All Activity
This stream auto-updates
- Yesterday
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Jimce ah dib ugu laabto caasimadda Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni oo dhawaanahan safar ku joogay magaalada Addis Ababa ayaa sida wararku sheegayaan halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ka wada-hadleen qodoba ay ku jiraan iskaashiga dhinaca Ammaanka iyo La-dagaallanka Argagixisada. Markii uu Garoowe dib ugu laabto waxaa la filayaa in uu xarigga ka jaro buundo weyn oo dowladdu ka hirgelisay caasimadda, halka sidoo kale uu furi doono Kal-fadhiga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, isagoo ka jeedin doona khudbaddiisa dastuuriga ah, taasi oo sida caadada ah uu kaga hadlo waxqabadkii xukuumadda ee intii u dhexaysa labada Kal-fadhi iyo arrimaha markaasi taagan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Roob Miraale ah oo xalay saq barkii curtay ayaa maaruqay inta badan dooxooyinka Nugaaleed ee dhaca Gobollada Sool iyo Nugaal, halkaasi oo uu saacado badan ku da’ayay Roobkaasi. Roobkan mahiigaanka ah ayaa mowjado daad ah ku harqiyay dooxooyinka Nugaasha, waxaana meelaha uu sida weyn u maasheeyay ku jirta magaalada Garoowe iyo dhammaan dooxooyinka ku xeeran. Isagoo mayay arooryaad ah ayuu sidoo kale saaka ka bariisaynaya hawdka Garoowe ka xiga dhinaca degmada Buurtinle, halkaasi Roobka xooggiisu u dhacay gelinkii danbe ee xalay ilaa waaberkii hore. PUNTLAND POST The post Roob Miraale ah oo xalay maarugay dooxooyinka Nugaaleed appeared first on Puntland Post.
-
Israa’iil ayaa xalay Iran ku qaaday weerar militari oo weyn, kaasi oo ay ku bartilmaameedsatay xarumo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin warshado Nukliyeerka iyo dhismayaal ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay bartilmaameedyada Nukliyeerka Iran si ay uga horjoogsato Tehran in ay sameysato hubka nukliyeerka, iyada oo intaa ku dartay in taliyeyaasha Iran iyo warshadaha gantaallada la duqeeyey. Warbaahinta Iran iyo goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen guud ahaan caasimadda Iran iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen saraakiil sare iyo khubarada Nukliyeerka. Sidoo kale, Israa’iil , waxay beegsatay saldhigga gantaallada Kermanshah oo ku yaalla xadka Ciraaq, iyadoo saldhigan uu yahay halka ugu muhiimsan ee Iran ay ka soo qaadi lahayd jawaabta weerarrada ay kala kulantay Israa’iil oo noqonaya , duullaankii u sarreeyay oo khasaare burbur iyo faseexad ah gaarsiiyay Iran. Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale burbur xoog leh gaarsiiyay saldhigga buuraha Zagros, oo la aaminsanyahay in ay yaallaan tirada ugu badan ee gantaalada ballistic-ga ee Iran. Weerarka Israa’iil, kaliya kuma dhisneyn mid khasaare dhaliya oo looga hortaggo nukliyeerka Iran ee sidoo kale wuxuu ahaa weerar ay Israa’iil , xataa ku joojisay inay Iran si awood leh usoo weerarto Israa’ii! Waxaa looga tagay Iran dookh kaliya oo ah ‘dagaal toos’. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Israa’iil oo xalay duullaan khasaare ba’an dhaliyay ku qaaday Iraan appeared first on Puntland Post.
- Last week
-
Congressman Scott Perry Introduces "Republic of Somaliland Independence Act" Washington, June 12, 2025 | Congressman Scott Perry Congressman Scott Perry Introduces "Republic of Somaliland Independence Act" Washington, D.C. – Today, Congressman Scott Perry (PA-10) introduced the Republic of Somaliland Independence Act, legislation formally recognizing Somaliland as a separate, independent nation. The bill redirects U.S. foreign policy to align with a new, stable and self-governing partner in a region of increasing strategic importance to the United States. “For more than three decades, Somaliland demonstrated the kind of governance, stability, and cooperation that America should support,” said Congressman Perry. “Foreign adversaries are on the march in Africa and around the globe, and it’s in our national interest to strengthen relationships with reliable partners who share our values and contribute to our security – whenever and wherever possible.” Somaliland straddles key global shipping routes located along the Gulf of Aden near the Bab el-Mandeb Strait. Currently, the government and political system of Somaliland already operates independently of Mogadishu, the unstable, conflict-ridden and fractured capitol city of Somalia. Somalia’s meritless claims over Somaliland hinder the United States’ ability to forge deeper diplomatic ties with Somaliland, a responsible partner nation that maintains internal order, conducts democratic elections, and actively counters piracy and extremism. “Somaliland has established itself as a stable, democratic, and reliable partner in East Africa. As China expands its influence across the globe, strengthening our alliances with free nations like Somaliland is more important than ever," said Congressman Andy Ogles (TN-O5). "I support the people of Somaliland in their pursuit of independence and look forward to building a strong partnership with them as allies." “This is a smart, strategic bill, and I’m proud to be an original cosponsor of Congressman Perry’s effort to recognize Somaliland. They’ve governed themselves peacefully for decades, built strong ties with Taiwan, and refused to bow to the Chinese Communist Party. They’ve even offered the U.S. military access to a key port in the Gulf of Aden. That’s what a real partner looks like, and it’s time we treated them like one,” said Congressman Pat Harrigan (NC-10). “It is a simple fact that Somaliland is a sovereign and self-governing nation separate from Somalia, and U.S. policy should reflect that," said Congressman Tom Tiffany (WI-07). At a time of intensifying competition with China, Iran, and other hostile actors in the region and around the globe, the United States cannot afford to brush off allies. This bill ensures American leadership remains strong in East Africa, and sends a clear signal that the U.S. will stand with responsible partners who uphold stability and sovereignty.
-
Djibouti has turned down Ethiopia’s request to secure special access to the Port of Tadjourah, affirming its sovereign control of strategic infrastructure as competition for ports intensifies in the Horn of Africa region. According to President Ismaïl Omar Guelleh, Ethiopia sent a delegation requesting the creation of a corridor from its border to the port, along with rights to establish a naval base there. Guelleh clarified that while Djibouti had previously been open to discussions on economic cooperation and port access, Ethiopia’s request went far beyond what had ever been considered and was therefore outright rejected. “The Ethiopians sent us a delegation with a proposal that we could not accept: to establish a corridor with extraterritoriality between the Ethiopian border and Tadjourah and to set up a naval base for their navy. This was not what we had agreed upon. Therefore, this matter is now closed,” Ismaïl told Jean Afrique. Ethiopia, a landlocked country, has been actively looking for direct access to the sea. Last year, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed made statements suggesting Ethiopia needed such access, which raised concerns among neighbouring countries. However, Ismaïl said relations have calmed down since then, thanks in part to Turkey’s help in getting both sides to talk peacefully. Ismaïl also pointed out that Ethiopia already has access to several ports in the region, including in Djibouti, Berbera (Somaliland), Assab (Eritrea) and Mogadishu (Somalia), without needing to control them. “I believe that Abiy Ahmed has understood that this claim cannot be framed within a power struggle. Ethiopia can access the ports of Assab, Djibouti, Berbera, or Mogadishu without undermining the existence of its neighbours,” he said. “The mediation undertaken by Turkey has played a positive role in this regard. As for us, we have clearly communicated to Addis Ababa that Djibouti is not Crimea.” Djibouti’s decision also reflects its larger policy of standing up against outside interference in its affairs. In 2018, Djibouti cancelled a major port deal, involving the Doraleh Container Terminal, with Dubai-based company DP World, saying it was no longer in the country’s best interest. Even after international courts ruled in favour of DP World, ordering Djibouti to pay $385 million (Sh49.7 billion) for breach of contract, the country has refused to reverse its decision. President Ismaïl strongly criticised the company, saying it tries to force its way into other countries, destabilising them in the process. “We refuse the dictates of DP World and have no intention of yielding to them. Furthermore, I believe, and I am far from being alone in this view, that their overall policy is profoundly destabilising for the entire region,” he said. Eastleighvoice Qaran News
-
Somaliland waxay wajahaysaa marxalad cusub oo taariikhi ah, taas oo xuddun u ah koboc dhaqaale iyo isbeddel weyn oo saameyn doona mustaqbalkeeda. Fursadan dahabiga ah ee ay dhaxlayso Somaliland ayaa soo shaac-baxdasy kadib markii la xaqiijiyay in dhulkeedu uu qani ku yahay shidaal, gaas dabiici ah, iyo macdanaha qaaliga ah sida Lithium. Sahammo ay sameeyeen shirkado caalami ah, sida shirkadda Genel Energy (UK) iyo shirkadda RAK Gas (UAE) ayaa muujiyay xaddi badan oo shidaal iyo gaas ah oo ku jira dhulka Somaliland, taas oo dhidibada u aasaysa mustaqbal dhaqaale oo ifaya. Sidoo kale, warbixin ay baahisay The Advocatepost ayaa daaha ka rogtay in Somaliland laga helay macdanta lithium, taas oo ah curiye muhiim u ah baytariyada iyo korontada la kaydiyo, taas oo qeyb muhiim ah ka qaadata dhaqaalaha cagaaran ee dunida casriga ah. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somailand Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xaqiijiyay in sannadka 2026 shirkado caalami ah ay bilaabi doonaan qodista shidaalka, taas oo Somaliland ka dhigi karta mid kamid ah soo saarayaasha tamarta ee Bariga Afrika iyo adduunka. Somaliland waxay gashay weji cusub oo la saadalinayo in uu horseed u noqdo isbeddelka weyn oo dhaqaale, iyada oo si firfircoon u sahminaysa khayraadkeeda shidaal, gaas, iyo macdanaha qiimaha leh. Waxaa kor u kacay dadaallada baadhista saliidda iyo gaasta, qorshayaasha la xidhiidha warshadaynta macdanaha qaaliga ah iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo dhanka kale xoojinaysa ujeeddada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah. Somaliland waxay haysataa wakhti xaadirkan rejo aad u wayn oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah ee dihin, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kor u kacday rejada helitaanka macdanta qaaliga ah ee lithium, iyo awoodda tamarta la cusboonaysiin karo. Somaliland waxay haysataa fursad ay riixayaan dabaylaha dhaqaale ee dunida. Warbixin ay daabacday warbaahinta The Advocatepost oo soo xiganaysa waraysi gaar ah oo ay la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa muujisay ifafaale cusub oo rejo weyn leh oo ku saabsan horumarka dhabta ah ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinacyada shidaalka iyo macdanta. Tani waa tallaabo weyn oo ku wajahan koboca dhaqaale iyo sare u kaca sumcadda Somaliland ee caalamka. Warbixintu waxay xustay in xukuumadda Somaliland ay xallisay caqabadihii amni ee hore u jiray, taas oo albaabada u furaysa horumar amni oo la jaanqaadi kara horumar dhaqaale. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa kalsoonida shirkadaha caalamiga ah ay ku qabaan Somaliland. Somaliland waxay maanta haysataa fursad dahabi ah oo ay ku noqon karto quwadda tamarta iyo macdanta ee gobolka. Waa waajib saaran dhammaan hay’adaha dawladda, bulsho-weynta iyo ganacsatada maxalliga ah in la ilaaliyo fursadahan oo laga dhigo kuwo dhab u hirgala, si jiilasha mustaqbalku uga faa’iidaystaan. Qore Axmed M. Saleebaan Qaran News
-
Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay Shir madaxeedka Afrika ee Hydrogen-ta cagaaran oo lagu qabtay South Afrika. Dawladda South Afrika ayaa si rasmi ah ugu martiqaaday weftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo ay weheliyeen Wakiilka Ganacsiga iyo Arrimaha Gobolka ee Somaliland u qaabilsan Koonfur Afrika Cali Ismaaciil Cilmi, Ayaan Cashuur iyo Axmed Jaamac Ducaale oo fududeeyay iskuduboridka martiqaadkan. Madaxweynaha South Afrika,Cyril Ramaphosa ayaa si rasmiya uga furay Magaalada Capetown shir madaxeedkan oo muhiimad weyn u leh dalalka Afrika oo dhan. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shirkan ku muujisay doorkeeda firfircoon ee ku wajahan iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta cagaaran iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo saameynta ka dhalatay. Qaran News
-
Qaran News
-
President Said Abdullahi Deni called for for reversal of constitutional amendments and disqualification of Somaliland MPs, and is wary of pre-election deals with the “opposition.” Kismaayo (PP News Desk) — In 2022, the President of Jubaland State of Somalia, Ahmed Mohamed Islam, skilfully outmanoeuvred Puntland’s President, Said Abdullahi Deni, his former ally, to secure the premiership for the incumbent Prime Minister, Hamsa Abdi Barre. Under the 2022 electoral model, Federal Member States were empowered to select federal MPs and Senators. The Presidents of Puntland and Jubaland unilaterally chose who would represent their regions in the bicameral legislature in Mogadishu. Both leaders had joined the 2021 opposition bloc Badbaado Qaran (National Salvation), which had rejected the illegal term extension granted to the former federal government by the bicameral parliament in 2021. Now, with less than a year remaining in the term of President Hassan Sheikh Mohamud, a loose opposition alliance known as the Salvation Council of Somalia has emerged. Its only unifying stance with Jubaland and Puntland appears to be the continued boycott of political consultations initiated by Villa Somalia. Sharif Sheikh Ahmed , the Former President of Somalia and Chair of the Salvation Council, leads fragmented opposition bloc with limited cohesion; opposes federal electoral model empowering federal member state leaders to handpick MPs and Senators. Jubaland supports amendments to the Provisional Constitution but insists that the Federal Government recognise the legitimacy of President Ahmed Madobe’s 2024 re-election by the Jubaland Parliament. Conversely, Puntland demands a reversal of the amendments, although it lacks the legal standing to challenge revisions made to the federal charter. Puntland’s constitution, ratified in 2012, contradicts several articles of the Provisional Constitution, which has formed the legal bedrock for post-transition Somalia since that year. Puntland also calls for the disqualification of MPs and Senators representing Somaliland. President Deni argued that their participation is illegitimate as long as the Somaliland administration maintains its l claim of unilateral secession made in 1991. While Jubaland endorsed the constitutional amendments, it has since clashed with the Federal Government over the harmonisation of national and sub-national electoral calendars. It has yet to take a clear stance on Somaliland’s federal representation, an issue further complicated by Somaliland’s 2024 illegal MoU with Ethiopia, which prompted the Federal Government of Somalia to designate secession as a national security threat. Ahmed Mohamed Islam “Madobe, the President of Jubaland State of Somalia backs constitutional amendments but insists on recognition of his 2024 re-election. Despite speculation, the prospect of a strategic pact between Puntland, Jubaland, and the Salvation Council remains remote. Former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmarke has noted that the Salvation Council doors not favour an electoral model akin to the 2022 framework, which granted Federal Member State leaders the power to select federal MPs and Senators. The Presidents of Jubaland and Puntland appear wary of pre-election political deals that might be revoked post-election. Their ongoing disagreements with Villa Somalia reflect deeper structural tensions in Somalia’s maturing federal system, adopted two decades ago and tested since the end of the transitional period in 2012. This evolving governance architecture in Somalia has underpinned milestones such as debt relief and progress towards lifting the long-standing arms embargo. © Puntland Post, 2025 The post Pro-Change Coalition Elusive in Somalia as Federal States Pursue Divergent Goals appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo ay bishu tahay June 12,2025 waa maalin qiimo weyn u leh wadamada Bariga Afrika. Tansaaniya, Rwanda, Kenya, iyo Uganda ayaa soo bandhigaya oo ansixinaya miisaaniyaddooda qaran, iyaga oo qeexaya mudnaanta dhaqaale iyo qorshayaasha