General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Wasiiro iyo Xildhi. Nabdeyn ka waday G/dhexe oo gaaray Baydhabo

     

    cadaado2.jpg

    Baydhabo 15 April. 06 ( Sh.M.Network) Wasiiradii iyo xildhibaanadii nabadeynta ka waday gobolada dhexe ee Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo e xarunta gobolka Baay, iyagoo ka soo duulay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

     

     

     

    Wasiirada iyo xildhibaanada nabadeynta ka waday gobolada dhexe oo si diiran loogu soo dhaweyay magaalada Baydhabo

     

     

    Wasiirka howlaha Guud iyo Guriyeynta Cismaan xasan Cali Caato, Wasiirka horumarinka iyo Reer Miyiga Max'uuud Max'ed Guuleed Gacmo-dheere, wasiru dowlaha dekedaha Max'ed Jaamac Furux, Xildhibaan Cali Calas Qaareey, Xildhibaan Nageeye, Odayaal iyo xubno kale ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

     

    Wariye Cabdi Max'ed Ismaciil Cabdi Cuud oo ka tirsan Shabelle, lana socday wafdigaasi ayaa waxa uu sheegay in soo dhaweyn diiran ay kala kulmeen magaalada Baydhabo, loona sii gudbiyay xarunta madaxtooyada halkaasi oo wafdiga ay kula kulmeen Madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf, Ra'isulwasaare Geedi iyo xubnaha golaha Baarlamanka, iyadoo kulankaasi ay ku kala warqaadanayaan howlihii nabadeynta ay ka wadeen gobolada dhexe ee Somalia.

     

    Qaar ka mid ah wafdigaan ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo uga sii gudbi doona magaalada Cadaado si ay u sii ambaqaadaan howlaha nabadeynta ay ka wadeen gobolada dhexe, iyadoo bishaan bartamaheeda la filayo tababaro loo sameynayo maleeshiyooyin sugaya amniga gobolada dhexe.

     

    Degmada Cadaado ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco shirweyne naadeed oo lagu soo afjarayo colaadihii ka dhacay gobolada dhexe, iyadoo kulankaasi ka hor odayaasha labada dhinac ay isku arki doonaan kulamo gooni gooni ah oo ay ku magacaabeen labo geedyare oo loogu gogol xaari doono shirweynaha ka dhacaya magaalada Cadaado bartamaha bisha soo socota.

     

     

     

    Cabdi Max'ed Ismaaciil

     

    Shabelle Media Network, Baay


  2. ^^^ lol, MMA. So you can verify the news of Hobyonet and Co that there were Ethiopian troops inside Somalia? Can you plesase forward us your evidance to support the various Mogadishu outtlets.

     

    As for the comments, the troops in Wajid are there to protect the President and other officials until which time the national troops are formed. As you know in BAIDOA AND BAY there are armed groups who take orders from god knows who.

     

    The confusion here is that you will make outburst against this President while enever acknowladging the clan hegomony set in place by Abdiqasin. Wonders of the modern age i guess..


  3. Baydhabo: Saddexda masuul ee ugu saraysa dawladda oo markii ugu horaysay kulan muhiim ah ka yeeshay ammaanka Baydhabo

    - Thursday, April 13, 2006 at 15:41

     

    Baydhabo(AllPuntland)- Kulan saddex geesood ah oo ay kawada qayb galeen masuuliyiinta ugu saraysa dawladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo.

     

    Kulankan ayaa looga hadlayay ammaanka magaalada Baydhabo iyo arin soo cusboonaatay maalmihii ugu danbaysay oo ku aadan ammaanka magaalada Baydhabo oo khal khal ay ku hayeen kooxo hubaysan oo aan cidna ka amar qaadan.

     

    Madaxwayne Yuusuf ayaa sheegay in amniga magaalada Baydhabo laga dareemay maalmihii ugu danbeeyay khal khal ay ku hayeen malleeshiyaad ahaa kuwii magaalada horay u joogi jiray oo dib ugu soo laabtay markii mar laga saaray, wuxuuna ku wargaliyay beelaha Digil iyo Mirifle masuuliyiintooda ku jira dawladda inay hawshoodii gabeen oo loo baahnaa inay amniga magaalada hantaan maadaama ay ayagu marti galiyeen dawladda.

     

    C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in ammaanka magaalada Baydhabo uu ku xiran yahay sumcadda gobolka iyo dadkaba , loona baahan yahay inay ammaanka gacan ku qabtaan , maamulna u sameeyaan gobolka Baay.

     

    Guddiga Nabad galyada ,iyo odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo kulanka kala qayb galay madaxda dawladda ugu saraysa ayuu madaxwayne Yuusuf u sheegay inaysan malleeshiyaad magaalada qasi karin ayagoo daawanaya.

