Deeq A. Posted September 5, 2020 Wararka laga helayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta bartamaha magaaladaasi lagu dilay nin shacab ah, kaas oo ahaa xoogsato, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yaasiin Aways Maxamed, kaas oo uu toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad, kadibna goobta isaga baxsaday. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka oo ka soo jeeday dhinaca koonfurta, gaar ahaan magaalada Jowhar loo dilay sabab la xiriirta jidka oo xirmay aawgiis. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa sidoo kale gaaray meesha wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay sarraakiisha laamaha amniga Garoowe oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha Garoowe ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal iyo dhac xiliyada habeenkii ah loo geysto shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites