Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada ka dhaceysa Puntland, 8-da bisha Janaayo 2019. Waxaa ku loollamaya musharixiin gaaraya 30, haddii aysan ka badneyd, balse wali ma cadda murashaxa ugu cad cad xilka belidda Cabdiweli Cali Gaas. Hase ahaatee, 48-dii saacadood ee la soo dhaafay waxaa gebi’ahaanba la wareegay ol’olaha ka socda Puntland murashax Dr. Cali Ciise Cabdi. Maxaa sabab u ah? Waa su’aal is weydiin mudan waxa 72 saacaood oo uu joogo Garoowe oo ay uga soo horreeyeen musharixiin ku