
General Duke
-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Posts posted by General Duke
-
-
Muqdisho: Faahfaahin ku saabsan wafdigii caalamiga ahaa & kulamadi ay ku yeesheen Muqdisho
28. July 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho kuwaasoo uu horkacayey Barlin Guardoo ah ku xigeenka wakiilka arrimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed maalmahana ugu socday magaalada Muqdisho.
Wafdiga ayaa u guur galay qaabka iyo habka uu u socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida iyagoo halkaasi warbixino ay ku siinayeen Cali Mahdi Maxamed Guddoonka guddiga qaban qaabada shirweynaha kuwaasoo ugu warbixiyay heerka laga soo maray iyo xiliga maanta uu taagan yahay iyagoo sheegay iney tahay guul u soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ugu mahad celiyay beesha caalamka taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyeen qaban qaabada shirka iyagoo ka codsaday iney sii wadaan taakulada dhinaca maaliyada.
Wakiil ka socday dowladda Talyaaniga oo lagu magacaabo Stephano Jack ayaa halkaasi warbixin kooban u jeediyay ka qeybgalayasha shirweynaha isagoo ugu mahad celiyay dowladda Federaalka, guddiga qaban qaabada iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay isu imaanshaha ergadan ka badan kunka xubnood isagoo hortooda ka caddeeyay in dowladda Talyaaniga ay taageero hiil iyo hooba leh ku bixin doonto howlaha dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka.
Stephano Jack ayaa tusaale u soo qaatay in dowladdiisa ay 400.000 lacagta Euro-da ah ay ugu deeqday dardar gelinta howlaha shirkan, wuxuuna ka codsaday guddiga iyo dowladda in la kordhiyo xubnaha haweenka ee ka qeybgalaya shirkan isagoo xusay in haweenku yihiin kuwo door weyn ka qaadan kara dhinacyada dib u heshiisiinta.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
-
Wafdi ka socda beesha caalamka oo soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta ee magaalada Muqdisho
Last Updated::2007-07-28 14:46:32
Muqdisho:-Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa maanta markii ugu horreysay soo gaaray magaalada Muqdisho
oo uu ka socda shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed waxaana wafdiga loo gudbiyay madasha uu ka socda shirka dib u heshiisiinta.
Waa markii ugu horreysay oo wafdi heer sare oo ka socda beesha caalamka uu soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo markii shirka dib u heshiisiinta uu ka furmay caasimada 15ka bishan aanu ku jirno ee July ayadoo wafdiga ka socda beesha caalamka uu ka baaqday ka qeyb galka furintaanka shirka dib u heshiisiinta.
Wafdiga soo gaaray madasha shirka dib u heshiisiinta ayaa ka kooban 7 xubnood 3 xubnood waxa ay ka socotaa QM, xubnaha kalena waxa ay ka socdaan wadamada Talyaaniga, Norway iyo Masar waxaana ku soo dhaweeyay madasha shirka guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed iyo ergada ka qeyb galaysa shirka.
Xubnaha ka socda beesha caalamka ayaa la filayaa in hadal ay ka jeediyaan shirka dib u heshiisiinta kaasoo ay kaga hadli doonaan ujeedka booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho taasoo ku soo beegantay xilli madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha DFKM ay ka maqan yihiin caasimada.
HorseedNet.com
-
Xaji Abdi Imaan
-
Wafdi Ka Socda QM Oo Ka Qeyb Galay Shirka D/Heshiisiinta
Muqdisho(Calanka.com) 28-Luulyo-2007
Wafdi caalami ah oo ka socday Qaramada Midoobay, Jaamacada Carabta iyo EU ayaa waxa ey maanta ka qeybgaleen shirka dib u heshiisiinta oo maalinkii tobanaad si habsami ah uga soconaya magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo soo gaaray Muqdisho saakay barqadii (10-subaxnimo) ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka iyo gudiga shirka d/heshiisiinta kuwaasoo u kexeeyay wafdigan goobta uu ka socdo shirweynaha qaranka.
Wafdigan oo markii ey soo gaareen madasha shirka aad ula fajacay qaabka ey wax u socdeen iyo khalkhiga intaas la eg ee isugu timid goobta shirka ayaa qaarkood u qaadan waayay waxa indhohooda ey ku arkayeen, waxaana loo sameeyay xubnahan soo dhaweyn aad u wanaagsan.
Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa ilaa afar xubnood ayaa kuligood ka wada jeediyay hadalo madasha shirka, waxaana ugu xiiso badnaa hadaladi uu ka jeediyay halkaa masuulkii ka socday dalka talyaaniga oo isagu sheegay in ey aad uga xun yihiin in ey san soo xaadirin maalinkii shirka la furayay sababo la xiriira warar been ah awgiis oo ahaa in amaanka goobta shirka uu yahay mid aan fiicneyn.
