Sign in to follow this  
Deeq A.

Macalimiinta Dugsiyadda Ee Magaalada Chicago Oo Shaqa Joojin Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Chicago)-Maamuleyaasha iskuulada iyo macalimiinta Chicago ayaa ku dhawaaqay shaqa joojin taasi oo ka dhigan in aanay xaadiri doonin iskuulada inta dowlada ay tixgalineyso tabashadooda.

15714303088d1db.jpg

Inkabadan 32,500 macalin iyo shaqaalaha kale iskuulada ayaa dibadbax ay ku hakinayaan shaqadooda waxay ka dhigeen magaalada Chicago.

Shaqa joojintaan ayaa waxay saameyn ku yeelatay 300,000 oo arday oo ku nool magaalada.

Chicago ayaa ah degmada sadaxaad ee ugu ardayda badan guud ahaan wadanka Mareykanka.

Barayaasha ayaa ka cabanaya cadhiidhi ka jira fasalada taasi oo ka dhigan in dowlada Mareykanka ayna maalgalin goobaha waxbarashada iyo Iskuulada gobolka oo aan laheyn qaarkood goobaha lagu keydiyo Buugaagta.

Ugu dambeyn Macalimiinta ayaa dalbaday dowlada in shaqaalaha gurmadka ay geyso Iskuulada si xaaladaha deg dega ay u Xaliyaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this