General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Riyaal oo xiray ganacsade

    20 Jul 20, 2008 - 6:37:11 AM

     

    Maamulka Somaliland ayaa xalay [19 July, 2008] u taxaabay xabsiga gudoomiyihii gudiga ganacsatada dhoofka xoolaha ee Somaliland C/llaahi Maxamed C/raxmaan isla markaana ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee UDUB.

     

    Ganacsadahan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay xabsiga Hargeysa, iyadoo ay su'aalo weydiinayan ciidamada nabadsugida ee SL, waxaana xarigiisa lala xiriirinayaan hadallo ku aadan khilaf dhoofka xoolaha ka dhashay oo ay isdhafsaden Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo gudiga uu madaxda u yahay.

     

    Taliyaha Booliiska SL Max'ed Saqadi Dubad oo wax laga weydiiyay xarigan ayaa ka gaabsadeen inuu wax faahfaahin ka bixiyaan xariga ganacsadahan iyo waxa loo aaneynayo.

     

    Gudomiyaha gacansatada xoolaha Somaliland ayaa lagala baxay Hotel uu ka daganaa Hargeysa, wuxuuna ganacsadahan uu shalay sheegay in heshiiska uu Riyaale la galay shirkad Sucuudiyaan ah ee lagu magacaabo Al-Jaabiri uu yahay mid aan xaq ahayn, isla markaana lagu cunnoqabteynayo iyaga.

     

    "Waxaanu dhoofinaynaa xoolaha, mana dhacayso inaan qaadano go'aanka ah in dhoofinta iyo ka macaashida xoolaha Somaliland lagu wareejiyo shirkad shisheeye ah, haddii dowlada Somaliland ay soo faragashato ganacsigeena waxaan kala helno ayaan leenahay" ayuu yiri C/llaahi Max'ed C/raxmaan oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa.

     

    Gudoomiye ku xigeenka guddiga ganacsatada Somaliland Xuseen Max'ed Cawaale [Gacmodheere] ayaa ku tilmaamay xariga gudoomiyahooda mid aan sharci ahayn, isla markaana xadgudub ku ah dastuurka u yaala maamulka Somaliland.

     

    Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale ayaa dhawaan diiday in dhoofka xoolaha Somaliland uu noqdo mid xor ah, isla markaana ay ganacsatadu dhoofsan karaan xoolahooda si ay macaash uga helaan, wuxuuna sheegay in shirkad laga leeyahay Sucuudiga lagu wareejinayo xoolaha Somaliland, taasoo caro gelisay ganacsatada.

     

    Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa wuxuu cambaareeyay xariga loo geystay gudoomiyaha ganacsatada Somaliland, iyadoo Maxa'ed Cabdi Iskeerse oo ah xoghayaha dhaqaalaha ee xisbigan uu sheegay in ay xukuumada SL joojiso cagjugleynta iyo caburinta ay ku hayso ganacsatada ayna sii dayso C/llaahi Max'ed C/raxmaan.

     

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ku tilmaamay xarigan mid cago-jugleyn ah oo loogu adeegayo shisheeye, laguna caburinayo ganacsatada Somaliland iyadoo la adeegsanayo awooda dowlada.

     

    Garowe Online, Hargeysa


  2. Lool. Mr secessionist who will have us believe we face a Vietnam type of situation in Somalia. But the question thus who is substitute for red China and the USSR?

    Secessionists are reminded that their case is much weaker than the historical precedence set by other African secessionists movement. Biafra in Nigeria, Western Sahara and other candidates for nationhood failed. Why should a destitute province in North Wets Somalia succeed? Oh the queen s their mother I forgot.

     

    The TFG is getting stronger and Mr Oodweyne without even this much power Puntland state chased you out on many an occasion, how will you deal with the new Somalia.

