General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. MMA, rushes in and adds the usual waffle. One does not need to learn antyhing from someone who supports an illetrate former Qat merchant.

    Also this is a reasonable question, what makes Ato an MP any different from the man who's family wa bombed?

     

    The later MP has no history, so why did they target him?

     

    Answer the question and stop resorting to the usual fake nationalist nonsnece.


  2. Xildhibaan Caato oo ay sii daayeen kooxda Alshabaab markay aqoonsadeen beesha uu u dhashay

    Posted to the MOL May 30, 2008, 2:23 pm

     

    Wararka aan ka helayno magaalada Muqdishu ayaa sheegaya maleeshiyada Alshabaab ay maanta afduubteen Xildhibaan Cismaan Caato xili uu marayay wadada isku xirta Muqdishu iyo Baydhabo. Xildhibaan caato ayaa kooxda Alshabaab weydiiyeen su’aalo la xiriira cida uu yahay iyo shaqadiisa.

     

    Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay sii daayeen Xildhibaan Cusmaan Caato ka dib markay garteen inuu u dhashay beesha ... Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Alshabaab ay dili lahaayeen hadday qaban lahaayeen xildhibaan ka soo jeeda beelaha kale ee Somaliya taas oo cadeynaysa in kooxda
    Alshabaab ku dhisan tahay hab qabiil balse dadka wax magaratada ah caqliga looga xado inay u dagaalamayaan diinteenta.
    :D

     

    Mudugonline.com

     


  3. Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Jabuuti ku sii jeeda maalinta Axada

    Posted to the MOL May 30, 2008, 2:32 pm

     

    Warar aan goor dhaweyd ka helay xubin ku dhow xafiiska arimaha dibada ee dowlada KMG ah ayaa sheegaya in Madaxweyne C/laahi Yuusuf laga sugayo magaalada Jabuuti maalinta Axada ee busha Juun tahay 1-da.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynuhu la balansan yahay maalinta Isniinta ee 2-da Juun wafti balaaran oo ka socda golaha nabad galyada ee qaramada Midoobay oo wadanka Jabuuti u imaanaya inay u kuur-galaan hanaanka uu ku socdo shirka dib u heshiisiinta oo maalinta beri ah u furmi doona kooxaha mucaaradka iyo dowlada KMG ah.

     

    Lama oga in waftiga madaxweynuhu ku sii nagaan doonaan jabuuti inta uu dhamaanayo shirka dib u heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in haddii lagu heshiiyo wajiga labaad ee shirka ee hadda furmaya in wajiga 3-aad uu ka dhici doono boqortooyada Sacuudi carabiya isaguna ka qayb gali doono.

     

    Mudugonline.com


  4. Moqdisho - Warar hoose oo laga helay ilo kudhaw Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay dawlada Faderaalka Soomaalia ay diyarisay wafuudii uga qayb gali laheed shirka Jabuuti ee xal uhelida Siyaasada dalka Soomaaliya.

     

    Warku waxeey sheegayaan in ay surta gal tahay ineey kamid noqdaan Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ugu sareysa wafuuda ka qeb galeysa shirka, waxana la filayo in qodobo badan oo muhum ah lagusoo kala saxiixdo shirka Jabuuti.

     

    Wafdiga dhinaca dawladda Soomaaliya ee wada hadaladan tagaya ayaa lagusheegay inu noqon doona 15 Xubnood,

     

    Dinadhac kale waxaan la ogeen ila iyo hada cida u mataleeysa shirka Jabuuti koxaha isbaheysig ee Dowlada kasoo horjeeda sabaab laxiriira isbaheysiga oo larumeysanahay inu kalajab xoog leh kuyimid.

     

     

     

     

    Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

     

    Allidamaale@hotmail.com


  5. Profile of company

    CNOOC

     

    CNOOC

     

    China National Offshore Oil Corporation (CNOOC, SEHK: 0883, NYSE: CEO, Chinese: 中国海洋石油总公司) is the third-largest National Oil Company (NOC) in the People's Republic of China next to CNPC, Sinopec. It focus on the exploitation, exploration and development of crude oil and natural gas offshore of China. Its listed arm CNOOC Ltd shares are traded in Hong Kong and New York. China Oilfield Services (COSL) is a fellow subsidiary of CNOOC Limited listed in Hong Kong.

     

    CNOOC is a state-owned oil company, 70% of whose shares are owned by the Government of the People's Republic of China, and the State-Owned Assets Supervision and Administration Commission of the State Council performs the rights and obligations of shareholder on behalf of the government.


  6. Bosaso(HR Media):-Wakiilo ka socda shirkada shidaalka ee dowladda Shiinaha ayaa booqasho ku maraya qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee maamul goboleedka Puntland, sida ay Horseed Media ka heshay ilo xog ogaal ah.

     

    Shirkadaasoo lagu magacaabo CNOOC oo baarta saliida iyo gaaska ayaa la sheegay inay booqashodeeda Puntland ay ku wehliyaan saraakiil ka kala tirsan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka.

     

    Imaatinka shirkadda CNOOC ee Puntland waxaa ka dambeeyay ka dib markii dowladda kmg ah ay ee Soomaaliya ay heshiis la gashay shirkadaasi si ay shidaal uga baarto gobolka Mudug.

     

    Dhinaca dowladda kmg ah ah heshiiskaasi waxaa u saxiixay madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed.

     

    Arrinta ku saabsan heshiiska shidaal baarista ee Puntland waxa uu sababay khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisal wasaarihiisii hore Prof. Cali Maxamed Geedi.

     

    Weli dowladda kmg ah iyo maamulka Puntland midkoodna kama si rasmi ah ugama uusan hadlin wakiilada shirkadda CNOOC ee booqashada ku timid Puntland gaar ahaan gobolka Mudug.

     

    Imaatinka wakiilada shirkadda CNOOC ee Puntland waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo shirkada shidaalka ee African Oil ka bilowday deegaanka Dooxda Dharoor baarista shidaalka la tuhmayo inuu halkaasi ku jiro.

     

    Horseed Media


  7. Baydhabo: Cisman Caato oo la afduubey

    30 May 30, 2008 - 9:06:46 AM

     

    Warar magalada Muqdisho ka soo gaaray GO ayaa sheegaya in kooxaha dagaalka kula jira dowlada Federaalka ay galabta ku afduubeen inta u dhexeysa degaanka Leego iyo Muqdisho Xildhiban Cisman Caato oo maanta ka soo kicitimey Baydhabo.

     

    Wararka ayaa sheegaya in Cismaan Caato uusan wadan wax ilaalo ah xiliga kooxaha mucaaradka qabanayeen.

     

    Sarkaal u hadlay ururka Al-Shabaab oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa sheegey in wadatashi kadib ay go'aansadeen in Cisamaan Caato sii daayaan.

     

    Cismaan Caato oo kamid ahaa dagaal ogayaashii kamid noqdey Barlamanka DFKMG ah ee lagu soo dhisay wadanka Kenya ayaa sida la rumeysan yahay in muddo ah xabsi dowli ku ahaa magaalada Baydhabo.

     

    Ururka Al-Shabaab oo dagaalada kula jira dowlada Federaalka ayaa waxaa halkaas ku leeyahay fariisimo qarsoodi ah oo uu weeraro kaga soo qaado ciidamada iyo madaxda dowlada isticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

     

    Garowe Online,Muqdisho