Masuulka ka socday dowlada Talyaaniga ayaa intaa ku daray in waxa ey maanta ku arkeen madasha shirka iyo caasimadaba ey tahay mid lagu faani karo, wuxuuna yiri "Waxaan jeclahay in aan meeshaan ka sheego maanta in aan ku darnay lacag dhan 400.000 oo doolar lacagtii shirka loogu tala galay"
Gud. Beelaha ******: Xaaji Candi Iimaan
Calanka.com:Isha Wararka Xaqiiqda
-
Sharif Ahmed, Xasan Dahir, Indacade and Sharif Xasan are now waging their war on the Somali people from the safe house of Afarwarki and Abune whats his name.
-
Abune Antonios and President Afeworke
NAIROBI, Kenya (AP) -- Islamic insurgents have enough surface-to-air missiles, suicide vests and explosives to sustain their war against the internationally backed Somali government, largely due to secret shipments from Eritrea, a U.N. monitoring panel said in a report.The report, obtained Thursday by The Associated Press, said Eritrea has shipped a "huge quantity of arms" to the insurgents, known as the Shabab. The shipments continued despite U.N. efforts to bring peace to Somalia and the deployment of African Union peacekeepers. -
Garoowe: Wafdiga dawlada FKMGS iyo Madaxda Puntland oo wada hadal xasaasi ah yeeshay..Warbixin kooban....
27. juli 2007
Garoowe(AllPuntland)- Shir labo geesood ayaa wuxuu caawa ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe wuxuuna dhexmaray Wafdigii ka socday dawlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo Madaxda Puntland.
Maamulka Puntland dhinacooda waxaa kulankan udhafiyay Madaxweynaha Puntland Gen.Cade Muuse ,wasiirada maaliyada,waxbarashada ,kulluumeysiga iyo kheyraadka badda,arimaha haweenka ,shaqada iyo shaqaalaha,warfaafinta iyo dalxiiska,wasiiru dawlaha amniga,cadaalada iyo arimaha diinta iyo Taliyaha ciidamada daraawiishta S/Guuto. Cabdisamad Cali Shire.
Dhinaca dawlada faderaalka ee Soomaaliya waxaa kulankaan ujoogay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ,Xildhibaan C/risaaq Cismaan Juurile,Xildhibaan Cali Baashi ,Xildhibaan C/rixmaan Cabdala kana mid ah golaha wasiirada,Xildhibaan C/rishiid Maxamed Cabdi (Ciro) iyo Amaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto. Cabdi Xasan (Xijaar).
Shirkaan labo geesood ka ah waxaa shir gudoominayay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed .
Ugu horeyn kulankaan waxaa warbixin ku aadan xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya ka soo jeediyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay waxqabadka dawladiisa intii ay tagtay Muqdisho,Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaalida.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in amaanka Magaalada Muqdisho yahay waqtigan mid soo hagaagaya isagoo Madaxweynuhu sheegay in wali jiraan kooxo meelaha qaarkood bambo gacmeedyo soo tuura ,dawladuna ladagaalamayso.
Madaxweyne Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uu si wanaagsan uga socda Xarunta gaadiidka Booliska Banaadir ayadoo kulankaasina Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ku tilmaamay mid ladoonayo in wax looga qabto dhibaatada Soomaaliya ka jirtay 17 sanno mudo dhan.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirka Muqdisho ay joogaan dhamaan beelaha Soomaaliya daga ,xataa kuwa dagan gobalada Somaliland la baxay.
Md.Yuusuf ayaa wuxuu ka warbixiyay ujeedka ay uyimaadeen Magaalada Garoowe isagoo ku sheegay in ay tahay ,markii ay soo gaareen cabasho ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland taasoo ay doonayaan in ay kala hadlaan Madaxda Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo ugu horeyn mahadcelin ujeediyay wafdiga dawlada Soomaaliya ayaa ka warbixiyay xaaladaha kala duwan ee Puntland isagoo sheegay in dhamaan xaaladuhu yihiin kuwa dagan oo aysan waqtigan jirin wax ka baxsan xaaladaha guud ee Soomaaliya.
Gen.Cade Muuse ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf oo soo kala dhexgalay golayaasha dawlad gobaleedka Puntland isagoo Cade Muuse sheegay in waxyaabihii ugu danbeeyey ee heshiis laga gaaro ay ahaayeen khilaafkii soo kala dhexgalay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare Axmed Siciid ayadoo buu yiri khilaafkaasi la soo afmeeray.
