Deeq A. Posted January 30, 2020 London (SMN) – Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magalada London ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen arimo ay kamid tahay diyaar garowga doorashooyinka madaxtinimo ee 2021-2022. Danjire James Swan iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa isla soo qaaday sida xiligan dowlada Soomaaliya ay ugu diyaar garoobeyso qabashada doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxtinimo ee ka dhici doona Soomaaliya. Sidoo kale daniraha iyo Shariif Sheekh Axmed oo ah gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran ee ka qeyb galaya doorashooyinka qaran ee 2021-2022 ayaa isla soo qaaday sida ay dhankooda ugu diyaar garoobayaan xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada madaxtinimo ee soo aadan Labada masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay inta uu kulankooda socday muhiimada ay leedahay wadatashi balaaran iyo is afgarad dhexmara dhinacyada siyaasada sanadkan 2020 iyo gogol xaar loo sameeyo doorashooynka madaxtinimo ee ka dhici doono dalka 2021-2022. Qoraal kooban oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee xafiiska howgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu yiri. “Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya James Swan wuxuu aad ugu faraxsanahay in uu la kulmo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isla markaana ay kawada hadlaan muhiimada ay leedahay siyaasad sal balaaran oo la wadaago, heshiis iyo is afgarad dhaca sanadkan 2020,kaas oo loogu gogol xaarayo horumarinta qaranka oo doorashooyinka ay qeyb ka yihiin”. Ugu dambeyn, dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashooyin qaran oo markii ugu horeysay loo qaban doono qaab axsaab ah,waxaana doorashadaasi ka qeyb gali doona xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites