
General Duke
-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Posts posted by General Duke
-
-
Go BARI, it does not matter who wins, history has already been made..
Somalia hanoolaato
-
CIYAARIHII GOBOLLADA: Bari Vs Jubadda Hoose
Arbaco, 29 December, 2010 (HOL) − Xulka gobolka Bari ayaa galabta u soo gudbay wareega Final-ka ee gaba gabada tartanka ka soconaya magaalada Garowe ,ka dib markii ay ka bidiyeen xulka gobolka Jubada Hoose.
Labada kooxood ee kulmay ayaa labaduba muujiyay ciyaaro aad u wanaagsan,hase ahaate gobolka Jubadda Hoose ayaa u muuqday mid looga awood roonaa ciyaartii oo dhan
Waxaa kooxda gobolka Bari Gooshii koowaad u saxiisay qaybtii hore ee ciyaarta mid ka mid ciyaaryahanada dhanka weerarka uga safta oo lagu magacaabo Amiin.
Markii la isku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa hadana gobolka Bari waxa ay la yimaadeen labo Gool oo aan waqti badan kala danbayn ,halka Jubadda Hoose ay la yimaadeen hal Gool oo qura ,kaasi oo aan wax badan u ku kordhin rajadoodi la xiriritay in ay koobka ku guulaystaan.
Ciyaartii galabta ayaa ku soo dhamaatay Bari 3- 1 Jubadda Hoose ,waxaana natiijadan ay niyad jab badan ku abuurtay boqolaal taageerayaal ah oo u soo daawasho tagay ciyaarta.
Waxaa koobka oo idil ka haray hal ciyaar oo ah Final-kii koobka lagu qaadi lahaa ,waxaana maalinta Jimcaha ay dhexmari doontaa xulalka Bari iyo Banaadir ,lamana saadaalin karo cidda ku guulaysan karta koobkan,iyadoo maalinta bari ah ay kooxaha isu soo baxay isu nasan doonaan
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya
-
-
Governor of Banadir Tarzan to attend Final in Garowe...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qaybgalaya Daawashada Gabagabada Ciyaaraha Soomaaliya
December 29, 2010 | 1 comment
Share
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed “Tarzan” ayaa la filayaa in uu qayb ka noqdo mas’uuliyiinta daawan doona gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo lagu wado in ay (31.12.2010) ay ka dhacaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland xili gobolka Banaadir uu u soo baxay gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee maanta.
Wasiirul Dawlaha Maamul-Wanaaga Puntland ahna Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir codsigiisa uu soo gaarsiiyey dawlada Puntland isla markaana ay ka aqbaleen.
Wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka mid noqon doono saraakiil kala duwan oo u soo daawasho tagaya Cayaaraha gobolada Soomaaliya.
Dhanka kale Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 30.12.2010 ay u diyaariyeen Ciyaaryahanada Soomaaliya xaflad kooban oo ay soo agaasimeen ardeyda dugsiga Salaaxudiin oo ka mid ah goobaha waxbarashada ee kuyaala magaalada Garoowe.
Mudane Gaashaan ayaa sheegay in fariinta ay xambaarsan tahay ruwaayadaasi ay salka ku hayso:
In dhalinyarada ay ka qayb qaataan dib usoo celinta nabada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
In dhalinyaradu ay wacyi gelin u sameeyaan dhalinyarada dhigooda ah.
Si kastaba ha ahaatee Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo ku dhow heer gabagabo ah ayaa la filayaa in maalinta berito ah ay wada kulmaan gobolada Bari iyo Jubada hoose oo gobolkii badiyaa uu koobka kula baratami doono gobolkaasi Banaadir.
Jamal Hasan Abdi
Sporst News Desk
Horseed Media
Boosaaso,Puntland You must act as though it is impossible to fail..... Ashanti Proverb
-
Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo Maanta Ka Soo Degay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe
December 28, 2010 | 7 comments29
Share
Halyeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bille Cabdi ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe, waxaana Halyeygu uu si toos ah ugu gudbey garoonka Mire Awaare halkaas oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Soomaaliya.
Halyeey Cabdi Bille Cabdi ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey kumaankun qof ee u soo daawashada tegay ciyaartii xiisaha lahayd ee Nugaal iyo Banaadir taas oo loogu baxaayey ciyaarta kama danbeysta ah.
Sida aan ka soo xiganayno masuuliyiinta Puntland Halyey Cabdi Bile Cabdi ayaa saxaafadda la hadli doona maalinta berri ah, muhimadda u weyn ee uu u yimid magaaladfa Garoowe ayaa ah in uu dhiiri geliyo ciyaaraha iyo sidii loo soo nooleyn lahaa Isboortigii Soomaaliya ee muddada 20 sano ah burbursanaa.
Cabdi Bille Cabdi ayaa ahaa halyeygii sharafta u soo hooyey dalka Soomaaliya kadib markii uu noqdey sanadkii 1987-dii horyaalka dunida ee orodka 1500 miter, kuwaas oo lagu qabtey magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sidoo kale sanadkii 1989-kii ayuu ku guuleystey IAAF World Cup magaalada Barcelona, waxaana uu magaca Soomaaliya ku xariiqey taariikhda Isboortiga ee dunida.
Daawo Soo Dhaweyntii loo sameeyey markii ay cayaartu socotey:
-
The two governors of the regions as well as many other dignitaries are expected to attend this monumental event.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Qaybgalaya Daawashada Gabagabada Ciyaaraha Soomaaliya
December 29, 2010 | 1 comment
Share
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Axmed “Tarzan” ayaa la filayaa in uu qayb ka noqdo mas’uuliyiinta daawan doona gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo lagu wado in ay (31.12.2010) ay ka dhacaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland xili gobolka Banaadir uu u soo baxay gabagabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee maanta.
Wasiirul Dawlaha Maamul-Wanaaga Puntland ahna Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Ciyaaraha gobolada Soomaaliya Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir codsigiisa uu soo gaarsiiyey dawlada Puntland isla markaana ay ka aqbaleen.
Wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka mid noqon doono saraakiil kala duwan oo u soo daawasho tagaya Cayaaraha gobolada Soomaaliya.
Dhanka kale Maxamed Faarax Ciise “Gaashaan” ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 30.12.2010 ay u diyaariyeen Ciyaaryahanada Soomaaliya xaflad kooban oo ay soo agaasimeen ardeyda dugsiga Salaaxudiin oo ka mid ah goobaha waxbarashada ee kuyaala magaalada Garoowe.
Mudane Gaashaan ayaa sheegay in fariinta ay xambaarsan tahay ruwaayadaasi ay salka ku hayso:
In dhalinyarada ay ka qayb qaataan dib usoo celinta nabada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.
In dhalinyaradu ay wacyi gelin u sameeyaan dhalinyarada dhigooda ah.
Si kastaba ha ahaatee Ciyaaraha gobolada Soomaaliya oo ku dhow heer gabagabo ah ayaa la filayaa in maalinta berito ah ay wada kulmaan gobolada Bari iyo Jubada hoose oo gobolkii badiyaa uu koobka kula baratami doono gobolkaasi Banaadir.
Jamal Hasan Abdi
Sporst News Desk
Horseed Media
Boosaaso,Puntland
-
Mogadishu will meet Bosaso in Garowe...
-
Kooxda Gobolka Banaadir oo u gudubtay Final
29 Dec 29, 2010 - 4:16:50 AM
Cayaar ka tirsaneyd Sami-finalka Tartanka 18-aad ee Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa 28,12,2010,ka dhacdey Garoonka Mire Awaare ee Caasimada Garoowe Puntland.
Cayaartan oo u dhexeysay Gobollada Nugaal (Garoowe) & Banaadir (Muqdisho) ayaa waxaa 5-4 goolal Rigoolayaal ku guulaysatay kooxda Gobolka Banaadir.
Cayaartan ayaa ahayd mid ay labada gobol ku soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan waxaana cayaartu intaysan Rigoolayaal gaadhin ay labadan kooxood isla dhaafiwaayeen 1-1, inkastoo lagu daray labaatan (20) daqiiqo oo ka baxsan 90-ka daqiiqo ee cayaarta loogu talagalay.
Banaadir ayaa final-ka la cayaari doonta kooxda ku adkaata cayaarta dhex mari doonta Kismaayo & Boosaaso oo maanta isku arkaya garoonka Mire Awaare.
Dhinaca kale orod yahanka caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Mudane Cabdi Bile Cabdi oo oo shaley soo gaadhay caasimadda Garoowe ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka.
Waxana markuu soo galay u istaagay dhamaan madaxdii cayartan dawanyey iyo dadweynaha ,waxaana uu qaybtii dambe daawaday cayaartan.
Cabdi bile Cabdi waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee Somali ah oo ku guuleestay tartanka oradka caalamiga ah 1500 meter, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sanadkii 1987-dii.
Cabdi Bile Waxa uu Garoowe u soo gaadhay daawashada tartankan qiimaha badan oo ay ku ku hardamayaan gobolada Somalia.
Irbad, GAROWEONLINE
-
Gobolka Bari u soo baxay ciyaarta final-ka, waxaana ay cashar u dhigeen kooxda Kismaayo
December 29, 2010 | 28 comments3
Share
Xulka gobolka Bari ayaa galabta usoo baxay Wareega Final-ka ee ugu dambeeya tartanka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada caasimada u ah Puntland ee Garoowe.
Ciyaarta galabta ayaa dhexmartay xulalka kubadda cagta ee gobolada Bari iyo Jubadda Hoose,waxaana uu ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare iyadoo ay kasoo qaybgaleen boqolaal dadweyne oo labada dhinac kala taageerayay waloow ay u badnaayeen Bari.
Xulka gobolka Bari ayaa qaybtii hore ee ciyaarta markii ay bilaabmatay waxaa ay dhaliyeen gooshii kowaad,waxaana u saxiixay Ciyaaryahanka lagu magacaabo Amiin.
Qaybtii dambe ayaa markii la iskusoo noqday xulka gobolka Bari sii wateen ciyaartooda u badnayd weerar,waxaana ay u muuqatay mid ay awood u sheegteen xulka Jubadda Hoose,iyadoo qaybtii dambe dhaliyeen labo gool oo dheeraad ah kaas oo ay kala dhaliyeen laacibinta Zaki iyo Samiir.
Xulka Jubadda Hoose oo iyagu gebi ahaan ka niyad jabay in ay ciyaarta galabta badiyaan ama wax natiijo ah la yimaadaan ayaa waxaa ay dhaliyeen hal gool oo caato ah,balse 90-daqiiqo ee ciyaartaan waxaa ay kusoo dhamaatay 3-1 oo ay gobolka Bari ku badisay.
Xulka gobolka Bari ayaa u gudbay wareega u danbeeya ee Final-ka,waxaana maalinta jimcaha oo ku beegan 31/December/2010 wada ciyaari doonaan xulka gobolka Banaadir oo shalay rigooreyaal uga adkaatay xulka gobolka Nugaal.
Ciyaartii galabta ayaa saadashu u badnayd in ay badin doonto xulka Jubadda Hoose oo iyagu 9-jeer qaaday koobka gobolada Soomaaliya.
Sawirada iyo Video-ga waan soo gudbin doona Insha’allah
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland
-
Gobolka Bari u soo baxay ciyaarta final-ka, waxaana ay cashar u dhigeen kooxda Kismaayo
Posted: 2 hours ago | 26 comments
Xulka gobolka Bari ayaa galabta usoo baxay Wareega Final-ka ee ugu dambeeya tartanka ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya magaalada caasimada u ah Puntland ee Garoowe. Ciyaarta galabta ayaa dhexmartay xulalka
-
-
Insha Allah, on Friday December 31 2010. On the very last day of the year, there will be a meeting of the Giants, the Somali regional super powers. Mogadishu the old capital is to take on Bosaso the new rising city of the North East.
This monumental game of games will take place in the capital of Garowe. You could not write a better script if you tried.
These games have been a showcase of what Somalia can be if the people tried to work together..
Insha Allah the final will be memorable, peaceful and may the best team win.
Somalia Hanoolaato
-
Somalia's greatest athlete is in Garowe, attending the games
-
HALYEEY CABDI BILE CABDI: Orod-yankii Somaaliyeed oo soo gaaray Garowe
Talaado, 28 December, 2010 (HOL) − Orod-yanka Soomaaliyeed ee caanka ah Cabdi Bile Cabdi ayaa lagu arkay fagaaraha Sports-ka mudo ka dib ,waxaana uu ka soo qayb galay ciyaartii ay galabta kuwada yeesheen garoonka Mire Awaare ee Garowe gobollada Banaadir iyo Nugaal.
Waxaa Cabdi Bille markii uu garoonka soo galay uu gacan qaaday qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada ee garoonka ku sugnaa ,isagoo ay ka muuqatay farxad aad u badan oo ku aadan ka soo qaybgalka ciyaaraha gobollada.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan imaado dhulkayga Hooyo ,anigoo waliba daawanaya ciyaaro noocaan oo kale ah oo ay mudo iigu danabaysay "ayuu yiri Cabdi Bille mar uu la kulmayay madax ka tirsan Puntland.
