General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Somalia’s president to lead peace talks delegation to Djibouti

    21 Nov 21, 2008 - 1:32:37 PM

     

    NAIROBI, Kenya Nov 21 (Garowe Online) - Somalia’s interim President Abdullahi Yusuf has pledged to lead the government’s delegation to the next round of the Djibouti-based peace process with an opposition faction.

     

    President Yusuf told a Friday press conference in the Kenyan capital Nairobi that he traveled to Libya to strengthen relations with that country and the Arab world.

     

    “Somalia and Libya are both members of the Arab League, so I appealed for support,” the Somali leader said.

     

     

    Somali President Abdullahi Yusuf

    He urged the Arab world to accept the ongoing peace process, which Yusuf said will help end years of anarchy and bloodshed in the Horn of Africa country.

     

    “Somalia’s situation is terrible because we [somalis] destroyed the country,” he said, adding: “We lost our peace, our nation, our integrity and our unity and there are some groups who still want to continue the violence.”

     

    President Yusuf dismissed media reports – and an allegation from Prime Minister Nur “Adde” Hassan Hussein – that he intended to change the peace talks venue from Djibouti to Libya. Full story

     

    He said: “This is untrue. The Djibouti talks concerns all Somalis who want peace. Personally, am ready to lead the government’s delegation to Djibouti to work towards peace.”

     

    Somalia’s leader briefly addressed the establishment of a regional government for Banadir, where the national capital Mogadishu is located.

     

    “The Somali Parliament passed a law regarding the creation of regional governments, which calls on the public to vote for their regional and district leaders,” he noted.

     

    Government leaders in Somalia are embroiled a political dispute that has severely weakened the interim government's ability to rule the country in the face of a growing Islamist insurgency.

     

    Source: Garowe Online


  2. s-OBAMA-large.jpg

    Ludlum Elementary School in Long Island's Hempstead Union Free School District was re-named at a board meeting Thursday, at the request of numerous school students.

     

    "Just to watch these kids after the board voted on what they asked them to do, they were so elated," school district superintendent Dr. Joseph Laria told ABC News. "You want to talk about "Yes we can!"? That was a lesson in democracy."

     

    Effective immediately, Ludlum will now be known as Barack Obama Elementary School, following a decision by the board to adopt the resolution drafted by students and staff.

     

     

    The impetus behind the name change is credited to the school's proximity to Hofstra University, the site of the third Presidential debate, which reportedly captured the imagination of the students.

     

    The school will be officially rededicated in January, following the Inauguration. Obama will be invited to attend the ceremony.


  3. Madaxweyne Yuusuf “Baarlamanka xaq uma laha in uu ansixiyo wax aan la.."

    Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka warbixiyey arimo kala duwan oo ka mid ah xaalada dalka gaar ahaan arimaha dib u heshiisiinta, khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Ra’isalwasaaraha, warka ku aadan in Jabuuti laga wareejiyo shirarka dib u heshiisiinta iyo waxyaabo kale oo fara badan.

     

    Madaxweynuhu wuxuu ugu horey si weyn u muujiyey in ay dalka jirto dawlad wuxuuna sheegay inay jirto waxa la yiraahdo Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay tahay in uu dhisan yahay Madaxweynihii, Baarlamankii iyo Golihii Garsoorka, waxaase uu muujiyey inaanay jirin gole xukuumadeed oo la isku khilaafay in la dhiso gole xukuumadeed.

     

    Madaxweyne Yuusuf oo arimahaasi sharaxaya ayaa wuxuu sheegay in markii la isku raacay in la dhiso gole xukuumadeed oo la isku raacsan yahay, maadaama afartii sano ee ay jirtey dawladu aanay jirin wax la qabtey, isla markaana loo baahan yahay in la dhiso xukuumad tayo leh oo wax qabata mudada yar ee dhiman., wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in Ra’isalwasaaraha uu u soo gudbiyey liis wasiiro aan laheyn qibrad ama karti isla markaana uu ku celiyey uuna ku wargaliyey in uu soo dhiso Ra’isalwasaaruhu xukuumad ku dhisan 4.5 ee hab wax qaybsiga beelaha.

