Abdirashid fardale Ahmed

Nomads
  • Content Count

    1
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Abdirashid fardale Ahmed


  1. On 1/28/2007 at 6:26 PM, Laba-X said:

    Someone in this forum (A female) said to me that Somali gabays are disrespectful towards women in general and depict them in an inferior way and i argued that they don't - in fact they alleviate them in ways more than one. So she has asked me to show her some poems that praise women and i am here posting a few poems that Abwaans have recited to eulogize The Somali woman...

     

    Some of the more notable members in Gabayo can help us here and add some more Gabays. But I'll start wth a few that i have read...

     

    1 - Hablaha Geeska Afrika - Hadraawi

     

    Ma geyoon ma gamashiyin

    Ma gommodin ma gaagixin

    Ma gabloobin maan gudhin

    Mana gabin hankaygii

    Gabaygiina maan deyn

    Geeraarradaydii

    Imminkaan gardaadshoo

    Weli maan gunaanadin

     

    Murti nimaam gunteediyo

    Baran gogol-dhiggeedoo

    Gonda degi aqoonoo

    Garab-daar lahayn baa

    Gawl-gawla hadalkoo

    Kolba dhinac garoocdee

    Sida Webi Ganaanoo

    Cirka godollo maaloo

    Biyihii ku gaaxdiyo

    Gebiyadii ku soo degey

    Ku darsaday gufaaciyo

    Guullaama diriroo

    Geli jabay habeenkii

    Kolba gacan ma soo rogay

    Qudhaciyo galoolkii

    Gunta xididka maw jaray

    Dhulka wada galaal iyo

    Gabbalaha ma kaga tegey

     

    Afartaa geddaydii

    Dhaha laygu garan jirey

     

    Gurmashada dagaalkiyo

    Gulufkiyo colaadaha

    Goobaha naf waagiyo

    Halka laysku gawraco

    Marka gorodda lays daro

    Haddaan dumarku goonyaha

    Guubaabo kicinayn

    Sida galowga dhiilloon

    Illayn geesi qayrkii

    Birta kuma gumaadeen!

     

    Gu´ hagaagay oo da´ay

    Dhulka geedo jiifaan

    Gurya-samo barwaaqa ah

    Haddii geeddi lagu furo

    Dhallinyaro is gurataa

    Gurdan raaca fiidkii

    Gole weyn ku kulantoo

    Cagta garan-garteediyo

    Isu geysa jiibkoo

    Googooska luuqdiyo

    Gedda sacabka loo jaro

    Hablahaa u gaaroo

    Garashada codkoodaa

    Qof gaboobey kicisoo

    Gelbiskiyo mashxaraddaa

    Gama´kaa ilaashee

    Haddaan gabadhi boodeyn

    Illayn gegi ciyaareed

    Wax ma dhaanto geriyaad

     

    Haddaan guudka laga jirin

    Gudihiisa xaabkiyo

    Cayayaanka laga gurin

    Marwo dumar garka u xidhan

    Illayn guri dugsoon ma leh

     

    Gaadaha habeenkii

    Kelidaa galgalashiyo

    Ged-geddoonka dhalisoo

    Adigiyo go´aagaa

    Hadba dhinac u guuroo

    Barkintaad gabbood iyo

    Gaashaan ka dhigataa

    Haddaan guud haldhaaley

    Kolba gacan la saareyn

    Illayn gogoshu wehel ma leh

     

    Kuma galo adduunyada

    Ninna goonni-socodkoo

    Marwo garasho dheer baa

    Ninka raga u gudinoo

    Iyadaa guddoonkiyo

    Gadh-hayaa naftaadiyo

    Gaadiidka reerkiyo

    Gurgurshaaga noqotoo

    Arrin kula gorfaysee

    Haddaan gaari kula jirin

    Illayn noloshu guul ma leh

     

    Gocashada xanuunka leh

    Waxaan uga gol leeyahay

     

    Go'i waa barbaareey

    Gobi waxay ku dhaqantaa

    Garab waxay ka dhigataa

    Gallad waxay ku dheeftaa

    Samo waxay ku gaadhaa

    Golollada haweenkee

    Hiddaheena gaarka ah

    Hablihii gabowgiyo

    Geerida ku sugi jiray

    Hablihii garayskiyo

    Xidhan jirey guntiinada

     

    Hablihii gu' iyo dayr

    Sida baarqab golongolay

    Dhexda xadhig ku goyn jirey

    Hablihii garaaraha

    Gaatan-socodka laafyaha

    Sida gorayga ciideed

    Gelbin jirey tallaabada

    Hablihii gun iyo baar

    Isha gacalo-eegtaa

    Gama' aanay ledi jirin

     

    Hablii talada guunkiyo

    Gunti jirey xishoodkee

    Hadalkoodu gaabnaa

    Hablihii gef hooyiyo

    Qarsan jirey guhaaddee

    Hadday godollo soomaan

    Ama gaajo liitaan

    Cidi aanay garan jirin

     

    Hablihii gammaan faras

    Iyo geela ugubka ah

    Guur doon ka bixin jirey

    Hablihii Gargaariyo

    Guuleed ku curan jirey

    Goldaloolo iyo ceeb

    Hablihii ka guban jirey

     

    Hablahaan gankoodiyo

    Hilbahooda gadi jirin

    Haddii aad gujeysaan

    Guul guul ku laysaan

    Godol qudha ku mooddaan

    Gabbalkooda dumisaan

    Hadba tooda goosha ah

    Ganacdeeda jabisaan

    Dadku gabanna xooriyo

    Garracyaley yidhaahdaan

    Inagoo gumowniyo

    Dhaqan guurey weeyee

     

    Gocashada xanuunka leh

    Waxaan uga gol leeyahay

    Godob aabbe falay baa

    Ubadkiisa gocondhiyo

    Gumar shidan ku noqotoo

    Gebi dheer ku dumisee

    Ninka inan ma geyda ah

    Golqaniin ku maalee

    Gurrac kaga danaystow

    Waxaad gaaxsanaysiyo

    Gashigaad cunaysiyo

    Xumahaad geleysaa

    Ruuxay ka go’an tahay

    Gabadhaada weeyee

    Gefka aad falaysiyo

    Waxaad geysanaysaad

    Galab kale ka sheekeyn.

     

    Gebagebada sheekada

    Bal aan soo gunaanado

    Guddoonsiiyo jiiftada

    Gabigeed adduunyada

    Gobol-gobol u qaadoo

    Hablo weerar geli kara

    Hablo geela dhicin kara

    Hablo geesi dili kara

    Gobonimana hanan kara

    Hablo talada goyn kara

    Garta madal ka niqi kara

    Garashana iskaga mida

    Quruxdana ka wada gob ah

    Geesteena mooyee

    Gayi kale ma joogaan

     

     

    2 - Amaan Dumar - Maxamad Nuur fadal

     

    Xasanow dhawaaq gabay haddaad iga dhaguugayso

    hadduu guur qalbiga kaaga dhaco dheelin baad tahaye

    dhadhan ma laha naagaa middii dhoocil noqotaaye

     

    dhulka jiifto lama guursadiyo dhererka qaarkiise

    hadday dhuubo weyd tahayna waa raaxo kaa dhimane

    meesha iyo dhalaanimo middaan anigu dhowraayay

     

    dhildhilada gacmihiyo shanshada dhumucda loo yelay

    dhexda madaga dhaayaha indhaa dhaban wanaageda

    dhudda qoorta iyo faayahay dhudi la soo jeedo

     

    dhubbad qaadka timahaad haldhaa dhalinki moodayso

    cirrid dhuxla iyo suuniyaa dhibic dawaadeeda

    dhumbal-mada cad dhoolaa ilkuu dhayag noo dile'e

     

    saddex dhudalay dhaclaa iyo dawali dhixir wanageda

    sindi dheehan Qoolow sidii lagu dhex taalleeyay

    waqfiyada gacmaa lagu dhuftee saayaq lagu dhaabay

     

    dammideedba maantay deerays dheeg iskaga yeesho

    ee ay dhabeelnimiyo qurux dhuuxa ka iftiinto

    dhugta lugha iyo faayahay dhebel u sii dayso

     

    kolkay socodka dhiif uma waddee dhebi sidii liicdo

    dhega inan rag kay dhinac martaa dheelmatiin galabe

    dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaade

     

    inta dahabka lacag dheertahay dumarka dhaantaaye

    dhadhab igula looshiyo hurdada dhool anoo ladaye

    dhuuxaga iyo feedhay dhudi ku laaqnayde

     

    sidii malagga ruuxayga dhigay laygu kaa dherere

    inkastay dhallaan yeelatiyo ubad dhawaaqaaya

    dhimashada ha joogtee si kale waw dhur sugayaa

    dhufsataye qalbiga maanigaa dhudi ka reebaaya

     

    3 - Shukri - C/llahi C Qamaan

     

    Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo

    Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye

    Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye

    Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin

    Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado

    Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda

    Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin

     

    Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona

    Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto

    Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo

    Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin

    Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa

    Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga

    Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin

    Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye

     

    Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay

    Rabbi kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh

    Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi

     

    Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye

    Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye

    Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe

     

    Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e

    Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori

    Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e

     

    Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e

    Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso

    Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e

    Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo

    Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona

    Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho

     

     

    ...More to come + you can add

    Shire Ahmed faarax(wididhid) waxaa walalo ahaayeen Xaaji Hassan Ahmed iyo fardaale Axmed iyo ragg kale badan. 


    Sadex wayga gabyaaga,
    Sadexna waa iga geela,
    Sadexna wayga gabdhaa,
    Sadexna wayga gargeerta
    Geedka loo dirayo.

    Sadexna wayga gargeerta,
    Geedka loo dirayee,
    Aakhiray ku gubtaa,
    Ifkana guuldarro weeye,
    Reerkaagay gembidaa,
    Gar eexayska ogaada.

    Sadexna wayga gabdhaaye,
    Haddaa guur damacdaan,
    Goosataan taladiina,
    Gaadhoo laysma yidhaahdo,
    Waxuunbaa la gartaa,
    Gunbaa ciil iyo way,
    Guhaad loogu go’aaye,
    Gobtuun baa la xigaa.

    Sadexna wayga gabyaaga,
    Golahaa I maqlaayee,
    Gaafka caawa la keenay
    Maadhiinkii gurxamaayey
    Galaas bayna dhex yaale,
    Waa ninkay u go’daaye,
    Golaha caawa ka qaata!

    .......................
    Waa geeraar kale oo xarafka "t-da" ku socda oo uu geela ku tilmaamayo.

    Haddaan dayrta tifteeda
    Taraarey la xergeyn,
    Intii ay taxnaydee,
    Aanay Hawd u tallaabin,
    Haddaan awrku ku taahin,

    Boga oo tollomoobey,
    Tuke guudki la moodin,
    Talfiiqaa miciyaa iyo,
    Bishnahaysku tumaynoo,
    Hadba gees u tuxlayn,
    Haddaan geedka tamuuxan,
    Nirgaa loogu taxayn
    Ma tabaala baxda ?

    Waxaa ku deeqay: Jama abdi muuse

    ______________________________