General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by General Duke


  1. Madaxweyne Yuusuf oo maanta xerada ciidamada Daynuunay tababar ugu soo xiray ciidamo 3kun gaaraya

     

    Novebmer 18, 2006 Markacadeey

    --------------------------------------------------------------------------------

    Madaxweynaha dawlada kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo aad u fara badan oo bilihii lasoo dhaafay tababar uu uga socday xerada ciidamada Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo isagoo kula dardaarmay in dalka ay difaacaan.

     

    Munaasabad balaaran oo tababarkaasi lagu soo gabagabaynayey ayaa lagu qabtay gudaha xarunta ciidamada Daynuunay ayadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo dawlada ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen madaxweyne Yuusuf, ra’isalwasaare Geedi iyo xubno sar sare oo ka tirsan labada gole ee dawlada.

     

    Madaxweynaha oo ciidamada tababarka uu usoo dhamaaday dardaaran dheer u jeediyey ayaa waxa uu kula dardaarmay in ay isu diyaariyaan sidii dawlada ay uga difaaci lahaayeen kooxaha qatarta ku ah isagoo sidoo kale ka codsaday in ay qeyb ka qaataan sugida amniga dalka.

     

    Sidoo kale mas’uuliyiin sar sare oo dawlada ka tirsan ayaa munaasabadaasi hadalo kala duwa ka jeediyey waxa ayna ka codsadeen ciidamada tababarka uu usoo dhamaaday in qeyb ay ka qaataan sugida amniga dalka.

     

    Ciidamada tababarka loo soo gabgabeeyey ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 3kun oo askari oo isugu jira qaar ka tirsan ciidamadii hore iyo maleeshiyaad cusub oo dawlada ay qoratay.

     

     

    Maxamed Carab

    Xafiiska markacadeey Muqdisho


  2. ^^^For two years the US resited any moves to lift the arms embargo, even working with the warlords of Mogadishu and making contacts with members of the clan courts. Since they lost the warlords they moved eevr so slowly towards the TFG. Remmeber China also confirmed its support for the government when the President visited. So two of the five perminent members of the security council is not bad at all.


  3. Inkasta oo African-ka gaar ahaan IGAD iyo dalalka dariska ah ay dhowr mar ka codsadeen Qaramada Midoobay inay qaadaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya haddana waxaa arrintaas hortaagnaa golaha ammaanka balse hadalka Mareykanka iyo codsigiisa ayaa imminka u muuqanaya mid hirgalaya taas oo albaabada u fureyso in dalal badan oo dariska ah oo markii hore kaga feejignaa arrimaha Soomaaliya cunaqabateynta hubka saaran awgiis ay soo galaan gaar ahaan dalka Uganda oo hore u sheegay in muddo sanad ah ay ciidamo diyaariyeen iyo dowladda Kenya, sidoo kale arrintan ayaa wadada u fureyso dalalka dariska ah inay soo galaan Soomaaliya.


  4. Dowladda Mareykanka oo ku soo biirtay olalaha la doonayo in cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran dalka Soomaaliya laga qaado.

     

    November -18-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

     

    Dowladda Mareykanka ayaa ku soo biirtay olalaha la doonayo in cunaqabateynta dhinaca hubka laga qaado dalka Soomaaliya.

     

    Nuqul ka mid ah qoraal ay qortay dowladda Mareykanka kaas oo loo qeybiyey xubnaha joogtada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah dalalka African-ka ah balse weli golaha ammanka ka fariirsan oo Idaacadda HornAfrik si sir ah ku heshay ayaa muujinaya in Mareykanka imminka uu soo jeediyey in la balaariyo ololaha la doonayo in lagu qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya islamarkaana howlahaas ay ka qeyb qaataan dalalka African-ka oo idil.

     

    Nuqulkan oo Idaacadda HornAfrik ay heshay ayaa sidoo kale muujinaya in dowladda Mareykanka ay ogolaatay ololaha IGADSOM ee lagu ilaalinayey dowladda fedraalka Soomaaliya islamarkaana lagu tababaraya ciidamada dowladda kaas oo ay ka qeyb qadanayaan wadamada IGAD iyo ururka midowga Africa.

     

    Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah in la ilaaliyo islamarkaana la adkeeyo ammaanka magaalada Baydhabo oo fariisn u ah dowladda KMG ah ee Soomaaliya, in la ilaaliyo madaxda dowladda iyo xafiisyada muhiimka dowladda iyo weliba ilaha dhaqaale.

     

    Sidoo kale, qorashaha ayaa waxaa qeyb ka ah in la xaqiijiyo wadahadal nabadeed oo la furo, waxaana arrintaas ka mid ah in la tababaro ciidamada dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya si loogu suuragaliyo in dowladda iyadana ay sugto ammaanka magaalada Baydhabo.

     

    Iyadoo mar kale dowladda Mareykanka ay ku celisay sida qoralkan ku qoran inay taageereyso in Dastuurka Soomaaliya uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo deganaansho oo dalka Soomaaliya ka hirgala.