     

    Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa qiray in ammaanku xumaa maalmihii ugu danbeeyay kadib markii magaalada Baydhabo ay kusoo qamaameen kooxo horay looga saaray, hase ahaatee Shariif Xasan wuxuu sheegay inay wadaan dadaallo ciidamadaasi looga saarayo magaalada.

     

    Shariif Xasan wuxuu soo dhaweeyay in magaalada Baydhabo loo sameeyo maamul buuxa ,oo gacanta ku qabta ammaanka Baydhabo , cidna aan uga haybaysan khal khal galinta ammaankeeda.

     

    Raysulwasaare Geeddi oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa asaguna sheegay in magaalada Baydhabo waxyaabihii loo xushay ay kamid ahayd inay awood u leedahay inay marti galiso dawladda , loogana baahan yahay arintaasi inay rumowdo oo ammaanka magaalada gacan adag lagu qabto.

     

    Kulankan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddooyinkan laga yeesho ammaanka magaalada Baydhabo.

     

    CCC Farayaamo

     

    AllPuntland


  4. Ciidamo ka amar qaata madaxweyne Yuusuf, kana yimid deegaanada Puntland oo xalay soo gaaray deegaano ka tirsan gobolka Bakool

     

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamo hor leh oo ka yimid deegaanada Puntland, kana amar qaata madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay gelinkii danbe ee shalay ilaa xalay ku soo qulqulayeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool, gaar ahaan degmada Waajid oo horey ay u degenaayeen ciidamo gaaraya ilaa 3000 oo dhowaan ka soo guuray xerada Kongo oo ku tiilay gobolka Sh/dhexe.

     

    Ciidamadan oo tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 500 oo ku hubeysan ilaa 30 gaari oo u badan kuwa dagaalka, ayna ka mid yihiin gawaari kale oo isugu jira kuwo uu ku raran yahay raashiin iyo Booyado sida shidaal iyo biyo ayaa la sheegayaa inay ka soo wareegeen gudaha dalka Itoobiya, iyagoo xuduudka Soomaaliyana ka soo galay dhinaca halka loo yaqaano Qurac-joome, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in ciidamadaasi ay soo mareen wadooyin qarda Jeex ah oo aan toos aheyn.

     

    Qaar ka tirsan ganacsatada magaalada Xudur ayaa ku waramay in qaar ka tirsan ciidankaas ay ka sarifteen lacagta Itoobiyaanka ah ee loo yaqaano Birta, waxayna wararku sheegayaan oo kale in ciidamadaas ay ka mid ahaayeen markii ugu horeysay dumar aan tiradooda la ogeyn, iyadoo ciidamadan cusubna xalay qaarkood ay ku biireen kuwii ka soo guuray xerada Kongo oo hadda degan xero ku taalla degmada Waajid halka kuwa kalena ay fariisimo ka sameysteen meel duleedka ka ah magaalada Xudur.

     

    Ciidamadan xalay yimid magaalooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool ayaa ku soo beegmay xili ay isa soo tarayaan xiisado ay qaar ka tirsan beelaha Digil iyo mirifle uga soo horjeedaan ciidamadaas kuwaasoo ka dhashay markii ciidamadaas ay falal dil ah ka geysteen deegaamadaasi, iyadoo dhacdadii ugu danbeysayna ay shalay ka dhacday magaalada Baydhaba markii shaqaaqooyin u dhexeeya ciidamadaas iyo maleeshiyo Digil iyo Mirifle ah ay ka kala dhaceen duleedka iyo bartamaha magaaladaasi, taasoo dad badana ay ku dhinteen.

     

     

     

     

     

    Cabdishakuur Cilmi Xasan,Dayniile,Muqdisho

     

    Ku noqo beejka


  5. Ciidamo ka yimid Puntland oo ku soo qulqulaya Gobolka Bakool

     

    Bakool (YOL 11, April 06) Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamo iyo tikniko fara badan oo wata gaadiidka dagaalka iyo saanad kala duwan ay galabta soo gaareen Gobolka Bakool iyadoo ka soo tallaabay dalka Itoobiya, gaar ahaan degaanka Qurac-joome.

     

    Wararka laga helayo magaalada Xudur ayaa sheegaya in ciidamadan ay wataan gawaarida dagaalka oo isugu jira kuwo culus ee Lidka diyaaradaha ay saaran yihiin iyo Boobayaasha culus, waxaana tirada gawaarida dagaalka lagu sheegay 25 gaari oo 12 ka mida ay yihiin kuwa waaweyn, inkastoo ay kala dhiman yihiin oo qeybo kale wadadda ku soo jireen ilaa xalay guud ahaanna l asheegay inay dhan yihiin 55 gawaari.

     

    Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay yihiin ciidamo madaxweyne C/llaahi Yuusuf looga soo diray Puntland oo ku biiraya kuwii hore u joogay Waajid.


  6. What Position to take on the TFG now that some of their clans have sided with the tow opposing alliances.

     

    Here is the reports on.. Troop movements in Bay & Bakool...

     

    Ethiopian ah iyo Maleeshiyo Reer Puntland ah oo laga soo Buuxiyay Xuduuda gobolada Hiiraan iyo Bakool. - Note that these troops are Ethiopian or Puntland according to the web site.....

     

    Hobyonet.Muqdisho.Khamiis, Apr 13, 2006.

     

    Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah oo ay wehliyaan maleeshiyo reer Puntland ah ayaa gudaha u soo galay gobolada Hiiraan iyo Bakool sida ay xaqiijiyeen wagarad iyo odayaal ku sugan Goboladaasi.

     

    Ciidamadan oo ku hubeysan Baabuurta Gaashaaman ee milatariga ayaan la garaneyn sababta dhabta ah ee xiligaan keentay in ay soo galaan qeybo ka mid ah gobolada dalka, iyadoo ciidamadan la sheegay in ay yihiin kuwo sita dareeska ay caanka kuyihiin ciidamada Ethiopia.

     

    Dadka degan deegaanada ay ka soo galeen ciidamadaan Ethiopianka ah ayaa sheegay in ciidamadan Ethiopianka ah aan cidna kala hadlin dadka Degaanka, isla markaana ay yihiin kuwo u muuqda kuwa kusiijeeda gobolo kale oo dalka Soomaaliya ka tirsan.

     

    Ciidamadani Ehiopianka ah ayaa ilo muhim ah waxa ay sheegeen iney la socdaan maleeshiyaad reer Puntland ah oo dhawaan soo gaaray gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid.

     

    Shacabka ku nool goboladda Hiiraan iyo Bakool ayaa muujinaya dareen cabsi ay ku jirto ka dib markii la arkay Ciidamadan Ethiopianka ah ee ay la socdaan maleeshiyada Reer Puntland.

     

    Ethiopia iyo C/laahi Yuusuf ayaa la tilmaamay inuu qorshahoodi yahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Gobolo ka mid ah Soomaaliya oo ay ugu horeeyso Kismaayo,Muqdisho iyo shabeelaha Hoose.

     

    hobyonews


  7. Heshiis dhoofinta xoolaha ah oo dhexmaray Puntland iyo shirkad Sucuudi ah

    Last Updated::2006-04-12 21:09:36 E. Africa Standard Time

     

    Bosaso:- Heshiis maanta ka dhacay Rugta Ganacsiga ee Puntland ee Bosaso ayey shirkad Sucuudi ah ku sheegtay in ay qaadan Doonto Xoolaha nool ee Soomaaliya.

     

    Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiinta xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee magaalada Bosaaso iyo wafdi ka socda Shirkada Ganacsiga Xoolaha iyo Hilibka oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

     

    Heshiis ay maanta wada gaareen Rugta Ganacsiga ee Puntland iyo shirkadan Sucuudiga ah ayaa lagu sheegay in shirkadan ay maal gashi ku sameyn doonto Puntland.

     

    Shirkadan sucuudiga ah ayaa lagu wadaa in ay ka sameyso Puntland goobo lagu baaro caafimaadka Xoolaha.

     

    Sidoo kale shirkadan ayaa heshiis kula gashay Puntland in ay qaadan doonto xoolo gaaraya 15 kun oo Neef bishiiba.

     

    Shirkadan ayaa sidoo kale adeegsan doonta qaabka lacag bixinta ee LC-ga, ayadoo lacagta la dhigi doono magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

     

    Heshiiskan ayaa ah mid ahmiyad gaar ah u leh Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, maadaama xoolaha nool oo la dhoofiyo ay yihiin laf dhabarta dakhliga soo gala dalka.

     

    Waxaa sidoo kale horumar weyn ah in la helo xarun lagu baaro caafimaadka Xoolaha taasi oo aqoonsi ka heysata dalalka Carabta.

     

    Dowlada Puntland ayaa horey heshiis kan lamid ah oo dhinaca ganacsiga iyo istimaalka systemka LC-ga ah lasoo gashay Dowlada Yemen oo ay dhawaan safar ku tageen wafdi balaaran oo ka socda Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Cadde Musse.

