General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Turkiga oo Dib u Dhis ku Samaynaysa Guriga Golaha Shacabka

     

    Updated About:4 hours ago

     

    Dowladda Turkiga ayaa maanta balan qaaday in ay dayactir ku samaynayso guriga golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kaasi oo uu ka muuqdo bur bur aad u xooggan.

     

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday Maalinta la qaban doono Xil wareejinta iyo Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya kadib shir jaraa’id uu Maanta ku qabtay Muqdisho.

     

    Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in Labada Madaxweyne ee Go’aansadeen in Maalinta Axada ah oo ku began 16-ka Bishaan la qabto Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub iyo Xil wareejinta .

     

    Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo Shacabka Soomaaliyeed ugu mahad celiyay sida ay u dhooreyn Nabad iyo daganaanshaha intii ay Magaalada ka socdeen Doorashooyinka iyo ka gudbida Xiliga KMG .

     

    Sikastaba waa markii ugu horaysay oo ay Dowladda Turkigu balan qaaddo in ay dib u dhis ku samaynayso guriga golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

     

    Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

    midnimo12@googlemail.com


  2. Haatuf Staff

     

    Hargeysa, September 12, 2012 (Haatuf) – Xukuumada Kulmiye ee talada dalka Somaliland haysa oo siyaasadeeda khaarajiga lagu tilmaamo mid ku salaysan Sal fudayd, isla markaana meesha ka saartay siyaasadii xidh xidhnayd ayaa muddadii ay xilka qaranka hogaaminaysay siyaasada Somaliland ku soo kordhisay habdhaqano siyaasadeed oo ku cusub dalka, kuwaas oo intooda badan ay shacbiga reer Somaliland la yaabeen, dhawaaqyada ka soo baxa Afka masuuliyiinta xukuumada xisbiga Kulmiye. Habdhaqanada xukuumada Kulmiye ka soo jeedaa ay soo kordhisay ee shacbigu la amakaageen ayaa waxaa ka mid ah:-

     

    1. Masuuliyiin xukuumada ka tirsan oo markay shaqada ka tagaan Somalia u tahriiba, isla markaana yidhaahda Madaxweynahaa na soo ambabixiyay sida agaasimihii guud ee Maaliyada Mr Jaamac Oday oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia.

     

    2. Hambalyada Baarlamaanka Muqdisho ee ay ku jiraan xubnaha reer Somaliland ee doraad doortay Madaxweynaha Somalia ee xukuumada Kulmiye-na ay ku hambalyaysay go’aankoodii, taas oo ay shacbiguna su’aalo iska waydiinayaan waxyaalaha ay ku kala duwan yihiin taageerada xukuumada Siilaanyo iyo go’aanka ka soo baxay Baarlamaanka xubnaha Somaliland ku jiraan.

     

    3. Masuul xil looga magacaabo xukuumada oo isagoo xilkii haya gaadhi shicib leeyahay dalka kala fakada, sida agaasimihii guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta Ibraahim Ismaaciil ee Somalia u fakaday.

     

    4. Masuul xukuumada xil looga magacaabo oo marka xilka laga qaado lagu eedeeyo budhcad badeed oo dalka dibadiisa xabsi loogu taxaabo sida agaasimihii guud ee waxbarashada Cali Caliyow oo lagu xidhay xabsi ku yaala Maraykanka.

     

    5. Wasiirro midkastaa waxa maskaxdiisa ku soo dhaca uu kaga hadlayo TV-ga, iyadoo arrimaha uu ka hadlayaana aanay ahayn hawlihii wasaaradiisu u xilsaarnayd sida dhacdadii habeen hore wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan uu la gole tagay TV-ga Horn Cable kagana hadlay Madaxweynaha Somalia loo cumaamaday.

     

    6. Wasiirro kala awood badan oo hadana mansabka guud ka siman, isla markaana la sheego in wasiir wasiir kale oo la mid ah eryi karo.

     

    7. Shirar jaraa’id oo saqda dhexe ee habeenkii la qabto iyo Digreetooyin magacaabid iyo xil ka qaadis ah oo habeen badhka ka soo burqada Madaxtooyada, shacbiguna ku warhelo subaxda hore

     

    8. Madaxweyne ku xigeen cod doorasho oo toos ah lagu soo doortay oo ka cawda wasiir la soo magacaabay.

     

    9. Wasiir Shaqaalihiisa eryey ama shaqada ka joojiyey oo isagiina la eryey sidii ku dhacday Boobe Yuusuf Ducaale.

     

    La soco…..


