Deeq A. Posted Thursday at 01:15 PM Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta hotelka Decale oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaarada. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaarada, Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadantinimada” ayaa lagu yiri bayaanka. Kulanka ay qaateen madaxweyne Deni iyo safiirka Turkiga waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah golaha xukuumadda Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites