Sign in to follow this  
Maaddeey

Universal TV broadcasts cartoons depicting the Prophet

Recommended Posts

Juxa   

for whats worth, maaddeey wuu ogyahay alle inaan lakala xigin. anaguna waan ognahay muslimiinta iney isku duceyan oo aqbal ay tahay.

 

i just wish maaddeey would admit to ineysan everything in that place eysan aheyn ABOVE-BOARD

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Edit:^^ waa runtaa arrinta ducada maahane wax kale kama hadlin, U-TV madaxaaba igu xanuuna, in la fiirsadona ma qabo, waxay xoogga saaraan xayeysiinta, barnaamijyo lacag aruursi ah (kan Cag ma dhige oo kale) lakin ninba dooqi! :D

 

Haatu, ama go'aan ma lihid ama sida warka loo sheegaadan garanayn!.

 

Juxa, Haatu ma taqaanid miyaa? 4 wadaad aa luuq la gashay, oo u sheegay in Madaxda dalalka Islaamka inaan waxba laga sheegin oo 'Umaraa'ul Mu'miniin' yihiin, waa ku bar gooyeen, intii loo sheegay wax dhaafsiisan markey dooddu timaado maxow sheegaa hee? :D

 

'Sidey ila tahay' & 'Insha Allah' sidaan u raaciyo sow maadan arag!, qofkii xishoodka ka dhamaaday ee been cad & inkirmaad la soo taagan sow in la 'name & shame'gareeyo maaha?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by Maaddeey:

Edit:^^ waa runtaa arrinta ducada maahane wax kale kama hadlin, U-TV madaxaaba igu xanuuna, in la fiirsadona ma qabo, waxay xoogga saaraan xayeysiinta, barnaamijyo lacag aruursi ah (kan Cag ma dhige oo kale) lakin ninba dooqi!
:D

 

Haatu, ama go'aan ma lihid ama sida warka loo sheegaadan garanayn!.

 

Juxa, Haatu ma taqaanid miyaa? 4 wadaad aa luuq la gashay, oo u sheegay in Madaxda dalalka Islaamka inaan waxba laga sheegin oo 'Umaraa'ul Mu'miniin' yihiin, waa ku bar gooyeen, intii loo sheegay wax dhaafsiisan markey dooddu timaado maxow sheegaa hee?
:D

 

'Sidey ila tahay' & 'Insha Allah' sidaan u raaciyo sow maadan arag!, qofkii xishoodka ka dhamaaday ee been cad & inkirmaad la soo taagan sow in la 'name & shame'gareeyo maaha?.

Actually there's some truth in that. Manhajkeyga waa manhajka salafi saalixda, waxaanu raaca amarka culumadda islaamka oo saxda ah oo aad ku ogtahay Sh Muqbil, Sh Jaabiri, Sh Albaani AUN inta dhimatey. Ayaguna waxey umadda baraan inaan la aflagaadeeynin madaxa muslimiinta oo la samro. Marka wax walbo oo dhan oo aad igu sheegtid, I am free from it. Marka maxaa kaloo heysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Culimo ka hadashay Hajabaadda UNIVERSAL

 

Qaar badan oo kamid ah Culimaa'udiinka Soomaaliyeed oo caawa ka hadlay warkii TVga Universal ayaa si kulul uga jawaabay go'aanadda ay qaateen Ururka Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ee ahaa in ay ridoobeen Universal TV isla markaana aanay ogolaan doonin cudur daarkii iyo khaladkii lama filaanka ahaa ee maamulka Tvgu ay ka towbad keeneen kadib markii wariyaha Universal ee Koonfur Afrika uu labo second cameradda ku qabtay Jaraaidkii aflagaadada u gaystay Nabigeena Muxamed (SCW) xilli uu ka hadlayay sida Muslimiinta dalkaasi ay uga horyimaadeen jaraa,idkaasi iyo culimadda dalkaasi oo ka hadlayay difaacidda nabiga.

 

Culimadaasi oo uu kamid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo jooga Nairobi ayaa sheegay in ay khaldantahay xukunkaasi oo liddi ku ah Islaamka, waxaa uu xusay in aan lagu mashquulin khalad lama filaan ah oo ka dhacay qof difaacayay Nabigiisa isla markaana uu isagu ku qanacsan yahay Raaligalintii iyo tawbadkeenkii Universal TV ee BBCSomali ka baxay iyo Universal TV. Sheikh Umal waxaa uu ka digay fatwadaasi khaldan ee lagu kadin karo dadka caamadda ah iyo kuwa aan wax hubsanin.

 

Sidoo kale waxaa uu si weyn uga hadlay in TVgu uu ka qaybqaato Khayr badan oo ay dhiseen Masaajid badan isla markaana ay isku xireen dadka Soomaaliyeed ee caalamka jooga iyo kuwa Soomaaliya jooga, cidii dana kale wadatana aysan kusoo gaban diinta islaamka oo qofka hadii uu khalad ka dhaco aan laga hor iman marka uu cudur daarto oo ilaahaygii abuurtay uu utowbad keeno.

 

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shakuul ayaa uga digay dadka Soomaalidu in ay ka feejignaadaan sida khaldan ee Warbaahinta Soomaalidu ay uga hadleen arintan oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan diinta islaamka oo ku salaysan tartan dhanka Warbaahinta ah, waxaa kaloo uu sheegay in Taleefishinku uu qayb wayn ka qaatay kobcinta dhaqaalaha, Wacyi galinta, Gargaar iyo Muxaadaraad islaami ah soomaalida caalamka ay si weyn ugu qanacsan yihiin.

 

Arimahani ayaa kadaba maray Waraysi dheer oo BBCSomali ay la yeelatay wariyaha Aljazeera ee Nairobi fahad Yaasiin oo si weyn u weeraray TVga isagoo sheegay in ay tahay arin la qorsheeyay oo aan la ogolaan karin, sidoo kale waxaa uu sheegay in TVga uu ula mid yahay isaga Joornaalkii Aflagaadada u gaystay Nabiga, waraysigaasi ayaa dad badani ay ku dagmeen.

 

Dhanka kale waxaa fahad yaasiin uu si khaldan fasiraad uga bixiyay Waryisigii isla BBCda ka baxay ee lagu waraystay Eng Axmed Abubakar oo si weyn u cadeeyay khaladka dhacay iyo raaligalinta ay ka bixiyeen oo uu ku sheegay mid aan la ogolaan karin, eryada kale ee uu ku talax tagay waxaa kamid ah in Universal dacwad lagusoo oogo sidoo kale waxaa fahad uu sheegay in aanu arkin in uu TVgu tawbad keenay xilli lagu shaaciyay TVGa iyo Bogiisa Internetka Cudurdaarkaasi iyo tawbadkeenka la gaarsiiyay daawadayaasha meel kasta oo ay joogaan.

 

Wararkan Dacaayadaha ah oo dad badani ay aaminsan yihiin kuwo dan laga lahaa waxaa ay sababeen in loo hanjabo dhamaan wariyayaasha iyo Shaqaalaha TVga ee ku sugan Muqdisho, gaar ahaan Wariyaha TVga ee Koonfur Afrika, Maamula Eng Axmed iyo Ridwaan Haji oo isna kamid ah Wariyayaasha sida weyn u bixinayay raaligalintaasi kadib markii uu dhacay khaladkaasi lama filaanka ahaa.

 

Onkod News, London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^Sh. Muqbil & Albaanee ka reeb!, sow ma ogid fatwda Albaani ee Xarbul Khaleej, Jaamacadda Madiinana aakhirkii laga fasliyey!, iyo In Sh. Muqbil laga soo eryey Sacuudiga isagoon dhameysan Diktooraah!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^Horta waxaan soo qoray fahma (Haatu & Adi), dad 2 sadar oo Af Soomaali waadix ah fahmi karin, maxaya Masaa'il mucaqqad ah oo masiirka umadda ka sheegayaan?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this