Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dib u fasaxday Qaadka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa maanta shaaciyey in dib loo fasaxay keenista Qaadka oo bilihii u dambeeyey hakad jiray.

Beyle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya la keeni karo Qaadka, balse wuxuu ku amray ganacsatada inay sifo sharci ah u maraan.

“Waxaa cadeynayaa in Qaadka uusan cidna u xirneen oo meel walba oo dalka laga soo galin karo, haddii waddo sharci ah loo soo maro,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda ayaa intaasi ku sii daray in Qaad aan la canshuurin la soo gelin karin guud ahaan dalka.

Soomaaliya ayaa Qaadka joojisay sanadkii la soo dhaafay, sababo la xiriira Covid-19, wuxuuna sidoo kale go’aankaasi saameeyey xiriirkii dowladda ay la laheyd Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this