    By singing as your previous hero’s did for Siyad Barre. Saciid Egeh Mogadishuuuuu


  3. xogadalka1.jpg

    Al-shabaab oo looga dilay dagaal ka dhacay Huriwaa 21- maleeshiyo

     

    Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 19-Luulyo-08

     

    Sida uu kusoo bandhigay shir jaraa`id taliyaha ciidamada guutada 5-aad ee xoogga dalka Col. Cali Caraaye Gacma-Dulle ayaa waxaa ey ciidamada dowladdu ku dileen dagaalkii ka dhacay degmada Huriwaa/Yaaqshiid aroornimadii shalay meydadka kooxo uu taliyuhu ku sheegay in ey ahaayeen kuwa sheegta Al-shabaab iyo Maxkamadaha.

     

    Tirada maleeshiyaadka ey dileen ciidamada dowladda ayaa waxaa uu taliyuhu ku sheegay in ey ahaayeen 21-maleeshiyo, waxa uuna sidoo kale saxaafadda tusay sawiradooda iyo waliba hub kala duwan oo ey wateen ragga la dilay.

     

     

    "Dagaalkaas waxaan kaga dilnay kooxaha sheegta Al-Shabaab ilaa 21-ruux, waxaana ka dhaawacnay tiro 19-kale. Meydadkood waxey wali yaalaan wadooyinka, cidi daneyneysa", ayuu yiri Taliye Gacmo-Dulle.

     

    Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ey guulo ka gaareen dagaalkan islamarkaana kooxihii weerarka soo qaaday ey intii hartay firxadeen.

     

    Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada xoogga Gacmodulle ayaa ka gaabsaday khasaraha ka soo gaaray dhankooda dagaalkani.

     

    Si kastaba ha ahaatee dagaalada ceynkan ah ayaa waxaa ey qeybo ka mid ah caasimadda Muqdisho ku dhexmaraan ciidamada kala duwan ee ku sugan Muqdisho iyo kooxaha kasoo horjeeda.

     

    Waa markii ugu horeysay oo lagu soo bandhigo gudaha Muqdisho meydadka Al-shabaab.

     

     

    Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


  4. Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo Itoobiya oo saaka dagay Tuulada Yaaqbari weyne oo iyagoo lugeynaya hada kasoo talaabay degmada *********.

     

    Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan milaatriga Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo saaka fariisin ka dhigtay tuulada Yaaqbari weyne ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa wax yar ka hor kasoo talaabay degmada Wanla weyn iyagoo aan la garanaynin halka ay ku wajahan yihiin.

     

    Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala tirsan milaatriga Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo saaka fariisin ka dhigtay tuulada Yaaqbari weyne ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa wax yar ka hor kasoo talaabay degmada Wanla weyn iyagoo aan la garanaynin halka ay ku wajahan yihiin.

     

    Taliye ka tirsan ciidamadaas oo hada soo lugeynaya kana gaabsaday magiciisa in la shaaciyo ayaa shabakadan u sheegay in ay ciidamadu hada kasoo gudbeen degmada Wanla weyn oo ay usoo soconayaan dhanka Degmada Afgooye,laakin waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego halka ay ugu dambeyntii gaadhi doonaa ciidamadaasi.

     

    “Waxaan kuu sheegayaa oo keliya in hada aan kasoo dhamaanay degmada Wanla weyn oo aan kusoo socono wadada aada degmada Afgooye,laakin kuuma sheegayo war intaa sii dheer iyo halka aan ugu dambeyn ku wajahanahay”ayuu mar kale yidhi taliyahan diiday magiciisa in la shaaciyo.

     

    Ciidamadan ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay dagaal kula galeen deegaanada u dhexeeya leego iyo Yaaq bari weyne maliishiyooyinka ururka ALShabaab, waxaana dagaalkaa lagu dilay labo ka mida dagaalyahanada argagixisada caalamiga ah oo u kala dhashay Ciraaq iyo Pakistaan.


  5. Ajnebi ku dhintay dagaal

    21 Jul 21, 2008 - 9:24:10 AM

     

    Dagaal qaraar oo ciidamo huwan ah [Kuwa Ethiopia iyo kuwa Somalia] iyo kooxaha ka horjeeda ku dhexmaray inta u dhexeysa deegaanada Leego iyo Yaaq-bari-weyne ayaa sababay dhimashada 15-ruux oo ay ku jiraan laba ajnabi ah.

