General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Dagaal xoog leh oo ka dhacay Degmada Dhuusa-Mareeb.

     

    (Mogadishu, Khamiis, January ,29, 2009,(Hornafrik Media)

     

    Dagaalo culus ayaa saaka ku dhexmaray degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Gal-gaduud,xoogag kala taabacsan ururada Ahlu Sunna Waljameeca iyo xarakadda Al shabab, iyadoo wararku ay sheegayaan in Magaalada ay gacanta u gashay Ururka Ahlu Sunna waljameeca.

     

    Dagaalkan oo ahaa mid ay soo qaadeen Maleeshiyaad taabacsan Ururka Ahlu sunna, ayaa waxaa Magaalada ay kaga soo qaadeen afarta Jaho ee Magaalada sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen dad ku dhaqan deegaanka, labada dhinac ayaa isu adeegsaday hub waaweyn iyo gaadiidka dagaalka.

     

    Sida wararku nagu soo gaarayaan Magaalada ayaa laga qabsaday xarakada Al shabab oo baryihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay Degmada Dhuusa-Mareeb,waxaana la ogayn inta khasaaraha dagaalkani la egyahay wallow ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadaasi.

     

    goobjooge kusugan degmada Dhuusa Mareeb ayaa u sheegay Idaacadda HornAfrik in uu arkay meyd ka badan 10 ruux iyo dhaawaca in ka badan 25 ruux kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalku dhexmaray.

     

    qoysas fara ku tiris ah oo ka mid ah kuwii ku haray Magaalada ayaa Billaabey inay isaga barakacaan Magaalada.

     

    Dagaalkan ayaa daba jooga dagaalo horey ugu dhexmaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud labadan kooxo diimeed, kuwaas oo dad badan isaga dilay colaadan waxaana hada degmada Guriceel gacanta ku haya Ururka Ahlu Sunna.

     

    Colaadan ayaa u muuqata mid qatar ah, iyadoo dhinacyadu ay si ba’an isku hubeynayaan, waxaana abaabulka Ururka Ahlu sunna laga soo shegayaa inuu ka socdo degmooyinka Xeraalle,caabudwaaq,balanbal iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi,halka xarakada Al shabab ay abaabulo ka wadeen Maalmihii ugu dambeeyay deegaanada CeelBuur iyo deegaano kale.

     

    Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe.