Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhuusamareeb: Kulan xalay dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo natiijo la’aan ku dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xalay goor dambe ku soo dhammaaday Kulan Saacado badan qaatay ,oo halkaasi ku dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Kulanka waxaa uu qayb ka ahaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga socda Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo Marxaladda kala guurka ah ee Dalku marayo gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Kulankii Xalay, waxaa si adag looga dooday Hannaanka loo gelayo Doorashada soo socota, kaas oo laba mowqif oo kala fog laga taaganyahay, waxaase Kulankaasi ku soo dhammaaday Natiijo la’aan islamarkaana wax isu soo dhowaansho ah kama dhicin.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku adkaysanaya in la qabto Doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan Sharciga uu ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, halka Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ku doodayaan in wakhtigan dalka aysan ka dhici Karin Doorasho qof iyo cod ah, sidaas darteedna la aado Doorasho dadban.

Kulamada u dhexeeya labada dhinac, ayaa la filayaa in ay sii socdaan, inkastoo aan la saadaalin Karin halka ay ku dambayn karaan, maadaama laba mowqif oo adag la kala taaganyahay, islamarkaana uusan jirin dhinac weli tanaasul muujiyay.

PUNTLAND POST

The post Dhuusamareeb: Kulan xalay dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo natiijo la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this