalka ay ka howl gasho

    shanta bilood ee soo socoto.

     

    Si kastaba ha ahaatee, horey ayaa Hay'adda MSF Baljin uga howlgali jirtey cisbitaalka 7 sano ka hor haatana shacabka Jubooyinka ayaa soo dhaweynayo in cisbitaalka ay ka howlgasho hayadaani MSF Holand.

     

     

     

    Laylo Sh. Aadan - Allgedo/Kismayo.

     

     

    Allgedo News Media Network

    allgedo@allgedo.com

     

    Adam%20Jilis.JPG

    Adam%20Jilis%20iyo%20Leyla2.JPG


  5. Ngonge when was the last time you were in Somalia or were you even born there? :D I ask because your view of the land seems to be that of one who has no roots to it all!

     

    To make you understand, when the idolater was asked why he worships wood and stone, he responded it is not the form we worship but the spirit that resides with in the form. Those bland buildings and dull "barees and heleb" hold a symbolic, emotional appeal. You as a Somali should understand that and hence why I ask what your ties to the land are other than my father was from there. :mad: :D

     

     

    Northernor, nice sxb. Don't keep us on the outside, do continue. smile.gif


  6. Jimcaale, is this bridge near the downtown area?

     

    It is interesting, I was listening to some NPR and according to them, the bridge had been inspected annually and has gotten a clean bill at every checkup.

     

    Another reminder of our futile existence. Life can be taken away from you at the blink of an eye.


  7. Wax garadka beesha **** oo maanta kulan balaaran ku yeeshay Hotel Mariidiyaan oo ku yaala magaalada Kismaayo. (Kulankaasi maxuu ku saabsanaa maxaase kasoo baxay?)

     

    Kismayo, Somalia - Kulan balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo gaar ahaan Hotel Mariidiyaan ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaasha beesha ****, siyaasiinta iyo culumau'diinka ayaa waxaa loogaga hadlay arimo badan oo u gaar ah beesha ****.

     

    Dhanaka kale, waxaa ay beesha **** ugu baaqday beelaha dega gobolkani in la wada hadlo beesha Sadena ay furayso gogasha wada xaajoodka si loogaga gudbo qilaafaadka ka taagan beelaha dega gobolka J/hoose dhexdooda.

     

    Sidoo kale, kulankaan maanta ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday dilalkii ka dhacay deegaanka Buurgaabo, waxayna beesha --------- ka codsadeen in gacan ku dhiiglihii la soo hor is taajiyo shereecada islaamka. Kulanka maanta oo soconayay mudo saacado ka badan ayaa waxaa saaxaafada la hadlay afahayeenka beesha **** Xasan Max’ed Cali (Xasan dheere) oo sheegay in ay beesha **** dhigayso gogol nabadeen ah oo ay ugu baaqday beelaha dega Gobolka J/hoose.

     

    Waxaa kaloo uu sheegay afahayeenka beesha **** in ay ka codsanayaan beesha kale ee --------- in ay soo wareejiyaan gacan ku dhiiglihii gaystay dilkii ka dhcay deeganka Buurgaabo.


  8. JB, when the prophet (SCW) died and the Muslim umma came together and chose Abubukar (RA) to lead them, isn't that democracy?

     

    Decomcracy and secularism ayaad isku qaldaysaa. Most Muslims in the motherland do not really understand what democracy is so they include it is not compatible with Islam just because the U.S evokes it all the time.


  9. JB, intriguingly the article you brought writes of the negative impact this has on Somaliland's recognition campaign. Do you still believe the arrests were good political moves?

     

    FUNDS AT RISK

     

    Diplomats say the arrests may put at risk funds which the government hoped to get for local elections due later this year.

     

    "This would obviously jeopardise the democratic process the international community is willing to support," said a Nairobi-based diplomat who declined to be named.

     

    "By doing so, Somaliland is probably jeopardising its efforts to gain recognition for its sovereignty."