Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Midawga Yurub Oo Waafaqay In Dib Loo Dhigo Ka Bixitaanka Britain Ee Midawgooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Golaha Midawga Yurub ayaa maanta oo Isniin ah isku waafaqay in dib loo dhigo ka bixitaanka cusub ee Britain ay ka baxayso Midawga Yurub ilaa 31-ka January ee sanadka soo socda.

113836fdbead4fe8b59ee12bdbe0e1fe_18.jpg

“Golaha Midawga Yurub ee ka kooban 27 waxa ay ayideen codsiga UK, go’aankana waa mid rasmi ah,’ sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha golaha Midawga Yurub Donald Tusk oo Twitter-ka soo dhigay qoraa uu arintaasi ku sheegayo.

Dhawaaqan ka soo baxay Mr Tusk ayaa imanaya kadib markii diblomaasiyiin ka tirsan Midawga Yurub ay ku kulmeen magaalada Brussels si ay u saxeexaan dib u dhigida cusub ee Britain ay ugaga baxayso Midawga Yurub, kaas oo markii hore ku beegnaa 31-ka October oo saddex maalmood oo kaliya ay ka hadhsanayd.

Sida lagu sheegay nuqulka heshiiska oo ay aragtay Wakaalada Wararka ee AFP, ayaa sheegaya in hadii Raysal Wasaare Boris Johnson uu kala hadlo Baarlamaanka UK inay ansixiyaan kalatag saaxiibtinimo inta ka horaysa sanadkan soo socda, ka bixitaanku waxa uu noqon doonaa inuu dhacoNovember 30 or December 31.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this