Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo deeq caafimaad ku wareejiyey Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Hay’adda Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda ee TIKA ayaa maamulka Somaliland ku wareejisay deeq loogu talagalay ka hortagga faafitaanka fayruska safmareenka ah ee Corona.

Agabkaan ayaa lagu wareejiyey Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cumar Cali Cabdullaahi, wasiirka caafimaadka Somaliland, ayaa ka mahadceliyey kaalmada, oo uu xusay in waqtigii loo baahnaa ay heleen.

Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa, Ali Noyan Coşkun, ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada shacabka Somaliland.

“Waxaan u rajeynayaan wasaarada caafimaadka Somaliland in ay ku guuleysato la dagaalanka cudurka Covid-19,” ayuu raaciyey.

Tan iyo markii uu bishii December ee sanadkii hore 2019 ka dilaacay bartamaha Shiinaha, Coronavirus ayaa ku dhacay 2 milyan oo ruux; in ka badan 137-kun wuu dilay, nus-malyuun way ka bogsadeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this