Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda FS oo qiratay in la lunsaday raashinka maraykanku ku teeray ciidanka Danab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Soomaaliya ayaa qiratay in raashiinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee uu Mareykanku tababaray la leexsaday, sida lagu sheegtay warsaaxafadeed ay baahisay wasaaradda Gaashandhigga oo caddeysay baaritaan la sameeyay in shaqada looga joojiyay saraakiil , kuwaaso xabsi lagu hayo.

Lama soo bandhigin darajada iyo magacyada saraakiisha loo xiray raashiinka ciidanka Danab oo baaritaan isla-xisaab ah oo la sameeyay lagu oggaaday in la musuq-maasuqay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Dawladda Soomaaliya qaadanayso mas’uuliyada raashinka la lunsaday ee ciidanka Danad oo tababarkooda iyo taageerrada saanadooda uu bixiyo Mareykanka.


Sida ay qortay Mareegta TheSomalidigest, dawladda Mareykanka ayaa go’aamisay in ay hakiso Taageerada Raashinka ay siinaysay ciidamada DF Soomaaliya, gaar ahaana Cutubka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, sabab la xariirta musuqmaasuq xoogan iyo daahfurnaan la’aanta la xariirta qaabka Qandaraas bixinta ciidanka.

PUNTLAND POST.

FB_IMG_1714081402442.jpg?resize=496%2C68 FB_IMG_1714081406202.jpg?resize=496%2C70

The post Dawladda FS oo qiratay in la lunsaday raashinka maraykanku ku teeray ciidanka Danab. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this