Madaxweynaha Puntland ayaa wuxuu arimaha Puntland ku tilmaamay kuwa inta badan dagan ,ayagoo buu yiri wax kaliya ee ay shacabku ka cabanayaan ay tahay sicir bararka ee ka jira deegaanada Puntland kaasoo oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay mid Soomaaliya oo dhan ka jirta.
Waqtiga ay jireyso Xukuumada Puntlad ayaa waxaa Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in dadku leeyihiin waa 3 sanno ,halka qaarna leeyihiin 4 sanno,balse wasiirada Maaliyada iyo Waxbarashada Puntland ayaa waxa ay soo bandhigeen dastuurka Puntland oo dhigaya jiritaanka golayaasha Puntland in uu yahay 4 sanno.
Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa sheegay in waxyaabaha hortaagan qaadida afti dadweyne iyo furitaan Xisbiyo siyaasadeed ay tahay hubka faraha badan ee yaala gobalada dawlad gobaleedka Puntland oo ay la wadaagaan guud gobalada Soomaaliya.
Dr.Maxamed Cali Yuusuf iyo Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa waxa ay siweyn usheegeen in loo baahan yahay in laqaado talaabooyin dheeraad ah oo wax looga qabanayo xaaladaha amniga ee Puntland si bay yiraahdeen loo hirgaliyo qaadida Afti dadweyne iyo furitaanka Xisbiyo siyaasadeed.
Madaxdii Puntland ee ka hadashay ee kulankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ay ka go'an tahay taageerida dadaalada dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ay ka wado Soomaaliya ayna soo dhaweynayaan wax walba oo talaabo.
Puntland waxa ay kaga jawaabtay wararka la gaarsiiyay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya in ay ka danbeeyeen qaar ka mid ah golayaasha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo dad leh dano siyaasadeed oo ka soo horjeeda midnimada Puntland.
Inkastoo kulankaan ay hadalo ka soo jeediyeen Madax fara badan oo ka qeybgashay ayaa waxaa hadana uu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan ayadoo lafilayo in mar kale beri subax shirku furmo.
Faarax C/qaadir Geylan
-
Garoowe: Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo kulamo uga socdaan Xarunta Madaxtooyada Puntland.
27. juli 2007
Garoowe(AllPuntland)- Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Maanta Puntland ayaa waxa ay kulamo laqaadanayaan Madaxda Puntland.
Kulamadan oo ka socda Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay yihiin kuwa Saxaafada loo diiday ayadoo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland sheegayaan in waxyaabaha laga wada hadlayo ka mid yihiin khilaaf mudooyinka jiray oo udhaxeeya dawlad gobaleedka Puntland.
Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya oo maanta sheegay in uu Puntland u yimid badbaadinta dawlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa lasheegay in uu wado dadaalo in uu wax kaga qabto hawlaha ka socda deegaanada Puntland.
Wararka ayaa waxa ay kaloo sheegayaan in Wasiirada Puntland oo kulankaan fadhiya soo jeediyeen warbixino ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee Puntland,inkastoo aan la shaacin warka arintaan tilmaamaya.
Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu safarkiisu ku soo beegmay xili dhawaana Madaxweyne Cade Muuse xilkii ka qaaday Axmed Cabdi Xaabsade wasiirkii arimaha gudaha ,ayadoo lafilayo in arintaasi wada hadal lugu dhameeyo.
Waxaa sidoo kale jira laga wada hadlayaa xiriirka Puntland iyo dawlada Faderaalka ee Soomaaliya sidii loo sii ambaqaadilahaa ,isla markaana loo fulinlahaa waxyaabaha kala xadidaya maamulka gobaleedka iyo Dawlada Dhexe.
Dawlada Soomaaliya iyo Puntland ayaa waxa ay horay heshiis uga gaareen waxyaabo badan oo soo kala dhexgalay ,ayadoo wafdigii ugu danbeeyey ee ka socda wasaarada gaashaandhiga Dawlada Soomaaliya aysan wax heshiis ah kala saxiixan dawlada Soomaaliya iyo Puntland ayadoo waxyaabaha sida weyn looga wada hadlayo ay ka mid tahay.
Madaxda Puntland iyo Wafdiga dawlada Soomaaliya ayaa lafilayaa in warsaxaafadeed kulamadan ku aadan soo saarayaan ,markii ay soo dhamaadeen dhamaan kulamada Wafdigu la yeelanayaan masuuliyiinta kala duwan.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland
-
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo si diiran loogu soo dhoweeyey Garoowe
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.