     

    Hanaankan imminka Mareykanka soo jeediyey ee loo qeybiyey xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu muujinayaa in cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd guud ahaan la qaadeen hase ahaatee la ogolaanayo in ciidamada imaanaya ay la soo galaan hub iyo saanad milatari balse aaney aheyn in cid kasta Soomaaliya ay hub geyneyso.

     

    Dowladda Mareykanka ayaa 15-kii sanno ee ugu dambeysay ka soo horjeeday qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya taas oo marar badan ay dalbadeen IGAD, AU, iyo sidoo kale dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya, balse imminka ayaa arrinta waxa ay u muuqataa mid dowladda Mareykanka ay ku xambaari karto sii xoogeysiga maxkamadaha Islaamka iyo walaaca Mareykanka uu ka qabo arrimaha Soomaaliya.

     

    Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli qarka ay isku saaran yihiin dagaal dhexmara dowladda fedraalka iyo maxkamadaha xiisadahana ay sii kordhayaan iyadoo sidoo kale warbaxin Qaramada Midoobay guddiga dabagalka arrimaha Soomaaliya cunuqabateynta u qaabilsan ay soo saareen in ilaa Toban dal ay ku xadgudbeen cunaqabateynta hubka ee dalka Soomaaliya saarneyd.

     

    Inkasta oo African-ka gaar ahaan IGAD iyo dalalka dariska ah ay dhowr mar ka codsadeen Qaramada Midoobay inay qaadaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya haddana waxaa arrintaas hortaagnaa golaha ammaanka balse hadalka Mareykanka iyo codsigiisa ayaa imminka u muuqanaya mid hirgalaya taas oo albaabada u fureyso in dalal badan oo dariska ah oo markii hore kaga feejignaa arrimaha Soomaaliya cunaqabateynta hubka saaran awgiis ay soo galaan gaar ahaan dalka Uganda oo hore u sheegay in muddo sanad ah ay ciidamo diyaariyeen iyo dowladda Kenya, sidoo kale arrintan ayaa wadada u fureyso dalalka dariska ah inay soo galaan Soomaaliya.

     

    Dad badan ayaa cabsi ka qaba in arrimahan ay sii kiciyaan xiisadaha ka jira dalka Soomaaliya iyadoo hore maxkamadaha u sheegeen inay la dagaalami doonaan haddii ciidamo shisheeye ay soo galaan gudaha Soomaaliya.


  5. Madaxda dowladda oo tababarro u soo xirey 3 kun oo ciidamo ah

     

    Baydhabo 18, Nov.06 ( Sh.M.Network) –Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia Col. C/laahi Yuusuf axmed ayaa ugu baaqay ciidamada dowlada Somalia in ay difaacaan dalkooda, hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweynaha munaasabad tababar ciidamo loogu soo xirey xerada Daynuunaay oo ku taala duleedka magaalada Baydhaboi ee gobolka Baay.

     

     

    Prof/. Cali Geedi iyo C/laahi Yuusuf

    Tababarkaan loo soo gabo gabeeyay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu ahaa mid bilooyinkii la soo dhaafay uga socday xerada Daynuunaay oo dhowr iyo 20 km u jirta magaalada Baydhabo.

     

    Munaasabadii xiritaanka tababarkaan ayaa waxaa ka qebgalay Madaxweynaha, Ra'isulwasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda.

     

    Madaxaweynaha Somalia oo si gaar ah ula hadlay ciidamada tababarka loo soo xirey ayaa waxa uu ku booriyay ciidamada in ay difaacaan qaranka Somaliyeed, kana shaqeeyaan sidii loo soo nooleyn lahaa qaranimadii dalka, isagoo u balan qaaday in ay heli doonaan tasiilaadkooda iyo waliba mushaaraad.

     

    Ciidamadaan tababarka loo soo xirey oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 3 kun oo isugu jira ciidamadii hore iyo maleeshiyooyin la ciidameynayay ayaa intii tababarka uu u socday waxa ay ku baranayeen casharo la xiriira asluubta ciidamada iyo waliba xagga amaanka.

     

    Tababarkaan ayaa waxaa casharo ka bixinayay saraakiil ka tirsan dowladda iyo kuwo kale oo shisheeye oo dowladda ka caawiya dhinaca tababarada.

     

    Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo tababar loogu soo xiro xerada Daynuunay tan iyo markii dowladda ay fariisimo ka dhigatay magaalada Baydhabo horraantii sanadkaan.

     

    Max'ed caddaawe

     

    Shabelle Media Network Baay

    E-mail us: info@shabelle.net

    Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net


  6. 4749.jpg

     

    Ciidamo Dowlada Federaalka ah ka tirsan oo Tababar ugu socday Gobolka Baay ayaa Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf soo Gaba Gabeeyay Tababarkoodii, Waxaana Madaxwaynuh u ugu booriyay inay u Diyaargaroobaan Difaaca Dalkooda, iyo la Wareegida Gacan ku Qabashada Dalka.