horumarineed. Miisanaayidda 2025/2026 ee Kenya ayaa laga yaabaa inay ka badan tahay Uganda iyo Tanzania marka la isku daro. Wadamadan ayaa qorshaynaya in ay kordhiyaan kharashaadkooda ilaa 5 bilyan oo dollar muddo 12 bilood gudahood ah laga gaarayo June 2026, marka loo eego sanadkii hore. Miisaaniyadda Uganda ayaa u muuqata mid si weyn diiradda loogu saaray arrimaha doorashada, iyadoo qarash badan lagu bixinayo ammaanka iyo maamulka, taasoo ka tarjumaysa mudnaanta kala duwan ee qaranka. Miisaaniyadda Tansaaniya lafteedu may la iman mashaariic waaweyn, waxay ku diiradda saaraysaa inay horumariso mashaariic istiraatijiyadeed oo waaweyn oo socda, oo ay ku jiraan dhismaha jidka tareenka casriga ah ee SGR iyo kaabayaasha waddooyinka, oo ay ku jirto xawaaraha sare ee ay ku socoto magaalada Dar es Salaam. Waa maxay aragtida miisaaniyadeed ee dalalka kale ee Afrika? Qoondaynta Miisaaniyadda 2025-ka waxay muujinaysaa maalgashi la taaban karo oo lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo isbeddelka dhaqaale ee qaaradda oo dhan. Kuwani waa 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh miisaaniyada qaran ee ugu badan, 2025. 1. South Africa – $141.4 billion Koonfur Afrika ayaa hogaaminaysa miisaaniyada ugu badan ee Afrika sanadka 2025, iyada oo loo qoondeeyay lacag dhan $141.4 bilyan. Miisaaniyadda dalku waxa ay mudnaan siisaa kaabayaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha. 2. Algeria – $126 billion Algeria waxay si dhow ula socotaa qoondaynta miisaaniyad dhan $126 bilyan, taasoo ka tarjumaysa maalgashi la taaban karo oo lagu sameeyo qaybaha tamarta iyo difaaca. 3. Egypt – $91 billion Masar waxa ay ku jirtaa kaalinta saddexaad iyada oo haysata $91 bilyan, taas oo loo adeegsanayo xagga waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha bulshada. 4. Morocco – $73 Billion Marooko ayaa sidoo kale si muuqata uga soo muuqanaysa liiskan, iyada oo leh miisaaniyad qaran oo dhan $73 bilyan. 5. Angola – $37.847 billion Angola waxa ay ku jirtaa kaalinta shanaad iyada oo leh miisaaniyad dhan $37.847 bilyan, taas oo inta badan ay ku darsatay dakhliga ka soo gala saliidda. 6. Nigeria – $36.7 billion Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, ayaa leh miisaaniyad dhan $36.7 bilyan, taasoo loogu talagalay in wax looga beddelo dhaqaalaha iyo kaabayaasha. 7. Kenya – $32.65 billion Kenya waxa leedahay miisaaniyad dhan $32.65 bilyan, iyada oo mudnaanta siinaysa waxbarashada, caafimaadka, iyo kobaca dhaqaalaha. Sida la xusay, miisaaniyadani waxay aad uga badan tahay tan ay dariska yihiin ee Bariga Afrika, Uganda iyo Tanzania. 8. Libya – $26 billion Liibiya, in kasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, haddana waxay sii wadaa inay ilaaliso miisaaniyad dhan $26 bilyan. 9. Ivory Coast – $25.22 billion 10. Tunisia – $25.16 billion Miisaaniyadaha qaranka ee 2025-ka waxay hoosta ka xariiqayaan sida ay Afrika uga go’an tahay kobaca dhaqaalaha, ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada. Sida dalalku ay ula halgamayaan caqabadaha sida sicir-bararka, maaraynta deynta, iyo xasilloonida siyaasadeed, qoondayntan miisaaniyadeed waxay noqon doontaa qalab lagu qaabeeyo muuqaalka dhaqaale ee mustaqbalka ee qaaradda. Liiskaan ayaan ka soo xiganay Business Insider Africa. Bbcsomali Qaran News
-
Xisbiga Horseed oo uu hoggaamiyo wasiir ka tirsan xukuumadda Siciid Deni ayaa sheegay in uu si adag uga horjeedo fara-gelin siyaasadeed oo Villa Somalia ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. Guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo qoraal soo saaray ayaa luuqad adag kula hadlay Villa Somalia, waxaana uu ugu baaqay in ay si buuxda joojiso fara-gelinta siyaasadeed ee ay ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. “Xisbiga Horseed wuxuu si adag uga soo horjeedaa faragelinta dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso nidaamka dowliga ah ee Puntland. Puntland waa dowlad-kamid ah nidaamka Federaalka ah ee Soomaliya hormuud-na u aheyd hirgelinta nidaamka Federaalka dalka.” “Xisbiga wuxuu ugu baaqayaa dowladda Federaalka in ay si buuxda u joojiso faragelinta aan sharciyeysnayn, isla markaana la ixtiraamo nidaamka dastuuriga ah ee dalka lagu heshiiyey” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga Horseed Maxamed Faroole oo sidoo kale ka tirsan xukuumadda Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni oo ka soo dhex hadashay xisbiga Horseed appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland oo xalay bayaan kooban soo saartay ayaa sheegtay in ay soo afjartay koox ka tirsan firxadkii argagixisada Daacish oo ku go’doonsanaa godka Curre oo dhaca togga Baallade. Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad oo bayaankan soo saaray ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland soo afjareen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ku go’doonsanaa God-curre oo dhaca togga Baallade. Xafiiska Warbaahinta ee hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in dhammaan kooxdii godkaasi ku jirtay noqdeen wax la dilay iyo wax is qarxiyay “Ciidanku waxay soo afjareen Firxadkii Argagixisada ee ku dhuumanayey Godka God-curre oo ku yaala Baallade,wax la dilay iyo wax isqarxiyey noqdeen” ayuu u qornaa bayaankaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo soo afjartay firxad ka tirsan Daacish oo ku go’doonsanaa god weyn oo dhaca Baallade appeared first on Puntland Post.
