General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. The secessionist cheif spoke well, was to the point. I agree this will lead to turmoil. Though I have this feeling all this sabre rattling is for our consumption and nothing more,.An election seassion is emerging.

     

    Thus to be expected as for war, its not an option for any of us, but will happen if some think their "peace" is more valuable than ours.


  2. Wafdi uu hogaaminayo Gen.Cadde Muusse oo booqaday jiida hore ee ay isku hor fadhiyaan Puntland iyo Somaliland.

     

     

    (WYNET)Tukaraq:-Wafdi balaaran oo ay horkacayaan M/weynaha DGPL Gen.Cadde Musse iyo K/xigeenkiisa Xassan Daahir Afqurac ,xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee Xukuumadiisa iyo waliba qaar ka mid Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa booqasho ku tagay deeganada ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Somaliland ee deegaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool.

     

     

    Wafdigaan ayaa la sheegayaa inuu halkaas u tagay u sidii ay usoo indha indhayn lahaayeen jiida hore ee dagaalka,iyadoo la sheegayo inay Ciidamada Puntland isu diyaarinayaan dagaal xoogan oo ka dhan Ciidamada Somaliland oo haatan ku sugan gudaha magaalada LaasCaanood.

     

     

     

    M/weyne Cadde Musse ayaa Tukaraq kulan kula qaatay wax garadka iyo Isimada gobolka Sool oo uu horkacayey Garaad Suleymaan iyo isimo kale,waxayna ka wada hadleen sidii ay magaaladu ugu soo laaban lahayd gacanta Puntland iyo jidadka loo marayo soo celinteeda.

     

     

     

    Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha Puntland Cabdi Nuur Biindho oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in gobolka Sool uu cadow kusoo duulay isla markaana ay dadka reer Puntland waajib ku tahay inay dadkooda iyo dalkooda difaacdaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

     

     

     

    Wasiirka reer Puntland oo idaacada BBC-da u waramayey ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan goobaha ay booqdeen ay la qabaan fikrada ah in dalka la difaaco oo xuduudaha la adkeeyo.

     

     

     

    Mr.Biindho oo hadalkiisa xanaaq ka muuqday ayaa beeniyey warar maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayey oo sheegay in Malayshiyaad reer Sool ahi ay werrarka soo qaadeen,isla markaana ay iyagu magaalada qabsadeen ee wax reer Somaliland ahi aysan iman.

     

     

     

    Wasiir Biindho wuxuu intaasi ku daray in Xuduuda Puntland ay tahay meesha loo yaqaan Labile isla markaana ay ciidamadooda iyo masuuliyiintoodaba ay ka go’antahay inay xuduudooda amaankeeda sugaan,aysana aqbali doonin wax wada hadal ah oo ay lagali doonin Maamulka Somaliland inta ay dhulkooda duulaanka ku yihiin.

     

     

     

    Mr.Cabdinuur Biindho ayaa ugu danbeyn dowlado Shisheeye ku eedeeyey inay ka qayb qaateen dagaalkii Sool iyagoo ka xun buu yiri taageerada ay Puntland u hayso DFKMG ah ee Somaliya,wuxuuna ballan qaaday inay xorayn doonaan Sool sida ugu dhakhsaha badan waa sida uu hadalka u yiriye.

     

     

     

    Si kastaba ha ahaatee arintaan gobolka Sool ayaa ah mid cakiran,waxaana magaalada si weyn uga qaxaya dadkii shacabka ahaa ee gudaha magaalada daganaa,waxaana muuqata daruur colaadeed oo Magaalada dul heehaabaysa,lamina garanayo goorta ay ku hoori doonto,mana muuqato wax waan waan ah oo ilaa hadda ku dhex jirta labada dhinac ee dagaalku ka dhex taaganyahay.

     

     

     

    Axmed Xayrdaac

     

    Waayaha.net-London-UK


  3. Garaad Saleebaan Oo Duleedka Laascaanood Kula Kulmay Gen. Cadde

     

     

    (Laascaanood}17.10-7

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Gen. Cadde Muuse oo uu weheliyo kuxigeenkiisa iyo wasiiro badan ayaa kula kulmay duleedka Magaalada laascaanood Garaad Saleebaan Garaad Maxamed..............................................

     

    Warkan oo faahfahsan iyo sawiradii aan kasoo qaadnayba waxaan idiin soo gudbin doonaa dhowr daqiiqo kadib


  4. The secessionist fear is all to evident.

    President Cade when he puts on the military uniform means business. As was realised in the Mudug by Xasan Dahir Aways and his clowns a few months back. They were much stronger than the Burco-Traingle clan who only ever fight on the BBC world service, the Darwish are here......

     

    PS: Thanks for the repasting the Pics. We have a Geenral they have NNS captain Riyaale and NSS spy Warrabe..


  5. Cadde Muuse Ayaa Maanta Soo Kormeeray Ciidamada Puntland Ee Kulaalaya Magaalada Laascaanood.

     

     

    Oct 17, 2007 By:Faa'isa Cabdi Dhalac

    Ganbadhe(Jidbaale.com);-Maanta, Arbaca, October 17, 2007 wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Md. Xasan Daahir Maxamuud ayaa kormeer hawleed ku soo maray degaamada gobolka Sool qaarkood.

     

    Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay goob kasta oo ay tageen kulamo ku la yeesheen mas’uuliin ka tirsan maamulka gobolka Sool, ururrada bulshada iyo saraakiisha ciidamada ee fariisimada kala duwan.

     

    Wafdigu wuxuu mas’uuliinta degaamadaas ka dhegeystey warbixinno, wuxuuna uu kuurgalay xaaladda guud ee degaamadaas iyo nolosha dadweynaha.

     

     

    Kormeerka Madaxweynuhu wuxuu la xiriirey xaaladda ka soo cusboonaatay magaalada L/caanood oo ay ciidamo W/galbeed ah iyo argaggixiso qabsadeen

     

    Ugu dambayn Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisu waxay kulan muddo dheer socdey la yeesheen Garaad Saleeban Garaad Maxamed iyo wagaradka gobolka Sool, waxaana la isla waafaqay dhammaan talooyinkii iyo fikradihii kulanka lagu soo bandhigay.

     

    Madaxweynuhu wuxuu goobahaas baaq uga jeediyey bulsho-weynta gobolka Sool isagoo ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan sidii ciidamada gardarrada ku yimid looga saari lahaa magaalada L/caanood.

     

    Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey si adagna uu carrabka ugu dhuftay in ciidamada W/galbeed iyo xoogagga argaggixida ah ee uu shisheeyuhu ka dambeeyo ayan L/caanood fadhiyi doonin sida ugu dhakhsaha badanna looga sari doono.

     

    Faa'isa Cabdi Dhalac

     

    Weriyaha Madaxtooyada Puntland

     

    Aaga Hore ee magaalada Laascanood


  6. Mas'uul ka tirsan Madaxtooyada Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo beeniyey in Madaxweynuhu ku wajahanyahay Xarunta Dalka Ethopia ee Adis'ababa.

     

    Iyadoo maanta qaar ka mid ah Warbaahintu baahiyeen in Madaxweynaha DFS Mudane C/laahi Yuusuf Axmed uu u socdaali doonaa Magaalada Adis'ababa ee Dalka Ethopia aya warkaas waxaa laaga beeniyey Xarunta Madaxtooyada.

     

    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada C/risaaq Aadam Xasan oo qadka Telefoonka Baydhabu aan ku wareysanay aya sheegay in warka uu yahay mid la been abuuray oo aan Sal iyo raad toona lahayn.

     

    C/risaaq ayaa sheegay in Madxweynuhu aanu meelna uga socon Magaalada Baydhaba uuna hawsha DFS ka sii wadi doono Magaalada Baydhaba.

     

    " Hadii Madxweynaha uu Adis'ababa u socdaa maanta ayu bixi lahaa meelna uma socda waxaa uuna Madxweynuhu u yaala hawlo fara badan oo u dhaxeeya Xukuumada iyo barlamaanka Xilgaan ayu yiri Agaasimaha Madxtooyada c/risaaq Aadsan.

     

    Maanta ayaa waxaa Magalada Baydhaba ka ambabaxay Ra'isal Wasaaraha Somalia Pr:Geedi kadib markii Adis'ababa loga yeeray si talooyin loo siiyaa sida warar Xog ogaal ah oo aan helnay ay sheegayaan .

     

    Hawlaha Barlamaanka ayaa dib loo dhigay ilaa Maalinimada Sabtida ah oo uu Gudoomiyaha Barlamaankas ayaa Sheegay in la sugi doonaa inta uu ka soo laabanayo Ra'isal Wasaraha kadib marki maanta uu Arinka shaaciyey mar u soo xirayey Fadhigi ADC

     

    Xafiiska wararqabadka shaabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho

    Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com


  7. Muqdisho: Jab xoogan oo ku dhacay kooxihii weeraray xarumaha ciidamada habeenkii xalay ahaa.

    17. oktober 2007

     

     

    Muqdisho(AllPuntland)- Xalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weeraro xoogan oo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda DFKMGS ,ayagoo markaasina kooxahaasi loo geystay khasaarooyin kala duwan.

     

    Weeraradii xalay waxaa wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 30 ruux, ayagoo dhamaantood dadkaasi qaarkood yihiin kuw fudud ,waxa ayna kooxahaasi ku garaaceen hoobiyayaal xaafado ay degan yihiin dad Shacab ah.

     

    Taliyaha howlgalinta ciidamada dowlada Soomaaliya Col. Xuseen Dhuumaal ayaa shaaca ka qaadey in jab xoogan ay ugeysteen kooxihii ka soo horjeeday dowlada faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Col.Xuseen Dhuumaal wuxuu beeniyay warka sheegaya in ay Saldhig milateri oo ay leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen kooxaha ka soo horjeeda dowlada faderaalka ee Soomaaliya.