     

    Wafdiga ka yimid Sucuudiga oo todobaadkan ku sugnaa magaalada Bosaaso, ayaa shalay kormeer kusoo maray Suuqyada Xoolaha ee kala duwan ee ku yaal Bosaaso.

     

    Waxay sidoo kale soo booqdeen dekkada Bosaaso oo ah halka laga dhoofin doono xoolaha.

     

    Wafdigan ayaa si weyn ugu riyaaqay ganacsiga ka socda Puntland iyo dhinaca amniga oo ay sheegeen inuu yahay mid ay ku kalsoon yihiin.

     

    Xassan Ciise

    HorseedNet.com


  8. Sucuudiga oo qaadanaya xoolaha nool ee Puntland

    Boosaaso- 12.April.2006 Waxaa maanta shir ku yeeshay xarinta Rugta ganansiga ee magaalada Boosaaso madaxda rugtaasiiyo Ganacsato Sacudiyaan ah

     

    oo ka socda shirkad wadanka sacudiga laga leeyahay oo lagu magacaabo shirkada xoolaha iyo hilibka ee Carabta.

     

    Shirkaasi ayaa waxaa looga wadahadlay sidii xoolaha Soomaalida gaar ahaan kuwa Deegaanada Puntland ee Somaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwo tayo iyo caafimaadba leh taasi oo suurt galin karta in ay shirkadaasi qadato inka badan 15000 oo xoolaha Deegaanada Puntland.

     

    Shirkaasi ayaa dhinaca DGPL waxaa ug qayb galay

    1. Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Max’ed C/laahi Yuusuf (Cur-Curo)

    2. Xoghayaha Rugta Ganacsiga Ciise Maxamed Ciise

    3. Kuxigeenka Xogyaha Guud C/qaadir Max’ed Cismaan

    4. Gudoomiyaha gudiga xoolo dhoofinta Mahad Siciid Mahamed

    5. Agaasimah waaxda Ganacsiga Siciid Nuur Max’ud iyo xubno kale.

     

    Dhanka Shirkada Sucuudiyaanka ah waxaa ka socdey

     

    1. Walid ayaas

    2. Yuusuf Nuur Xasan

     

    Gaba gabadii shirkaasi ayaa waxay labada dhinac isku afagarten qodobo dhowr, iyadoo Gudomiyaha rugta ganacsiga dawlad goboleedka Puntland Maxamed C/laahi Yuusuf oo aan wax wax kawaydiinay qodobada ay labada dhinac isku afgarteen ayuu sheegay in si fiican la isugu afgartey dhamaan waxyaabihii looga wadahadley, iyadoo shirkadu ay cadeysey inay ku qanacsadey warbixinadii laga siiyey xoolaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland, isla markaana bil kasta ay qaadan 15 kun oo neef.

     

    Shirkadan Sucuudiyaanka ah ayaa waxaa madaxdii ka socotey ay tubaaxeen in ay ka sameyn doonaan magaalada Boosaaso goob lagu baaro caafimaadka xcolaha, iyadoo sidoo kale shirkadu ogolaatey in wixii lacag ah ee xoolaha lagu kala gato ay lacagta ku bixiyaan magaalada Boosaaso, taasina loo adeegsan doono nidaam LC oo bangi.

     

    Shirkadu waxay sidoo kale la imaanaysaa gaadiidkii ay ku qaadan lahayed xoolaha.

     

    Hadii heshiiskan ay gaareen madaxda rugta ganacsiga ee DGPL iyo madaxdaasi ka socotey shirkaada laga leeyahay wadanka Sacudiga uu hirgalo waxay noqonaysaa talaabo fa’ido weyn u leh dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DGPL oo dhaqalaha ugu badani uu ka soo galo dhoofka xoolaha nool.

     

     

    Axmed Max'ed Faarax


  9. I guess the media will pick on this small but significent development, that will benefit the Somali livestock industry...

     

    xoolo_geel.JPG

     

    BOOSAASO : Sucuudiga oo 15,000 oo Neef 2-dii Usbuucba ka qaadanaya Puntland

    Posted to the Web Apr 12, 17:34

     

     

    Boosaaso:-Kulan ay maanta yeesheen koox Suciidiyaan ah oo beryahaan ku sugnaa Puntland oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta lagu kala magacaabo Walid Ayaas iyo Yuusuf Nuur Xasan iyo Maamulka Rugta gacsniga Puntland , ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo muhiima oo uu ka mid yahay in 2-dii Usbuuc oo kasta Sucuudigu ka qaato Puntland 15000 Neef.

