Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Awdal Leads the Somaliland Literature Competition

Recommended Posts

Munaasibad Balaadhan oo lagu so oaf-mareeyay Tartan Dhinaca Gabayada ah oo laga soo hir-galiyay 6-da gobol ee dalka, isla-markaana ay ku tartamayeen Suugaanyahanada da’dayar ee Somaliland ayaa caawa lagu qabatay hoolka wayn ee Jaamacada Hargeysa.

 

Tartankan oo uu soo qaban-qaabiyay Ururka Nabada iyo Dimuqraadiyada ee Geeska Afrika, oo fadhigiisu yahay wadaka Finland, hal-ku-dheggasiinu ahaa Tartanka Gabayada Nabadaynta ayaa waxa kaalinta koowaad ee horyaalka Suugaanta Dhalinyarada ku guulaystay gobolka Awdal.

 

Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada, Md. Cabdicasiis Samaale oo Munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ku bilaabay sidan; =“Mustabalka Abwaanadeenu inoo soo ifayo waxa ina dareensiinaysa munaasibadan tartanka gabayada dhalinyarada ah. taasoo muujinaysa inaynu leenahay rag gabayaa ah oo bedeli kara Hadraawi, Gaariye iyo Abwaanada kale ee la midka ahba ”

 

Jaamacada Hargeysa oo iyada marti loogu ahaa Hoolka ay munaasibadani ku qabsoontay ayaa waxa halkaasi hadal baan ah oo uu ku muujinayo sida ay qayb libaax uga qaadato Jaamacada Hargeysa dhisida fanka iyo dhiiri-gelinta suugaanta ee dhalinyarada Gudoomiyaha Jaamacadaas, Dr. Bulxan. “Jaamacada Hargaysa waxa ay u guntatay inay hoy u noqoto dhisitaanka Sugaanka. Waxaanan ku faraxsanahay oo aan soo dhawaynayaa dhalinyarada is abaabushay Gobol kasta ha ka soo jeedaane, waxaan idinku amaanayaa dadaalka aad u hurteen samayntii iyo hal-abuurnimadii Gabayadan aad ku tartamaysan. Sugaantii iyo cilmigii la uruuriyey oo dhan Xamar ayaa loo wareejiyey. Dabadeed waa tii ay dagaaladu halkaas ka dhaceen oo waatii wax kastaaba burbureen. Markii aan Akademiga nabada iyo Horumarinta Somaliland aan Gudoomiyaha ka ahaa, waxaa noo qarsoonayd in aanu waxaas idiin soo celino, isla markaana aanu nabad-gelyada waxii aanu ka qaban karno aanu ka qabano.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa.

 

“Ururkan waxaanu aasaasnay 2005-tii, waxaana u qabsoomay intii uu jiray waxyaabo badan, oo waxa uu shaqooyin ka qabtay wadanka dibadiisa. Waxaana nagu kallifay in aanu Ururkan aasaasno, markii aanu wadankaas Finland joognay ayaa waxaa noo muuqatay in aanu ka faa’idayso waxyaabaha salka u ahaa inay wadankooda dejiyaan, oo Finland beryihii hore waxa ay ka mid ahayd meelo ay dagaalo baabiyeen oo aad loogu dhibaatooday, isla markaaana la soo gumaystay. Sida aad la socodtaan Somalidu waxa ay wax isugu gudbiyaan hadalka, isla markaana waxa ay aad aad u qadariyaan Gabayga oo ah shay agtooda qaali uga ah, sidaas ayaanuna ku soo qaban-qaabinay tartanka, waxaana aanu ugu talo-galnay in uu kaalin muhiim ah ka qaato kor-u-qaadista ilaalinta nabad-gelyada” Sidaa waxa ka yidhi Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Nabada iyo Dimqraadiyada Geeska, Mr. Maxamed Cirro oo faahfaahin ka bixinayay sababta keentay inay isku hawlaan tartankan nabada lagu cabirayo suugaanta.

