Sign in to follow this  
Saalax

President Siilaanyo Explains it all

Recommended Posts

Saalax   

Hargeysa (Oodweynenews)- Way adag tahay in bulshadan saarka qabyaaladu dishooday hore loo dhacsiiyo inay iska tuuraan heeryada horumar la’aanta ee ay u qabaanayeen nus-qarnigii ugu dambeeyay. Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu ummadda reer Somaliland u soo bandhigay Go’aan qaadashadiisa adag ee uu kaga dhabeeyay inuu soo dhiso xukuumadii ugu koobnayd ee labaatankii sanadood ee la soo dhaafay soo marta dalkan yab-yabka ah. Wuxuu meesha ka saaray inuu u habrado Tallo soo jeedimaha siyaasiyiinta iyo beelaha.

 

Madaxweynaha cusubi wuxuu go’aan taariikhi ah ku qaatay inuu dhiso qiyamka bulshada Somaliland waxaanu cagta saaray tubta horumarka bulshadu ay beegsanayso ee uu balan qaaday inuu dalka gaadhsiin doono xiligii uu ku jiray olalihii doorashada madaxtooyada. Waxa uu soo unkay Gole Wasiiro oo dhaqaale ahaan dalkani qaadi karo oo ka kooban 20 Wasiir iyo 6 Wasiir Ku Xigeen, marka mid mid loo eego waxa ku badan wajiyada cusub waxaanay u badan yihiin aqoon yahano aqoon leh.waxa kale oo ku jira dhawr xubnood oo xilal hore soo qabtay hase yeeshee aan hore shaambad musuqmaasuq iyo xil gudasho xumo aan loo nisbaynin.

 

Waxa u sacabo tumay xukuumadan beesha Haweenka, oo muddo dheer carooga u sitay inay door ku yeeshaan Hoggaamaaminta talada dalka waxaana ku jira Golaha Wasiirada ee cusub laba Wasiir iyo Wasiir Ku xigeen, waxaase aan ku jirin xukuumadan Dhalinyarada oo filayay in ugu yaraan la xusi doono.

 

Muxuyadiin Ismaaciil, oo ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa, oo Maalintii Arbacadii ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqayay Golaha Wasiiradda ee xukuumada cusub, fadhiyay mid ka mid ah mukhaaxiyaha ku yaala duleedka Xarunta Madaxtooyada. Wuxuu subaxdaasi u soo jarmaaday inuu ka mid noqdo dadka ugu hor hela tibaaxda dhismaha xukuumada cusub.

 

“Maxaa nala siiyay, Wasiirada Beesheenu waa imisa? Meelo wanaagsanse’e ma la inoo dhiibay, waynagii KULMIYE sida aan kala hadhka lahayn ugu codeynaye’e,” Ayuu yidhi Barbaarkaasi isagoo la hadlayay sadex dhalinyaro ah oo malaha ka soo jeeda raaskiisa kuwaasi oo ku fooraray kuna xoonsanaa Waraaq ay ku qornayd Liiska xukuumada oo meel ay ka heleenba gacantooda ku jirtay. Muxuyadiin oo kaliya may ahayn dadka jibaysnaa ee dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa mar qudha is wada gaadhsiiyay magacyada Wasiirada. Waxaana bulshada saaqday beelnimo iyo inay liiska ka dhex daydayaan saamiga beelahoodu heleen. waxaanay ilaaween hayaankii isbedel doonka ahaa ee ay u oomanaayeen mudada dheer. Waxay sakatiyeen la dagaalankii musuq maasuqa iyo baahidii ay u qabeen in dalka laga hirgeliyo dawlada kooban oo daba-dhoon u noqota danta guud ee dalka. Waxase wiilkaasi ay neefi ka soo booday markii uu arkay magacyada dhawr xubnood oo beeshiisa ah oo ku jira xukuumadan, hase yeeshee aanu isagu garanayn oo xataa aanu hubin inay maalin qado u qaadi karaan. Waxase xukuumada cusub iska waayay beelo badan oo ka mid ah bulshada kuwaasi oo ay la ahayd in la yaraystay meeqaamkooda. Waxa ka mid ahaa beelahaasi beesha degan Koonfur galbeed ee magaalada Hargeysa iyo degmada Sayla barri oo koox dhalinyaro ahi oo isa soo abaabulay ay wadooyinka ku gubeen taayiro isla markaana ay qadar xanibeen isku socodkii qeyb ka mid ah xaafada Sh. Muuse Ducaale ee degmada Axmed Dhagax. Waxa kale oo ka dhacay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal laba mudaharaad oo iska soo horjeeda oo midna lagaga soo horjeeday xukuumada cusubi midna lagu taageerayay.

 

Waxa muddo sadex cisho ah dadweynuhu ku foognaa faaqidaada xukuumada cusub waxaana goobaha barkulanka bulshada hadhaysay arrintaasi oo ninba wuxuu maqaarka ka urursanayay halka uu jecel yahay. Arrinta la yaabka lihise’e waxay ahayd dadka caamada ah iyo kuwa aqoonta leh ayaa xataa isku aragti ka ahaa xifiltanka beelaysan.

 

Dadkuse ma sinnee waxa jiray in badan oo si caloolsami ah laabta ugu sii daayay xukuumadan cusub waxay markiiba dadkaasi iimaansadeen Magacyada Wasiirada, Madaxweynaha cusubi ku hawlanaa xulistooda muddo. waxay qirayeen in dawladan kooban aanay wada ****oli Karin danaha shakhsiyaadkii u soo halgamay KULMIYE iyo beelaha Somalilandba. Waxase ay dadka fikradan aaminsani ay qabeen inay xukuumadan uga fadhiyaan inay dalka ka hirgeliso qorshe horumarineed oo kor loogu soo qaadayo dhaqaalaha dalka isla markaana la meel mariyo barnaamij siyaasadeedkii quruxda badnaa xisbiga tallada hayaa ku kasbaday codadka bulsho weynta Somaliland ee ka rajo dhigay maamulkii dawladeed ee dulinka ku ahaa dhaqaalaha dalka ee xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale.

 

Si kastaba arrintu ha noqotee waxa xukuumada Axmed Siilaanyo hortaala qodax badan oo u baahan inuu iska saxar-tiro waxaanu ku guulaystay qeyb ka mid ah imtixaankii ugu adkaa ee horyaalay oo ahaa magacaabista xukuumadan kooban. Waxaana xukuumadan horyaala inay dadweynaha u soo bandhigto waxqabad deg deg ah oo ay iimaansadaan, haddii kalese waxa ay xukuumadiisani noqon doontaa tii ugu mucaaridada badanayd ee soo marta dalkan waxaanay noqon mid cirmi deg degta oo sanad ama laba sanadood ee ugu horreeyaba la akhriyo.

 

Madaxweynaha cusub waxa laga naawilayaa inuu noqdo mid wax weyn ku soo kordhiya bulshadan oo dhaxal taariikhiya uga taga haddii kalese waxa uu noqon doonaa geedi kale oo bulshadan nasiibka daran ka khasaaray.

 

Shacbigana waxa u wanaagsan in waayaha iyo duruufaha soo maray ay ka bartaan darsi oo ay xukuumada ay aqlabiyada ku soo doorteen kula xisaabtamaan waxqabad isla markaana suuliyaan qabyaalada ka reebtay asaagood.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

 

Oodweynenews

Share this post


Link to post
Share on other sites

waar hadii dadkan xitaa la wada siiyo qoys walba 10 wasiir qaarbaa odhanaya qoladaas waanu kabadanahaye sidee isku sed aanu uhelnay?--- dadkani waa dad miyir qaba iyo qolo awr layli ah saaran oo aan ogaynba halka la isla marayo waxba anaga yaan nala siine nabad gelyo mahelnaa hadaanu nahay ilma-cawar lol oo dadkan indhahayaga lagu saliday maka nabad helnaa mise muraayado madmadoow baanu ka xidhanaa haba wareertee

Share this post


Link to post
Share on other sites

suul cawro its al fair

 

awdal region got 3 ministers

Gabiley region gote 1

Saaxil region got 2

Hawd region got 1

Hargeisa region 6 capital

sanaag region 2 Ministers

sool region got 2 minister

Togdheer 3 ministers

Cayn region gote one deputy minister

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this