     

    C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in Ra’isalwasaaraha uu ka sugayey wasiirada uu dalbay in uu soo dhiso hase yeeshee uu idaacadaha ka maqlay war sheegaya in Madaxweynuhu uu diidey wasiirada, isla markaana uu Ra’isalwasaaruhu yiri in uu Baarlamanka u gudbin doono in xukuumada cusub ee uu magacaabay uu u gudbin doono waxaana isagoo ka hadlaya arimahaasi uu yiri Madaxweynuhu.

     

    “Baarlamanku xaq uma laha mana ansixin karaan umana laha sharci iyo xaq inay ansixiyaan gole wasiiro oo aan la isku raacsaneyn” ayuu ku yiri Madaxweynuhu wareysi uu maanta siiyey Idaacada BBC-da.

     

    C /laahi Yuusuf wuxuu si adag u beeniyey warka ku aadan in uu sheegay in Jabuuti laga soo wareejiyo gogasha dib u heshiisiinta wuxuu sheegay in aanu isagu laheyn awooda shirka oo ay shirka maamulaan Qaramada Midoobay iyo Dawlada Jabuuti, isagoo si adag u beeniyey in uu ka soo horjeedo arimaha dib u heshiisiinta, wuxuu sheegay in uu isagu horey ugu baaqay in la qabto dib u heshiisiin bishii January 2007-dii, shirkii ka dhacay ururka Midowga Afrika, wuxuuna farta ku fiiqay in warka sheegaya in uu ka soo horjeeda dib u heshiisiinta ay tahay been abuur, isla markaana uu hada diyaar u yahay in uu hogaamiyo wafdiga DFKMG ah ee haatan shirka u aadaya wadanka Jabuuti, isla markaana uu sugayo in looga yeero shirka.

     

    Shirkan ayaa wuxuu sheegay Madaxweynuhu in uu yahay mid lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka iyo dagaalada, isla markaana uu filayo inay ka soo baxaan waxyaabo wanaagsan.

     

    Madaxweynuhu wuxuu xusey in aanu dooneyn uu u jawaabo Ra’islawasaaraha hadalkiisa ku aadan in Madaxweynuhu uu caqabad ku yahay dib u heshiisiinta, isagoo xusey in uu isago magacaabay Nuur Cade isla markaana aanu dooneyn in uu wax jawaab ah ka bixiyo hadalada Ra’isalwasaaraha.

     

    C/laahi Yuusuf mar uu ka hadlayey arimaha dagaalada, xabad joojinta iyo ciidamada Itoobiyaanka ee la filayey inay baxaan ayuu wuxuu sheegay in ay muhiim tahay heshiiyadii dhexmarey dawlada iyo mucaaradka, waxaase uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado wali dagaalo ay sii socdaa, isagoo tilmaamay in ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho ay ku baaqatey dagaalada ay wadaan kooxaha hubaysan, wuxuuna sheegay inaanay aheyn wax isleh in qolo ay fuliso heshiiskii qolada kalena ay dagaal wado.

     

    Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in aanu jirin wax mad madow ah oo u dhaxeeya dawlada Itoobiya wuxuuna sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa beenta ah ee suuqyada lala wareegay.

     

    “Itoobiya waa dal aan walaalo nahay, darisna nahay, waa dad ciyaalkoodii ay ku le’deen Soomaaliya, walina diyaar u ah inay na taageeraan isla markaana ay dhiig u daadinayaan taageeradeena ay wali u diyaar yihiin, marka ma jirto wax xumaan ah oo inaga dhaxayso” ayuu yiri Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

     

    Keyse Caamir

    SBC International News Desk


  4. Garoowe: Mid ka mid ah Musharaxiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo soo gaaray Caasimadda Puntland

    21. November 2008

     

    Garoowe(AllPuntland)-Mid ka mid ah Musharaxiinta ka soo jeeda Gobolka Sool oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu magaalada ka bilaaway ololahiisa ku aadan doorashada xilka Madaxtinimada Puntland.