-
Sanadihii u dambeeyay, waxaa si isa soo taraysa u kordhaya tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibaya, iyaga oo u jihaysanaya dalalka reer Galbeedka sida Yurub, Waqooyiga Ameerika, iyo qaar kamid ah waddamada Bariga Yurub. Waxaa muuqata in doorkii baraha bulshada uu noqday mid si xoog leh u saameeyay go’aanka dhalinyarada ay ku gaaraan inay noloshooda halis u galiyaan safarro khatar ah. Maqaalkan, waxaan ku falanqeyn doonaa sababaha dhalinyaradu u tahriibaan, doorka baraha bulshada, iyo xaqiiqada nolosha muhaajiriinta Soomaaliyeed ee reer Galbeedka. Marka hore, waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo waxa dhalinyarada ku riixaya tahriibka. Xaaladda dalka ka jirta oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, fursad la’aanta waxbarasho tayo leh, amni xumo, iyo helitaanka mustaqbal xasiloon ayaa ah dhibaatooyinka horyaalla inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed. Dhalinyaradu waxay dareemaan in ay nolol wanaagsan ka heli karaan meel kasta oo aan Soomaaliya ahayn. Tani waxay dhalinaysaa in mararka qaar aysan si qoto dheer u eegin halista ay wajahayaan marka ay tahriibayaan. Baraha bulshada sida Facebook, TikTok, iyo Instagram ayaa sii hurinaya rabitaanka dhalinyarada ee ay ku doonayaan inay u guuraan dalalka reer Galbeedka. Muhaajiriinta hore u tagay ayaa inta badan la wadaaga muuqaallo nolol qurux badan muujinaya, sida gaadiid raaxo leh, dhismayaal waaweyn, iyo nolol muuqaal ahaan la jecleysto. Tani waxay dhalinyarada u sawirtaa nolol aan dhib lahayn, iyadoo aan la xusin caqabadaha dhabta ah ee ay la kulmaan muhaajiriinta cusub, sida kalinimada, shaqo la’aanta, isir takoorka, iyo cadaadiska la xiriira la qabsiga dhaqan cusub. Waxaa wax laga xumaado ah in safarradaasi halista ah ay sababeen khasaare naf leh oo baaxad weyn leh. Sida laga soo xigtay hay’adda International Organization for Migration (IOM), in ka badan 28,000 qof ayaa ku dhintay ama la waayey tan iyo sannadkii 2014 iyagoo isku dayaya inay badda Mediterranean-ka ka gudbaan si ay Yurub u gaaraan. Dadkaas waxaa ku jira boqolaal Soomaali ah. IOM ayaa sidoo kale sheegtay in sannadkii 2023 oo keliya ay ku dhinteen 3,041 qof badda Mediterranean-ka — tan oo ah tiradii ugu badnayd tan iyo 2017 (IOM, 2024). Dhalinyaro badan ayaa noqda kuwo ku tiirsan dhaqaalaha ceyrta ah ee wadamada qaar u siiyaan quutul duruuriga, taasoo abuureysa nolol aan madax-bannaaneyn. Tusaale ahaan, qaar badan waxay ku nool yihiin guryo ay u kireeyeen dowladda ama hay’adaha gargaarka bixiya, iyadoo aysan helin fursado shaqo oo joogto ah aawadeed. Ugu dambeyn, si loo yareeyo tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed, waa in dowladu, ha noqoto mid maamul ama dowladda dhexe e, jaamacadaha, iyo ururrada bulshada ay abuuraan barnaamijyo dhiirrigeliya rajada iyo fursadaha gudaha. Sidoo kale, wacyigelin dhab ah ayaa looga baahan yahay sidii dhalinyarada loogu muujin lahaa xaqiiqada dhabta ah ee nolosha qurbaha – nolol aan ahayn sawirka qurxoon ee baraha bulshada lagu faafiyo. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay mudan yihiin mustaqbal ifaya, balse ma ahan in riyadaasi loo maro waddooyinka dhimashada. Qorshe wanaagsan, wacyigelin dhab ah, iyo fursado dalka gudihiisa ah ayaa ah furaha xal waara. W.Q: Inj. Cabdikariim Aadan Jaamac, Mn, USA The post Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Tahriibka – Saamaynta Baraha Bulshada iyo Xaqiiqada Reer Galbeedka appeared first on Puntland Post.
