Sign in to follow this  
Nephissa

Duleysane

Recommended Posts

Nephissa   

Muqdisho-(BOL) -Fanaanka caanka ah ee soomaaliyeed oo lagu magacaabo xasan aadan samatar ayaa hees uu ku luqeeyo si la yaab leh loo badalay marka aad dhuuxdo guud ahaan miraha heestaasi oo lagu saleeyay marxaladaha qalafsan ee dalkeena soomaaliya ee mudooyonika 12 sano ee burburka, barakaca iyo baaba'a dadka soomaliyeed uu ku dhacay.

 

 

Heestu waa hees ay dadka soomaaliyeed si aad ah u yaqaanaan waxaana lagu magacaabaa "Duceysane" miraha waxaa u sameeyay "Abwaan Tukaale" codka, laxanka iyo musiga waxaa iska leh "xasan aadan samatar" oo xiliga heestan ay soo baxaysay ku aadan abaarihii 1983, waxaana heestaas loogu tala galay ardaydii dugsiyada sare ka qalin jabisay ee dalka soomaaliya kana qeyb qaadanayay ololihii gurmadka, mashaariicda, horumarinta qaranka soomaaliyeed oo marka la soo gaabiyo ahayd (G.M.H.Q.).

 

 

Mira ahaan heesta duceysane waxay ka tarjumeysay wiil dhalanyaro ah oo uu markuu dhameeyay waxbarashadiisa dugsiga sare go'aansaday inuusan dalka ka dhoofin ee dalka iyo dadka daryeelo aabihiina sidaa uug duceeyay.

 

Laakiin 12 sano ee dalka soomaaliya waxaa la oran karaa lama arkin duceysane ee waxaa la arkey duleysane taa waxaa daliil u ah dalka yaa burburiyay xabaalaha badan yaa keenay yaa ka dhoofshay warshadihii iyo waxyaabihii kale ee dalku lahaa marka heestan iyadoo xaaladahaan haatan markii la arkay ayay sidaan noqotay ileen duceysane ma jiree heestiina waa sedan:-

 

Duleysane

 

Duleysane wiilkeygiyow

 

Anoo qori wataan ku dhalay

Dabadeed waxaan gatay dhasiike

 

Anoo waligay zuu wadan iyo

 

Jiib baan kugu soo korshow

 

Dalkeyga intaan duminaayay

 

Ugaaskeyga daaro jeexday

 

Dartaana saasaan u riday

 

Rabigay iguma dilee

 

Dib baan kaaga sheegayaa

 

Markaad tarantasate dhameysay

 

Adoon dibada u hilowbin

 

Inaad qabiil daafac noqoto

 

Hadaa dooratoo jeclaatay

 

Hoobiyaan kuugu duceeyay

 

--------------------------------

 

Aduunkaan intaad dul joogto

 

Tareeso yaryareysi ma lahee

 

Hadii rabi hub kuugu deeqo

 

Ha noqon doqon fuley ahaado

 

Beebeeshey yaan laguu xaman

 

Dabajeex waligaa lahow

 

Isbaaradana tixgali

 

Dagaaladana daacad u ahow

 

Hadiidinee tolkaaga raac

 

Qabiilkaaga naftaada u hibay

 

Waxaan daf iyo hirig ahayn

 

Duleysanow kuguma ogi

 

Murtidu duugowbi meysee

 

Adiga & Inta kula duleysan

 

Dardaaran idinka dhigayaa

 

 

 

Raali ahow loolama jeedo erayadan waqtigu badalay shaqsi, koox ama qabiil balse su'aashu waxay tahay:

 

a) dalka ma dad shisheeyaa burburiyay?

 

b) mise dad duleysan ?

 

c) mise dad duceysan?

 

Waxaana erayaadaan loogu talagalay si qof kasta uu burburinta dalka u naco.

 

Reported by: MAXAMED CUMAR "BAAKAAY"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Dabajeex waligaa lahow

 

Isbaaradana tixgali

 

Dagaaladana daacad u ahow

 

Hadiidinee tolkaaga raac

 

Qabiilkaaga naftaada u hibay

 

Waxaan daf iyo hirig ahayn

 

Duleysanow kuguma ogi

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ lool, meelahaas meela ka daran aan aniga ajjir ka raadiyaa, adiga taada aaba fiican, ajjarkaagu waa laban-laab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

HEY! Waan idin maqlaayaa.

 

sweeter then my tea, I lost my appetite after my breakup with Duleysane thanks anyways. How about you and Nuune hadaad isku qabataan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

posted by bishaaro

How about you and Nuune hadaad isku qabataan

 

Afkaaga caano lagu qabay, labo qof oo laba dooda iska fiican aduunkaan ma jiraan, waa match made in heaven.

 

Imagine Nuune iyo Sweeter_then_your_tea oo Ilmo isku dhaleen, what would they name their KIDS :D

 

Gabar: Sour_than_your_RAQAY :D

Wiil: Yariisoow or Babiyoow :D

 

maansha allaaah, maansha allaah

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

How about you and Nuune hadaad isku qabataan

^^Bishaaro dear she cant do that, 'cause see nuune wuxuu u carbuunan yahay gabar la yiraahdo raula (Who is my best friend) marka haddii uu ka tillaabsado balantiisii ani iyo asiya waan isku dhecaynaa :D

 

 

Go figure:..........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this