Sign in to follow this  
Gar-haye

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha ********ya

Recommended Posts

Gar-haye   

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha ********ya

 

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee ********ya. Dhibaatooyin, oo noocyo kala duwan isugu jira, waxay u dheceen sidatan;

 

16/05/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Cayuun, oo ka tirsan degmada Dhuxun, ku dileen nin waayeel ah oo da’diisa 80 lagu qiyaasay oo lagu magacaabo C/wali Kaahin Muuse. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu hanti kala duwan ka boobeen dadka kala ah;

1- Hodan Wacdi Baashe

2- Xasan Maxamed Aaden oo ay 1500 oo Bir ka dhaceen

3- Amal Macalin Baaji oo ay iyadana 2000 oo Bir ka dhaceen

4- Cabdi Buraale oo ay 500 oo Bir ka dhaceen

5- Nuur Carab Maxamed oo ay isagana 300 oo Bir ka dhaceen

6- Sayida Maxamed Diiriye oo ay 200 oo Bir ka dhaceen

7- Qawdhan Maxamuud oo 1000 Bir ay ka dhaceen

8- Ibraahim Bile oo isagana 1000 Bir ay ka dhaceen

9- Xaliimo Maxamuud oo ay 1500 oo Bir ka dhaceen

10- C/llaahi Nuur oo ay 500 oo Bir ka dhaceen

 

14/05/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1- Maxamed Xasan Hudle oo curyaan ah, isla markaana ay ciidammada gumaysigu cukurrada ka jabiyeen

2- Cabdi Maxamed Caar

3- C/fataax Maxamed

4- Cabdi-Dhoof

5- Nimco Maxamed Sh Cumar

6- Kifaax oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin

7- Fadxa Aarbe iyo

8- Caasha Cad

 

13/05/08 Cayuun, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;

1- Bishaaro Aaqib Bile

2- Nimco Maxamed

3- Sucaado C/llaahi Caynab

4- Cuud Aaden iyo

5- Xamdi Caydiid

 

08/05/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen ninka lagu magacaabo Naajeri Quulle.

 

Isla 08/05/08 waxaa magaalada Higlaley laga soo qaqabtay oo lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur dadka kala ah;

1- Maxamuud Quulle

2- Xuseen Iimaan iyo

3- Ina Iimaan oo magaciisa aanaan haynin

 

07/05/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1- Casri Cabdi

2- Muus oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin

3- Sareedo oo iyadana magaceeda oo buuxa aanaan haynin

4- Bishaaro Xasan Khaliif iyo

5- C/wali Bade

 

01/05/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad magaalada safar u yimid, waxayna kala yihiin dadkaasi;

1- Maxamed C/llaahi

2- Xasan Yaasiin

3- Cismaan Xasan Sh Cumar

4- Cali Sh Cumar

5- Wali Siciid

6- Aayd Yaasiin

7- Halable Maxamuud Aaden iyo

8- Rabiic Aw Macalin

 

Dhinaca kale maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Dhagaxbuur shirk u qabtay maamul ku sheegga magaalada oo ka soo laabtay tababar iyo wacyi galin bulshada ka dhan oo muddadanba lagu siinayay Itoobiya, waxayna dadwaynaha u sheegeen inay si rasmi ah u xidhayaan xadka u dhexeeya ********ya iyo Woqooyiga Soomaaliya. Arrintaas ayay dadwaynaha iyo ganacsataduba aad uga cadhoodeen, isla markaana ay ganacsatadu ku hanjabeen inay lafohooda u kaydsan doonaan wixii raashiin ah ee ay hadda gacanta ku hayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this