-
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in fadeexadii diblomaasiyadeed ee ka dhacday magaalada Geneva ee la xidhiidhay in kala badh weftigii ka socday Dawladda Soomaaliya ay baxsadeen aanay ahayn keliya wejigabax, hase ahaatee ay tahay halbeeg soo bandhigay burburka Hay’adaha dawlanimo iyo musuqa baahsan ee Soomaaliya. Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya in ay muddo dheer diblomaasiyadda u adeegsanaysay tahriibin iyo inay ka faro-qabsadaan baasaboorka diblomaasiga ah ee dawladda fashilantay ee Soomaaliya.waxaannu ku dooday in maamulka Muqdisho ay metelaadooda diblomaasiga ah u beddeleen inay u adeegsadaan ganacsi iyo tahriibinta sharci darrada ah. Mr. Xusern Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), waxaanu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland si ka duwan Soomaaliya, ay 30kii sannadood ee la soo dhaafay ay dhisatay hay’ado ku sallaysan isla xisaabtan, daahfurnaan, sarreynta sharciga, iyo dawladnimo dimuqraadi ah. Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Wufuuda Somaliland ee caalamiga ah ay ku shaqeeyaan si karti, daacadnimo, iyo xil-gudasho leh, waxaannu carabaabay in aanay ahayn marin loo adeegsado khiyaamo, danaysi, iyo musuqmaasuq. Waxa kaloo uu ku dooday dhacdadan dhabar jab ku tahay beesha caalamka oo ay tahay inay kala gartaan farqiga u dhexeeya dawladda fashilantay ee Soomaaliya ee musuqaysa deeqaha loo soo qaadhaamo iyo diblomaasiyadda oo ay uga faa’iidaystaan arrimo qoys, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto dawladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad lagu kabay anshaxa diblomaasiyaddeed. 13 xubnood oo ka mid ahaa 23kii qof ee Soomaaliya uga qaybgalayay shirka 113aad Hay’adda Shaqada adduunka ILO oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Swiszerland ayaa baxsaday, waxana arrintaasi wejigabax diblomaasiyaddeed oo caalami ah u soo jiiday dawladda Muqdisho. Qaran News
-
Mayor Abdulkadir M. Mohamud Geddi addresses the media in Garowe following his controversial ban on political gatherings. Garowe (PP Editorial) — Abdulkadir M. Mohamud Geddi, the Mayor of Garowe, the administrative capital of Puntland State of Somalia, has today issued a ban on all political meetings in the city. His directive, which the Puntland Ministry of Interior has not contested, contravenes Articles 14 and 15 of the Puntland Constitution, which guarantee freedom of expression and freedom of assembly. These rights may only be suspended under a declared state of emergency, as outlined in Article 29. The Mayor also instructed hotels in Garowe not to host any group intending to hold a political gathering. His ban makes no exception even for officially recognised political parties established following the controversial 2023 constitutional amendments. This move lends credence to critics who argue that Puntland’s democratisation process has been superficial, serving only to entrench a one-man rule facilitated by a flawed constitution that centralises power in the hands of the President. The Mayor’s order could be seen as tantamount to suspending the Puntland Constitution, an echo of Somalia’s pre-1991 military regime, which scrapped the civilian constitution after the 1969 coup. Ironically, Puntland’s Interior Minister, Abdi Farah Said, who once took up arms against dictatorship and fled to Ethiopia in the early 1980s to fight the Somali army, now appears to support constitutional violations to suppress political dissent. Neither the Office of the Puntland Human Rights Defender nor Puntland’s civil society platform, Puntland Non-State Actors, has commented on what appears to be a deliberate misuse of the Constitution by the current administration. This contradiction undermines Puntland’s credibility when it accuses the Federal Government of tampering with Somalia’s Provisional Constitution while itself curtailing constitutional freedoms guaranteed to Somali citizens in Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Garowe Political Ban Draws Parallels to Somalia’s Military Rule Era appeared first on Puntland Post.
-
Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta saamaynta badan ku leh degaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Deni, in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii lagu dhisay Puntland, islamarkaana sharciga gacanta ku qaadatay. “Waxaa wax laga xumaada ah in maamulka hadda jira ee Puntland uu si muuqata ugu tuntay nidaamkii dastuuriga ahaa ee lagu dhisay Puntland, isagoo ka leexday hannaankii dowladnimo ee ku dhisnaa kala dambeyn, furfurnaan, iyo ixtiraamka xorriyadaha muwaadiniinta.” “Hadalladii kasoo baxay shirkii maanta lagu qabtay Garoowe ee lagu sheegay in aysan suurtagal ahayn in shirar siyaasadeed lagu qabto gudaha caasimadda haddii aysan dowladdu raalli ka ahayn, waxay si cad u muujinayaan caburin siyaasadeed iyo ka hor imaanshaha qodobbada dastuuriga ah ee dammaanad qaaday isu imaatinka iyo xorriyadda hadalka” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal. Mudane Abgaal ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan shirar siyaasadeed iyo wada-tashiyo bulsho oo looga arrinsanayo sidii xukuumadda Deni loogu soo celin lahaa xayndaabka sharciga iyo dastuurka si loo badbaadiyo dowladnimada Puntland “Waxaa socda diyaar garowyo ballaaran: shirar siyaasadeed iyo wadatashi bulsho oo lagu qaban doono guud ahaan deegaannada Puntland.” Halkaan ka akhriso qoraalka Xasan Abgaal PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal oo xukuumadda Deni ku eedeeyay in ay ka baxday nidaamkii iyo dastuurkii Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre oo maanta hadal kooban ka jeediyay kulan ku saabsan Amniga ayaa sheegay in aan wax shirar siyaasadeed oo dowladdu ogayn lagu qaban karin Garoowe. “Magaaladan shir uma baahna, saxmad iyo qaylana uma baahna, haddaa ku sii socotaana waxaas ogaatan in gacmaha la idinka qaban doono, marka hore waxaa laga yaabaa in shirku fududaado oo dadka si fudud wax loogu sheego, balse hoosta wax laga wato oo hadhow la is ballaariyo.” “Magaaladan Garoowe xafiis danbana lagama furi karo shir danbana laguma qaban karo, annagaa mas’uul ka ah, annagaa nala weydiinayaa oo lagu la xisaabtamayaa. Dadka hoteellada leh iyo dadka meelahaasi ku shirayana waxaan lee yahay shir aan dowladdu ogayn Garoowe laguma qaban karo” ayuu yiri duqa Garoowe Geeddi Axmed Tuurre. Go’aankan ka soo baxay maayirka caasimadda ayaa imaanaya maalin, kaddib markii Garoowe lagaga dhawaaqay gole siyaasadeed la baxay Caddaaladda iyo Dimuqoraaddiyadda, kaasi oo uu guddoomiye ka yahay siyaasi Guuleed Saalax Barre oo doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024 kaalinta labaad galay. Halkaan ka daawo hadalka maayir Geeddi PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo laga mamnuucay shirarka siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda Siciid Deni appeared first on Puntland Post.