Cabdi Bile Cabdi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay ciyaaraha gobollada ee ka soconaya magaalada Garowe,isagoo xusay in uu jeclaan lahaa Soomaaliya oo nabad ah idilkeed.
"Waxaan maamulka Puntland ugu mahadcelinayaa sida quruxda badan ee howshan ay isugu diyaariyeen,mana qiyaaso karo dareenkayga la xiriira ciyaarahan gobolladu ay ku tartamayaan " ayuu hadalkiisa ku daray.
Cabdi Bile Cabdi waxaa uu noqday qofkii ugu horeeyay oo Soomalia ah oo ku guuleesta tartanka Oradka caalamiga ah oo la ordo 1500 meter, tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga sanadkii 1987-dii.
Ugu danbayntii orod-yankan Soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu si dhamaystiran warbaahinta uga waramo qorshaha uu ku yimid magaalada Garowe ,waxaana ay wada kulmi doonaan madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole sida la sheegay.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Bosaaso,Soomaaliya
-
-
Maamulka Gobolka Banaadir oo u hanjabay Shabelle.
Muqdisho:(Sh. M. Network) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hanjabaad u jeediyay Shaqaalaha iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyagoo dhinaca kale ku eedeeyay Shabelle inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab maalmaha soo socdna ay xiri doonaan.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay warbixin dhawaan ay deysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo aheeyd in lagu takri falo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir ka soo gaara dekada Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu beeniyay C/kaafi in Maamulka gobolka Banaadir uu ku takri falay Dhaqaalaha kaga yimaada dekadda Magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhiftay in maamulka gobolka Banaadir Shabelle ay la tiigsan doonaan sharciga waxaana uu ku hanjabay in hadii ay cadeyn keeni weyso Shabelle uu talaabo ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir.
Isagoo hadalkiisa sii watta ayaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Maalmaha soo socda ay xiri doonaan Idaacada Shabelle sida uu ku hanjabay.
C/kaafi oo shirkiisa uu ka muuqaday sida uu uga xunyahay iftiinka Shabelle ay ku ifisay in aan waxba lagu qaban dhaqaalaha kaga yimaada Mamulka gobolka Banaadir dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa ugu horeyn qiray in boqolkiiba 15 ay ka helaan dekada taasi oo uu sheegay inay ku dhacdo bangiga dhexe walow uusan carab baabin howsha ay dadweynaha ugu qabtaan iyo waxyaabihii ay ku qabteen lacagtaasi mudadii ay dhuranayeen.
Isagoo wali mar marsiiyo u raadiynaya xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir lacagta uu lunsado Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu eedeeyay oo hadalkiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiyaha degmada Shibis ee dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Yabarow Haruur oo Shacabka reer Muqdisho xili uu la hadlayay Shabelle u cadeeyay musuq maasuqa lagu hayo dhaqaalaha soo gala Maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ku andacooday C/kaafi in gudoomiyahaasi xilka mar hore laga qaaday walow aysan jirin goob looga qaaday xilkaasi oo la shaaciyay.
Shabelle oo kaliya uguma uusan hanjabin in uu xirayo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir hase ahaatee waxaa uu caradiisa sidoo kale kala dul dhacay hoteelada kuyaala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay inay xiri doonaan hadii lagu qabtaa shir uusan ka warqabin Maamulka gobolka Banaadir.
Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan waxaa uu horay go’aan aan laga fiirsan uga qaatay hay’ado samafal oo ka howlgali jiray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay xariir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab, isagoo sidoo kale Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho isku dayay in uu xiro walow arimahaasi oo dhan markii dambe uu raali galin ka bixiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo tilmaamay in hadalada xoghayaha guud ay yihiin kuwa isaga u gaar ah.
Waxa arin lala yaabo ah in shalay xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Kaniisado kuyaala Caalamka halka maantana Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeynayo inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee hadalada masuuliyiintaani ayaa imaanaya xili Shabelle ay maalinba maalinta ka dambeysa shaacineyso warbixino ka hadlaya halka ay ku baxaan lacagta kasoo xaroota ilaha dhaqaale ee dowladda KMG ay mamusho.
Waa hanjabaadii sedaxaad oo mudo kayar hal isbuuc loo jeedinayo Shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbahinta Shabelle wixii ka dambeeyay markii ay biihisay Shabelle warar sheegaya in jeebabka lagu shubto dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda Muqdisho.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
Mamulka dekadda oo cuuryaamiyay labo wakaaladood oo muhiim ah.