     

    Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed C/laahi Yuusuf (Cur-curo ) ayaa sheegay in ay Kooxdan Sucuudiga ah ay isla garteen in lacagta Xoolaha ay qaadanayaan lagu bixiyo Magaalada Dekada ah ee Boosaaso , iyadoo la isticmaalayo nidaamka LC-ga.

     

    In magaalooyinka waawayn ee Puntland laga furo meelo lagu baaro caafimaadka Xoolaha si loo ogaadio kuwa xanuusan.

     

    Nidaamkan iyo heshiiskan maanta la kala saxiixday ayaa faa’iido wayn u yeelan doona kobaca dhaqaale ee Puntland , iyadoo ay baaqan doonto khasaarooyin badan oo ka imaan jiray xoolaha oo la iska dhoofiyo iyadoo aan wax suuqa loo hayn.

     

     

    Axmed C/salaam

    Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

    Contacts:loole25@hotmail.com

     

    Saaxiibkaa u ***

    Daabaco Qormadan


  10. ^^^

     

    Lets first of all clarify our positions, what I love about talking to the secesionists is that the dont hide in shadows or stand on pretence. They have a false pride in all things Somaliland and they never lose an opportunity in promoting their side, from idiotic articles to comments such as reer Sanag chose SL.

     

    I take my hat to them and will continue to engage with my fellow Somali's from the Land.

     

    Now I have no regard for those who claim to be from Puntland and then attack its leaders. Yesterday it was ina Yey, today it is "warlord Cade".

     

    Cade Muse, like him or not is the elected leader of Puntland. He contested an election and won, and is recognised by everyone to be the legitimate leader of the state. So talker you need to take more acting clasess, You need to get a refund on the method acting lessons.

     

    Raange is a good deal, inviting more businesses is a step in the right directions.


  11. Talker, your argument is that everything Puntland does is wrong, and the Puntland media are all liers. Now if we look at this deal its a step forward towards progress, only through trading and exporting can we get out of this dire poverty.

     

    I dont expect much form you, as you are against this deal for other reasons than interest of the people of Puntland. You have been consitant in opposing it and even propogating the false news of Dayniile and Onkod.

     

    I repeat again that this will make the state stronger, pay its workers and help develop its infrustructure faster..

     

    PS: The agreement is more than one area, its to explore the whole state...


  12. Dolwadda Chinaha oo sheegtay in ay taageereyso dowladda FS

     

    Beijing 07 April. 06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda Shiinaha Huujintaaw ayaa waxa uu sheegay inuu taageerayo dowladda FS si ay horey ugu sii qaado waxa uu ku sheegay geediga colaada loogu badalanyo Nabadda .

     

     

     

    Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalle Saalax iyo Madaxweynaha China Hu jintao

     

     

    Huujintaaw oo shalay ay ku kulmeen isaga iyo Madaxweynaha Yemen Magaalada Beijing ayaa carabka ku adkeeyay inuu gacansiin doono Xukuumadda Soomaaliya si ay u guda gasho dib u dhiska iyo xal u helida ammaanka oo horseedi karta horumar laga gaaro deganaansho xumada mudada dheer Soomaaliya ka jirtay.

     

    Madaxweynaha Yemen Cali C/lla Saalax oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa xusay dadaalada Xukuumadiisa ay weli ugu jirto dib u heshiisiinta iyo xal u raadinta Nabadda Soomaaliya .

     

     

    Hu jintao, Madaxweynaha dalka Shiinaha

    waxa uu tilmaamay in xaalad deganaansho ah oo laga helo Soomaaliya ay mataleyso geeska afrika iyo Caalamka oo ka xasila xasarrado ku soo fool lahaa , waxaase uu ka digay in Soomaaliya looga tago Marxaladda ammaan xummo ee iminka ay lugta kula jirto oo uu sheegay inay ka dhigi karto bar iyo Fariisin ay leeyihiin kooxaha asalraaca iyo kuwa argagaxisada , waxaana uu ka codsaday beesha Caalamka inay gacan qabtaan shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed si loogu talaabsado qorshayaasha dib u dhiska iyo howlgelinta hey'adaha qarameed ee burburay.

     

     

    Shabelle Media Network, China


  13. Gaashaanle Sare Yuusuf Dhuumeel oo sheegay in Tababarada Ciidanka Booliiska gobolada oo dhan laga soo xuli doono

     

    Gashanle_sare.JPG

     

    Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Somalia oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Yuusuf Dhuumeel ayaa shir jaraa'id ku qabtay Hoolka weyn ee ay ku shiraan mudanayaasha baarlamaanka waxaana uusoo bandhigay qorshaha ciidamada Booliiska ee ah tababarada ay u fidinayaan ciidamo gaaraya 5000 shan kun oo maleeshiyo.