     

    Saleebaan Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Waji Xaad kana yimid dalka Mareykanka ayaa waxaa uu maanta salaan dhiirigelin ah uu ugu tegay Ciyaartoyda Xulka Gobolka Sool oo magaalada Garoowe ugu qeybgalaya tartanka ciyaaraha Gobolada, wuxuuna musharaxa uu ku booriyay ciyaartoyda in ay hantaan sidii Horyaalkii Nabadda ee ay soo qaban qaabisay Hey'adda PDRC ay u qaadeen tartankan ka bilowday Garoowe.

     

    Saleebaan Waji Xaad ayaa ciyaartoyda Sool u sheegay in ay taageero weyn u hayaan guud ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Sool dibad iyo gudaba, wuxuuna carabka ku dhuftay in ciyaarihii hore ee ka dhacay Garoonka Mira Awaare ay dadka dibadaha ula socdeen sida ciyaaraha Yurub oo kale, haatana ay indhaha ku hayaan tartanka ka bilowday Garoowe.

     

    Musharax Saleebaan ayaa ugu mahad celiyay ciyaartoyda dadaalka ay u galeen sidii ay gobolkooda qeyb libaax leh ugu qaadan lahaayeen ciyaaraha ka dhaca Puntland xili magaaladooda la heysta.

     

    Ugu danbeyntii Saleebaan Waji Xaad ayaa ku booriyay ciyaartoyda in ay la yimaadaan karti iyo dhaqan wanaagsan oo ay kaga duwanaadaan gobolada kale ee tartanka kula jira, isagoo u mahad celiyay ciyaartoyda kale ee ka socota gobolada kale ee Puntland.

     

    AllPuntland, Garoowe


  5. Nayroobi: "Baarlamaanka Soomaaliya ma ansixin karaan warqad uusan saxiixin Madaxweynaha Soomaaliya" Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

    21. november 2008

     

    Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan waxba ka jirin warka sheegaya in uu Madaxda Liibiya ka codsatay in dalkaasi loo wareejiyo Magaalada Tripoli.

     

    Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in uu hogaanmin doono Wafdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee tagaya dalka Jamhuuriyada Jabuuti, hadii looga yeero wuxuuna sheegay in uu tagayo Magaalada Jabuuti, ayna si waxba ka jirin in uu diidan yahay dadaalada dibu heshiisiineed.

     

    Yuusuf wuxuu sidoo kale sheegay in cidii rabta ay wax ka sheegi karto, wuxuuna Madaxweynuhu soo hadal qaaday hadal ka soo yeeray IGAD oo ahaa in xayiraad lugu soo rogo Madaxweynaha, wuxuuna taasi ka sheegay mid aan uwanaagsaneyn IGAD.

     

    Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay dhisi doonaan Xukuumad Midnimo qaran, oo ay ku jiraan Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Md. Yuusuf wuxuu ku sheegay wax laga xumaado warar ay baahiyaan wakaaladaha Wararka & Idaacadaha Soomaalida oo maalmihii ugu dambeeyey wadey warar ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.

     

    “ Raysalwasaaraha aniga ayaa magacaabay in aan hada ujawaabana ma doonayo, wuxuu ku hadlana Idaacadaha ayaan ka dhageystaa, marka ujawaabi mayo Raysalwasaaraha Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Madaxweynaha dawladda Soomaaliya mar uu ka hadlayay arimaha Itoobiya, wuxuu sheegay in aysa waxba ka jirin warka sheegaya in Isaga & Itoobiya uu khilaaf ka dhaxeeyo, taasna wuxuu ku sheegay in ay qeyb ka tahay dacaayadaha maalmahaan laga faafinayay Suuqyada iyo Idaacadaha Soomaalida.

     

    Warkan maanta ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa meesha ka saaraya hadalo ka soo yeerayay mudooyinkii ugu dambeeyey Xildhibaano & Raysalwasaaraha Soomaaliya oo sheegayay in uu Madaxweynuhu nabada Soomaaliya ka soo horjeedo.

     

    F. C. Geylan

    AllPuntland


  6. Madaxweynahaya oo hogaaminaya shirka Jabuuti

     

    Madaxweynaha waxuu beeniyey in khilaaf uu ka dhex ooganyahay isaga iyo Ethiopia, mar uu ka hadlayayna arimaha dib-u-heshiisiinta isagoo sheegay inuu diyaar u yahay isaga nafsad ahaantiisa ka qaybgali doono shirka Jabuuti.