     

    Dirirta dhexmartay huwanta iyo kooxda Al-shabaab ayaa ahaa mid ku bilowday si kadis ah maqribnimadii xalay [July 20, 2008], iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan; iyadoo ay ku dhaawacmeen ciidamo badan oo labada dhinac ah.

     

    Goobjoogaal ku sugan deegaanada lagu diriray ayaa u xaqiijiyay Garowe Online inay arkeen maydadka sadex ka tirsan ciidamada huwanta iyo ku dhawaad 10-ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

     

    Ilaha warkaan aan ka helay oo diiday inaan magacyadooda xusno ayaa sidoo kale sheegay inay ku dhinteen dagaalkaas laba qof oo rayid ah kuwaasoo rasaasta duulaysay ay ugu tagtay meelihii ay ku sugnaayeen.

     

    Col. Daahir Max'ed Xirsi oo ah taliyaha ciidamada la weeraray oo sheegay inuu ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay inay dileen 12-ruux oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ay dagaalka la galeen, isagoo sheegay inay dhankooda gaartay khasaaraha laba askari oo ka dhaawacmay.

     

    "Dagaalku wuxuu mid ku dhacay si lama filaan ah, waxaana kooxdii dagaalka nala gashay aan ka dilnay 12-qof, oo ay laba ka mid ah yihiin Ajnabi u kala dhashay dalalka Iraq iyo Pakistan" ayuu yiri Col. Xirsi oo saxaafadda ka codsaday inay tagaan goobtga uu dagaalku ka dhacay ayna arkaan waxa ay sheegayaan.

     

    Afhayeenka Urur diimeedka Al-shabaab Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansur] oo isaguna ka hadlay dagaalkii xalay ayaa sheegay inay dhankooda kaga dhinteen 3-qof ayna kaga dhaawacmeen sadex kale, balse ay dhanka kale gaarsiiyeen khasaare badan.

     

    Abu-Mansur oo wax laga weydiiyay in lagu dilay dagaalka dad ajnabi ah oo dhankooda kasoo jeeday ayaa sheegay inay taasi been tahay, wuxuuse hadalkiisa raaciyay inay jiraan rag shisheeye ah oo ka barbar dagaalama xoogagooda.

     

    "Ciidamada aan la dagaalanay waxay ahaayeen kuwo lagu soo tababaray dalka Ethiopia, waxaana loo wadaa inay bililiqeystaan Bakaaraha, mana rajeynayo inay tagi doonaan ilaa wax yar mooyee" ayuu mar kale yiri Abu-Mansor, oo intaas raaciyay, dagaal kale ay la geli doonaan ciidamada huwanta ah.

     

    Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa xasiloon, iyadoo ciidamadii huwanta ay ku sugan yihiin halkii dagaalku ka bilowday sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaanada ay dirirtu ka dhacday.

     

    Shacabka deegaanadaas oo qaxayay ayaa waxay sheegeen inay arkeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda, dul heehaabayana halkii uu dagaalku ka dhacay, kuwaasoo ay garan waayeen.

     

    Garowe Online, Muqdisho


  6. Muqdisho: DFKMGS oo ku dhawaaqday in dad udhashey Dalalka Pakistaan & Ciraaq gacanteeda ay ku jiraan qaarna ay toogteen ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

    21. juli 2008

     

    Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalo ka dhacay gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay ku dishey xubno Ajaaniib ah kuwasoo ka soo horjeeday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna dawladdu sheegtay in ay qaaday talaabooyin ay dadkaasi kula dagaalameyso.

     

    Sarkaal Sarre oo ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qabteen dad gaaraya 2 qof oo ah kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo aan udhalan dalka Soomaaliya ,kuwasoo ka soo jeeda dalalka Ciraaq & Pakistaan ,ayna doonayaan in ay Sharciga mariyaan.

     

    Sarkaalkan wuxuu sidoo kale sheegay in toogteen qaar kale oo ka mid ah ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in ay ka barbardagaalamayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

     

    "Waxaanu qabaneyo oo heynaa Kooxo ka soo horjeeday Horumarka & Nabadda Soomaaliya ,markaasna ka barbardagaalameyey Kooxaha naga soo horjeeda ,hadana waxaan dooneynaa in aan Sharciga horkeeno" Ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlayay AllPuntland.