     

    Ciidamadaan oo iyagu ka mid ah Ciidamada Degaanka ee Gobolada Baay iyo Bakool, iyo Ciidamo ka yimid Gobolo kale ee soomaaliyeed ayaa la sheegay in Madaxwaynuhu ugu booriyay in ay u diyaargaroobaan hawlgalo goor dhow bilaaban doona, oo Ciidamada Dowladu ay kula wareegayaan Guud ahaan dalka Soomaaliya oo idil.

     

    Horey ayaa waxaa magaalada Baydhabo ugu sugnaa ciidamo aad u farabadan oo tababaro ku soo kala qaatay Gobolada Shabeelada dhexe iyo Gobolada Puntlland, waxaana ciidamaadan cusub ee tababarku u dhamaaday la filayaa in tacliintii ciidamanimo ee ay ku qaateen Xeryaha Gobolada Baay, ay ugu adeegi doonaan dadkooda iyo dalkooda.

    Dhinaca kale Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa iyadu in muda ahba ku jirtay dhisida Ciidamo Qaran oo dalku yeesho, waxaana intii Dowladu ay jirtay ay ka shaqaynaysay Uruurinta Ciidamada Qaranka soomaaliyeed, iyo waliba Tababaro ay u dirtay Ciidamo Boolis ah oo amniga iyo kala danbaynta dib u soo celiya, waxaana la isku raacay in aan shacabka soomaaliyeed lagu xukumi karayn qori caaradiis oo kaliya ee lagu maamuli karo sharci iyo kala danbayn ciidanka amnigu bulshada ku hago.

     

    Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Col.Bare Hiiraale oo Jagada Wasiirnimo shalay loo dhaariyey ayaa isna Munaasabaadii maanta ka sheegay in Ciidamada qalabka Sida ay yihiin kuwa looga hortago Cadowga Gudaha iyo kan dibada,isagoo balanqaaday in isaga iyo saraakiisha Ciidamada ay naftooda uhuri doonaan Difaaca dawlada Soomaaliyeed.

     

    Qaar katirsan saraakiisha tababarka dhameysatay ayaa iyagana kawaramay Muhiimada uu uleeyahay tababarkan iyagoo Balanqaaday iney asaagoodugudbin doonaan wixii ay barteen oo ay sheegeen iney uga mahad celinayaan Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

     

    Idamaale News


  7. New York: Xukuumadda Maraykanka oo ku baaqday in cunno qabataynta hubka ee Soomaaliya la qaado.

    Sabti, November 18, 2006

     

    New York (AllPuntland)- Xukuumadda Maraykanka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ay dhowaan golaha amaanka hordhigayso codsi ku aadan in dalka Soomaaliya laga qaado cunno qabataynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

     

    Safiirka xukuumadda Washington u fadhiya golaha amaanka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dalka Soomaaliya laga qaado cunno qabataynta hubka si looga gun gaaro dagaal yahanada carbeed ee dalka Soomaaliyeed ku soo qul qulaya.

     

    John Bolton ayaa waxa uu sheegay mar uu saxaafadda kula hadlayay magaalada New York in xukuumadda Maraykanka ay gacan siinayso dalka Soomaaliya.

     

    Waa markii ugu horaysay oo xukumadda Maraykanku ay si toos ah uga hadasho arrimaha dalka Soomaaliya iyo cunno qabatayta hubka iyo dalka saaran.

     

    Wali wax jawaab ah kama aysan bixin QM balse waxaa la filayaa in dhowaan ay kulan ka yeeshaan arrimaha dalka Soomaaliya.

     

    Hadalkani ayaa waxa uu soo baxayaa iyada oo dhowaan jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa ay soo saartay wadamo ay ku sheegtay in ay ku xad gudbeen cunno qabataynta Soomaaliya.

     

    Mahad Jama Koronto

    AllPuntland.


  8. After the UN monitoring report, the US adminstration has signaled its willing to support those calling for the lifting of the arms embargo on Somalia...

     

    Here is the clan courts mouth piece Goobjoog.net..

     

    Dowladda maraykanka oo ku soo biirtay dalalka danaynaya in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya

     

     

    Dowladda Maraykanka ayaa ku soo biirtay dalalka sida weyn u danaynaya in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka ee saaran muddo 14-sano ah, iyadoo dokumintiyo ku aadan arrintaasi ay qeybisay xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo afrikaan ah, balse uusan ilaa iyo haatan ka fariisan Golaha Ammaanka arrintaasi.

    Warka ayaa intaas ku daraya in dowladda Maraykanka ay soo jeedisay in laga qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ay tahay mid lagu badbaadinayo dowladda KMG, si ay uga shaqeyso gudaha dalkaasi oo ay isku ballaarinayaan sida lagu yiri qoraalkaasi kooxo wadaado ah oo mayal adag.

     

    Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweysay mashruuca ciidamada nabad ilaalinta IGADSOM ee loo dirayo gayiga Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday dalalka ku bahoobay Midowga Afrika in ay taageeraan howlgalkaasi si loo caawiyo ayaa lagu yiri qoraalkaasi dowladda KMG ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, isla markaana ammaankeeda si buuxda loo adkeeyo.