     

    "Hatan dib u heshiisiinta waan wadnaa waa tan Jabuti ka socota waxayna khuseysaa dowladda iyo mucaaradka waxii nabad doonaya oo dhan oo Somalinimo iyo xasilooni iyo nabad Soomaaliya u raba, aniga lafteyda ayaa diyaara inaan Jabuuti tago oo wafdi hogaamiyo kana shaqeeyo markaa sidii loo heli lahaa nabad waarta".

     

    Madaxweyanahu ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir lagu dhisayo qaab doorasho ah "Dowladda markay Baydhabo joogtay waxaa la soo saaray sharciga maamulada lagu dhisayo oo gobolada oo dhan laga dhisayo, sharcigii Baarlamaanka wuu isku raacay anna waa la'iga saxiixay sharcigas ayaa yaala, sharcigasna waxu sheegayaa dadweynuhu inay soo doortan dadka mamulada u galaya gobolada iyo degmooyinka" sidaa waxaa yirri Madaxweynaha.

     

    Madaxweyne dowladda KMG ayaa iska fogeeyey in waxii intaas dhaafsiisan uusan shaqo ku lahayn waxii dhib ka yimaadana ay mas'uul ka tahay cidii samaysa, hase ahaatee arinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jahwareer ka taaganyahay qaabkii loo dhisi lahaa maamulka gobolka Banaadir.

     

    Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)

    Garowe Online Nairobi


  7. Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe

    20 Nov 20, 2008 - 7:05:44 PM

     

    Waxaa galabta garoonka Kubada Cagta Mire Awaare ee Magaalada Garoowe ka furmay ciyaaraha Gobolada ee ay soo qaban qaabisay Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo la kaashaneyso Wasaaradda Isboortiga Puntland, waxaana furitaankii ciyaaraha Gobolada ka soo qeybgalay marti sharaf ka kala socday qeybaha bulshada iyo xukuumadda Puntland.

     

    Ugu horeyn waxaa halkaasi lagu soo bandhigay gaardi ka ciyaar ay sameynayeen ciidamada Baambeyda Puntland Waxaana Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac oo xafladda ka soo qeybgalay uu Salaan sharaf ka qaatay ciidamada Bambeyda, sidoo kale waxaa halkaasi socod wareeg ah ku maray Lixda Gobol ee Puntland ciyaaraha ka qeybgalaya.

     

    Madaxweyne Kuxigeenka ayaa furay ciyaaraha Gobolada dalka oo Lixda Gobol ee Puntland wareegooda ka bilowday Garoonka Mire Awaare, waxaaa ciyaartii ugu horeysay ay maanta dhex martay Kooxaha ka socda Gobolka Nugaal oo marti loo yahay iyo Kooxda kale ee ka socoto gobolka Sanaag.

     

    Madaxweye Kuxigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhoweeyay ciyaaraha Gobolada ee maanta ka bilowday Garoowe, isagoo sheegay in Sportiga uu yahay mid dadka isku soo dhoweynayo isla markaana Puntland ay soo dhoweyneyso, wuxuuna ugu mahad celiyay Xiriirka Kubadda Cagta oo soo qaban qaabiyay ciyaarahan oo ah kuwo wajigoodii labaad ka dhacaya Puntland.

     

    Kooxaha Nugaal iyo Sanaag oo maanta dadweynihii u soo daawasho tegay ay ahaayeen kuwo ku faraxsan oo ay ka muuqatay soo dhoweyn ayaa waxaa halkaasi labada koox ay ku soo badhigeen ciyaaro kulul, waxaana wajigii hore ee ciyaarta ay ku dhamaatay Sadax Gool oo ay lahaayeen Kooxda Nugaal, qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Nugaal ay dar dar la soo baxday waxaana u suuragashay in ay dhaliyaan ilaa iyo Labo Gool, ugu danbeyntiina kooxda Sanaag ayaa heshay labo Rikoore oo ay dhalisay, waxayna ciyaarta markii danbe ku dhamaatay Sagaal iyo Gool iyo Labo Rigoore oo ay heshay Gobolka Sanaag.

     

    Radio Garowe


  8. Lets address a few things, first the fellow above and his comment, adeer one has to make a point and have a stand to even be acknowledged. Who are ya? Exactly.

     

    To the other fellow adeer to my surprise you are still mad and envious; you are now still making attacks in this thread which had nothing to do with you? Let me be clear to all specially the poster here, do not engage with Mr Xiin on that level and ignore his insults. To the reast again many thanks for the kind words, Nino Brown my man good to see ya.

     

    :D


  9. Boliska deg. Wadajir oo dilay 17-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab

     

    Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 21-November-08

     

    Ciidamada booliska degmada wada jir ayaa waxa ey maanta dileen 17-maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo weerar kusoo qaaday guri uu daganaa gudoomiyaha degmadaasi Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada boliska Wadajir.

     

    Dagaalkan lagu dilay maanta maleeshiyaadkan ayaa ahaa mid qaraar, waxaana bilowgii dagaalkani uu dhexmaray ilaalada gudoomiyaha iyadoo ey gadaal kaga soo biireen ciidamada booliska degmadaasi kuwaasoo dhabarka kaga yimid kooxihii weerarka soo qaaday islamarkaana goobta ku laayay.

     

    Sarkaal ka tirsan ciidankii maanta dagaalkaasi ka qeyb qaatay oo shabakadda Calanka ugu waramayay khadka taleefanka ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday uusan hal ka baxsan islamarkaana ey goobtaasi ku dileen 17- ka mid ah halka laba kale oo dhaawac ahna ey gacanta ku dhigeen.

     

    Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ahaa mid qorsheysnaa oo ey boolisku ka warhayeen, sida uu inoo xaqiijiyay salkaankan eynu la xiriirnay, waxaana uu socday ku dhawaad 1:20-miriri.

     

    Dhanka booliska ayaa waxaa ku dhaawacmay sida uu inoo xaqiijiyay salkaalka 3 ka mid ah ciidamada booliska kuwaasoo iminka lagu daweynayo cusbitaalka Madiina.

     

    Si kastaba ha ahaatee dhowr jeer ayaa waxa ey isku dayeen in ey weeraraan kooxaha kasoo horjeeda dowladda gudiga gudoomiyaha degmadaadi Axmed Daaci, waxaana inta badan jab kasoo gaaray weeraradaasi kooxaha soo qaaday werarka.

     

    Dadka deegaanka iyo saxaafadda ayaa loo fasaxay in ey usoo daawasho tagaan maleeshiyaadka maanta ey dileen ciidamada booliska.

     

    Dhacdadii ugu dambeysay oo iyana lagu dilay ku dhawaad 15-maleeshiyo ayaa dhacday xilli sii horeysay oo ey kooxo hoobiyayaal ku tuurayay garoonka diyaaradaha uu dagaal ku qabsaday degmada wada jir gaar ahaan agagaarka xalane.

     

    Maamulka degmada Wadajir ayaa dhowrjeer oo hore lagu amaanay sida feejigan ee ey isaga difaacaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda ee soo weerara, mana ahan markii ugu horeysay oo cashar sidaan oo kale ah loo dhigo kooxahan.

     

    Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda


  10. gabadhii u Horeysey oo isu soo sharaxda jagada Gudoomiya Nimada Baarlamaanka DGPL

     

    Waxa la ogeysiinayaa dadweynaha Soomaaliyeed ee degan gobalka Minnesota in ay ka soo qayb galaan xaflad weyn oo lagu taageerayo gabadhii ugu horeysey ee isku sharaxda jagada gudoomiyaha baarlamaanka ee Puntland. Xafladaas oo lagu qaban doono magaalada Minneapolis sabtida galinka danbe hadii Alla idmo, xaruntaas oo magaceeda la yiraah 'Taj Mahal Mall' ee ku taala Cedar iyo Lake street meesha ay iska gooyaan.


  11. map-of-somalia-and-somali-flag-thumb1810

     

    Ladies and Gentlemen ,my esteemed colloquies, friends , country men, secessionist and others of differing opinion

     

    I accept this award, with a heavy heart at a moment when millions of my beloved Somali’s are still deprived of their god given right to govern their country and reside in it with dignity. Let’s not forget that today the poor are still manipulated by those with basic understanding and who fortune has favored to live in functioning states. These Somali’s are still in a creative battle to continue the long suffering and the never ending grief of our people. They make pretences and drag their feet opposing governance at all cost and they loath the return to law and order, while they blame others, the ocean is looted and poisoned, and the fertile land turns to desert. They encourage war on the Somali urban dwelling sending children to their deaths.

     

    I accept this award on behalf of all those who strive to see the restoration of the Somali republic a movement based on rational thinking and logic with no room for doubt and fear. With steely determination and inherent self confidence we move forward regardless of the obstacle, or the danger for without risk there is no reward.

     

    I accept this on behalf of our mothers, fathers the elderly who have witnessed the beauty of independence and the pain of losing ones nation. For the youth who have known nothing but humiliation and depravity. I tell you that there will be a better day, when this nightmare will be history.

     

    To the secessionists I say open your eyes, why break away from your kin when the world itself is becoming one?

     

    To those who want to tear down our nation I say enough, we need peace at home with ourselves and with all our neighbors.

     

    Again I thank you, keep up the good work.

     

    May Allah bless Somalia and may he unite her limbs and heal her wounds.


  12. Garoowe: Madaxweyne Kuxigeenka Puntlad oo furay Ciyaaraha Gobolada dalka kana furmay magaalada Garoowe

    21. November 2008

     

    Garoowe(AllPuntland)-Ka hor inta aysan si rasmi ah u furmin ciyaaraha K/Cagta gobolada dalka gaar ahaan Puntland ayaa waxaa shalay hoolka shirarka PDRC ee magaalada Garoowe ka dhacday xaflad si weyn loo soo agaasimay taasoo maamulkeeda uu lahaa Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed, waxaana ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay Dowlad Goboleedka Puntland, qeybaha ururada Bulshada iyo bahda ciyaaraha.

     

    C/Qani Saciid Carab oo ah Xoghayaha Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dib loo soo nooleeyo ciyaarihii is reeb reebka Gobolada dalka Soomaaliya oo wejigiisa koowaad lagu qabtay Gobolka Sh/Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar, qeybtii labaadna uu sheegay in ay tahay tan ka furantay magaalada Garoowe oo ay isugu yimaadeen kooxaha madalaya gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Karkaar, kuwaasi oo u tartami doona ciyaaraha 18-aad ee gobolada.

     

    Wuxuu sheegay C/qani in iyadoo xili adag lagu guda jiro ay isu taageen dardar gelinta ciyaaraha gobolada, ujeedada loo abaabulayo tartamadana ay xambaarsan tahay isdhexgal bulsho, helitaan ciyaartoy tayo leh oo ka qeybgala ciyaaraha caalamiga ee xulka Qaranka Soomaaliyeed aadayo, waxaa kaloo uu sheegay in ay mudan tahay in la xuso horumarinta dhalinyarada ku nool gobolada dalka.

     

    Xoghayaha ayaa intaasi hadalkiisa sii raaciyay in ciyaarahan kooxdii ku guuleysata ay heli doonto abaal marino qaali ah, isagoo carabka ku dhuftay in uusan jirin wax Koob ah oo yaala balse kooxdii ku soo baxda ay ku biiri doonto kooxaha kale ee ka soo baxa gobolada kale ee dalka, waana ciyaro is reeb reeb ayuu sii raaciyay C/qani Carab.dhanka kale waxaa uu mas'uulkan ka socday X.K.C.S sheegay in ay jiraan tababaro qiimo leh oo garsoorka iyo macalimiinta heli doonaan si aqoontooda kor loogu qaado.

     

    Dhanka kale waxaa shalay galabta tartanka ciyaaraha gobolada ee ka furmay Garoonka Mira Awaare ee magaalada Garoowe furay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud (Af-Qurac) oo laaday Kubaddii ugu horeysay, isagoo halkaasi khudbad gaaban ka soo jeediyay Madaxweyne Kuxigeenka oo u mahad celiyay soo qaban qaabiyeyaashii ciyaaraha is reeb reebka Gobolada, isagoo sheegay in ciyaaraha ay yihiin waxa kaliya ee looga gudbi karo dhibaatada jahliga iyo qabiilka, wuxuuna sheegay in ciyaaraha aysan laheyn qabiil, is dhex gal mooyee.

     

    Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furay Kooxaha ka socday Gobolada Sanaag iyo Nugaal, waxayna ciyaarta aheyd mid xiiso badan laheyd, dadkii ka soo qeybgalayna ay sacab iyo sawaxan garoonka qabadsiiyeen.

     

    Kooxaha Sanaag iyo Nugaal ayaa waxay muujiyeen dadaal iyo ciyaar wanaag ay ku qanceen dad badan, hase ahaatee waxaa galabta nasiibka raacay kooxda ku ciyaareysay magaca Nugaal oo ku badiyay Sagaal Gool, halka kooxda kale ee Sanaag oo marti aheyd ay keensatay Labo Rikoore kadib markii afka hore ee goosha ciyaartoyda Nugaal lagu jiiray labo ciyaartooy oo ka tirsaneyd Sanaag sidaasina ay ku heleen Goolasha labada ah.

     

    Ciyaarahan ka furmay Garoowe xarunta caasimada Puntland ayaa waxay socon doonaan ilaa iyo 30-ka bisha oo la soo gabagabeyn doono, waxaana kooxihii ka soo baxa ay u gudbi doonaan wareega kale ee gobolada kale oo ay is arki doonaan.

     

    AllPuntland, Garoowe


  13. Ciyaaraha Gobalada Puntland oo Garowe ka furmay

     

    Horseed Media

    Garowe, Puntland

     

    Waxaa maanta ka furmay Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe Cayaarihii Gobolada Puntland qaarkood cayaarahaan ayaa waxaa ka qayb galaaya Gobolada Nugaal, Karkaar, Bari, Mudug, Sool iyo Sanaag.

     

    Cayaaraha ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Gudiga Xiriirka Kubada Cagta Soomaliyeed ayguu ku timaamay in cayaarahaan Mihiimada loo qabtay ay taha in laga dhex xulu Dhalintarada cayaaraysa Cayaartoy ka qayb gasha Cayaaryahanada Qaranka Soomaaliyeed oo hada ku sugan Dalka Djabuuti oo ah Dal walaal la ah Dalka Soomaaliya.

     

    Dalka Djabuuti ayaa ku caawiyay Cayaartoyda Qaranka Soomaaliyeed Hoygii ay dagi lahaayeen iyo Garoonkii ay ku tababaran lahaayeen sida uu sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ah Xoghayaha Guud ee Gudiga Xiriirka Kubada cagta Soomaaliyeed oo ka hadlaayay Xafladaa.

     

    Xafladaa furitaanka Cayaaraha Kubada cagta ayaa soo socotay mudo aad u dheer oo sida uu sheegay Xoghayaha ay hor taagnayeen Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya sidaa daraadeedna ay saamixi weyday in la isku gudbo.

     

    Cayaaraha ayaa waxaa furitaankooda ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenak DGPL Xasan Daahir Maxamuud oo Furtaankii Cayaaraha Kubada Cagta laaday Kubadii ugu horeysay kadibna hadalo uu ku taageerayo ka yiri xaflada furitaankeedii.

     

    Cayaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furay Gobolka Nugaal iyo Sanaag waxaana 9 Gool ku badiyay Nugaal iyadoo Sanaag ay keensatay 2 Gool, Maalinta bariya ayaa la filayaa in ay cayaaraan Bari iyo Sool.


  14. NGOONGE: My dear secessionist, Somaliland while enhabited by a diverse clan community the secessionist movement ideology is spoused by a single clan. NGOONGE knows this but being the smart fellow he is is trying to further the secessionist agenda and give it a more popular appeal than it actually has.

     

    Now on the other hand the union is supported by most clans including some of NGOONGE group.