-
Fadhigii 22-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. 𝐀𝐣𝐞𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐢𝐢 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚: 𝟏. Warbixinta Amniga iyo Xasiloonida Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab. 𝟐. Warbixinta Arrimaha Maaliyadda, Dakhliga iyo Dhaqaalaha Dalka: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan. 𝟑. Warbixinta Dhoofka Xoolaha iyo wax-ka-beddelka Qaabka ay Xooluhu u maraan dhoofka iyo sidii loo tayeyn lahaa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed 𝟒. Warbixinta Barnaamijka DALJIR oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan. 𝟓. Ka-hortagga iyo yaraynta Shilalka Gaadiidka qaada Ardayda Dugsiyada: Waxa ka war bixiyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasiirradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab). 𝟔. Warbixinta Xaaladda Ceel-Afweyn iyo hanaqaadka nabadda iyo Weftigii ka socday Xukuumadda ee bulshada kala qayb galay farxadda Ciidal Adxa: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac. 𝟕. Samayta Siyaasadda Wasaaradaha iyo Waafajinta Qorshaha Guud ee Qaranka JSL: Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi. 𝟖. Qaybinta Qabyo-Qoraalka Xeerka Tamarta iyo Xeerka Ergooyinka Diblomaasiyadeed ee JSL (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐃𝐢𝐩𝐥𝐨𝐦𝐚𝐭𝐢𝐜 𝐌𝐢𝐬𝐬𝐢𝐨𝐧𝐬 𝐀𝐜𝐭):Waxa ka war bixiyey Garyaqaanka Guud ee Qaranka JSL, Mudane Cabdisamad Cumar Maal. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Jamhuuriyadda Somaliland, waa dawlad madax-bannaan oo muddo ka badan soddon sanno si hufan ugu taagnayd dhabbaha horumarinta iyo dhismaha dawladnimadeeda dimuquraadiga ah, waxay si joogto ah u muujisay in ay tahay qaran sugan, oo leh hannaan dimuqraadi ah, iyada oo iskeed u dhisatay dawladnimo casri ah oo lagu saleeyay dhaqankeeda, diinteeda, iyo waayo-aragnimadeeda taariikheed. Somaliland waxay leedaha waayo-aragnimo taariikheed oo mug wayn, taas oo la xidhiidha dib u dhiska iyo hirgelinta dawladnimo shaqaynaysa, waxaanay Somaliland faham qoto dheer u leedahay casharradii laga bartay burburka iyo qalalaasaha hadheeyay dawladaha Geeska Afrika, taas oo ay beesha caalamka kaga caawin karto sidii dawladnimo sax ah loogu dhisi lahaa dalalka burburay. Somaliland waxa ay abuurtay nidaam dawladeed oo is waafajiya dimuqraadiyadda, diinta Islaamka, iyo dhaqankeeda soo jireenka ah, taas oo keentay in dalkani yeesho hannaan dawladnimo oo hufan, nabad, kala dambayn, iyo koboc dhaqaale oo baaxad weyn leh, isla markaana uu noqdo iftiinka dimuquraadiyadda Afrika. “Somaliland waxay dhisatay dhaqaale si caafimaad qaba u koraya iyo kaabayaal muhiim u ah horumarka dalkeeda,” sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi mar uu ka hadlay sida adduunku ugu baahan in uu ka faa’iidaysto waayo-aragnimada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa waxqabad iyo wada-jira ayaa muujiyay in Somaliland diyaar u tahay kuna hanwayntahay ka qaybgalka masraxa siyaasadda ee gobolka, gaar ahaan kuwa la xidhiidha amniga, ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha, iyadoo dhinaca kale diyaar u ah wada-shaqayn caafimaad qabta oo ay la yeelato waddamada deriska iyo beesha caalamka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka dabiiciga ah ee ALLE ku manaystay dhulkan istiraatiijiga ah. Muddadii yarad ee ay talada dalka haysay xukuumadda waxqabad iyo wadajir iyo dedaaladii badnaa ee la sameeyay ayaa keentay in dalal badan oo adduunka ahi in ay durba garawsadaan in danahooda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ay la wadaagi karaan Somaliland, taasoo tilmaamaysa in qaddiyadda aqoonsigu ay tahay arrin diyaar ah oo wakhtiga uun sugaysa. Sidaa darteed, Somaliland waxa ay dunida u sheegaysaa hal xaqiiqo: Qaranimadeedu waa mid dhab ah, halgan iyo himilo ku dhisan, una qalma in si buuxda loo aqoonsado. Mabaadida guud iyo Himilada Madaxweynaha Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, sida ka muuqata haddaladiisa