Shire Ahmed faarax(wididhid) waxaa walalo ahaayeen Xaaji Hassan Ahmed iyo fardaale Axmed iyo ragg kale badan. 
 
	 
	Sadex wayga gabyaaga, 
	Sadexna waa iga geela, 
	Sadexna wayga gabdhaa, 
	Sadexna wayga gargeerta 
	Geedka loo dirayo. 
	 
	Sadexna wayga gargeerta, 
	Geedka loo dirayee, 
	Aakhiray ku gubtaa, 
	Ifkana guuldarro weeye, 
	Reerkaagay gembidaa, 
	Gar eexayska ogaada. 
	 
	Sadexna wayga gabdhaaye, 
	Haddaa guur damacdaan, 
	Goosataan taladiina, 
	Gaadhoo laysma yidhaahdo, 
	Waxuunbaa la gartaa, 
	Gunbaa ciil iyo way, 
	Guhaad loogu go’aaye, 
	Gobtuun baa la xigaa. 
	 
	Sadexna wayga gabyaaga, 
	Golahaa I maqlaayee, 
	Gaafka caawa la keenay 
	Maadhiinkii gurxamaayey 
	Galaas bayna dhex yaale, 
	Waa ninkay u go’daaye, 
	Golaha caawa ka qaata! 
	 
	....................... 
	Waa geeraar kale oo xarafka "t-da" ku socda oo uu geela ku tilmaamayo. 
	 
	Haddaan dayrta tifteeda 
	Taraarey la xergeyn, 
	Intii ay taxnaydee, 
	Aanay Hawd u tallaabin, 
	Haddaan awrku ku taahin, 
	 
	Boga oo tollomoobey, 
	Tuke guudki la moodin, 
	Talfiiqaa miciyaa iyo, 
	Bishnahaysku tumaynoo, 
	Hadba gees u tuxlayn, 
	Haddaan geedka tamuuxan, 
	Nirgaa loogu taxayn 
	Ma tabaala baxda ?
 
	Waxaa ku deeqay: Jama abdi muuse
 
	______________________________