Sign in to follow this  
General Duke

C/Laahi Yuusuf Oo Mar Kale Nayroobi Guul Kula Laabtay

Recommended Posts

C/Laahi Yuusuf Oo Mar Kale Nayroobi Guul Kula Laabtay

- Thursday, July 31, 2003 at 00:30

 

Garoowe, (Yamayska) Madaxweeynaha DGPL Md. Cabdullahi Y Axmed ayaa muddo gaaban gudaheed markii labaad isaga oo macnawiyaadkiisu aad u sareeyaan ku noqday madasha shirka nabadeeynta Soomaaliyeed ee Mbagatti maalintii Talaadada, kadib markii uu si guul iyo is-afgarad ah ku soo dhameeyay khilaafkii dastuuriga ahaa ee toddobaadkii la soo dhaafay hareeyay DGPL.

 

 

Fiidnimadii Isniinta ayaa la soo afjaray khilaafkii dastuuriiga ahaa ee soo kala dhex galay Madaxda sare ee DGPL, gaar ahaanna madaxweeynaha iyo ku-xigeenkiisa. Shir ay ka soo qayb galeen labadaas masuul, isimo, goleyaasha dawladda Puntland iyo dadwayne kale ayaa looga dhawaaqay arintaas.

 

Wararka Kale Yamayska Riix Halkan

 

 

 

 

Shirkan oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, waxaa qaban qaabadiisa gacan wayn ka geeystay koox haween reer Puntland ah oo is-biirsaday kuwaasoo labada mas’uul culays ku saaray inay xalliyaan khilaafkooda.

 

 

Khilaafka masuuliyiinta ugu saraysa Puntland oo ka dhashay isku baddalkii Madaxwayne ku-xigeenku ku sameeyey wasiiro ka tirsan dawladda oo markaas kadib madaxwaynuhu ka hor yimid, ayaa lagu dhameeyey in wasiirka maaliyaddu uu sii ahaado Cabdiraxmaan Faroole, wasiirka caafimaadkuna Siciid Cadduur.

 

 

Madaxwayne ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka laabtay go’aan uu horay u gaaray oo ahaa inuusan kusime-madaxwayne sii ahaan doonin maaddaama aan la tix–galin go’aankii uu ku gaaray in uu isku baddalo mas’uuliyiintii wasaaradaha maaliyadda iyo caafimaadka.

 

 

Inkasta oo uu Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ku qancay in uu dib uga noqdo go’aannadiisii isku baddalka wasiirada iyo kii ka tanaasulka xilka ku-simaha madaxweeynaha ayaa haddana waxaa xusid mudan in Maxamed Cabdi Xaashi si wayn ugu adkeeystay in ay lama huraan tahay in la xaqiijiyona ay waajib tahay kala dambeynta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo sidoo kale in wax laga qabto dhaqaalaha Puntland oo uu sheegay inuu burbursan yahay, arintaas oo laysla qaatay si waynna loo soo dhaweeyay maamul ahaan iyo shicib ahaanba.

 

 

Go’aanada Isniintii daaha laga qaaday ayaa u muuqday kuwo ay labada masuul horay bannaanka ugu soo dhameysteen, waxaana madaxwayne ku-xigeenka halkaas ku gacan qaaday wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Faroole oo la rumeysan yahay in khilaafka kala dhexeeyey madaxwayne ku-xigeenku uu sal u yahay ismaan-dhaafka oo dhan. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa markaas kadib isna wuxuu gacan qaaday Madaxweynaha DGPL Md. Cabdullaahi Yuusuf.

 

 

Tallaabo kale oo la rumaysan yahay in ay daba socoto dareenka Md. Xashi ee ku wajahan ahamiyadda ay leedahay in la ilaaliyo kala danbeeynta iyo ilaalinta dastuurka ayaa Md. Cabdullaahi Yusuf waxa uu Garoowe ka soo saaray war-murtiyeed uu si weeyn ugu xusay isla arintii uu madaxweeyne ku-xigeenku ka hadlay.

 

 

Qoraalkaas oo uu madaxweeynuhu ku taabtay meelo badan ayaa arimihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa:

 

 

In laraaco lana fuliyo nidamka iyo kala danbaynta dhamaan shuruucda Dawlad-gobooleedka Puntland oo sida uu sheegay lama huraan u aha jiritaan Puntland.

 

In la sugo lana adkeeyo amniga guud ee deeganka Dawlad-gobooleedka Puntland

 

In la habeeyo lana xasiliyo dhaqalaha Puntland si loo helo horukac dhaqale.

 

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa qoraalkiisu culayka saaray in dowladnimada dalku ku xiran tahay kala danbaynta iyo kala amar qaadashada madaxda kala duwan ee dowlada, iyo in la ilaaliyo sharciga dowlad goboleedka Puntland.

 

 

Tallaabada lagu dhameeyay khilaafka madaxda dawladda ayaa si wayn looga soo dhaweeyay degaanada PL, inkasta oo ay dad badani qabeen in is-mmaandhaafkaasu ahaa wax aan sidaa u sii buurnayn.

 

 

Dhanka kale, habayaraatee, ma ayan jirin wax uu khilaafkaasi u geeystay hab-sami u socodka maamulka iyo agaasinka hawl-maalmeedka dawladda, iyada oo ay dad badani qabaan in wax walba oo u dhexeeya madaxda iyo shacabka reer PL si fudud loo dhamayn karo mar haddii ay arintu ka madaxbannaan tahaya gacan saddexaad.

 

 

Waa markii labaad ee uu Md. Cabdullaahi Yuusuf oo ka mida musharixiinta ugu cad-cad ee madaxtinimada Soomaaliya ku noqdo gogosha nabadeeynta, iyada oo muddo laga joogo wax laba biloood ka yar madaxweeynuhu halkaa ku noqday kadib markii isaga iyo Jen. Cadde Muuse soo af-jareen khilaafkii ugu xumaa ee abid soo mara dadka reer Puntland, kadib markii ay Boosaaso ku soo saxiixeen heshiis lagu soo af-jaray collaaddii haraysay degallada PL sannadkii 2002-da.

 

 

Guulahaas siyaasadeed ee uu sida is-dabaa jooga ah u soo xaqiijiyay mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa sida dad badani qabaan waxa ay sii xoojinayaan dadaalka uu ugu jiro hanashada hogaanka sare ee Soomaaliya, taasoo uu ummadda Soomaaliyeed u muujiyay in uu yahay shakhsi ficil u baddali kara waxa uu afka ka sheego ama uu aaminsanyahay.

 

 

 

Xigasho wargayska Yamayska cadadkiisii shalay kasoo baxay magaalada Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this