iyo dedaalada uu sameeyay ayaa si cad u qeexaya aragtidiisa siyaasadeed iyo mabaadi’da uu ku hagayo qaranka. Kuwaas oo muujinaya aragti qotodheer oo sal u ah dhismaha qaran dimuqraadi ah, dal isku filan, una diyaar ah inuu dunida la jaanqaado. Aqoonsiga Caalamiga ah: Madaxweynaha Somaliland waxa uu si joogto ah u muujiyey baahida ay Somaliland u qabto in la aqoonsado. Aragtidiisu waa mid salka ku haysa xaq-dhowr, sinnaan, wadajir iyo ilaalinta qarannimada JSL. Sidoo kale wuxuu beesha caalamka ku booriyay marar basdan in ay fursad u arkaan Somaliland oo ah dal si nabad ah isu maamulay, isla markaana ku dayasho mudan iyo in laga barto dhismaha dawladnimada burburtay ee gobolka. Horumarinta Dhismaha Dawlad-nimo: Madaxweynaha wuxuu xoojiyay kor u qaadista hannaanka dawladnimo ee Somaliland oo ah mid u gaar ah oo ay ku dhistay dedaalkeeda shakhsiga ah: kaas oo ah nidaam isku dhafan oo waafaqsan diinteeda Islaamka, dhaqankeeda iyo hannaanka dimuqraadiga ah. Xidhiidhka Deriska iyo Caalamka: Madaxweynaha JSL wuxuu caddeeyay in Somaliland tahay dal furfuran, nabad ah, diyaarna u ah inay la falgasho deriskeeda iyo caalamka si waafaqsan maslaxadda guud. Dhaqaale iyo Horumarka Bulsho: Madaxweynaha Somaliland waxaa ka go’an in dalka JSL uu ka ganoqaado nidaam hufan oo la xidhiidha koboc dhaqaale oo muuqda, iyadoo la dhisayo kaabayaal waaweyn oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sida wadooyinka, isbitaalada, iyo waxbarashada. Qaranimada iyo Madax-bannaanida: Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku adkaystay in qaranimada Somaliland ay tahay xaq lama taabtaan ah. Isaga oo sheegay in Somaliland ay gacanta ku hayso dhulkeeda, hawadeeda iyo baddadeeda ba, isla markaan aanay jirin cid kale oo la wadaagta maamulkeeda. Wuxuu sidoo kale ku celceliyey in ay waajib qaran tahay difaaca madax-bannaanida iyo dhaxal u dhigista ubadka mustaqbalka ee dalka. Gunaanad: Mabaadi’da Madaxweynaha Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga, dawlad-dhiska, nabadda, horumarka, sinnaanta, iyo madax-bannaanida waxay u taagan yihiin aragti qaranimo oo dhab ah. Waa dhabbaha ay Somaliland ku kasban karto ixtiraam caalami ah, waxayna muujinayaan in madaxnimada iyo mas’uuliyadda dawladnimo laga dhaxlay halgan, lagana dhaxli doono himilo. Source
-
Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in uu helay warka ah in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u dirayo 2,000 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka magaalada Los Angeles, kaddib markii ay dhaceen iska horimaaddo u dhexeeya mudaaharaadayaal iyo ciidamada ammaanka, taas oo la xiriirta weerarrada lagu beegsanaya dadka sida sharcidarrada ah dalkaas ugu sugan. Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay inuu diri doono illaa 700 oo askari oo ah Marines. Gavin Newsom wuxuu ku tilmaamay tallaabadan mid uu ku fulinayo “riyo waalan oo uu aaminsan yahay madaxweyne waddadii kali-talisnimo ku socda.” Dhinaca kalena, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo guddoomiyaha gobolka California Governor Gavin Newsom ayaa ka dhex qarxay dagaal dhanka afka oo la isku adeegsaday baraha bulshada. Trump oo dagaalka billaabay ayaa isagoo adeegsanaya bartiisa Social Truth wuxuu cay u dhaamiyey guddoomiye Newsom oo ku tilmaamay “waxmatare”, wuxuuna sheegay in la’aantiis California boodka lagula tuman lahaa, taas oo uu ula jeedo in haddii uusan ciidamada u soo dirin gobolka ay qabsan lahaayeen soogalooti. “Guddoomiyaha waxmataraha ah iyo duqa Los Angels waa in ay iiga mahadceliyaan sidaan u bedbaadiyey, iyagoo leh ‘mudane, waad ku mahadsan.” Gavin Newsom ayaa dhankiisa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Trump oo sheegay in ay fiicnaan lahayd haddii Newsom la xiri lahaa. Newsom ayaa hadalka ka soo yeeray Trump ku tilmaamay mid ka turjumaya waddada uu ku socdo oo ah “keligii talasnimo aan geed loogu soo gamban.” Guddoomiyaha California ayaa hanjabaadda Trump ku tilmaamay cabsigelin. Source
-
Newsletter