loc

Nomads
  • Content Count

    0
  • Joined

  • Last visited

Single Status Update

See all updates by loc

  1. Soomaliyeey Toosoo

    Toosoo isku tiirsada eey

    Hadba kiina taag daraneey

    Taageera weligiineey.

    Chorus

    Sharcigay isku kiin tolayoo

    Luuqadaa tu waaxid ahoo

    Arligiina taaka ahoo

    Kuma kala tegeysaanee

    Tiro adhi ah oo dhaxalaa

    Sideed laydiin soo tubayoo

    Ninba toban la meel marayoo

    Cadowgiin idiin talin oo

    Tulud geel ah oo dhacan baad

    Toogasho u badheedhanee

    Ma dhulkeeni oo tegey baan

    cidi dhagax u tuurayneey

    Qaran aan hubkuu tumayo

    Tooreyda dhaafayn oo

    Oo aan taar samayn karin

    Uur kutaallo weynaa

    Hadba waxaan laa ooyaayoo

    ilmadu iiga qubaneysaa

    Ikhtiyaar nin loo diidoo

    La addoon sadaan ahayee

    image.png.f02ef6af6e0920cd1c5af9e0e2c021f1.png