     

    Dagaalo mudo badan ka socdey qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada Hoose ayaa lasheegay in ay noqdeen kuwa ay ku jabeen Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,gaar ahaan Ururka Al-Shabaab oo lasheegay in ay sheegteen Masuuliyada dagaaladaasi.

     

    Sarkaalkan ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhinacooda uu soo gaaray khasaare ,isagoo sheegay in ay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamadooda ,wuxuuna beeniyey in ciidamadan oo baabuur saaran weerar lugu qaaday ,isagoo sheegay in aysan ciidamadu saarneyn Baabuur oo ay lugeynayeen.

     

    Warar Madax banaan kana Madax banaan dhinacyada dagaalameyey ayaa sheegaya in ay ciidamada dawladda Soomaaliya markii horeba udiyaarsanayeen weeraro kaga yimaada Kooxaha ka soo horjeeda ayna umuuqdeen kuwa meesha ku ogaa kooxahan ayna dagaal sidaasi ku galeen.

     

    Kooxda Al-Shabaab waxa ay sheegteen in Khasaare soo gaaray ,waxa ayna sheegeen in dadka Ajaaniibta ee lajooga aysan aheyn kuwa Shisheeye ee ay yihiin kuwa Walaalahooda dagaalkana kula jira ,balse hadalkaasi wuxuu ka hor imaanayaa hadalo ay horey ujeediyeen Madax ka tirsanaa Ururkaasi.

     

    F. C. Geylan

    AllPuntland


  7. lool.Farax Brown :D I think you can not read.

    Adeer give the PM achance indeed, but from the sources I have he is going. Dont bite me man and let me repeat.

     

    Geedi was supported and given three years. More time than any PM in living memory. He left with respect. ..........................................

    Nur Cade was given a chance and blew it and might I add..

    We will insha Allah have a new

    new PM and the TFG train is again on the move.

    And who ever is the PM.,..

     

     

    Duke is not alone in support Mogadishu will, Bossaso will come out and we wish him the best

    Thus Farax Brown keep up the good work you are fast.

     

    The simple premise here is the the Duke will support the TFG government :D


  8. ^^^Its unfortunate indeed, but supporting their killers is fortunate for you right?

     

    Adeer stop the hypocracy these killers will be dealt with.

     

    As for Mogadishu we know the TFG and its allies entered without a fight. Then if they hated the people why not raise it?

     

    Who started using the city for their attacks and the people as shields?

     

    The defeated cowards who ran away from the battle field and who know kill NGO workers to get your nonsnece support


  9. lool. NGOON, I do love the way you have come out of the closet, no need to attack me adeer, attack Riyaale who is not even able to defend his clan from the secesionist mobs and their mafia. Shame really.

     

    Africaown, the likes of Duke have already crushed their enemies so itsbest to keep quite before we crus you.

     

    As for the article I loved the title, its a true reflection. Riyaale is run by a Mafia who are in turn use a certain clans crazies to tormen the minorities.

     

    Castro again saxib my heart out to you.


  10. Money,

     

    Adeer I have a government made up of all the Somali Clans.

    Its leaders represent a cross section of all clans. It represents the unity, national sovereignty of Somalia.

     

    You support a single clan movement led by one clan with militias from a single sublcan.

    Compare and contrast your fakery to the reality on the ground.

    Your militias held for 10 years lands and people hostage by the gun and they even lived by the gun. Why cry now?

    Because you no longer can hold the nation hostages the nation has more guns and more firepower and hence your cries, your mad dashes across the villages and the way you are lashing out at anyone and everyone, killing NGO’s and trying to cause mayhem.

     

    Wont work and Olol you will not be getting back the fertile south.

     

    Yours has been a gradual deterioration of power, loss of base and utter confusion. My nation is on the rise the fact is I have nationalized all te cash cows you grew rich on and your exile is permanent.


  11. Odayaal la shaqeenayey Ngoyada gargaaraya dadka qaxootigaa oo lalaayey

    Posted to the MOL July 18, 2008, 9:15 am

     

     

    Niman dabley ah ayaa toogasho ku dilay maantoo jimcaa sadex oday kuwaasoo ka garabshaqaynayey hay adaha samafalka ee gudaha dalka soomaaliya

     

     

    kuwaasoo cunto ka qaybinayey Xeryaha dadka qaxootigaa ee ku yaal duleedyada magaalada muqdisho

     

     

    Dilkaan oo ay geysteen kooxo aan la garanayn ayaa umuuqda inay la socdaan falalkii ugu dambeeyey ee sida ula kacaa loo beegsanayey dadka samafalka kawada gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan gobalada koonfureed oo kooxo mintidiin islaamiya dagaalo ka wadaan .

     

     

    Goobjooge magiciica la yiraahdo Abdikafi Hassan ayaa sheegay in midkamaida odayaashu uu isla goobtiiba ku dhintay halka labada kallana ay ku Go een isbitaalka.

     

     

    wuxuuna intaas ku daray ninkaasi inuu uga shakisanyahay dadka odayaasha laayey isla kuwii baryahan ugaarsanayey shaqaalaha hayadaha samafalka

     

     

    Mowjado dilal qorshaysana ayaa baryahaan la eeganayey hay adaha gargaarka xili kuwa kalle oo ajaaniibana kana shaqaynayey isla howlahaas samafalka Afduub loogu haysto gudaha gobalada koonfureed dadkaasoo ukala dhashay laba talyaani mid kenyana iyo kan kaloo udhashay dalka Bretain

     

     

    Dawlada federaalku waxay ku eedaysaa falakaasi inay ka dambeeyaan kooxaha islaamiyiintaa ee xiriirka la leh Alqaacida halka islaamiyiintuna dawlada qudheeda ku eedeeyaan inay ka dambaysa weeraradan lu laynayo dadka howlaha samafalkaa kawada dalka ay colaaduhu la dageen ee Soomaaliya

     

     

    Rabiile Abdikarim Gabanow

     

     

    Mudugonline Boosaaso


  12. ^^^lool. Adeer your a limited by your undertsanding of the situation.

     

    7000 troops are just a new batch of the national army. There will be more security forces coming and Somalias security will improve.

     

    You was thinking the TFG was on its last leg and then hey 7000 new troops while the opposition have gangs taking over resturents in villages.


  13. Adeer you will recognise what the TFG armed forces are as you did the previous governemnts. Its all about timing and we are egtting it done 7000 troops is big number but just the start.

     

    Somalia today is 80% under the controll of the governemnt from the ports airports of Bossaso, Baidoa, Mogadishu to the land masses that make up Puntland, Bay Bakool and Banadir.

     

    Its the greatets single achievement since the post war period.

     

    The greatest armed groups are nothing more than gangs now running around villages and touring Asmara, Djibouti and Yemen.

     

    Money, or Olol remmebers a time long ago when his clan militais had teeth and even ran whole cities, thats the past lads.

     

    The future is a goevrnment with teeth that will execute criminals and murders and run the entire regions.


  14. Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo maanta soo bandhigay Meydad sida la sheegay ahaayeen Kooaha ka soo horjeeda Dowladda.

     

    Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa maanta soo bandhigay Meydad la sheegay in ay ahaayeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, kadib dagaal faraha looga gubtay oo saaka ka dhacay Hareeraha Jidka Warshadaha.

     

    Sarkaalka Ciidamada Dowladda ee jooga Jidka Warshadaha oo lagu magacaabo G/Dhexe Cali Caraale Cosoble (Gacmaduul) ayaa saxaafada u sheegay in 4 ka mid ah Meydadka Kooxaha soo weeraray saaka ay ku hayaan agagaarka Isgoyska Towfiiq, isagoo dhanka kale beeniyay in saaka laga wareegay fariisimaha ay ku leeyihiin Miisaanka Dhuxusha iyo Towfiiq.

