Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo baaritaano ka wada M/ Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka wadaan Waqooyiga magaaladaasi, kadib markii xalay lagu dilay taliyihii ciidanka sirdoonka ee dowlad goboleedka Puntland u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dilka marxuumkaasi oo lagu magacaabi jiray, Xaashi Cilmi Geelle.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkan, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana ay sheegtay inay goobta si nabad ah uga baxsadeen ragii fuliyey.

Gaalkacyo waxaa maalimihii la soo dhaafay koonfur iyo waqooyi ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this