Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan oo gudaha u galay markab dagaal oo uu soo diray Turkiga iyo heshiiska difaaca oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
438241150_454034957157679_11822707439945

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray markabka ciidanka badda Turkiga ee TCG Kınalıada (F-514), kaas oo ka qayb qaadan doono difaaca xeebaha dalkeena Soomaaliya, kadib heshiiskii Muqdisho iyo Ankara.

Munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayo dhaqan-galka heshiiskan ayaa hadda ka socota dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb-galaya munaasabaddan taariikhiga ah ayaa gudaha  u galay markabka dagaal ee soo gaaray Muqdisho, ayna la socdaan ciidanka badda Turkey.

Heshiiska difaaca ee ay gaareen labada dal ayaa dhigaya ilaalinta biyaha Soomaaliya, ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Sidoo kale  heshiiskan ayaa fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka sida kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.

Tallaabadan milatari ayaa kusoo aaday, xilli ay halkeedii tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee ay ka carootay dowladda federaalka.

Dhinaca kale sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa la filayaa in Soomaaliya ay ka bilowdo qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.

10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.

438221840_454034970491011_33084840180628 438241150_454034957157679_11822707439945437482652_950510673750982_88123379967480 437562278_950510670417649_28088328290268 438164489_950510667084316_89133888319527

The post Xasan oo gudaha u galay markab dagaal oo uu soo diray Turkiga iyo heshiiska difaaca oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this