     

    G/sare Yuusuf Dhuumeel ayaa tibaaxay in 350 askari ee la doonayo in tababarka loogu qaado dalka Kenya aysan ahayn kuwo Baydhabo oo kaliya balse ay ku jiraan ciidamo loo tababari doono sadaxda masuul ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha.

     

    Ciidamada loo tababarayo sadaxda masuul ayaa ka mid noqon doona ciidamada Booliiska waxaana dhaqaalaha ku baxayo bixin doona hay'ada UNDP.

     

    Mar uu ka hadlayey cida leh diyaarinta iyo tababarida ciidamada Booliiska waxa uu sheegay in ay hoos imaanayaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed islamarkaana waxa uu intaa ku daray in 5000 oo askari laga soo xuli doono dhamaan gobolada Somalia marka laga reebo gobolada Puntland iyo Somaliland oo booliiskoodu dhisan yahay,

     

    Waxaan gobolada kale ku qancinaynaa in aanan laga tagin ee markooda loo imaan doono, inaan baydhabo ka biloownana waxaa ugu wacan iyadoo ay dowlada ay ku sugan tahay loona baahan yahay in laga dhiso Booliis ayuu yiri G/sare Yuusuf Dhuumeel.

     

    Tababarada Booliiska loo fidinayo ayaa waxa ay ka mid tahay qorsho horey loo diyaariyey ee loogu talo galay in ay wax ka qabtaan amaanka gobolada iyadoo mushaarooyinka, dayactirka Saldhiga iyo xabsiyada ay diyaarin doonto hay'ada UNDP.


  14. Jowhar 03 April. 06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed dheere ayaa waxa uu sheegay in dowladda FS ay dib ugu soo laaban doonto magaalada Jowhar, lana dhameeyay khilaafkii kala dhaxeeyay, ka dib kulan uu la qaatey Maanta xubno ka tirsan maamulkiisa.

     

     

    Maxamed Dheere, Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe

    Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed dheere oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa maanta kulan uu la qaatay xubnaha sar sare ee maamulkiisa waxa uu uga war bixiyay waxyaabihii uu kala soo kulmay kulamadii uu la qaatay Ra'isulwasaare geedi iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ethiopia.

     

    Maxamed Dheere ayaa waxa uu tilmaamay in uu dhamaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladda FS iyo maamulkiisa, waxii deyman ahaa ee decumenti leh oo uu ku leeyahay DFS in la bixin doono, isagoo sheegay in gudi loo saaray arimahaasi, waxaana uu tilmaamauy in dadka reer Jowhar ee deymaha ku leh dowladda iyana la siin doono.

     

    Waxa uu xusay in kulamadii Ethiopia uu kula soo qaatay Ra'isulwasaaraha Somalia Prof. Geedi, uuna shir Gudoominayay wasiirka arimaha dibadda ethiopia Sioum Musfin uu ku dhamaaday Guul iyo Is afgarad.

     

    Horaantii bishii Maarso ayay aheyd markii Maxamed Dheere uu shaaciyay in dowladda FS aaney imaan karib magaalada Jowhar, isla markaana uu ku leeyahay lacag gaareyso 9 milyan oo doollarka Mareykanka, kharashkaasi ayuu ku sheegay in uu kaga baxay intii dolwadda ay dagneyd magaalada Jowhar.

     

    Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Dheere ayaa khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf tan iyo waxii ka dambeeyay heshiiskii Madaxweynaha uu kula soo gaaray magaalada Cadan Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadam.

     

    Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia in uu u qeybiyay hubkii uu kala yimid dalka Yemen maleeshiyooyin isaga ku heyb ah, isagoo ku tilmaamay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu yahay nin ku shaqeeya qaab qabiil.

     

     

     

    Shabelle Media Network, Sh/dhexe

    Daawo bogga sawirada abaaraha


  15. THE NOT SO BIG MAN OF JOWHAR, TURNS 360 DEGREES AND ENDS UP NO WHERE. nOW AFTER THE FAILURE OF FIGHTING IN MOGADISHU HE MAKES UP WITH THE TFG. MR DHEERE YOU ARE A LIGHT WEIGHT. :D

     

     

    Maxamed Dheere: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dib ugu soo laabanaysaa Degmada Jowhar

    Posted to the Web Apr 03, 15:34

     

     

    Jowhar (PP) - Gudddoomiyaha siyaasadda ee Gobolka Shabeellada dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay degmada Jowhar ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya la xalliyay isla markaana ay dowladdu dib ugu soo laabanayso Jowhar.

     

    Maxamed Dheere wuxuu sheegay in kulankii isaga iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ay ku yeesheen Addis Ababa uu ahaa mid ay ku dhameeyeen dhammaan khilaafaadkii jiray, waxaanan gaarnay heshiis dhab ah oo wanaagsan.

     

    "Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Aniga waxaan yeelannay wadahadallo qaatay muddo saddex casho ah, balse ILLAAHAY mahaddii waxaa meesha ka baxay khilaafaadkii aniga iyo Dowladda Federaalka Soomaailya noo dhexeysay, waxaana gaarnay heshiis dhab oo dhigaya in dowladdu ay dib ugu soo laabanayso Jowhar" ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogolaatay inay bixiso lacagihii ay ku lahaayeen dadweynaha Reer Jowhar iyo maamulkooda, waxaanan ka codsanayaan in ruux walba oo lacag lahaa uu soo sameysto warqad ay ku caddahay lacagta uu leeyahay si loo siiyo".

     

    Maxamed Dheere ayaa muujiyay inuu rajo wanaagsan ka qabo in dowladdu ay mar kale dib ugu soo laabato Jowhar isla markaana ay ku shaqeyso, waxaana uu sheegay in taasi ay mar kale guul u tahay Dadweynaha Reer Jowhar oo uu sheegay inay yihiin dadweyne in badan u soo dhabar adaygay kaalmeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

     

    14-kii bishii Maarso ayay ahayd markii uu Maxamed Dheere Sheegay in Gobolka aan laga aqoonsanayn Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana aysan soo mari karin goob ka mid ah gobolka, waxaase tani ay u muuqataan in la dhameeyay khilaafaadkii jiray.

     

    Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

    Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

    E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com


  16. The men on the wanted list including Xasan Dahir and Cayro will not be given up by the clan. The Americans will ask some tough questions as they arrogantly do else where.

     

    However this clan is getting too much news, and Abdiqasin's fake innocence is becoming ever more clear.

    Many belive he is behind the occupation of Marka and Inda Cade, that he has financed his clan with the money from the TFG.

     

    The problem is the clans under occupation are starting to fight back as well as the warlords who see all their problems steming from this single clan.. Interesting everything is coming out in the open.


  17. Boosaaso: " Waa nasiib daro in Somaliland sheegato meel 40km Bosaaso u jirta , taasna waxay ka arkeen shacabka Puntland" Madaxwaynaha Puntland oo saxaafadda la hadlay.

    - Thursday, March 30, 2006 at 15:10

     

    Boosaaso(AllPuntland)-Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo barqa nimadii maanta kasoo dagay Boosaaso ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso.

     

    Cade Muuse Xirsi oo ka hadlayay safarkiisa ayaa sheegay in uu haa mid Guul ku soo dhamaaday islamarkaasna waxyaabihii ay u safreen inta badan ay u soo dhamaadeen.

     

    Madaxweynha Puntland waxa uu ka hadlay Nabadgelyada Puntland iyo Dhacadadii Maalmihii u danbeeyay ka taagneyd Degaanka Majiyahan taasoo Madaxweynaha uu sheegay in ay Buunbuuniyeen Dad Shilimaan qaatay oo Cadoow u ah Puntland Sida Hadalka Madaxweynaha uu dhigaye.

     

    Madaxwayne Muuse wuxuu sheegay inaysan Puntland ka samrayn dhul ay leedahay , asagoo tilmaamay inuu la yaabay in meel 40km Boosaaso u jirta ay sheegteen Somaliland.

     

    Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in maanta Boosaaso la sheegto inay tahay wax laga arkay shacabka iyo ciidanka booliska , asagoo sheegay inaysan marnaba nabadda iyo daris wanaagga Somaliland ka tagayn hase ahaatee dhulka Puntland aan marnaba la dhiibi doonin.

     

    Madaxweyne Cade waxa uu Mahadcelin u soo jeediyay Booliskii ka hortagay Markab lagu afduuban lahaa Xeebta Boosaaso arrintaasi ayuu Madaxweynaha sheegay in Wadamada Deriska aynu nahay ay il gaara ku hayaan.

     

    Gabo gabadii ayaa madaxwaynaha Puntland ka ka codsaday shacabka Puntland inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan sida ay ugu dadaalaayaan xasilinta dalka.

     

    CCC Farayaamo

     

    AllPuntland


  18. Cadde Muuse oo si kulul u dhaleeceeyay maamulka Somaliland

     

    Cadde-Muuse.jpg

     

    Galkacyo 31 March. 06 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa si kulul u dhaleeceeyay maamulka Somaliland, dhaleeceyntaasi oo ku saabsaneyd in maamulka Somaliland ay sheegteen dhul ay ka taliyaan maamul Goboleedka Puntland.

     

     

    Madaxweynaha MG Puntland, Cadde Muuse

    Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in wax aan loo dulqaadan karin ay tahay in maamulka Somaliland uu sheegto lahaanshaha magaalada Boosaaso, isagoo taasina u ku tilmaamay wax nasiib darro ah.

     

    Madaxweynaha MG Puntland waxa uu sheegay in xiriir daris wanaag ah uu ka dhaxeeyo labada maamul, isla markaana labada shacab ay yihiin dad is jecel, isagoo ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay wadaan wax aan loo baahneyn oo amniga qalqal galin kara.

     

    Wasiirka Sportiga Somaliland ayaa dhowaan waxa uu sheegay in deegaanka Majiiyahan oo dhowr jeer rabshado ay ka dhaceen uu yahay deegaan Somaliland ay leedahay.

     

    Maalmihii ugu dambeysay ayaa maamulada Somaliland iyo Puntland waxa ay saxaafadda isku dhaafsanayeen hanjabaadyo.

     

     

    C/laahi Cabdi Nuur

     

    Shabelle Media Network, Mudug

    Daawo bogga sawirada abaaraha


  19. Midowga maxaakiimta oo ku baaqay in gacan laga siiyo sidii loo soo qaban lahaa dadka dhubaatada wada

     

    sheekh-shariif4.jpg

     

    Mogadishu 31 March. 06 ( Sh.M.Network) Midowga maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday shacabka in gacan ay ka siiyaan si ay u daafacaan naftooda iyo maalkooda.

     

     

    Sheekh Shariif, Gudoomiyaha midowga maxkamadaha

     

    Midowga maxkamadaha islaamiga ayaa waxa ay shacabaka Soomaaliyeed u sheegeen in ay taageeraan howlaha ay ka wadaan magaalada Muqdisho, oo ay sheegeen in ay kaga hortagayaan kuwa geeysta falalka dilalka ah ee aan la garaneyn xiliga ay dhacaan iyo cidda geysata intaba.

     

    Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan dilallka loo geysto aqoonyahanada, culuma udiinka, ganacsatada iyo kuwa u adeega bulshada intaba.

     

    Gudoomiyaha midowga maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ujeedada loo aas aasay maxkamada ay tahay sidii shacabka ay ugu adeegi lahaayeen, isla markaana ay uga hortagi lahaayeen wax kasta oo hagar daamo ku ah bulshada.

     

    Sheekha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha heeysta in gurmad deg deg ah ay la gaaraan dadka tabaaleysan ee ku sugan xerayaha dadka soo barakacay ee magaalaada Muqdisho, gaar ahaan dadkii ku barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

     

    Dhowaan ayay aheyd markii dagaal qaraar uu ku dhex maray magaalada Muqdisho ciidamada Midowga maxaakiimta islaamiga iyo kuwa isbaheysiga soo celinta nabadda iyo la dagaalanka argagixisada.

     

    Shabelle Media Network, Somalia

    Daawo bogga sawirada abaaraha


  20. Somali warlords refuse to end militia battle

     

    March 29 2006 at 02:06AM

     

    Mogadishu - A group of Somali businessmen calling themselves the Alliance for Restoration of Peace and Counter-Terrorism vowed on Tuesday to continue battling militias allied to the Islamic courts in Mogadishu, rejecting mediation efforts to broker a peace deal.

     

    "The solution will be the barrels of our guns and we will continue the war until we succeed," said Mohamed Dere, a warlord from the Shabelle region who went to Mogadishu to attend a coalition meeting.

     

    An uneasy calm returned to Mogadishu after four days of fierce fighting - said to be the worst in recent years - that killed 70 people and wounded hundreds more as the Islamic courts try to wrest control of the city in the hands of warlords since Somalia's government was overthrown in 1991.

     

    The sharia courts also continue to hold rallies in a bid to explain the ills of the warlords who have run for Mogadishu for 15 years, and why a moral takeover of the war-scarred city was necessary.

     

    "I summon all of the people to fight the jihad against the devils' coalition," said Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, chairperson of the Islamic courts union. He warned that "we will give the oppressors another unprecedented lesson from which they will never recover".

     

    The warlords-turned-politicians formed the new alliance, said to be supported by the United States, to curb the growing power of the brutal but efficient courts, currently the only functioning law enforcement agency in the war-scarred city.

     

    Meanwhile, the European Union has expressed concern at the continuing tension in Mogadishu. EU president Jose Manuel Barroso gave an assurance of the EU's continued support to Abdullah Yusuf Ahmed, president of the Somali Transitional Federal Government, and Prime Minister Ali Mohammed Ghed. - Sapa-dpa