     

    Taliyuhu ayaa sheegay in ay jab xoogan ugeysteen kooxihii weerarka soo qaadey ,isagoo shaaca ka qaadey in ay si xun kooxahaasi ugu jabeen weerarkii ay ku qaadeen isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho.

     

    Weeraradii dhacay xalay ayaa si isku mid ah uga qarxay deegaanada kala ah Geed Jaceel ilaa iyo isgoyska Bakaaraha ee wadada wadnaha ,isgoyska H/wadaag & degmada W/dhiigleey.

     

    Dhamaan weeraradii xalay ayaa socdey ku dhawaad 2 saacadood ayagoo ciidamada dowlada Soomaaliya aysan cidna kama dhiman ,inkastoo ay jiraan dhawaacyo soo gaarey ciidamada DFKMGS.

     

    Caasumada Soomaaliya ayaa nabad aheyd todobaadii maalmood ee ugu danbeysay ,ayadoo weeraradii xalay ay dadku saaka hadal hayaan.

     

    Faarax C/qaadir Geylan

    AllPuntland


  8. Madaxweynaha Puntland oo gaaray Jiida hore booqdayna ciidamada Puntland ee Tuka Raq iyo Ganbadhe(Daawo Sawirada)

    Last Updated::2007-10-17 23:03:21

     

    TukaRaq (HRNet):-Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha DGPL Gen Cadde Muuse Xirsi iyo Madaxweyne ku xigeenka

    DGPL Puntland Xasan Daahir Maxamuud ayaa gaaray fariisimaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntlland oo dhawaan laga qab saday Magaalada Laascaano iyagoo wafdigaan ay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Puntlland iyo weliba Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

     

     

    Wafdigaan ayaa waxaa uu ka kooban yahay xubno ka tirsan golayaasha Puntllad Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka iyo weliba Gudiga amniga difaaca oo uu dhawaan sameeyey Madaxweynaha Puntlland Cadde Muuse Hirsi

     

     

    Wariyaal ka tirsan saxaafada Puntlland ayaa markii ugu horaysay loo ogolaaday inay raacaan wafdigaan inkastoo loo diiday inay sawiro ka qaadaan fariisimaha Ciidanka & iyadoo ilaalada la socotay Wafdigaan ay saxaafada uga digeen inay wax sawiro ah ka qaadaan fariisimaha ciidanka iyadoo Wariyaal ka socday Wasaarada warfaafinta Puntlland loo ogolaaday oo kaliya inay sawiro ka qaadaan wafdiga iyo saraakiisha Ciidanka.

     

    Booqashada Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisu ayaa ku soo aaday iyadoo wafdi ka socda Maamulka Soomaaliland oo u dhashay Gobolka Sool la filayo inuu soo gaaro Magaalada Laascaano saacadaha soo socda.

     

     

    Cadde Muuse ayaa kulan dheer la qaatay Maamulkii Magaalada Laascaano iyo welina Garaad Saleebaan sida uu noogu soo waramayo wariyaha Shabakada wararka ee Halgan ee Ku sugan Magaalada Boosaaso M_M_Deeq iyadoo kulankaas loo diiday saxaafada.

     

     

    Magaalada Laascaano ayaa waxaa ay u muuqataa mid ay la soo gudboonaatay jahwareer iyo Cabsi dagaal oo ay qabaan dadka ku sugan Magaalada Laas caano oo ay ka baqayaan in lagu kor dagaalamo taas oo sababi karta dhibaato naf iyo maal leh oo soo gaarta bulshada ku dhaqan Magaalada Laascaano iyo nawaaxigeeda.

     

     

    HorseedNet.com


  9. ^^^No Puntland is an adminstration and not a seperate nation. Also there is no point pretending the admins are equal. SSC is a backbone of Puntland, Puntland's leaders from VP and President as well as Chief of staff and Police chief all came from SSC and notably SOOL.

     

    We will have to fight, but not the local militia, after all they are our boys.

     

    Thus we will be patient, if there is any attack from Puntland it will be towards Somaliland and its militias.


  10. ^^^You are correct in one sense that native clans are involved. They want funds, they want power, they want what any militia might want. However as you have realised over many years. The population do not want Somaliland. Even those clans who might support some of these militias they do not want Somliland. This simple truth is what gives us confidance, that Hargaysa will never rule SSC.

     

    Also. there are many ways to deal with these local militias and their backers. the last choice is to kill them, why? Simple because it would create an inter clan rift which we do not need. Thus Red Sea and other secessionist you have not won anything, in fact you have made us all angry.

     

    The enemy is not these militias or Xabsade, its the SNM militia, the finance bosses who are coming from various areas We need to deal with them in a serious manner.