     

    Xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya weli ma jiraan go’aanno ka soo baxay oo lagu qaadayo xayiraadaas, waxayna warar ku dhow dhow Golaha Amaanka ayaa sheegaya in aan la qaadi doonin xayiraada qaraarkaasi oo tirsigiisa 733, balse warar isa soo taraya oo ku aadan arrintaasi ay sheegayaan in la ogolaanayo ciidamo nabad ilaalinta u imaanaya Soomaaliya ay la soo galayaan hub iyo saanado militeri, isla markaana loo ogolaanaynin in cid kale ay faragelin ku samayso Soomaaliya.

     

    Arrintan ayaa waxay ku soo beegantay xilli ay dhoolatus militeri ku samaynayaan ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Kenyaati ah oo wata gaadiidka dagaalka gobolka W/Bari ee Soomaalidu degto ee dalkaasi Kenya, iyo iyadoo ay xarunta dowladda KMG ee Baydhabo ay ku soo qul qulayaan ciidamo kuwii ugu badnaa oo ka yimaada dalalka Itoobiya iyo Ugandha, waxayna u muuqanayaan kuwo sii holcinaya xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

     

    Abdikarim Ibrahim Adan (Ampacilin).

    E-mail: webmaster@goobjoog.net


  9. Maamulka Puntland iyo culumada gobolka oo is afgarad dhex maray

     

    Gaalkacayo, Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan ku yeeshay lixdan xubnood oo ka tirsan culama u diinka Puntland iyo madaxda dowlad goboleedka Puntland, shirkaan ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa daganaansha la'aanta siyaasadeed ee gobolka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in wadaadadu ay hor dhigi doonaan dowladda qorshe ah in la qaato shareecada islaamka, waxaana la filayaa in ay noqto mid la isku af garto.

     

    Arintaan oo weli wax go,aan ah laga soo saarin ayaa lagu waramayaa, in xoogaa qalaase ahi ay ka dheceen furinta hore laba sahan ay is xabadeeyeen,taasi hakad ku keentay habsami u socodka shirka.

     

    Warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in culamadu soo ban dhigeen in diinta islaamka la qaato waxaana arintaas la qaatay baa la leeyahay maamulka Puntland uu arintaas aqbalay, waxaana hadda la saaray gudi culuma udiin ah, oo soo lafa gura arinta loo xil saaray.

     

    Waxaa jiray warar maalmahaan soo baxay oo sheegay in xiriir hoose uu dhex maray culimada gobolka Puntland iyo M/weyne Cadde Muuse Boqor, waxaana taasi hakisay baa la leeyahay dagaal xoogan oo ka dhici lahaa gobolada dhexe.

     

    Max’ud max’ed Jaamac (Amooroos)

    Waayaha.net,Gaalkacayo,Soomaaliya


  10. Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabara kaatuhu

     

    KU: Mamul Goboleedka Puntland

    Ku: Isimada Puntland

    Ku: Cuqaasha , Aqoonyahanada , Culumaa u diinka

    Ku: Shacabwaynaha rer Puntland

     

    Ka: Jaaliyada rer Puntland ee Norway

     

    Anaga oo ah jaliyada reer Puntland ee ku nool Wadanka Norway Waxaan Gaarsinaynaa umada soomaaliyeed meelkastoo ay kunool yihin iyo Gaar ahaan umada reer Puntland in maqaalka dhawaan lagu soo daabacay SomaliTalk oo ahaa in Jaaliyada rer Puntland ay taageeren nimanka diinta ku qaraabanaya ee...., ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn oo ay iska so qorteen dad isku magcabay in ay kamid yihin jaliyada rer Puntland ee norway. Shaqsiyaadka warqadaas ku xusan waxan kula talin lahayn inay wax yaalahaas ka waantoobaan. Shaqsiyaad kaas ma matalaan jaaliyada rer Puntland ee Norway kumana hadli karaan magaca jaaliyada rer Puntland ee Norway.

     

    Anagoo ah jaaliyad midaysan oo isku mabda ah waxaanu taageersan nahay in jiritaanka Puntland uu yahay mid muqadas ah , oo aysan afduubi karin shqsiyaad dana gaara leh.

    Waxan kula talinaynaa shacabwaynaha rer Puntland inay xagsadan midnimadooda iyo nabada ay haystaan.

    Iskana ilaaliyaan wax kasta oo abuuri kara qalelaaso iyo bur bur.

     

    Waxaa jira shilal badan oo loo maleegayo in lagu bur buriyo nabadgaliyada iyo xasiloonida Puntland iyadoo la adeegsanayo dad aan xilkas ahayn iyo dad ku qaraabanaya diinteena suuban.

     

    Waxan kula talinaynaa qolyaha maxkamadaha sheeganaya inay ka waantoobaan colaada ay ka dhex hurinayaan dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed, aysana noqon na kuwa sabab u noqda inay sonoqoto colaadii iyo dagaaladii sokeeye oo ay hada somalidu ka soo kabanayso.