 

Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi oo kaalina ay sugaantu kaga jirto hormarinta iyo dib-u-dhaca nolosha labadaba. Isaga oo arrintaas ka faaloonayana waxa uu yidhi; “Soomaalidu Shayga keliya ee ay maqashaa waa Gabayga, oo Gabaayaagii xilliyadii hore colaado huraya ayay Gabay ku demin jireen oo ay nabad ku keeni jireen. Nabadna Colaad ayay u bedeli jireen oo reero dhan ayay isku dhufan jireen Gabay darteed.” Ayuu yidhi Axmed Aw Geedi,

 

Tartankan oo ay Garsoorayaal ka ahaayeen Suugaanyahano uu ka mid yahay Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Maxamed Jaamac Kayd iyo Abwaan Muuse Cabdi Cilmi waxa ku tartamayay Lix wiil oo ka kala socday gobollada Lixda gobol ee wadanka.

Kuwaas oo kala ahaa;-

Maxamed Cismaan Budul oo ka socday Gobolka Awdal, la shir-yimi tartanka Maanso uu Hal-ku-dheggeedu ahaa Sow Nabadu Gogol Maaha, Maxamed waxa uu noqday Wiilkii galay Kaalinta Koowaad ee Tartanka, guushaasna u hooyay gobolkiisa.

Siciid Maxamuud Gahayr oo ka socday gobolka Hargeysa, oo galay kaalinta Labaad, lana kuna tartamay Maanso la yidhaahdo Duni-Bila, waana wiilkii galay Kaalinta Labaad.

Cabdirisaaq Maxamuud Bile oo ka socday Gobolka Saaxil, oo Maansada Nabad-doon ku tartamay Kaalinta Saddexaadna ku guulaystay.

Waxa xusid in Maxamed Jibriil oo ka socday Gobolka Sanaag, kana tiriyay goobtaas Maanso la yidhaahdo Dalku Wuu Camiran yahay, Axmed Cabdilaahi Jaamac oo ka socday gobolka Sool kuna tartamay Maanso la yidhaahdo Guddida Nabada iyo Axmed Cabdi Xirsi oo ka socday gobolka Togdheer oo ka tiriyay Maanso Hogo Tusaale ay guddigii xeer-beegtida Suugaanta ahayd ay tilmaameen inay kuadkaatay sidii ay u kala saari lahaayeen, wanaaga iyo mugga suugaanta ay goobtaas ka tiriyeen darteed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Cismaan Budul oo ka socday Gobolka Awdal, la shir-yimi tartanka Maanso uu Hal-ku-dheggeedu ahaa Sow Nabadu Gogol Maaha, Maxamed waxa uu noqday Wiilkii galay Kaalinta Koowaad ee Tartanka, guushaasna u hooyay gobolkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

Qalbi-dhagax, What do you feel when you hear the word "Somaliland" ?? ,,,

lol. The same feeling you get when you hear positive news about the rest of somalia, you hateful reer baadiye propagandist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You should stop calling people names and just be a adult sxb. If you don't agree with something, just express your concerns. There is no need to constantly attack people. You need to grow up adeer.

 

Me and you are very simialr qalbi adeyg and have alot in common from what you write on your posts.

I am not your enemy brother. I just dont like the fact your aggressive and bully people. Sida Kaale, just chill and be cool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by -MARX-:

You should stop calling people names and just be a adult sxb. If you don't agree with something, just express your concerns. There is no need to constantly attack people. You need to grow up adeer.

 

Me and you are very simialr qalbi adeyg and have alot in common from what you write on posts. I am not your enemy brother. I just dont like the fact your aggressive and bully people. Sida Kaale, just chill and be cool.

lool. Here's a word of advice, if you don't want someone to insult you, don't initiate an insult first. Comprende chief?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walee Awdal show waxbay qarsanaysay ,,,,, I thought it is the eastern side when it comes to the literature ,,, cajiib ,,

 

 

kudoos to the youth ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this