Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar xoogan oo ka dhacay Tooratoorow

Recommended Posts

Deeq A.   

Toora-toorow (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Cadaan ah ay Xalay gudaha u galeen deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi.

Ciidamadani oo la sheegay in ay wateen diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca ayaa ku daatay gudaha deegaankaasi.

Dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada huwanta iyo Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay halkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la’egyahay.

Ilo deegaanka ah aya Shabelle u xaqiijiyay in dagaalkani ay ku gubteen labo Dukaan iyo Farmashiye, kuwaas oo ay lahaayeen dad rayid ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobolka Sh/ Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this