     

    magacdaya jaaliyada waa kuwan hoos ku xusan

     

     

    1) Roble Maxamed Xaashi ( Jaamici )

    2) Mahdi Xussen Farax

    3) cabdulahi Cisaman Jamac ( Xarfo )

    4)Siciid Maxamed maxamud ( Sayid )

    5)C/risaq Xidig Xannan ( Dashka )

    6)C/qadir Maxamed Jamac ( Ciiro )

    7)C/risaq Cisman Jamac

    8)Sicid Xayle

    9)Sahal Cali Kawir ( Isha)

    10)Jamac Abshir Dhuudo

    11)maxamud maxamed Jamac ( Sayruuq )

    12)Sicid Geele ( xiiray )

    13)Siciid jamac Guray ( Gosol )

    14)Xuseen Maxamed Maxamuud ( Isdabool)

    15)C/hodon maxamed C/dulle ( finger)

    16)Inj.Cisman cali geedi

    17)Maxamed Cabdi Cali ( liqaaye)

    18)C/qaadir yusuf cali ( tima dheere )

    19)Faarax Cali Gooma-dheere

    20)Siciid Farax Xidood

    21)Dr. Jamac warsame Aadan

    22)prof. Ismail Aadn ( gees-diir)

     

     

    hadad u baahatan faah faahin dheeraad ah nagala soo xiriira ciwaanka kor ku xusan oo ah

     

     

    Roble maxamed Xaashi

    email: mars_3@hotmail.com

    ama tlf : +4721396223


  11. JAALIYADA PUNTLAND EE DENMARK BAYAAN IYO WARGELIN MUHIIM AH OO KASOO BAXAY JAALIYADA PUNTLAND EE DENMARK

    Posted to the MOL November 17, 2006, 7:06 am

     

     

    Denmark: "magaca Diinta Islaamka halaga daayo daneeysiga, si ayan culimada iyo dadka wanaagsan u karaamo beelin.

     

    JAALIYADA PUNTLAND EE DENMARK BAYAAN IYO WARGELIN MUHIIM AH OO KASOO BAXAY JAALIYADA PUNTLAND EE DENMARK

    KU:- MADAX WEYNAHA DGPL

    OG:- GOLAHA XUKUMADDA

    OG:- GOLAHA BARLAMANKA

    OG:- CULUMO UDIINKA

    OG:- SHACAB WEYNAHA PUNTLAND

    OG;- DADWEYNAHA SOMALIYEED EE NABAD JECEL

     

    Assalaamu Caleeykum Wraxmatullah

     

    Anaga oo ah Jaaliyada Somaliyeed ee ku nool wadanka Denmark, waxanu soo gudbineynaa digniin iyo talo bixin ku beegan xaalada haatan ka taagan gobolada dhexe iyo guud ahaan wadanka Somaliya.

     

    Guud ahaan Somalia | Waxaanu leenahay wadahadal iyo degenaan ayaa uu horumarku ku jiraa ee hala ilaaliyo, waxaanu dadweynaha Somaliyeed uga digeeynaa is marin habaabinta iyo dacaayadaha raqiiska ah ee la isku dagaal gelinayo, laguna doonayo in dhiig dad masaakiin ah oo aanan waxba galabsan lagu daadsho.

     

    In magaca Diinta Islaamka ah daneeysiga laga daayo, si ayan u dhicin in ay culimada iyo dadka wanaagsan ay karaamo beelaan, dareenka saxa ahna uusan ku milmin mid daneeysi iyo ku gabaad diineed noqda.

     

    In dadweynaha Somaliyeed karaamadooda iyo sharafkooda la ilaaliyo, cid

    kastaa oo danta guud iyo wadajirka ilaalineeysana aana laga garab sameeyn dadqaas ah oo dan gaar ah u adeega, isku dhaca iyo fidnadana ka shaqeeya.

     

    In dadku waa wada Islaam’e in qolo gar ah ayan dadka ku qaldin wax aanan suura gal aheyn in la isku qaldo oo magac diin ah.

     

    Waxaanu ka digeeynaa weerarad iyo duulaamada qaawan ee lagu wado gobolada Nabada ah sida Puntland iwm.

     

    Gaar ahaan ;-

    In reer puntland ilaaliyaan jiritaanka PL, maamulkuna saxo wixii baahi ah oo jirta.

     

    In la adkeeyo Difaaca iyo wada jirka Puntland.

     

    In wixii jiritaanka PL khal khal galinaya meel looga soo wada jeensado.

     

    In PL Umadda soomaaliyeed nabad ugu Baaqdo.

     

    In PL dhamaan Ummadda Soomaaliyeed Nabad kula nolaato

     

    In PL iyo Shacabkeedu IxtiramanWadamada soomaaliya dariska la ah.

     

    In PL iyo Shacabkeeduba Tageeraan DFKM ah.

