FePassion

Nomads
  • Content Count

    1
  • Joined

  • Last visited

  1. Salaam dhammaantiin. Ma Cigaal Shidaad sheekooyinkiisa ayaad u bogteen? Dee annaa qaar qosol miidhan leh idiin hayee shaaha soo dhaweysta. 1). Cigaal Shidaad habbeen isagoo guureynaya ayaa geed ka soo hor baxay. Wuxuu u qaatay libaax marka habbeenkaas oo leyl ayuu hor taagnaa. Markuu waagii baryay ayuu yidhi geed yahow waxan ku mooday, mise waxad noqotay. Waxaan ku mooday libaax waxaad noqotayna geed. Alleylehee guuro habbeennimo baa loo noqon doonin. 2). Sheekaddan labaadna waxay ku saabsan tahay Cigaal Shidaad iyo nimankii uu colka la ahaa. Habbeen habbeenadda kamid ah ayaa niman ay col yihiin raadinayay Cigaal. Naagtiisa wuxu ku yidhi raran ama darin (waa habka sidaad u taqaan) igu duub caano garoor darintana korkeeda ku daadi. Diqsi badan baa ciirta soo raacaya ma ogtahay. Kabacdii wuxu yidhi igu kor ooy qof yahay oo dheh Cigaal Shidaadow col hortiiba jabay!! Colkii baa yimiday oo Cigaal away yidhi. Ma ay u jawaabin. Intuu is celin waayay ayuu yidhi naa shalay buu dhintay dheh!! Nimankii intay qosol la dhaceen ayey yidhaahdeen iska soo bax waryaa cidna wax ku yeelli mayse. Hahahaaaaaa bal heer uu fuulaynimo ka gaaray daya. Fiq Fiq Fiq *illintaa iga daadanaysa* Maanta kadib sheekooyin kale baa inoo ballan ah.