Mas'uuliyiinta Dawladda Goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ka qayb galay soo dhoweynta madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha ayaa loo gudbiyey xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxana uu halkaas kula kulmay madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, isimo, mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dawlad goboleedka Puntland iyo dadweyne aad u fara badan.
Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyey dadweynaha ayaa sheegay in uu Puntland u yimid sidii ay isu kaashan lahaayeen dawladda dhexe iyo dawlad goboleedka Puntland, isla markaasna Puntland loo badbaadin lahaa.
Wafdiga uu madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa Puntland joogi doona muddo saddex casho ah.
Cabdinaasir Yaasiin
SBC Garoowe
-
Baydhabo(AllPuntland)- Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa waxa ay soo gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Wafdigan oo dhamaantood ka soo wada duulay Magaalada Nayroobi ayaa waxa ay safaro kala duwan ku soo kala bixiyeen wadamado fara badan oo kuyaala Geeska Africa ,ayadoo Wafdigan ay xubno ka yihiin baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaano ka mid ah.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa wuxuu kulamo lukala qaateen Magaalada Nayroobi Madaxda dalkaasi ayagoo kala hadlay xiriirka dawladaha Soomaaliya Iyo kenya.
Xildhibaanada maanta soo gaaray Baydhabo ayaa waxa ay ku soo beegmeen xili maalinta bari baarlamaanka Soomaaliya yeelan doonaan fadhi looga wada hadlayo laxisaabtamka Xukuumada raysal wasaare Cali Maxamed Geedi.
Wasiirada soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) wasiirka warfaafinta dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed iyo wasiiro kale oo fara badan.
Warar hoose oo ka soo baxaya imaatinka Wafdigan heerka wasiir ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay ugol gol xaarayaan wafdi uu hogaaminayo Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya oo bari soo gaaraya Magaalada Baydhabo.
Faarax C/qaadir Geylan
AllPuntland
-
The Colonel is head of the Ethiopian troops.
Whats bothering him? Why not ask him directly?
-
Wararkii ugu dambeyay shirka
26 Jul 26, 2007 - 8:41:46 AM
Waxaa maanta mar kale xarunta Gaadiidka Booliska dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan Muqdisho ugu furmay iyadoo weli ay ka qeyb galayaasha shirkaasi ku guda jiraan howlahoodii dib u heshiisiin.
Kulamo gooni gooni ah ayey belaha ku yelanayan hoolka shirka iyo hotelada ay degan yihiin iyadoo kii u danbeeyayna ay gaba gabo u mareyso kulamo beelaha ******* ee wada dega Juboyinka ugu socday Muqdisho.
“Meel fiican ayey noo mareysaa kulamada gooni goonida ee ay yeelanayeen beelaha ******* kaasoo iminka gabagabadiisa laga soo saari doono go’aano ay ku farxaan shacbiga ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisa” ayuu yiri C/raxmaan Waldiire oo ka tirsan ergooyinka Jubbooyinka ugu qeybgalaya shirka.
Dhinaca kale Sh. Muqtar Cabdi Rooble oo ku hadlayey magaca beesha Shanaad ayaa maanta hadal ka jeediyay madasha isagoo ku eedeeyay beelaha ******* iyo ****** iney iyagu ka danbeeyeen in la siiyo saami bar ah.
“Shirka Carta ayey Hogamiyeyasha ****** iyo ****** ugu gudbiyeen Madaxweynaha Jabuuti kaasoo aan heyno saxiixooda, iyadoo beelaha ...... ay ku raaceen markii loo balan qaaday Guddoomiye Baarlamaan, halka beesha *** ay arintaas iska diideen caddaalad daradaa ah” ayuu yiri Sh. Muqtaar oo kasbaday taageerayaal badan oo shirka ku jiray.
Gabagabadii Guddoomiye ku xigeenka shir guddoonka shirka C/raxmaan Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dhaqaalihii beesha Caalamka ugu tagalay socod siinta shirka ay gacanta ku heyso dowladda xiligii uu gaarana ay diyaar u tahay iney socodsiiso.
Dhinaca kale xubnaha mucaardka ah ee ku sugan magaalada Asmara ayaa ku gacan sayrey casumaad ka timid Gudoomiyaha shirka dib-u heshiisiinta Cali Mahdi.
Cali Mahadi ayaa maalintii shaley shegey in shirka ay ka soo qayb galaan Maxakiimta iyo xubnihii laga saarey Barlamanka Federalka kuwaas oo hada ku sugan wadanka Eritrea.
Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho
-
Iibka jaadka oo laga mamnucay Bakaraha
25 Jul 25, 2007 - 1:53:34 PM
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta amar ku bixiyay in laga bilaabo 26-ka bishan la mamnuucay in qaad lagu iibiyo goobaha ganacsiga Suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa oo uu sheegay iney ugu weyn yihiin afar goobood arrimo la xiriira dhinaca nabadgelyada awgeed.
Cabdi Qeybdiid oo maanta ka hadlayey kulan ay yeesheen guddiga amaanka qaranka iyo qaar ka tirsan ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sheegay in la isku raacay in la mamnuuco in jaad lagu iibiyo gudaha iyo nawaaxiga suuqa Bakaaraha iyo sidii kale hub si sharci daro ah ay dadweynuhu ku dhex qaataan goobahaasi iyo weliba gaari gacanada ay leeyihiin ganacsatada guur guura kuwasoo isticmaala wadada dhexdeeda si sharci daro ah.
Qeybdiid ayaa sheegay in tallabadani ay tahay mid wax ka tareysa nabadgelyada balse aan loola jeedin lagu mamnuucayo ganacsiga Jaadka wuxuuna faray iney u madax banan yihiin dadkaasi iney ku ganacsadan goobaha kale oo aan aheyn hareraha iyo gudaha suuqa.
Tallaabadan ayaa ku soo beegantay xili uu is afgarad dhex maray guddiga amniga qaranka iyo guddiga ganacsatada taasoo wax ka badashay xaaladii hore ee uu ku sugnaa suuqa oo aheyd mid gebi ahaanba albaabada loo laabay goobihii ganacsiga.
Garowe Online, Muqdisho
-
Qaramada Midoobay oo eedayn kulul u jeedisay Wadanka Ereteria hub iyo tababaro ay si toosa u siisay kooxaha argagixisada ee ka hawl gala somalia.
Khubaro dhinaca hubka ah oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa warbixin dheer oo ka diyaariyeen arimaha somalia iyo saamaynta ay ku leeyihiin wadamada dibadu waxay ku sheegeen in wadanka Ereteria uu hubkii ugu faraha badnaa u diray wadanka somalia isagoo ku taageeraya in qalalaase iyo xasilooni daro ay ka wadaan kooxaha gacan saarka la leh Alqaacida ee ka dagaalama magaalada muqdisho.
Waxaa khuburadani sheegeen in wadanka ereteria uu si cad u jabiyay xayiraadii dhinaca hubka ahayd ee la saaray wadanka somalia 1992 sidoo kalana wadanka ereteria xarun wayn ka siiyay dalkiisa kooxaha ku kacsan dawlada somalia ee ka haray maxkamadihii islaamiga.
Wasiir u hadlay wadanka ereteria oo ah wadanka labaad ee ugu yar qaarada africa marka laga reebo wadanka Djabuti ayaa siwayn u beeniyay hadalka ka soo yeeray qaramada midoobay isagoo ku tilmaamay mid u xaglinaya dhinac.
Ereteria waxay sheegtay inaan warbixinta QM. marnaba lagu soo qaadin ciidamada kumanaanka gaaraya oo ku hubaysan nooc kasta oo hub ah ee Ethiopia ay galisay wadanka somalia.
-
Shirka DUH Qaran oo ay Maanta ka hadleen Beesha Shanaad iyo Gudoomiye ku xigeenka Shirka oo sheegey in aysan jirin Cabsi dhinaca Qarashaadka ah
Last Updated::2007-07-26 17:48:23
Muqdisho:-Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho oo si habsami leh u socda ayaa maanta waxaa dib shirka ugu soo noqdey
Ergada Shirka iyo Isimada lagu casumey shaley ka dib markii Maalintii shaley Fasax gaaban la siiyey Ergada Shirka Baaqina Shirka looga dhigey isimada Beelaha.
Shirka ayaa Maanta waxaa Dooda ay qabaan soo bandhigtey Beesha Shanaad oo shirka ka hor sheegtey in la duudsiyey Xaq ay lahaayeen, isla makraana aysan ku qanacsaneyn Guud ahaan Hanaanka ay oga soo qeyb galeen Shirar ay Soomaalida ay horey u qabsatey oo uu ka mid ahaa shirkii Carta ee ka dhacay Sanadku markii uu ahaa 2000 Tuulada Carta iyo shirkii lagu soo dhisey Xukuumada Soomaaliya.
Ugaas ku hadley Magaca Beesha Shanaad ayaa sheegey in dhamaan eedeymahaas iyo Eedeymo ay dib u dhiganayaan ay u soo gudbinayaan Beelaha ugu tunka Weyn Soomaaliya ee kala ah Beelaha ******* iyo ******.
Dhinaca kalena Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Cabdaraxmaan Guulwade oo hadal ka soo jeediyey Madasha Shirka ayaa sheegey in ay jiraan dad doonaya in shirka la soo gaba gabeeyo xili hore iyada oo aan la jeex jeexin lana fallanqeyn waxyaabaha kalifey in shirka la qabto.
Waxaa uu sheegey in Kharash iyo Amaan ahaanba ay Xukuumada Soomaaliya ay Ballanqaadeyso in ay ku bixiso shirkan, isla makraana aysan Mas'uul ka ahayn cid kale in ay ka fikirto arintaas.
Waxaa uu sheegey in Xukuumada oo shirkan isugu yeertey Beelaha Soomaaliyeed in ay kafaalo qaadey waxkasta oo ku saabsan Kharashaadka Shirka uu ku baxayo iyo Amaanka halka uu ka dhacayo shirka iyo Ergada Shirka ka soo qeyb gashey Amaankooda Gaar ahaaneed.
Guud ahaan Shirka ayaa maanta waxaa uu ku soo afmeermey Jawi aad u wanaagsan iyada oo la isku afgartey in Maalinta Berito ah oo Jimce ah in la nasto Sabtida hadii uu Rabbi Idmona dib la isugu soo noqdo oo doodihii iyo Hadaladii ay halkoodii ay ka sii socdaan.
Mohamed Ali (Dalmar)
HorseedNet News Desk.
-
Muqdisho: “Ganacsatada qaadka waxaan ugu digeynaa ineysan qaad ku iibin Suuqa Bakaaraha, loona raro goobo ka baxsan” Taliyaha ciidamada Booliska
25. July 2007
Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Booliska dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta digniin ka soo saaray ganacsiga qaadka ee suuqa Bakaaraha iyo hareerahiisa isagoo ugu digay dadka ku iibiyo halkaasi qaadka in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuraan.
“Ganacsatada qaadka waxaan ugu digeynaa ineysan qaad ku iibin karin Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska dowladda Federaalka Gen. Cabdi Qeybdiid shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in ujeedada looga rarayo halkaasi ay tahay sidii loo sugu lahaa amniga suuqa Bakaaraha.
Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa uu sheegay in buuqa iyo dadka badan ee ku sugan goobaha qaadka lagu iibiyo lagu soo dhuumaaleysto isla markaana kooxaha wax tuuraya ay goobahaasi ku gambadaan.
“Shacabka waxaan u sheegeynaa inaan inaga ganacsigooda u dan laheyn, mana ahan ujeedadeena in aan joojino qaadka, waxaanse codsaneynaa in loo raro goobo kale oo ka baxsan suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.
Labo qarax oo nooca bam gacmeedka ayaa maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha iyadoo ay jiraan dad fara badan oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi walow maalmihii u danbeeyay aysan jirin wax qaraxyo ah oo halkaasi ka dhacay.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
-
-
Wasiirka garsoorka oo sheegay in aysan jirin wax lacago ah oo laga qaado maxaabiista la soo daynayo.Wed-25-July-2007audio -
Dhanka kale, waxaa galabta Muqdisho ka dhacay banaanbax balaaran oo ay soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, laguna taageerayo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee curdanka ah ee ka bilowday magaalada Muqdisho.Isu-soo-baxan oo lagu qabtay Garoonka kubbada cagta ee Studium Conis oo ku yaala degmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ay ammaankiisa aad u adkeeyeen ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo taageeradooda ay u hayaan shirka dib u heshiisiinta iyo qiiradooda waddaninimo ku muujinaya banaanbaxan ayaa waxaa kala soo qeyb galay masuuliyiinta gobolka Banadir oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib U Heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed, Md. Cali Mahdi Maxamed iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir.Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaalida, Md. Cali Mahdi oo kulla hadlayay Studium Conis dadkii dibad baxa taageerada sameynayay ayaa u sheegay in shirkani uu noqon doono shir ay ka soo baxaan wax Soomaali u wada cuntami kara iyo dib u heshiisiin dhab ah.Maxamed Dheere oo la shacabka ayaa codsi ujeediyay kuwa wax tuurtuuraya, xasilooni darada iyo qaraxyada is daba joogga ka wada magaalada in ay danahooda ka hadlaan shirka dib u heshiisiinta ka soo qeyb galaan, isagoo Duqa magaaladu uu carrabka ku adkeeyay in loo naxo hooyada iyo caruurta Soomaaliyeed haloo naxo.".Waxaa hore loo qabtay shirar dib u heshiisiineed oo gaaraya illaa iyo 14 shir oo lagu qabtay dalka dibaddiisa, kuwaasoo inta badan aanay ka soo bixin maxsuul Soomaali wada qancin kara, ayaa shirkani wuxuu uga duwan yahay in dhibaatadu ay heyso Soomaalida, iyagii oo aan waddamo shisheeye u kala dulaaleen inay iskood u wada heshiinayaan ayaa ifafaalo wanaagsani ka soo baxayaan. -
Baydhabo: Xildhibaano fara badan oo ku sii qulqulaya Baydhabo
26. July 2007
Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa ilaa iyo shalay aroortii ilaa saakay ku sii qulqulaya magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay xildhibaano fara badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho kuwaasoo daneynaya iney ka qeybgalaan kulanka xasaasiga ah ee maalinta Sabtida looga doodi doona mooshinka la xisaabtanka xukuumadda.