     

    Qaar ka mid ah meydadka ragaas oo ay soo aragtay saxaafada ayaa jirkooda waxaa ka muuqday jirdil aad u xoog badan, oo ay u geysteen Ciidamada Dowladda iyagoo meyd ahaa, waxaana dul yaalay sida la sheegay Qoryo fud fudud oo ay saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen in ay ahaayeen kuwii weerarka ka dambeeyay.

     

    G/Dhexe Gacmaduul ayaa sidoo kale sheegay in Kooxihii saaka soo weeraray ay dib u caabiyeen, isla markaana ka dileen 21 ruux waa sida uu hadalka u dhigay.

     

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in meydadka afarta ruux ay yihiin Xoogagii saaka dagaalka kula jiray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ee Maxkamadaha islaamiga.

     

    Dhanka kale dadka deegaanka Towfiiq ayaa goor dhoweyd la sheegay in ay dib usoo qaadeen Meydadka afartaas ruux, kadib markii ay heysteen Ciidamada Dowladda muddo dhowr saacadood oo ay wadada dhigeen, waxaana Meydadkaas la sheegay in loo qaaday dhanka Suuqa Xoolaha sida wararka ay sheegayaan


  15. Col. Cali Carraalle Cosoble [Gacmo-duulle] oo ah taliyaha ciidamada DF ee ku suganaa isgoyska Towfiiq oo uu dagalka xooggiisa ka dhacay oo saxafada shir jaraa'id u qabtay ayaa tusay maydadka 4-qof oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen dhinicii weerarka kusoo qaaday.

     

    "Maydadkaan waxay qayb ka yihiin kuwii aan dagaalka kaga dilnay kooxihii nasoo weeraray, inagoo ka furannay hubkii ay wateen, kuwo kale oo badanna waxay firirsan yihiin ilaa Jaamacadda Muqdisho" ayuu yiri Col. Gacmo-dulle.

     

    Sarkaalkaan u hadlay DF, wuxuu sheegay in Midowga Maxkamadaha ay ka dileen 21-qof ayna ka dhaawaceen 19-qof oo kale, wuxuu beeniyay jiritaanka in laga qabsaday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamadooda iyo kuwa Ethiopia; isagoo khasaaraha dhankooda kusoo koobay askari uu dhaawac fudud gaaray.

     


  16. Meydadka rag Argagixiso ah oo lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada Qaranka iyo argagixisada oo maanta Muqdisho lagusoo bandhigay.

     

    Saraakiil ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay meydadka laba nin oo ka mida dagaalyahanada argagixisada oo saaka lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha nabad diidka ah,dagaalkaas oo ka dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

     

    Saraakiil ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay meydadka laba nin oo ka mida dagaalyahanada argagixisada oo saaka lagu dilay dagaal dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha nabad diidka ah,dagaalkaas oo ka dhacay qeybo ka mida Magaalada Muqdisho.

     

    Meydadkan argagixisada ayaa lagusoo bandhigay shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay taliyaha guutada 5-aad ee xooga dalka Soomaaliyeed Col Gacma Dullo.

     

    Waxaa taliyuhu uu sheegay in meydadkan argagixisada ay ciidanku ku dileen dagaaladii saaka waabarigii hore ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo huruwaa inkastoo dagaalkaa xoogiisu uu yaaqshiid ka dhacay.

     

    "Waxaa ay ka mid yihiin 21 argagaxiso ah oo aan ku dilnay dagaalkii saakay" sidaana waxaa Yiri Gacma-dulo oo saxaafada kula hadlayay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee magalada Muqdisho halkaas oo ka mid ah goobihii saakay ay dagaaladu saameyeen.

     

    Sidoo kale Taliyah guutada 5-aad ee ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in ay qasaarooyin fara badan u geysteen kooxaha nabad diidka ah oo saakay dagaalka ka qayb galayay.

     

    Arintan ayaa horumar u noqonayso dagaalada iyo howl-galka ay sida wada jirka ah u wadaan ciidamada Qaranka iyo kuwa nabad ilaalinta Itoobiya ee kusugan dalka Soomaaliya.