     

    In Shacabweynaha PL Gudaha iyo Dibaduba ay malgaliyaan Gobalada PL.

     

    Waxaa bayaankan diyaarshay dadweynaha ee jaaliyada Puntland ee Wadanka Denmark oo aad magacyadooda halkan ka akhrisan kartaan:

     

     

    - Abdi Cilmi Ciid Shiil

    - Siciid Abdille Ali Ilweyn

    – Ahmed Warsame Geel

    – Aaden Faarah Hassan

    – Liibaan Farah Hayir

    – Dr Yusuf Maxamed Yusuf-dhuux

    – Abdi Yusuf Dhaanjoor

    – Abdulkadir Khaliif Xirsi - Biini

    – Yaxye Maxamed Farax –Dhaladheere

    – Osman Yusuf Maneeno

    – Abdirahman Aswad

    – Abdirasak Omar Hassan-Awfaarax

    – Hussein Mahammed Farah – Dhaladheere

    - Ahmed –dahir Mahammed Hirsi

    – Ugaas Ahmed Mahamuud Indhayare

    – Suldaan Haaji Hussein Ramadaan

    – Ali Meecaad Faarah

    – Abdullahi Gulled Ali-Food

    – Abdinasir Omar Cilmi- Abanaa

    – Siciid Bardacad

    – Siciid Aaden Shukri

    – Abdirahman Aden Shukri

    – Abdiqafaar Aaden Shukri

    – Saleebaan Maxamed Yusuf

    – Abdirashiid Sheikh Mahamoud

    – Maxamed Yusuf Ciise – Shoodhe

    – Abdulmalik Mahamud Farah-gaas

    – Yaasiin Jaamac Bicir

    – Maxamed Bashiir Ahmed

    – Mahad Abuukar

    – Abdiwahaab Tahliil

    – Bashiir Ahmed Ali – Ilweyn

    – Abdulqadir Ali Muse Tall-man

    – Abdinasir Abdullahi Seeraar

    – Abdirahman Suryare Xassan – Nacweyne

    – Abdixaliim Maxamed Ali-Ilweyn

    – Farhaan abdullahi Ducaale

    – Saalax Jaamac Jinoole

    – Abdale Maxamed Jaamac

    – Siciid Ahmed Nuur Shabeel

    – Abdirashiid Mire

    – Abdullahi Mahammed Farah

    – Maxamed Yusuf Tumeey

    – Abdulmalik Hussein Afweyne

    – Abdullahi Axmed deeq

    – Maxamed Hussein Afweyne

    – Axmed Abdi Aaden – Naacle

    – Ahmed Abdi Farah – Cambaar

    – Abdi shire Abdille Erig

    – Awil Abdi Farah

    – Abdirahman Matoote

    – Saleebaan Abdulle Isburaash

    – Maxamed a. Dambalaas

    – Dr Abdullahi Ali Xaashi

    – Faarax Xassan Soomajeeste

    – Ahmed Abdi Abshir

    – Maxamuud Axmed Ali – Ilweyn

    – Ahmed Warsame Kubyare – Aasbaro

    – Saadiq Salaad Caagane

    – Saleeban Salaad Caagane

    – Abdulmalik Mahamed Hirsi

    - Abdul Abdullahi Abdulle – Gu’jir

    – Bashiir Ahmed Abdulle - Ina garweyne

    – Feysal Siciid Abdille

    – Abdinuur Jaamac Dheere

    – Ducaale Digaale

    – Sahal Rashiid Sheikh Sahal

    – Yusuf Ahmed Oor

    – Muhyidiin Abdi Kawis

    – Bootaan Barre

    – Ahmed M. Ciise Dhakal

    – Khaliif Ali Barre

    – Maxamuud Muuse Xassan-weli

    – Abdullahi M. Maxamuud shiino

    – Abshir Hassan Sheikhdon

    – Siciid Yasiin Nuur

    – Siciid Maxamed Xirsi

    – Siciid Ahmed Deeq

    – Abdirashiid Mahamuud Cagaweyne

    – Yuusuf Abdi Maneeno

    – Abdimalik Mahamed Hirsi

    – Saleebaan Mahamed Hirsi

    – Saalax Jaamac Jibriil

    – Abdirisaq Yusuf Ali Xoosh

    – Maxamed Xuseen Daniye

    – Mahamuud Abdi Farah

    – Abdirashiid Cisman Dirie

    – Bile Yusuf Dhagool

    – Abdullahi Ali Shaadhi

    – Abdirashiid Khaliif Ali Barre

    – Maxamed Khaliif Ali Barre

    – Abdirisaq Khaliif Ali Barre

    – Yusuf Abdi Gureey

    – Mahamoud Khaliif Farah

    – Abdirashiid Aden Burburshe

    – Abdiqani Ahmed Nuur Sheikh

    – Mahamuud Abdulqadir Sheikh Hussein

    – Mahad Ali Qodweyne

    – Abdi Asiis Aden Bidaar

    – Ibrahim Abdi Mahamaed

    – Abdisalam Mahammed Cade

    – Yusuf Abdi Hurdaaye

    – Abdirahman Alanle

    – Baashe Mahamed Cismaan

    – Ahmed Mahamed Abdi ahmed-cade

    – Ahmed Kaarshe

    – Ali Ismail Shabac

    – Mahammed ise Ahmed

    – Abdi Jaamac Guhaad Abdi galti

    – Heybe Abdi Jaamac

    – Mahammed Hussein Deeble

    – Saadiq Abdi Jaamac

    – Maxammed Abdi Ali Dhacarbe

    – Jaamac Xassan Ganeey

    – MahaMED M. Wardi

    – Jaamac Abdi Jaamac Booxaaro

    – Mahamuud Abdi Ali Cadaawe

    – Nuur Xassan Ali

    – Sharmaake Abdirahman Mahamoud ina Quburi

    – Saleebaan Nuur Ali

    – Warsame Mahamuud Hassan

    – Ismaiil Cismaan

    – Abdulle Abdi Jaamac

    – Mahammed Xassan Nuur

    – Mahammed Barre Khalaf

    – Abdulkadir Nuur Ali

    – Adaen Liibaan Mahamuud

    – Abdiweli Mahamuud Sheikh Abdullahi

    – Ali Nuur Ali-elaay

    – Sakariye Jaamac Abshir

    – Maxamuud Xassan Ali

    – Liibaan Sardheeye

    – Aaden Farah Axmed

    – Ibrahim Mire Aden

     

     

    Fiiro Gaar ah | Waxaanu idinla socodsiineyna in ay dalkan nala joogaan dhowr qof oo u banbaxay ama ku howlan in ay ka shaqeeyaan iska horkeenka dadka walaalaha ah ee kuwada nool Gobolada Puntland, iyo sidii loo dumin lahaa dowlad goboleedka Puntland. Dadkaa magacyadooda iyo tilmaamahooda oo

    tifaftiran dib ayaanu idiinkaga soo sheegi doonaa.

     

    Jaaliyada Puntland ee Denmark


  12. Bambo, whats in Badiradlay? The aim was to secure Mudug and Galkacyu from the clan courts.

    It is on the agressor to fullfill his aims and the defender to take their responsabilities, Puntland has..

     

    On the issue, why is IndaCade and Cirfo above the law of the clan courts?

     

    Why is it difficult to ban the Qad industry in Afgoyee, while it was easy for the one in Mogadishu to be banned?

     

    Give us a break the people need to see justice, dont bully the poor merchants in Xamar while ignoring the real evil of your sub-clan warlords.

     

    Justice to the people of lower Shabbele should be a prerequisite to anyone taking the clan courts seriously.


  13. Ku:Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed 17/11/06

    Ku: Madaxwaynaha Puntland.

    Ku: Waaxyaha kala duwan ee dawladda iyo ciidanka

    Og: Shacabka Puntland

     

    Ujeeddo: Baaq kasoo baxay beesha.[set up Badbado] Salaadiinta, wax garadka , ganacsatada , iyo qaybaha ay ka kooban yihiin beesha .[set up Badbado] markii ay arkeen xaaladda dalku kusugan yahay, markii ay yeesheen kulamo dheer oo looga xaajoonayo danaha dalka , dadka iyo diinta , markii ay dhinacyo badan wax ka eegeen waxay soo saareen baaq ka kooban lix qodob.

    Baaqan waxaa soo saaray wax garad iyo odayaal gaaraya 70 , waxaana qodobadda go'aanka lagu gaaray kamid ah

     

     

    1. Waxaan kalsoonida kala laabannay guddigii 9ka ahaa ee . that [set up Badbado].

    2. Waxaan Taageeradii kala laabannay Maxkamadaha Xamar.

     

    3. Waxan ka codsanaynaynaa Maxkamdaha Islaamiga Inay noo soo celiyaan ciidankii iyo hubkii xaggooda naga soo galay.

    4. Waxaan ka codsanaynaa maamulka Puntland iyo shacabka Puntland inay ka hortagaan dhaqan xumada ka bilaabmatay gobollada Puntland oo ciidamo looga qaadayo looguna gaynayo Xasan Daahir Uways.

     

    5. Waa inay Beesha .[set up Badbado] isugu yimaadaan shir deg deg ah , si ay uga tashadaan dhibaatooyinka ka dhacay

     

    6. Waxaan bilaabaynaa inaan soo gudbinno dadkii falalka ka danbeeyay , waxaanna usoo gudbinaynaa hay'adaha dawladda , waxaana rabnaa in tallaabo laga qaado.

     

    Wax garadka baaqan soo saaray waxay kala yihiin:-

     

    1. Suldaan Cabdulle Warsame Awdoon.

    2. C/laahi Faarax Bayle

    3. C/salaan Faarax Hoolif

    4. Nabaddoon Cabdi Xasan Aadan.

    5. Nabaddoon Cabdi Ciid Geeddi.

    6.Nabaddoon Cali Ciid Geeddi

    7.Nabaddoon Faarax Guuleed Jaamac .

    8.Cali Warsame Cali (Gaashan).

    9. Faarax Cumar Cismaan.

    10.Khaliif Diriye Cismaan.

    11.Xusen Cabdi Ciise.

    12. N.Ciise Nuur Godane.

    13.N. Maxamed Daahir Cumar.

    14.FAray Muuse Yuusuf.

    15.C/raxmaan Xirsi Faarax.

    16.Tahliil Faarax Cali

    17. Maxamed Tahliil Faarax.

    18.Maxamed Maxamuud Axmed.

    19.Siciid Daad Cali .

    20. Faarax Dad Cali .

    21. Sh. Axmed Cabdi Dheere.

    22.Sh.Mursal Shire Maxamed.

    23.Sh. C/rashid Shire Maxamed.

    24.G. Bashiir Maxamed Mire.

    25.C/xaashi Cali Waabari.

    26.Max'ed Axmed Geedi

    27.C/shakur Ciise Jaamac

    28.Max'ed Xasan Jaamac

    29. Ibaraahim Xaaji Cali

    30.Faarax Max'ed Cali

    31.C/nur Guuleed Jaamac

    32.C/siciid Faarax Bayle

    33.C/raxman Faarax Bayle

    34.Max'ud Cali Aadan

    35.Max'ed Ayrobe Cali

    36.Max'ed Ow-axmed Guuleed

    37.Aadan Siciid Aadan

    38.Max'ed Aadan Siciid

    39.Max'ed Aadan Geele

    40.Afar-indhood Faarax Yare

    41.Siciid Bayle Max'ed

    42.Aadan Bayle Max'ed

    43.Abshir Carabey Gaashaan

    44.Sh.Bashiir Ciiraale Gaashaan

    45.Abshir Xaashi Bootaan

    46.Xirsi cali Barre

    47.cabdi Xasan Warsame

    48.C/rashiid Diiriye cali

    49.C/lahi Bulxan Warsame

    50.Max'ed C/lahi Warsame

    51.Xasan Yaasiin Cilmi

    52.C/waaxid S.Cabdale Warsame

     

     

    53.C/kariin Cumar Juxul

     

     

    54.Dayib Awbaale

     

     

    55.Col.Max'ed Ciise Qulaan

    56.G/dhexe.koronto Ciise Qulaan

    57.Gafaaje Ciise Qulaan

    58.C/naasir Axmed Warsame

    59.Jaamac Faarax Dhagalaab

    60.Cabdi Aadan Geele

    61.C/qani Cumar Aadan

    62.Yaasiin C/laahi Ciise

    63.C/daahir Sabriye Ciise

    64.Jaamac C/nuur Shirwac

    65.Dr.Nuurdiin Cabdi Aw-Cilmi

    66.Buraale Cabdi Shirwac

    67.Cawil Cabdi Ciise

    68.Xabiib Cali Seed

    69.C/xamiid Warsame Muuse

    70.Sr.Bashiir Faarax Bile

    71.Haaraa Bulxan Warsame

    72.Farxaan Faarax Cumar

     

     

    Afhayeen Beesha .[set up Badbado]C/laahi Faarax Bayle Tell:446356 ama 759145

     

     

    Idamaale News


  14. Bandiiradleey : Dagaal maanta mar kale ka dhacay deegaanka Bandiiradleey.

     

    Sabti, November 18, 2006

    Bandiiradleey (AllPuntland)- Deegaanka Bandiiradleey ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal ay isaga hor yimaadeen ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa K/Mudug oo iskaashanaya iyo ciidamada maxkamadaha magalada Muqdisho.

     

    Sida uu inoo sheegay ku simaha taliyaha aaga hore ee difaaca ciidamada Puntland C/salaan Sanyare, ciidamada maxkmadaha oo wata gawaarida gaashaaman ayaa weerar waxa ay ku soo qaadeen fariisinka ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug.

     

    Dagaalkaasi oo socday muddo 15 daqiiqo ah ayaan la sheegin wax khasaare ah oo uu illaa iyo hadda gaystay, iyada oo xaaladda aaggu ay ku soo noqotay qaabkeedii hore.

     

    C/salaan ayaa waxa kale oo intaasi ku daray in ciidamda maxkmadaha ee soo weeraray ay iska caabiyeen kuna celiyeen goobtoodii hore oo ahayd K/Bandiiradleey.

     

    Labada ciidan ayaa waxa ay isku jiraan in ka yar 2 Km iyada oo mar walibaa uu dagaal ka dhex dhici karo.

     

    Waxa uu weerarkani ku soo aadayaa iyada oo dhowaan ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan ciidamda maxkmadaha ay galeen deegaanka Caabudwaaq iyaga oo ka gadooday maxkamadaha ka gadaal markii ay maxkmaduhu hor istaageen imaatinka qaadka ee deegaanada ay ka arrimiyaan.

     

    Mahad Jama Koronto

    AllPuntland.com

     

     

     

     

     

     

     

    Related Articles