Muqdisho(Sh. M. Network) Maamulka dekadda Magaalada Muqdisho ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa cuuryaamiyay oo shaqaladooda ka hortaagan labo wakaaladood oo muhiim u ah howlaha dekada weyn ee Magaalada Muqdisho si ay u qariyaa musuq maasuqa ka jira dekadda Muqdisho.
Xili maalmihii u dambeeyay ay soo ifbaxayeen wax isdaba marin badan oo ka jirta dekadda weyne ee Magaalada Muqdisho ayaa baaritaano dheeraad ah oo ay sameysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa ay ku ogaatay in Maamulka dekada Muqdisho uu cuuryaamiyay labo wakaaladood oo muhiim u ahaa howlaha dekadda Magaalada Muqdisho.
Labadood wakaaladooda oo kala ah Wakaalada dekadaha Soomaaliyeed iyo Wakaalada howlaha Maraakiibta iyo gaadiidka badda oo hoostaga Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo dekadaha ayaan shaqeyn 4-tii sano ee dowladda KMG Soomaaliya ay gacanta ku heysay dekada weyn ee Magaalada.
Wakaalada dekadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa hoosyimaada, ku dhawaad 5 dekadood oo kuyaala gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay mid yihiin Dekadaha Boosaaso, Barbar, Kismaayo iyo Xamar waxaana wakaaladaasi howlgalideeda hortaagan Maamulka dekada ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wakaalada labaad ee la cuuryaamiyay ee howlaha Maraakiibta Soomaaliyeed ayaa shaqadeedu waxa ay tahay in ay qabato inta badan howlaha dekada Muqdisho waxaa shaqadeeda ka mid ah
1. Waa dhex dhexaadiyaha Dekadda, Ganacsatada yar yar iyo kuwa waawayn waxayna dowladda Wakiil ugu tahay gaadiidka badeed kasta oo kusoo xirta Dekada ama maraya biyaha Soomaaliya.
2. Waa Hay’adda kaliya ee Markabka kala wareegta Warqadda Xamuulka cadaynaysa (Manifest) iyo Documentiga cadaynaya badeecadad gaanacsata (Bill loading).
3. Waa Hay’adda lasoo wareegtay xogta Markabka kana soo bixisa Form (Arrival form).
4. Waa Hay’adda samaysa (Free Paratico) oo ah fuulidda Markabka oo ay lasamaynayaan (A) Immigration-ka (B) Caafimaadka iyo kuwa la mid ah.
Kuwaasi waxaa fasax siinaya Wakaaladda howlaga Maraakiibta, si ay usoo hubiyaan sharciga shaqaalaha Markabka (Crue) iyo Caafimaadka, Badeecada iyo shaqaalaha saaran Maraakiibta.
5. Dekadda waxay qaabilsan tahay dajinta iyo raridda Badeecada (Export and Import), waxaana amarka siiya Wakaaladda howlaha Maraakiibta.
6. Soo xirista iyo furista Maraakiibta kusoo xerata Dekadda waxaa u xilsaaran Wakaaladda howlaha Maraakiibta.
Labada wakaaladood ee la cuuryaamiyay ayaa waxaa tiro ahaan ka shaqeeya in ka badan 30 ruux oo qaarkood wakaaladahaasi ka howlgalaiyay ku dhawaad 40 sano kuwaasi oo aan qaadan wax mushaaraad ah 4-tii bilood ee ugu dambeysay, waxaana horay u jiray amar wasiiraka dekadaha uu siiyay maareeyaha dekada in kunooyinka la siiyo dhaqaalaha dekadda inkastoo uu ka dhaga adeegay amarkaasi.
Sababta ka dambaysa in ay shaqay wayo Wakaaladdaan ayaa waxaa lagu sababaynayaa in Maamuladii kala duwanaa ee Dekadda soo maray ay u arkayeen Wakaaladdaasi in ay la samaynayso la xisaabtan, maadaama Wakaaladdu ay sidoo kale la xisaabtanka Maamulka ee dhaqaalaha kasoo xarooda Dekadda Muqdsiho.
Wakaaladda gaadiidka badda ee loo yaqaano howlaha Maraakiibta, waa barta laga dheeho habsami socodka howlaha Dekadda la’aanteedana waa waxa maanta Dekadda ka taagan iyo wax kasii xun taasi oo loo baahan yahay in ay ku buraarugto Xukuumad Ra’iisul wasaare Farmaajo oo la baxday Tayo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
Wasiiradii Caafimaada DKMG oo musuq maasuqay daawooyin
Muqdisho(Sh. M. Network) Wasiiradii soo maray wasaarada Caafimaadka dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay shaqaalaha wasaaradaasi mushaar ahaan u siinjireen daawooyin ay u soo dhiibeen wadamada shisheeye ee loogu talagalay dadka danyarta ah si ay uga iibsadaan goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka dowladda KMG Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Idaacada Shabelle u xaqiijiyey in la iibsado dawooyinka wasaarada Caafimaadka ay u soo marsiiyaan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya ee dawooyinka gar gaarka ah ugu deeqa Shacabka Soomaaliya ee ku dhibaateebooba dagaalada mudada dheer ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Waxaa ay sheegeen shaqalahaani ka tirsan wasaarada caafimaadka in laga soo bilaabo xukuumadii Prof. Cali Max’ed Geedi wasiiradii kala duwanaa iyo shaqaalihii soo maray Wasaaradaasi ay ka iibsan jireen dawooyinkaasi shirkado iibiya daawooyinka oo xariir la leh xarumaha caafimaadka ee dalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho.
Warar si hoose ay u heshay Shabelle ayaa sheegaya in Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Mushaarkooda loogu badalo daawooyin si ay uga iibsadaan isbitaalada Magaalada Muqdisho iyo goobaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana sidoo kale la sheegay in wasaarada Caafimaadka aysan si wanaagsan u gaarsiin shacabka Soomaaliyeed dawooyinka deeqda ah ee loogu soo dhiibo.
Shaqaalaha ka tirsan Wasaarada Caafimaadka ee xogtaani ay ka heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Wasiirka cusub ee Wasaaradda caafimaadka ee Xukuumada Farmaajo uu waxoogaa daawooyin ah gaarsiiyay isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho, walow aysan shaacin wali in mushaar uu u bilaabay wasiirkaasi iyadoo aan la ogeyn in wasiirkaani uu wax ka badli doono eedeynta loo jeediyay masuuliyiintii madaxda ka soo noqday wasaarada caafimaadka.
Arintaani ayaa qeyb ka ah musuq maasuqa hantida shacabka Soomaaliyeed ee lagu eedeynayo hay’adaha dowladda KMG Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah in dawooyinkii deeqda loogu soo dhiibay Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka faraha ay heystaan lagu iibsado suuqayada Magaalada Muqdisho xili isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho ay buux dhaafiyeen dad qaba dhaawacyo cuduro kala duwan kuwaasi oo aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka daawooyinka.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
-
This is a womderful event and many other figures will be arriving soon. Insha Allah
-
Not sure, tommorrow I belive and the final will be on Friday...
-
-
Welcome sir..
-
How does it not belong in this section?
Abdi Bile is a Somali legend and today he is home, watching a Somaliweyn tournament with Banadir defeating Garowe at their own ground..
This is big, and you secessionist just watch and learn...
Breaking News: Its the Clash of the TITANS: Banadir [Mogadishu] Vs Bari[Bosaso]
in General
Posted
Mogadishu and Bossaso teams to compete in Somalia football final
29 Dec 29, 2010 - 9:48:34 AM
Teams from two major cities in southern and northern Somalia will compete for the first national football cup held inside Somalia in 23 years, Radio Garowe reports.
Somali national football tournament in Puntland/Dec. 2010
The sports tournament is being jointly organized by the Somali Football Federation, the Somali Olympic Committee and the Puntland government, which administers the stable northeastern Somalia regions.
The sports event is being played at Mire Aware Stadium in Garowe, the capital of Puntland State of Somalia. On Tuesday, teams representing Nugaal (Garowe) and Banadir (Mogadishu) regions competed in the semi-final. The matched with each team scoring one goal.
An extra period of 20 minutes was added and no team scored, leading to penalties in which the Banadir team won 5-4. On Wednesday, teams representing Lower Jubba and Bari regions competed in the second semi-final. Bari (Bossaso) team scored 3 goals in the first half, while the Lower Jubba (Kismayo) team scored one goal in the second half.
Fans expressed their joy to watch the final game, scheduled to be played on Friday between Banadir and Bari, representing Mogadishu and Bossaso, respectively.
RELATED: