Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas caawa saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay galeen guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo howlgal amni loogu diray, balse ay ka ka hor yimaadeen ilaalada siyaasiga. Wararka ayaa sheegaya inuu C/raxmaan C/shakuur ku dhaawacmay iska hor imaadka, isla marka