Sign in to follow this  
Somalina

My Tribe

Recommended Posts

Somalina   

Originally posted by NASSIR:

Nina, ciyaalka xaafada or Ice Cube's 'boys in the hood', any common features btw the two?

 

 

Mida kale, sawiradaan Turkana miya mise Masai, the lost cousins of Amhara, Oromo or Tigrai

 

 

I didn't know you were related to Amhara?
:D

:D:D I'm not related to Amhara c'mon now.

 

Sawirada ugu horeeyana tribe-kaas you were very close, Masai ayay u dhowyihiin (related), oo waa Samburu tribe oo dega NFD.

 

Ulajeedada dhan waxay ahayd dadka nabada haysta wejigooda ayey ka muuqataa oo wey ka duwan yihiin kuwaan haysan.

Ma garan kartaa waxyaabaha aan ka baran karno sawiradaan?

 

Ciyaalka Xaafadana waxay ilaaliyaan their turf just like Ice Cube's 'boys in the hood'. Waa intaas bas. smile.gif

Adiga ciyaalka xaafada oo SOL ma rabtaa inaad ka mid noqoto?

Haddii aad ka mid noqoto, waxaad helaysaa 24/7 protection, qosolkana waxbaa lagaa siin marwalba. Ka soo fikir. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Originally posted by NinaNC:

^^^ciyaalka xaafada waa group ka wada tashta arrimaha gudaha.

Degmooyinkeena dhan ayaan isu wada keeney oo hal maamul u sameyney. lol

Che ayaan ka war sugaynaa.

 

p.s. peace kii helaa barwaaqeysan

4.5 miyaa ciyaalka xaafadana kuraasta ku qaybsadaan? mise nidaam kale baa jira?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

lol..wax 4.5 la dhaho ma naqaano mana aaminsanin, xaasidnimadaas maba naqaano.

Waxaa lagu kala baxaa yaa turuufo badan oo firfircoon. Afkaada yoo ku ciilin nidaam ah ayaa degan oo demuqraadiyad ku habeysan tahay. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

^^^Maya maya. Turuufada maa mid habeysan oo lagu kala baxo, lacagna meesha ma taal oo musuqmaasuq loo galo. CX waa peace loving community ee naga daa cayda.

2uel8k8.jpg

Mise dhibka dhan waxaa waaye inaad geeljirenimada ku raagtey? icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Run sheeg waa belo sheeg baa soomaaliyi hore u tiri, wax toosi uun baan is lahaa, ee marna aflagaado meesha uma iman. Mida kale, Ninay hashaasi summadii reerkayaga bay leedahay ee xaggaad sawirkeeda ka soo heshay? Alla maxaan caano ka dhamay oo weliba duur cidla ciirsi la'a ah la maray.

 

Bal tixdan ila yara eeg:

 

....

Dhool caano lagoo soo lisay, oo yara dhanaanaaday

Marka aad dhadhamisaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane

Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhamma galxoorkooda

Qodxihii dhallaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye…”

 

Sidaas buu gabaygu ahaan jirey haddase waa la casriyeey maadaama geel jiruhu gabaabsi noqday, oo qurbo la soo wada galay, bal hoos ka yare dheeho sida loo bedelay.

 

Dhuuxaa karaaciinka iyo, dhirahaan qooshaayo

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane

Dhufashada malqaacaddaa farxadi, kugu dhammaataaye

Dhumuq markaad ka siisaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye

Waxa dhaba habeenkaa haddii, roodhi lagu dhuuqo

Qushkii dhallaanimo kugu galaa, kaaga soo dhiciye…

 

Hana iga gaagixin oo geela dhankiisa marna ha iga marin smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ii jilce the following fadlan:

Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhamma galxoorkooda

Qodxihii dhallaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye…”

Dhuuxaa karaaciinka iyo, dhirahaan qooshaayo

------

Qushkii dhallaanimo kugu galaa, kaaga soo dhiciye…

------

It sounds like an ad for t.v oo caano geel la buun buuninaayo.

:D

 

------

2400025088_4d78cf471e.jpg

 

3636233005_243ca76341.jpg

 

444105596_9e4175a5a8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waa hagaag aan ku hor maro qaybta hore ee gabayga:

 

Dhool caano lagoo soo lisay, oo yara dhanaanaaday

Dhool waa hal (she camel) magaceed, yare dhanaanaaday = waa caanuhu markay suusac noqdaan.

 

Marka aad dhadhamisaa jidhkaba, dhidid ku qooyaaye

Hal koob markaad ka laacdid, markaas baa wareer kuugu danbeeya, kama duwana adoo the blessed leaves buf ka siiyey oo kale

 

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane,

You only know the effect of camel milk if you only drink/experiment it.

 

Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhamma galxoorkooda

Tani anigayba igu yare adag tahay smile.gif any volunteers I ask. dhama galxoorkooda waxaa weeye yacni dhama caanahooda.

 

Qodxihii dhallaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye

In a nutshell your childhood miseries will be erased from your memory for good.

 

Qaybta labaad ee gabaygu waxay ka hadlaysaa sida casriyaysan ee loogu dabakhay gabayga waqtigan aan joogno, ee bal hoos ka dheeho fasirkiisa. Allow Alle smile.gif

 

Dhuuxaa karaaciinka iyo, dhirahaan qooshaayo

War karaaciinku ma calooshuu ahaa mise madaxa, miduun ka soo qaad iyo dhirahan qooshaayo, dee waa today's smoothes iyo what have you

 

Qushkii dhallaanimo kugu galaa, kaaga soo dhiciye

Oo la micno ah wax kasta oo xun oo kugu dhacay caruurnimadaadii baad ku ilaawaysaa.

 

 

Hope that helps.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taleexi:

4.5 miyaa ciyaalka xaafadana kuraasta ku qaybsadaan? mise nidaam kale baa jira?

Taleexiyow meelbaad nooga dhacdey :mad:

 

LooooL@Wardhiigley..maya aniga ciyaal bilaajo ahaa the place was full of Somali Yemenis including reer Naaji markii danbana ciyaal yaaqshiid laakin reer Wardhiigley shirabkooda waas xasuustaa

 

Washington waabab waaye

Inta kale wa kaalad waaye

Wardhiigley wasaarad waaye smile.gif

 

Nina...Igaar q@ldaan wiririf ah haduus kudhaho marwo micnaheeda soobax liido ii raac waaye ee warka soodaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Aad ayaad u mahadsan tahay intaad sharaxdey, inta kalena adeeradey geeljireyaasha ayaan telephon u diraayaa soon.

 

Hadda, caano geel with baraf intee laga heli karaa. lol...soor ayuu ku fiican yahay caano geel.

 

Horta geelka sidee loogu yeeraa? ma loo fooriyaa mise qalab kale ayaa la isticmaala?

-----

lol@Che, waa ku fahmey, good looking out. Mansa Allah ha garab galo. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this