  3. General Duke;868015 wrote:
    Somalia Oo Madaxweyne U Dooratay Nin La Yidhaa Xasan Sheekh Maxamuud Oo Xidhiidh La Leh Ururo Xag Jir Ah Oo Wakiilo Ku Leh Somaliland

     

    Muqdisho, September 11, 2012 (Haatuf) - Baarlamaanka Somalia ee todobaadkii hore la soo dhisay ayaa xalay cod aqlabiyad leh Madaxweynaha dalkaasi ugu doortay nin la yidhaa
    Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inuu xidhiidh la leeyahay ururo diineed xag jir ah oo ka hawlgala Somalia, isla markaana wakiilo qarsoodi ahi u fadhiyaan dalkan Somaliland.
    ..
    :D

     

    Mr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ku leeyahay Madarasado, Dugsiyo Farsamo iyo hawlo ganacsi iyo samafal, waxaanu ka shaqayn jiray intii xalay aan loo dooran mansabka Madaxweynaha Somalia sharikadda Isgaadhsiinta ee Hormood.

     

    Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa wakhtiyada qaarkood waxa uu ka shaqayn jiray xarunta PRP ee Muqdisho taas oo ay maalgalin jiray hay’ada Interpeace.

     

    Siday ilo xogogaal ahi Haatuf u sheegeen, Mr Xasan Maxamuud waxa uu xidhiidh dhow la leeyahay ururada
    Al-Ictisaam iyo Al-Islaax ee xagjirka ah,
    waxaanu dhawrkii sanadood ee u dameeyey dedaal weyn ugu jiray siddii uu dhulka Somaliland ugu soo fidin lahaa Mabda’a Wahaabiga ah iyo xarumihiisa waxbarasho ee ka shaqeeya Muqdisho.

     

    Mr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Beesha ******/****** waxa jagada Madaxweynaha Somalia kula tartamay 21 murashax oo kale, iyadoo wareegii labaad ee doorashada ay isku soo hadheen Afar Murashax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laba nin oo kale oo ay isku hayb yihiin.
    Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa la sheegay inuu si adag uga soo horjeedo gooni isku taaga Somaliland.

    JB, go arrest the editor of Haatuf, cause he exposed your deep fears...:D


  4. Wararka aan ka heleyno dhanka Dowladda ayaa sheegaya in Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maalin ka hor ka dhacday Istaaga xili uu qudbeynaayay* Madaxweyne Shariif laga waayay Isbitaalkii lagu dabiibaayay.

    Xaaska Madaxweynihii hore ayaa ahayd 19 Jir waxaana iminka laga dhex waayay sariirtii ay ka jiiftay Isbitaalka, lama oga halka ay ku danbeyso Xaaska Madaxweynihii hore waxa ayna wararka qaar sheegayan in Zowjada Madaxweyne Shariif ay la baxeen kooxaha nabadiidka ee Al-Qaacidada Soomaaliya ‘’Alshabaab’.

    Wararka aan ka heleyno dhanka Dowladda ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka loo xil saaray inay baaritaano ku sameeyan halka ay ku maqantahay Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mana cadda sababihii kadan beysay in isbitaalka laga dhex waayo balse waxaa iminka la hadal haaya inay la baxeen Alshabaab sida laga soo wariyay laba ruux oo katirsan Shaqaalaha Isbitaalka.

    Xaaska iminka laga dhex baxsaday Isbitaalka ayaa la sheegaya in uu Sheikh Shariif aad u jecelyahay Marwadaasi marka la eego xaasaskiisa kale.

    Ugu danbeyntii waxan xiriir qadka telka ah la sameynay Qaraabada Madaxweynihii hore waxa ayna sheegen inay la yaaban yihiin halka ay ku danbeyso Xaaska Madaxweynaha mar qurana maqleen in Isbitaalka laga dhex waayay.


  5. Prof. Juurille Wuxuu ka Hadlay Waxqabadkii Dowladii Waqtigeedu Dhamaaday iyo weliba Qorshihii Geedi Socodka Nabada Soomaaliya ee Loogu Magac Daray Roadmapka.

     

    Prof. Juurille waxa kale oo uu ku dheeraaday Jidadkii ama heerarkii loo soo maray in xildhibaano lasoo xulo ,Waxa taas ku xigtay buu yiri in Madaxweyne Xalay la Doortay. Prof. Juurille waxa kale oo uu ka hadlay Macnaha Dastuurku iyo Waxa uu Yahay ,Isaga oo Sheegay in Dastuurku uu yahay Waxa Dad ama Quruumo Meel ku wada Nool ay heshiis ku Gaaraan.

     

    Waraysigan waxaa qaaday raadreeb.com

     

    Puntlandpost.com