Waxaa shalay magaalada Baydhabo intii uu shirka socday gaaray xildhibaano ay ka mid yihiin Bootaan Ciise Caalim, Xaaji Muuse Suudi, Xuseen Caraale Caddaan iyo kuwo kale.
Xildhibaanadan ayaa ah kuwo taageersan fikirka in waqtigan aan ku habooneyn in la keeno mooshin ku saabsan la xisaabtan xukuumad iyo kuwo keeni kara khilaaf ku yimaada Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ka hadlayey fikirkiisa ayaa sheegay in xukuumadda lala xisaabtamayo ay waafaqsan tahay sharciga, “Xukuumadda lala xisaabtamayo xaa loo dhiibtay? Waxa loo dhiibay waa xafiis eber ah iyo meel xabadu ka dhaceyso, muka xaa lagula xisaabtamaa” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraale.
Inta badan xildhibaanada taageersan fikirka xukuumadda Geeddi ayaa u codeyn doona sidii mar kale tallaabo mideysan ugu qaadan lahaayeen sidii ay cod kalsooni ah ku heli laheyd xukuumadda Geeddi.
Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in xukuumada Geeddi ay qorsheyeen in xildhibaanada Baarlamaanka la siiyo gunooyinkii iyo mushaarooyinkii mudo labo bilood ah taasoo iyana hakin doonta doodaha kulul oo ay soo jeedinayaan xildhibaanada aan mudada dheer qaadan wax mushaarooyin ah.
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
-
Xubnaha Barlamaanka Somaliya oo Baydhabo kusii gurmaya.
(WYNET)Baydhabo:-Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay oo Xarun u ah gobolka Bay ayaa waxaa kusii qulqulaya Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya,iyagoo badankoodu ka kala imanaya Muqdisho iyo gbolada Dalka si ay uga qayb galaan kulan ay Xidhibaandu kula xisaabtami doonaan Xukuumada Cali Max’ed Geeddi maalinta Sabtida ah ee fooda inakusoo haysa. Xildhibaano ay ka mid yihiin qabqablayaashii dagaalka ee hore ayaa xalay gaaray magaaladaas,waxaana muuqata kala qaybsanaan ka jirta Xildhibaanada dhexdooda,iyadoo raga qaarkiis ay qabaan in xilligaan aysan jirin wax xukuumada lagu xisaabtamo kol hadii dalkiiba aysan ka jirin xasilooni iyo kala danbayni halka kuwa kasoo hjor jeedana ay qabaan in ay haboontahay in xukuumada la waydiiyo wax qabadkeedii bilihii ugu danbeeyey. Xildhibaanada FKMG ah ayaa iyagu inta badan fikirkooda ku jiheeya hadba cidii ay maslaxadi ugub jirto,iyadoo hadda ka horna ay dhacday in kuraas laysla dhaco,taas oo dunida wax la yaab leh ku noqotay. Axmed Xayrdaac Waayaha.net Waayahanet@hotmail.com
-
U.N.: Eritrea Has Armed Islamic Fighters
By CHRIS TOMLINSON
Thursday, July 26, 2007
Islamic insurgents have enough surface-to-air missiles, suicide vests and explosives to sustain their war against the internationally backed Somali government, largely due to secret shipments from Eritrea, a U.N. monitoring panel said in a report.
The report, obtained Thursday by The Associated Press, said Eritrea has shipped a "huge quantity of arms" to the insurgents, known as the Shabab. The shipments continued despite U.N. efforts to bring peace to Somalia and the deployment of African Union peacekeepers.
Somali's are trained how to handle assault rifles, Tuesday, Sept. 26, 2006 at the Arbiska training camp just outside the Somali capital, Mogadishu. Eritrea has secretly supplied "huge quantities of arms" to a Somali insurgent group with alleged ties to al-Qaida in violation of an international arms embargo and despite the deployment of African peacekeepers, U.N. arms experts have concluded."Somalia is awash with arms," the experts said in a report to the U.N. Security Council obtained by the Associated Press on Thursday July 26 2007.(AP Photo) Eritrea denied providing any assistance to the Shabab, the militant wing of an Islamic group that ruled much of southern Somalia for six months last year. U.S. officials believe the militants have close ties to al-Qaida.
There are more arms in Somalia now than at any time since the country's civil war broke out in 1991 and "there is no clearly established authority that has the capability of exercising control over a majority of the arms," the report found.
The Monitoring Group on Somalia was appointed by the U.N. Security Council to report on violations of the arms embargo on Somalia established in 1992.
Since the start of the civil war, various clans and religious groups have struggled for power, dividing Somalia into warring fiefdoms. In December, Ethiopia sent troops into Somalia to save the U.N.-backed administration that was under attack from the Islamic group in the south.
Ethiopian and government troops have since come under near daily attacks by the Shabab, and the Islamic leadership continues to operate from Eritrea.
Since December, "huge quantities of arms have been provided to the Shabab by and through Eritrea," the U.N. monitors said. Eritrea has supplied the insurgents with SA-18 surface-to-air-missiles, one of which was used to shoot down a Belarussian cargo plane on March 23, the U.N. said.
"The SA-18 was reported to be part of a consignment of six SA-18s that had been delivered by Eritrea to (the Shabab)," the report said. "The group has also learned ... that additional missiles may be secreted in arms caches."
The monitoring group also determined that the Ethiopian military intervention, also a violation of the U.N. arms embargo, succeeded in only scattering the Shabab and that it remains a potent guerrilla force with enough explosives to continue suicide attacks against the government.
Eritrean Information Minister Ali Abdu denied that his country has provided any assistance to the Shabab.
"It is a total fabrication and the intention of the report is to depict it as if there is a proxy war between Eritrea and Ethiopia," Abdu told the AP from Asmara, the Eritrean capital.
In past reports, the U.N. monitors have said almost a dozen countries were supplying arms or cash to the warring parties in Somalia. The latest report was likely to fuel fears that Somalia is becoming an Ethiopia-Eritrea war by proxy.
Ethiopia and its much smaller neighbor Eritrea fought a border war to a stalemate from 1998-2002, and Ethiopia has so far refused to give up territory granted to Eritrea under an internationally mediated agreement.
In a letter attached to the U.N. report, Eritrea's ambassador to the U.N. claimed his country was the victim of "continuous and deliberate subtle disinformation campaigns," and accused Ethiopia of "destabilizing military adventurism" in Somalia.
The U.N. allegations revolve around a chartered Boeing 707 cargo plane that made 13 flights from Asmara to Mogadishu, Somalia's capital. Despite Eritrean denials, the flights were confirmed by the International Civil Aviation Organization, the report said.
The monitoring group also requested information from the United States concerning airstrikes carried out on Jan. 7 and Jan. 23 and a naval bombardment on June 1. The U.S. government acknowledged in a letter to the group that it had "conducted several strikes in self-defense against al-Qaida terrorist targets." The U.S. sees Ethiopia as a partner in the war on terror.
Arms prices in Somalia have skyrocketed with the growing Islamic insurgency against the government, the experts found. Warlords were the most important buyers as the country appeared to be descending back into chaos.
"They had lost control of their fiefdoms after the Islamic Courts Union took over central and southern Somalia during 2006," the report said. "The Monitoring Group has received information that the warlords are currently trying to reconstitute and arm their respective militias."
The group recommended more support for the government in efforts to reach peace deals with the various armed groups, start a disarmament program and eliminate the main arms markets in downtown Mogadishu. It also recommended professional police and border control forces to end the smuggling of weapons.
-
So much for GITMO
-
PM Geedi meets Bernard Kouchner of France, outcome?
in Politics
Posted
Somalia: France to provide logistics, funds to boost peace efforts
Addis Ababa (Ethiopia) French Foreign Affairs Minister, Bernard Kouchner, Friday said his country will provide financial and technical support to boost peace-building efforts already undertaken by the AU and Somalia government, APA learnt here.
Speaking after a meeting with the French envoy, the Somali Prime Minister, ALi Mohammed Gedi said: “we discussed how France can help technically and financially in the ongoing peace-building”.
He then seized the opportunity to appeal for similar assistance to the international community “to help us to stabilize Somalia,’ saying “the problem of Somalia is not local…it is an international problem.”
Gedi again accused Eritrea of “fuelling terrorism in Somalia by supplying arms and Jihadists..it is not a secret and an allegation, it is well known and has been proved by the UN experts this week,” he said.
France is currently supporting the Burundi peacekeeping forces to deploy in Somalia.
Burundi pledged to send some 1,000 peacekeeping forces to the trouble-ridden country in the horn of Africa.