guureeye

Nomads
  • Content Count

    9
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by guureeye


  1. dhowr nin oo tuugo ah ayaa isa soo raacay waxay galeen beer si ay khudaar uga soo xadaan , markay beertii galeen ayaa nin walba waxbuu soo goostay

    sida canbe,liin dhanaan ,saytuun ,qarre iwm.

    NInkii liin dhanaanta soo goostay ayaa is yiri bax markuu iridii beerta marayo ayaa waxaa qabtay nimankii beerta lahaa waxay yiraahdeen ninkasta waxa uu soo goostay ayaa dabbada laga galinayaa loooooool.

    NInkii meeshii laga sugayey inuu naxo ayuu qosol la dhacay,waxaa la waydiiyey war maxad ku qoslaysaa wuxuu ku jawaabay "waxaan la yaabanay ninka qarraha/xabxabka soo wata". :D:D


  2. abdiladiifoow - hadii aan isku dayo waa sidaan:-

     

    IRMAAN= waa hasha dhashay oo la maaalo ama ,dhirigtu nuugto.

    HORWAYN=waa hasha gursan ee aan la maalin.

    DHAQAYO=waa hasha caanaha yar leh ee sii guri rabta.

    ERI-dhaban=waa geela oo la arooriyo iyadoo aan ubadkiisii la socon.

    MAR_CURAD=haa hasha hal mar dhasay

    CADAYSIN=waa ratiga aaan heeryadu saarnayn.

    '''''''''''''''''

    intaas baan kusoo gabagabanayaa sxb.

    thanks