Barwaaqo

Xeradii Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho oo ay boobeen Ciidamo & Wararkii ugu danbeeyay

Recommended Posts

Holac   

Tababarayaashii Imaaraadka Oo Iskaga Baxay Muqdisho & Iyo Ciidamo Boobay Xaruntoodii.

Muqdisho ( Mareeg News ) Qaar ka mid Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada ee Imaaraadka Carabta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay Boobeen agab yaalay Xarunta oo ay maanta ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qaateen Agab Ciidan qalab lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Dhinaca kale Saraakiil ka mid ah Ciidamada Milatariga ee ku sugnaa xaruntaasi ayaa beeniyay in Ciidanka wax boobay ay ka mid ahaayeen Ciidamadii xarunta ku sugnaa.

Saraakiishaan ayaa sheegay in agabka la qaatay oo u badnaa Gaadiid Ciidan ay qaateen Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo aan ka tirsaneen Ciidankii Imaaraadka Tababaray.

Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga ilaa hadda kama hadlin wararka sheegaya in la boobay agab ciidan oo yaalay Xarunta Tababarka Imaaraadka ee Muqdisho.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

La soco wixii ku soo kordha.

https://mareeg.com/tababarayaashii-imaaraadka-oo-iskaga-baxay-muqdisho-iyo-ciidamo-boobay-xaruntoodii/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Sheekadan waykaduwantahay kuwii hore. The question who looted the place? 

 

41 minutes ago, Holac said:

 

Saraakiishaan ayaa sheegay in agabka la qaatay oo u badnaa Gaadiid Ciidan ay qaateen Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya oo aan ka tirsaneen Ciidankii Imaaraadka Tababaray.

 

https://mareeg.com/tababarayaashii-imaaraadka-oo-iskaga-baxay-muqdisho-iyo-ciidamo-boobay-xaruntoodii/

You have to give credit those good soldiers who did the right thing and punishment those who looted.

This is problem in somalia. In  America, rites loot every time they got opportunity. People will loot but they have to know it will a price to pay your crime. There is no price to pay somali today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.